Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay halka lagu fogeeyo qashinka laga saaro Hargaysa oo ka cabanaya nolol xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
October 12, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas la dajiyay halka lagu fogeeyo qashinka laga saaro Hargaysa oo ka cabanaya nolol xumo

Aamina Cawl Xirsi iyo Ifraax Haybe Warsame oo hor taagan buush yar oo ay ka degan tahay xerada Qasaali/ Sabah Mohamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaalada caafimaad darro ah oo ka dhalatay nadaafad xumo uu ku sababay qashin lagu aruuriyo halka ay degan yihiin ayay wajahayaan in ka badan 500 oo qoys oo ku nool xerada Qasaali oo 20 km dhanka bariga ka xigta Hargaysa.

Waxaa u wehliya cuno xumo iyo daruufo kale. Xaaladaan waxay wajahayaan illaa bishii June, markaas oo dowlada hoose siisay dhul u dhow goobta la geeyo qarashinka, dhiiga iyo uuska xoolaha la qalo.

Cudurro aysan horay u qabin oo ay isku arkeen ayay aaminsan yihiin in ay ka qaadeen, balse ma aysan helin baaritaan iyo daaweyn. Dadka ay caqabadaan haysato waxaa ka mid ah qoyska Aamina Cawl Xirsi.

Waxay sheegtay in iyada iyo carruurteedu ay 2 bil ee u danbaysay iskugu darsameen shuban, kor cuncun, qufac iyo qandho aysan welli ka bogsoon. Qarash ay isbitaal ku tagan ma awoodo xeradana kuma yaallo.

Waxay sheegtay inaysan jirin dhaqaatiir ku xaqiijisay cudurrada haya ama la tacaashay, balse ay calaamadaha isku arkeen.

“Diqsi iyo masas ayaa nooga soo baxa oo cabsi ayaan ku jirnaa. Subax kasta waa lagu soo shubaa. Waxaa nagu dhacay shuban iyo xasaasiyad. 60 jir ayaan ahay awoodii waa iga tagtay xanuunka awgiis.”

Waxay ku nool yihiin buushash yar yar oo kaabiga ku haya qashin qubka ugu weyn Hargaysa. Diqsiga ka soo duula ayaa ku dega weelasha, cunnada iyo dushooda, waxaana u dheer ur badan oo aan loo adkaysan karin.

Aamina ayaa sheegtay in ay ka joogsadeen shaqooyin dhar-dhaqid ah oo noloshooda ay ka maarayn jirtay. Waxaa isku raacay meesha la geeyay oo ka durugsan magaalada Hargaysa oo ay ka xamaalan jirtay iyo xanuunka saameeyay oo tabar la’aan ku sababay.

Waxay kali ku tahay korriinada 7 carruur ah oo uu dhalay wiilkeeda uu horay u geeriyooday. Ma lahana ehel taageera iyo meel uu dhaqaale ka soo galo midna. Culaysyadaan isku raacay ayaa u horseeday in ay wajahayaan xaalad adag oo cunno xumo ah.

Aamina ayaa sheegtay in 24 saac ay hal mar karsadaan nus kiilo raashin ah oo dariska dhaama ay marmar ku caawiyaan, maalinkii aysan ka helin ayay xustay in ay wajahayaan gaajo iyo murug.

“Saaka rooti yar ayay ii keentay gabadh dariska ah. Maanta oo dhan waxba ma aanan karsan, caawana ma hayno, walal iyo wiil midna ma lihi. Cid I caawisa oo aan ilaahay ahayn ma jirto.”

Aamina ayaa sheegtay in xerada ay degan yihiin aysan lahan ceel-biyood. Waxay Toddobaadka dhan isku celceliyaan 40 liitar oo khamiis walba ay u keento waasaaradda dib u dajinta Soomaaliland, kuwaas oo aan ku filnayn.

Waxaa intaas u dheer in ay dhamaan ilmaheedu waxbarasho la’aaan yihiin. Waxay sheegtay in xeradu aysan lahayn xarun iskuul, aysanna hayn qarash ay ku gayso kuwo magaalada ku yaalla.

Waxay ku nool yihiin hal buul oo ka samaysan maryo duug ah iyo geedo aan roobka iyo qoraxda ka celin karin, sidoo kalena cariir ku ah.

Waxay sheegtay in marka ay dabaysho ku dhacdo ay si sahlan u dubaan oo ay dib dib u dhisto maalin kasta.

“Markii aan magaalada u dhowayn carruurtu iskuul iyo dugsi bilaasha ah ayay ii dhigan jireen, balse hadda waa ka joogsatay oo gaari raaca uma helayo. Qofkiiba $1. Toddobada carruurtaa haddii aan dirayo waa in aan $7 bixiyaana mana hayo.”

Aamina ayaa sheegtay in xerada Naasa-hablood oo ay ku noolaayeen 17 sano ay ka helayeen waxbarashada carruurta, suuq iyo shaqo marmar ay ka heli jireen shaqooyin nadaafad ah.

Dowlada hoose ee Hargaysa ayaa ka soo rartay, markii dadkii dhulka lahaa ay codsadeen in loo baneeyo. Waxaa qoyskasta la siiyay 19 mitir oo dheerar iyo ballac ah.

Waxay la’yihiin awood ay ku dhistaan iyo adeegyadii aas-aasiga ahaa, magaaladana waa ka fog yihiin

Dowlada hoose oo dhibaatada dadkaan aan la wadaagnay ayaa ka gaabsatay in ay faahfahin ka bixiso, balse waxay sheetgay in shirkadda Maandeeq oo qaabilsan qallitaanka xoolaha iyo maaraynta wasaqda ay masuul ka tahay goobta laga cabanayo, ayna ka filayaan in ay xaliyaan.

Dhanka kale madaxda shirkaddaan oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in goobtaan ay qorshaysay dowlada hoose, balse waxay diideen in ay ka jawaabana cabashada qoysaskaan.

Qoyska Ifraax Haybe Warsame oo toddoba qof ah ayaa ka mid ah dadka ay saamaysay nadaafad xumada ka jirta xerada Qasaali.

Waxay sheegtay in cudurrada ka dhashay urka ay u dheer yihiin xayawaano dhiiga soo raacay oo qaarkood ay carruurta iyo dadka waa weyn soo weerarayaan.

Waxay sidoo kale cariiri ku qabaan musqulaha. Dadka oo badan iyo dhamaan adeegyada aas-aasiga ah oo aan meesha ka jirin iyo caqabada ka dhigay mid weyn.

Waxay sheegtay in qofkii banaanka u baxa ay waraabeyaal soo weerarayaan.

“Suuli gaar ah ma lihin oo boqollaal qoys ayaa 3 xabo wadaagaya. Diqsigii ka soo baxa wuxuu galaya weelkii ilmuhu wax ku cunayeen, waana ku shumeen.

Ifraax waxay la nooshahay cudurka sonkorowga oo dhaqaatiirtu ku xaqiijisay waqti hore. Waxay sheegtay in aysan iibsan karin daawada kaalmaatigaa oo ay joogto ugu baahan tahay.

Marmar ayay $1 ama $2 ka hesha qaraabo ay u dan sheegato, taas oo ay u qabiso kaniinkeeda iyo wax ay hal mar u cunaan carruurtu.

Maalmaha aysan waxba ka helin waxay sheegtay in ay sonkortu ku kacdo. Carruurtana aan dabka loo shidin. Xaaladaan adag ayay kali ku tahay. Ilameedu waa agoon waana yar yar aan shaqayn karin.

Markay roonaato waxay u lugayso magaalada Hargaysa oo ka durugsan si ay uga soo raadisho shaqooyin nadaafad ah. Inta badan galabtii ayay dib u soo laabataa iyadoo aan waxba soo helin.

Fursadaha oo yar iyo shaqo doonka oo badan ayay u sababaysay.

“Gaajo ayaa loo baqtinayaa. Ilamaha qaar ayaan istaagi karin nafaqo xumo ayaa ka muuqata. Cudurro iyo tabar xumo ayaa iskukaaya raacay, markii cunno dheeli tiran la waayay.”

Ifraax ayaa sheegtay in ay ku adag tahay helitaanka biyaha. Waxay tashiishtaan 3 labaatan qaad oo toddobaadkii ay hal mar u shubaan booyada ay u keento wasaaradda dib u dajinta Soomaaaliland.

Waxay degan yihiin buur korkeed oo aysan baabuurtu soo gali karin. Arintaas ayaa ku qasabtay in ay dusheeda ku soo qaado biyaha yar ee lagu caawiyo. Waxay kala kulantaa daal, dhabar xanuun iyo culays badan.

Dhib kasta oo ay ka marto haddana kuma filna qoyskeeda oo sagaal qof ah, balse doorasho kale ma lahan.

Qoyskeeda ayaa sanadkii 2009 ka yimid miyiga deeganka Salaxley, markii ay roob la’aan iyo cudurro isku raacay uga dhamaadeen 80 ari ah oo noloshoodu ku tiirsanayd.

Dhanka kale dhaqtar Cabdirashiid Cabdiraxmaan oo ka howlgala isbitaallka Mahdi ee magaalada Hargaysa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in cayayaanka ka soo duula wasaqda, urta iyo qashinka yar yar ee ay dabayshu qaadayso ay si fudud u gudbin karana cudurro kala duwan.

“Diqsiga cagaaran wuxuu gudbin karaa xanuun halis ah oo ku dhaca mindhicirka, caloosha iyo sambabada. Cudurkaas wuu faafi karaa dhimasho ayuuna sababi karaa. Maalin kasta waxaa la ii kulanaa carruur shuban deg deg ah ku dhacay waana nadaaf xumada.”

Wuxuu tilmaamay in ay muhiim tahay in qashinka laga fogeeyo meelaha ay dadku ku nool yihiin, in lagu ku dadaalo isticmaalka biyo nadiif, jeermis dileyaal iyo agabyada nadiifinta intii.

Qashinka aan si wanaagsan loo marayn iyo haraaga xoolaha dhintay waxay saamayn caafimaad ku yeelan karaan nolosha dadka iyo deegaanka, iyagoo sababi kara faafitaanka jeermiska, wasakheynta hawada, biyaha iyo in ay soo raacaan xayawaano waxyeelo gaysan kara.

Previous Post

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

Related Posts

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

October 9, 2026
Dadkii fatahaadda Beledweyne ku barakacay oo bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahoodii
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar ku nool Bari

October 8, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen

October 7, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo iyo faquuq ka saaray suuqyada Dhadhaab

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-OCT-2026

IDAACADDA 12-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2026
October 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-OCT-2026
October 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-OCT-2026
October 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-OCT-2026
October 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo