Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga

Jibril Osman by Jibril Osman
November 16, 2026
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga

Macalimad hagaysa carruurta la nool cudurka autism-ka/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Carruurta la nool cudurka Autisimka ayaa markii ugu horraysay waxbarasho bilaash ah ka helay iskuul gaar u ah, kaas oo hirgalintiisa ay iska kaashadeen dowlad deegaanka Somaalida iyo jaamacadda Jigjiga.

Waalidiinta carruurtaan dhalay ayaa markii hore waayay meelo ay tacliin u gaystaan. Iskuulkaan oo lagu magacaabo Daryeel, kana kooban laba xarrun ayaa ku kala yaalla xaafadda Qoordheere ee Jigjiga.

Canab Xasan oo ka mid ah waxay fursad waxbarsho u heshay wiilkeeda curadka ah oo 13 jir ah, kaas oo aan horray wax u dhigan.

Waxay tilmaamtay in tan iyo dhamaadka bishii Sebtember ee sanadkan uu daruus helayo, lana fariisiyay fasalka koowaad ee dugsiga hoose.

“Culeys ayaan ku dareemi jiray ilmaha oo aan 24 saac haynayay, laakin iminka ilmo waxaa weeyaan u diyaar garoobaya waxbarashadii fahansan inuu meel tagayo dareyskiisa iyo wixiisa soo qaadanaya aroortii markuu tooso diyaar garoobaya.’’

Canab ayaa sheegtay in dugsigaan uu yahay halkii ku habboonayd wiilkeeda, maaddama uu ku helayo waxbarasho u gaar ah carruurta la nool xaaladdan.

Muddo bil ah oo uu dhiganayo iskuulka ayay sheegtay inay ku arkeen dhaqan wanaag iyo in uu casharada akhrinayo, sidoo kalena uu jacayl u qabo waxbarashada.

Waxa kale oo ay tilmaamtay inuu yaraaday xanaaqii uu hore ugu muujin jiray qoyskiisa iyo dagaalladii mararka qaarkood uu la geli jiray deriska.

Isbeddelladaas ayaa farxad weyn geliyey qoyska, isla markaana ka yareeyey culayskii ay muddada dheer dareemayeen.

‘‘Shalay aniga igamuu haraynin waayo hooyadii iyo qoyskiisa uu garanayo mooyee bulshada dhaxgal lama sameyneyn, laakiin manta waa arrin lagu farxo bulshadii wuu dhexgalay, anigiina waan ka nastay. Waxaan codsan lahaa in na loo sii dardar galiyo oo na loo xoojiyo xarumaha.’’

Jaamacadda Jigjiga ayaa tababar gaar ah siisay 15 macallin oo loo diyaariyey waxbaridda carruurta qaba Autism-ka. Macallimiinta ayaa lagu tababaray hababka carruurta wax loo fahamsiinayo, kobcinta awooddooda waxbarasho iyo sida loola tacaalayo baahiyahooda.

Labada qayb ee dugsiga ayaa ka kala kooban min shan fasal oo leh heerar kala duwan, kuwaas oo ardayda loogu kala qaybiyo hadba xaaladdooda.

Carruurta waxaa la siiyaa casharrada caadiga ah ee iskuulada, kale balse waxaa u dheeri ah wadasheekaysi, farshaxan iyo agab ay ku cayaaraan.

Waxa kale oo la siiyaa daryeel jireed iyo mid maskaxeed, si ay u helaan waxbarasho waafaqsan baahiyahooda.

Mustafe hooyadiis ayaa sheegtay in helitaanka waxbarasho ku habboon wiilkeeda uu meesha ka saaray qayb weyn oo ka mid ah welwelkii ay muddada dheer ka qabtay mustaqbalkiisa.

‘‘Waxaan jeclaan lahaa in xarumaha la badiyo oo warbaahinta lagu baahiyo, waayo waxaa jira hooyooyin badan oo dhibtaan haysato oo guryaha ku jira, oo wali soo baraarugin. Waxaan codsan lahaa in sidaan na loo sii wado, kor nalookiciyo ay awlaadda gacanta nolasoqabtaan.’’

Iskuulkaan ayaa lagu billaabay konton iyo afar arday oo 4 ay gabdho yihiin, kuwaas oo da’doodu ay u dhaxeyso shan jir illaa afar iyo toban jir.

Haajir Faarax Cali oo kamid ah waalidiinta carruurtooda ay waxbarashada u heleen ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore uu iskuullo la xiriiray si ay wax ugu baraan wiilkiisa Cabdiraxmaan, balse aysan u suurtogalin, maaddama deegaanka aysan horay lahayn goob u gaar ah carruurta qaba Autisimka.

‘‘Dugsiga waxan ku maqlay macalimad aan horay ugu geeyay si aan ugu daro qaybta baahiyaha gaarka ah oo aan diiwaan galiyay ayaa la igu yiri arday badan ma hayno. Gabadhii baa igu tiri dugsi gaar ahaaneed baa la furee kii yaraa keen bay igu tiri, sidii baan ku keenay markii xarunta la furay.’’

Haajir Faarax waxa uu sheegay in markii uu dhashay wiilka caanaha hooyada uu diidayay mar dhif ahna qaadanayay, waxa uu intaa ku daray in xaaladdiisa ay ay fahmeen laba sano kadib markii ay fadhi iyo socod ka waayeen.

Ninkaan ayaa intaa ku daray in marka uu wiilkiisu laba sano iyo bar gaaray oo uusan wali socod billaabin ay dhakhtar u geeyeen loona sheegay inuu qabo Autism. Waxa uu sidoo kale sheegay inay ku adkayd korriimada, dad la dhaqanka, hadalka, cayaarta iyo in wax uu leeyahay laga taabto.

‘‘Hadda markii aan dugsiga keennay bulshadii in uu la qabsaday la moodaa, ciyaarta aad buu u taageeraa, markaan keenno meesha jaw buu ku oranayaa, barigii hore igama harijirin.’’

Ninkaan ayaa sheegay in waligiis uu ka mid ahaa dadka deegaanka ku ah xaafadda 7-aad ee degmo hoosaadka dudahide ee magaalada Jigjiga.

Wuxuu tilmaamay in uu yahay macalin dugsi Qur’aan, nolosha qoyskiisa oo todobo qof ka kooban ay isaga ku tiirsanyihiin.

Axmed Ibraahim oo ah maamulaha Daryeel 1 ayaa Raadyow Ergo u sheegay in dugsiga loo aasaasay wax ka qabashada baahida waalidiinta ee helitaanka waxbarasho ku habboon carruurtooda, isla markaana carruurta la siiyo aqoon iyo xirfado ka caawinaysa korriimada iyo mustaqbalkooda.

Iskuulkaan oo la furay bishii Abriil ee sanadkaan ayuu xusay inuu isbeddel wanaagsan ku keenay carruurta dhigata, gaar ahaan dhinacyada fahamka, dhaqanka iyo la qabsiga bulshada.

Waxa uu tusaale u soo qaatay ilmo markii hore aan hooyadii ka maarmi jirin, balse hadda si farxad leh dugsiga u yimaadda, kuna ciyaara agabka loogu talagalay dhaqankiisuna uu is badalay.

‘‘Casharrada caadiga ah ma qaadan karaan carruurtan si gooni ah oo iyaga u qaas ah ayaa wax lagu baraa. Jir ahaan ayaa la dhisaa inuu kici karo oo jaranjarada ka dagi karo, cayaaro kala duwan baa loo sameeyaa si murqahooda u dhismo, maskax ahaana u firfircoonaadaan. Qaabkaas ayaa si cayaarcayaar ah ayaa wax-lagu-baraa.’’

Maamulaha ayaa sheegay in hadda ay ku shaqeeyaan goob kiro ah, balse jaamacadda Jigjiga, maamulka dowlad deegaanka iyo dowladda dhexe ay wadaan qorshe lagu dhisayo xarun u gaar ah carruurta xaaladahaan la nool si ay u helaan goob wayn oo ku filan.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay tirada hadda dhigata iskuulkaan inay aad u yartahay marka loo eego carruurta ku nool dowlad deegaanka ee qaba Autisimka.

Waxa uu sheegay in qaar badan guryaha lagu hayo, kana maqnaadaan fursadihii waxbarasho ee ay heli lahaayeen.

‘‘Bishii mar ayaan sameynaa aqoon is-weydaarsi macalimiinta, maamulka iyo waalidka ah oo ujeedkiisu yahay in ilmaha la gaarsiiyo isku filnaasho, waalidka inay ku tababaraan dhaqdhaqaaqa yar uu sameynayo, nadaafadda, sidoo kale ay ka yareeyaan aaladihii sida talafashin iyo moobil, oo ay ku dadaalaan waxa caafimaadkiisa u wanaagsan sida hurdada iyo inuu cayaaro.’’

Maamulaha ayaa intaa ku daray inay wadaan wacyigalin ay siiyaan waalidiinta haysta carruurta xaaladahaan la nool sidoo kalena ay sameeyeen guruubyo ‘What’s up’ oo ay dhigaan farriimo la xiriira sida loola socdo xaaladaha carruurta.

Waxa uu sheegay in waalidiinta ay ka codsadeen in haddii ay arkaan carruur kale oo xaaladdaan qaba oo aan iskuulka dhigan ay waalidiintooda gaarsiiyaan xogta ama ay madasha ku soo daraan si ay ugu faa’iideeyaan.

Previous Post

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan

Related Posts

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan

November 14, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo cunno xumo iyo dayac hoy la’aan wajahaya xilli roobab ay da’ayaan

November 11, 2026
Carruur danyar iyo barakac iskugu jira oo waxabarsho bilaash ah ku helay Jariiban
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruur danyar iyo barakac iskugu jira oo waxabarsho bilaash ah ku helay Jariiban

November 10, 2026
Hoy la’aanta haysata barakacayaasha Baydhabo xilli roobkii gu’ga la guda galay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas fatahaad ay saamaysay oo Janaale ku haysato xaalad nolol xumo

November 6, 2026
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro dhameeyay jaamacadaha Hargaysa oo xoogsato noqday duruuf jirta awgeed

November 5, 2026
Qoysas nolol xumo ay ku haysato Galgaduud, markii colaad iyo roob la’aan ay saamaysay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ay ku haysato Galgaduud, markii colaad iyo roob la’aan ay saamaysay

November 3, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-NOV-2026

IDAACADDA 15-NOV-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-NOV-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-NOV-2026
November 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-NOV-2026
November 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-NOV-2026
November 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-NOV-2026
November 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-NOV-2026
November 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo