(ERGO) – Waxay ka soo tageen guryihii iyo beerahii ay ku tiirsanaayeen, si ay waxyeello nafeed uga badbaadaan tan iyo horraantii bishii September in ka badan 1,700 oo qoys.
Duqaymo iyo dagaal toos ah oo dhowr mar dhacay, wellina socda ayaa ku qasbay in ay soo baxaan iyagoo faro maran.
Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ayay ku wajahayaan duleedka deegaannka Jannaale oo ay soo maciin bideen.
Waxay ka soo barakaceen tuulooyinka Siigaale, Malable, Oow-gunji, Buula-alondi iyo kuwo kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Aweys Cabdi Isaaqoo dadkan ka mid ah ayaa sheegay in tan iyo 2 bishii September ay daruuf adag ku haysato Jannaale.
Raashin hal mar aan si fiican u deeqin oo beeralayda deegaanku ku caawiyaan ayay ku tiirsan yihiin. Wuxuu xusay in carruurtiisa oo 4 jir ugu yar yahay ay u adkaysan la’ yihiin gaajada.
“Cunto iyo lacag aan ku gadano midna ma haysano. Dadka meesha aan ugu nimid ayaa wixii ay noo awoodaan na siiyaa. Madaal galey, koosto beeraha looga soo gooyo, moos iyo wixii ay noo heli karaan ayaan ku nool nahay. Markastana lama helo.”
Aweys ayaa sheegay in qoykiisa oo 12 qof ah uusan kala gaarayn raashinka yar ee ay helaan. Si uu baahiyahooda u daboolo, wuxuu deegaanka iyo beeraha u dhow ka raadiyaa shaqooyin xoogsi ah, balse uma suuragalin.
Waxay cabbaan biyaha wabiga oo wasaq ah, maaddaama aysan iibsan karin kuwa nadiifka ah oo halkii fuusta ay $2 tahay.
Dariska ayay ka baryaan caagado ay dusha uga soo qaataan wabiga oo qiyaastii 2 km u jira meesha ay ku nool yihiin. Haddii caaga loo baahdo ma heli karaan meel ay biyaha ku shubtaan.
Ninkaan ayaa sheegay in 3 carruurtiisa ah ay qandhaysan yihiin tan iyo markii ay yimaadeen. Dhaqtar ma jiro u xaqiijiyay nooca ay tahay jirrada haysa. Dhibaatooyinka isku biirsaday ayay xamili la’yihiin.
“Dhanka biyaha dhibaato ayaa naga haysta, tuubooyin ma awoodno. Caqabadaha kale waxaa ka mid ah nafaqo darro ay cunno la’aantu sababtay. Carruurtii waa xanuunsan yihiin daawana ma helayaan, malaariya, hargab iyo naqas ayaa haya.”
Qoyskiisa waxaa intaas u dheer hoy la’aan. Buul aan wada qaadin oo ay ka dhisteen geedo duurka ay ka soo gurteen iyo maryo duug ah ayay habeenkii carruurta iyo haweenka galaan, halka raggu ay banaanku seexdaan, markuu roob yimaadana masaajidka ay gabaadsadaan.
Aweys ayaa xusay in ay nolol wanaagsan ku haysteen tuulada Malable oo muddo dheer ay beeraley ku ahaayeen. Waxay ka soo tageen dalagyo galey ah oo goosasho diyaar u ahaa oo ugu yeellay beertiisa oo 3 hektar ah.
Ninkaan ayaa sheegay in loo haysto qarashkii uu beerta galiyay iyo daymo kale oo reerkiisa uu ugu qaaday waxyaabo ay u baahnaayeen ka hor barakaca.
“Lacag $450 ah ayaa iiga baxday dalagii ugu danbeeyay. Wallaahi habeen ma seexan karo oo nambarkii u soo waca ninkii igu lahaa ayaan u moodayaa. Walwal ayay igu haysaa. Wax aan hadda haysanno ma lahan oo nolosheenii hoos ayay u sii dhacday.”
Aweys waxaa waxbarasho la’aan ka ah 5 carruurtiisa ah oo deegaankiisii uga dhigan jiray dugsi Qur’aan iyo iskuul hoose oo gaar ah. Wuxuu qofkiiba ka bixin jiray $10 oo hadda uusan awoodin.
Gobolka Shabeellaha hoose oo deegaanno ka tirsan ay Shabaab haystaan waxaa joogto uga dhaca dagaallo. Dadka ku nool meelaha la beegsado waxay dhibbane u noqdaan waxyeello naf iyo maal ah.
Aamina Xasan Cali, saddex carruurteeda ah iyo labadeeda waalid oo da’ ah waxay dulsaar ku yihiin reer aysan aqoon u lahayn oo degan magaalada Jannaale tan iyo 8 September.
Maalinkii ay yimaadeen ayay hooyada qoysku jidka ka soo kaxaysay, iyagoo meel cidlo ah fadhiya. Ma haystaan cunno ku filan iyo hoy midna.
Waxay la isticmaalaan raashinka iyo biyaha ay heli karaaan qoyska ay la joogaan. Waxay siiyeen hal qol oo darmo ay dhulka dhigtaan.
Ciriiriga iyo daruufaha nololeed ayay xustay in ay u adkaysan la’yihiin, balse aysan doorasho kale haysan.
“Wixii reerku na siiyaan ayaan cunnaa. Habeenkii kali ah ayaa wax la karsadaa. Carruurtu waa igu ooyaan, markii ay raashin waayaan. Xaaladu waa nagu xuntahay.”
Aamina ayaa sheegtay in ay kali ku tahay xaaladaan adag ee ay galeen. Saygeedii oo ahaa qofka kali ah ee reerka u shaqeeya bishiii sideedaad ayuu ku dhinta duqayn lala beegsaday deegaanka Malable oo ay ka soo barakaceen.
Waxaa xasuusteeda ka go’i la’ geeridiisa oo saamayn weyn ku yeelatay. Waa xaamilo aan awood karin inay shaqooyin xoogsiga ah qabato, hooyadeed waxay jirtaa 78 sano, halka aabbaheedna uu yahay sagaashan jir, carruurteedana waxa ugu weyn 7 jir.
Dhamaantood waa dad nugul, taas oo keentay in uusan jirin qof u shaqeeya xilligaan adag. Waxay ka soo tageen 13 loor oo galey ah oo markaas uga soo go’day beer hal hektar ah oo ay hal xilli-beereed ku kiraysteen $20.
Mulkiilaha ayay kula heshiiyeen inay raashinkaan qayb u siin doonaan kiradiisa, balse uma suuragalin oo dagaalka ayaa ka soo hor maray.
Aamina ayaa sheegtay inay culays ku hayso dayn $50 ah oo looga leeyahay deegaankii ay ka soo barakaceen. Waxay ku gashay raashin iyo biyo uu ninkeedu u soo qaaday, taas oo ay doonayeen inay ku bixiyaan dalaga aysan calfan.
Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Al-cadaala guddoomiyaha deegaanka Jannaale ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in guddi ay u xil saareen diiwaangalinta dadka soo barakacay oo ah kuwa aad u daruufaysan.
Waxay ka kala yimaadeen tuulooyin ku teedsan jiinka wabiga iyo miyiga u dhow oo dagaallo ay ka socdaan.
Wuxuu xusay in qaarkood ay gaarsiiyeen kaalmo iskugu jirta agab, raashin, daawo iyo lacago ganacsatada deegaanka ay uga aruuriyeen, balse aan wax badan u tarin, maaddama baahida jirta ay ka sarayso tabartooda dhaqaale.
“Dadkaan waxay soo maciin bidden deegaanka, waxayna ka soo guureen ugu yaraan 25 tuulo. Waa guri la’aan. Qaarkood waa jirran yihiin oo dhiig la’aan, maleeriya iyo cuduro kale ayay qabaan. Wax gargaar ah oo meel kale naga soo gaaray ma jiro.”
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkan ay ku soo beegmeen xilli ay roobab da’ayaan. Wuxuu xusay inay dadka magaalada qayb qayb ula dajiyeen, si ay ula wadaagaan khayraadka ay heli karaan iyo guryahooda. Qaarkood ayuu xusay inay bannaan-yaal yihiin, maaddama ay badan yihiin.










