Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya deegaan hoostaga Baraawe, markii colaad ay soo salkicisay

Jibril Osman by Jibril Osman
November 22, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas nolol xumo ku wajahaya deegaan hoostaga Baraawe, markii colaad ay soo salkicisay

Qoysas colaad ka barakacay oo hoos dagay geed si ay gabaad u helaan/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ayaa isku raacay boqollaal qoys oo bishii Oktoobar dagaal u dhexeya dawladda iyo Al-shabaab uga barakacay deegaanka Rasdaay ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay hadda ku sugan yihiin dhul miyi ah oo ku yaalla duleedka deegaanada Daaya-Doog iyo Buulo Mareer.

Axmed Xasan Cumar oo ka mid ah wuxuu muddo bil ah qoyskiisa oo 7 ah ku hayaa meel bannaan iyada oo ay da’ayaan roobabka dayrta aysanna helin wax gargaar ah.

Waxay waxay gabaad sadaan geedo aan har iyo dugsi ku filan lahayn.

Wuxuu sheegay in dantu ay ku qasabtay in ay kaalmo waydiistaan dad horay deegaanadaas u deganaa oo iyaga xitaa ah danyar ah. Waxay la cunaan hadba wixii ay helaan oo aan joogto ahayn.

“Wax aan cunno ayaa la’nahay. Hadda dulsaar ayaan nahay. Maalintii hal jeer ayaan wax cunnaa haddii aan helno. Wax yar ayaan helnaa, caloosha xitaa kuuma buuxsamayso, walaalkey.”

Axmed wuxuu sheegay in deegaankiisa uu kaga soo barakacay 30 ari ah oo uu dhaqanayay, aqal uu deganaa iyo agabkii yaallay isaga oo aan waxba ka soo qaadan.

Wuxuu la soo lugeeyay masaafo dhan 40 km iyaga oo ay ku qaadatay muddo 4 maalin ah in ay yimaadaan meesha ay joogaan, maaddama aysan wadan sahay ay safarkaas dheer ku maraan waxay ku qasbanaayeen in ay cunno iyo biyo waydiistaan dadka reer miyiga ah ee ku nool dhulka ay soo mareen.

Waxaa sidoo kale caqabad ku ahaa socdaalkooda cabsi ay ka qabeen in ay jidka kala kulmaan dagaal maaddaama dhulka dhan uu ahaa goob colaadeed.

Sidoo kale wuxuu xusay in markii uu soo barakacayay uu filayay in ay ka heli doonaan nolol dhaanta middii ay ka soo galeen balse illaa iyo hadda aysan helin xitaa dhul ay degaan oo ay cooshado ka dhisan karaan.

Waxaa xaaladda ku sii adkayay roobabka dayrta oo si xooggan uga da’aya gobolka, kuwaas oo ay iyaguna banaan yaal u yihiin. Wuxuu tilmaamay in habeenada qaar ay soo jeed ugu dhamaadaan.

Waxaa intaas u dheer gaajada oo u sii nuglaynaysa dhaxanta iyo dhibicda roobka.

“Masas badan ayaa maalmahan ayaan dilnaa inay na cunaan ayaan ka baqaynaa habeenkii. Hoygii waa meel baakado iyo qoryo la isugu saaray oo keliya weeye, waa iska dhibanahay.”

Axmed wuxuu tilmaamay in caqabadda ugu wayn ay ku qabaan helidda biyaha. Wuxuu xusay in ay saf u galaan ceel-gacmeedyo aan biyo badan lahayn oo ku yaalla deegaanada ay tageen.

Waxaa qoyskiiba ku soo aada 10 liitar ama wax ka yar, kuwaas oo aan ugu wada filnayn cabis iyo cunto karsi.

Dhanka kale wuxuu sheegay in sidoo kale ay welwel ku haysa waxbarasho la’aan ku dhacday afar ka mid ah carruurtiisa oo dugsi hoose iyo qur’aan ka dhigan jiray deegaankii Rasdaay ee ay ka soo barakaceen.

Wuxuu xusay in hadda uusan awoodin u uu geeyo dugsiyada Baraawe dhaqaale xumada awgeed.

Xaaladda dadka barakacay ayaa si isku mid ah wajahaya nolol xumada ay u horseedeen colaadaha u dhexeeya Alshabaab iyo dawladda ee marba marka ka danbaysa ku fidaya deegaanno cusub. Illaa iyo hadda waxaa socda dagaalka mana muuqato fursad ay dib ugu laaban karaan deegaanadoodii.

Faarax Cabdi Guure iyo qoyskiisa oo sagaal ah waxay muddo bil ah biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan is biirsaday ku wajahayaan dhul hawd ah oo ku yaalla duleedka deegaanka Buulo-Mareer.

Waxay halkaas gaareen dhammaadkii bishii Oktoobar iyaga oo barakac kaga imaanay deegaanka Roobow oo ay ku qabsadeen colaado soo laalaabtay.

Si uu hadda u maareeyo nolosha reerka wuxuu tilmaamay in maalinkasta magaalada Buulo Mareer uu u iibgeeyo xaabo uu ka soo ururiyo dhulka miyiga ah taas oo laga siiyo ugu badnaan hal doollar.

Wuxuu ku iibiyaa raashin yar oo aan ku filnayn qoyskiisa xitaa hal waqti.

“Dad xoolo dhaqato iska ahayn xilli barqo ay tahay ayaa meesha dagaal nagu qabsaday annaga marka ilmihii ayaan la soo cararnay xoolihii xitaa faro laguma haayo ilaa sedex isbuuc ayaan xaaladan ku suganahay”

Faarax wuxuu tilmaamay in xaaladdooda nololeed ay ka sii darayso marba marka ka danbaysa iyada oo carruurtiisa uu uga qabayo in ay nafaqo-darro qaadaan cunno xumada darteed.

Wuxuu xusay in haddii aysan helin gargaar ay qarka u saaran yihiin macluul taas oo welwel ku haysa.

Ninkaan wuxuu sheegay in horay nolosha qoyskiisa ay ugu tiirsaneed 90 ari ah oo ay dhaqanayeen balse xoolahaas ay kaga soo tageen goobtii colaadda.

Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale ay ka soo dalaabeen beer labo hektar ah iyo guri jiingad ah oo ay deganaayeen taas oo ay u saarnaayeen dalag ku dhawaa xilligii goosiga.

“Waxaa noo soo go’ay sedex fuusto oo galley ah. Saddexdaas meeshaas uga soo tagnay waaka soo cararnay nafsadeena ka soo bad baadsanay hadda wax faro aan ku hayno maleh meesha waxaa yaabay in la qaatay xitaa waalaga yaabaa.”

Faarax wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay la qabsan la’yihiin xaaladda barakacnimada ah ee ay wajahayaan.

Wuxuu tilmaamay in cunno xumada ay u dheer tahay kaneeco faro badan oo ka jirta dhulka ay joogaan oo ah webiga geeskiisa aysanna haysan maro kaneeco ay ka galaan.

Wuxuu tilmaamay in deegaankiisa ay weli si joogto ah uga socdaan dagaalada Dawladda iyo maleeshiyaadka, taas oo hoos u sii dhigtay rajadiisa ah in uu dib ugu laabto.

Wuxuu aaminsan yahay in haddii taas ay u suurageli sayso ay adkaan doonto in uu ku sii noolaaddo duruufaha adag ee uu xiligaan wajahayo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in colaaddu ku soo aadday xilli ay deegaankiisa ka de’een roobab xooggan oo ay wax badan ku tacban kareen balse fursaddaas ay seegtay hadda maaddaama ay ka maqan yihiin beerahooda.

Dhanka kale dadka barakaca oo weli sii socda gaarayana magaalada Baraawe iyo deegaannada  u dhaw ayaan illaa iyo hadda helin wax gargaar ama dib u dejin ah sida uu sheegay Cabdi Axmed Yusuf oo ah Guddoomiyaha amniga iyo siyaasada Baraawe oo la hadlay Radio Ergo.

Wuxuu xusay in bishii ugu danbeysay ay diiwaan geliyeen in ka badan saddex boqol oo qoys oo si habqan ah ku imanaya iyaga oo aan haysan wax agab iyo sahay ah.

“Dadkaan waa dad barakac ah oo waxay u baahan yihiin wax kasta oo nolosha aasaasi u ah. Sida cunto, gogol, guri iyo daawo intaba waa u baahan yihiin. Dadkaan waa barakac qof barakac ahna hadde waxba ma haysto waad garanaysa, meel kasta waa ka liitaan waxbarasho xitaa ma haystaan.”

Cabdi wuxuu sidoo kale sheegay in ka maamul ahaan aysan wax ka qaban karin xaaladda dadkan maaddaama tirada dadkaan ay aad u badan tahay aysanna haysan cid ka caawisa.

Colaadaha soo laalaabtay ee dalka ka dhaca ayaa sanad kasta sababa barakaca kumanaan kun oo qoys waxaana adkaata in ay ka soo kabtaan dhibaatada gaartay maaddaama ay ku waayaan kaabayaashooda dhaqaale.

Previous Post

Waddo xumo shaqo la’aan dhigtay xoogsatada Baydhabo, kuwaas oo wajahaya cunno yari

Next Post

Haween waxbarasho ku helay geed hoostiis, kaas oo ku yaala duleedka Muqdisho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween waxbarasho ku helay geed hoostiis, kaas oo ku yaala duleedka Muqdisho

November 23, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waddo xumo shaqo la’aan dhigtay xoogsatada Baydhabo, kuwaas oo wajahaya cunno yari

November 19, 2026
Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen

November 18, 2026
Dhadhabaab: Haweenay qaxooti ah oo fursad shaqo ka caawisay 120 qof oo haween u badan
Cunto-Yaraanta

Haweenka Hargeysa oo ka cabanaya is-hortaag lagu sameeyay shaqadooda gawraca xoolaha

November 17, 2026
Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga
Wararkii u Danbeeyay

Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga

November 13, 2026
Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan

November 12, 2026
Next Post
blank

Haween waxbarasho ku helay geed hoostiis, kaas oo ku yaala duleedka Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-NOV-2026

IDAACADDA 23-NOV-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-NOV-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-NOV-2026
November 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-NOV-2026
November 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-NOV-2026
November 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-NOV-2026
November 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-NOV 2026
November 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo