(ERGO) – Duruufta haysata ayaa Maxamed Mursal ibraahim iyo xaaskiisa ku riixday inay baaqulli la dhex wareegaan reeraha nolol dhaama iyaga oo waydiisanaya cunno ay ilmaha siistaan.
Wuxuu xusay in maalmaha qaar uu u lugeeyo 40 daqiiqo tuulooyin u dhow isaga oo dadka deggan u dan-sheegta.
Qoyska Maxamed waxay ka soo kaban la’ yihiin saamayn ka soo gaartay daadad ka dhashay roobab mahiigaan oo horraantii October ka barakiciyay deegaanka Jannaale ee gobolka gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoyskiisa ayaa ka mid ah 675 qoys oo daadadka ku waayay guryahoodii, xoolo, ganacsiyo, iyo dalagyo sida maamulka deegaanka uu sheegay.
Waxay ka barakaceen xaalafadaha Gumeysidiid, Qumboole iyo Siigaale. Waxay hadda xaalad hubanti la’aan ah ku wajahayaan xaafado isla tuulada ah oo ka badbaaday saamaynta.
Waxay dantu ku qasabtay inay dul-saar ku noqdaan qoys danyar ah oo deggan xaafadda Jadiid.
Maxamed ayaa tilmaamay inay roobabka ahaayeen kuwo awood badan oo da’ayay in ka badan 24 saac oo xiriir ah, taas oo keentay inay ku soo rogmadaan biyo maaddaama ay degganaayeen dhul joogiisa uu hooseeyo.
Wuxuu ku waayay gurigoodii iyo wixii u dhexyaallay oo aysan wax uga cayman.
“Waxaa keliya aan ka soo badbaadsaday ilmaha oo dharkoodii xitaa uu daadka qaaday. Way iga xanuusanyihiin. mid malaariyo ayaa heysa midna hargab habeen iyo maalin ayuu qufacaa way iska xanuusan yihiin.”
Maxamed ayaa sheegay inay daadadka sidoo kale ka qaadeen raashinka ka koobnaa bur, bariis, sokor iyo saliid oo uu isla toddobaadka ka hor uu reerka ugu soo dhigay $70 oo dayn ah.
Carruurta ayuu sheegay inay seexdaan buul yar oo lagu caawiyay halka isaga iyo xaaska ay bannaanka ka fursan waayeen inay baryaan. Wuxuu tilmaamay inay qatooyo ku joogaan habeennada qaar carruurtiisa 11 ah.
“Nolol maalmeedka seddex waqti ma helno. Maalintii hal jeer ayaan wax cunaa xitaa mararka qaar halka jeer waa la waayaa. sidaas ayaan ku noolnahay walaal.”
Waxaa u dheer inay ku adag tahay helidda biyo nadiif ah. Daadka ayaa wasaqeeyay ilihii biyaha ee deegaanka halka ceelashii qaarkoodna ay duugmeen.
Hadda waxay cabbaan biyo ay ka dhaansadaan waro kuwaas oo midabkooda uu beddelan yahay calaw ah.
Wuxuu sheegay inuu ilmaha ku arkay calool xannuun cusub. Wuxuu intaas ku daray in caafimaadka deegaanka uu yahay mid liita maaddama magaalada aysan lahayn wax isbitaal. Waxaa u dhaw magaalada Marka uu u jirta qiyaastii 15km.
Waxaa daadadka uga baaba’day beer uu ku maalgeliyay lacag dayn ah oo uu ka welwelsan yahay sida uu u bixin doono.
Maxamed ayaa tilmaamay inay ka qasaareen dalagyo ay kamid yihiin sisin, galleey iyo yaanyo ayna rajadiisu ahayd in bil kadib uu gurto.
“Beerta beer aan kireystay ayay ahayd mafahantay? 4 hector ayay ahayd inta qarash iga gashay iyo kiradeeda hadii la isku dar daro S550 ayay ahayd.
Qofka lacagta aan ka qabo deyntii waa igu leeyahay meel aan ka keeno mahaayo xaga deymanka xanuun badan ayaan dareemayaa.waxaan ku dhowhay kaligeey inaan isla hadlo”
Ninkan ayaa sheegay inay beertiisii isku beddeshay balli ay biyo fadhiyaan, taas oo meesha ka saartay rajo walba oo uu ugu laaban lahaa.
Burburka ku dhacay noloshiisa ayuu tilmaamay inuu yahay midkii ugu ballaarnaa ee soo mara.
Deegaanka Jannaale oo ah dhul beereed u nugul daadadka marka ay da’ayaan roobab xaddigooda uu badan yahay, waxaa sidoo kale maraya webiga Shabeelle oo xilligan isagana laga cabanayo inuu fataho maaddaama biyihiisa ay qarka joogaan.
Saamaynta daadadka ka dhashay keliya roobabka ayaan ku ekeyn dadka barakacay. Cabdirisaaq Maxamed Faarah wuxuu kamid yahay qoysaska degan xaafada Jadiid ee deegaanka Jannaale, qoykiisa oo ay haysteen duruufo dhaqaale hadda wxaa dul saar ku noqday qoys kale.
Wax shaqo ah ma hayo. Noloshooda ayaa ku tiirsanayd beero falida, iyagiina waxaa saameeyay daadadka. Wuxuu iski keeni la’ yahay maaraynta labada reer.
“Walwal aad u weyn ayaa i haya sababtoo ah anigao teydii qaadi la’ ayaa dad ehel igu soo barakacay. Nooligoodii ma hayo cunno uma hayo. xaafadeydii iyo ciyaalkeygii ayaan ku filnaan waayay ummad kale xaalkooda wuu sii adkaanayaa sow maaha?.”
Ninkan ayaa tilmaamay in hoyga ay ku nool yihiin uu yahay mid ciriiri ah oo aan reerka wada qaadin hal qol ayuu xusay inay ciriirsadaan isaga iyo qoyskiisa oo 9 qof ka kooban.
Noloshooda ayaa hadda ku tiirsan beero ka fog oo daadadka ka badbaaday oo falo. Wuxuu sheegay inuu todobaadkiiba mar uu ka helo S3 ilaa S4.
Maalmaha shaqo la’aanta uu yahay ayuu wax weydiistaa dadka uu beeraha u fali jiray kuwooda wax heysta isagoo maalinkii oo dhan soo hela .60 cent.
Cabdirisaaq ayaa sheegay in daadadka ka dhashay roobka aysan awood u laheyn inay iska moosaan dadka maaddaama aysan heysan qarash ay ku iibsadaan jawaanno carro lagu shubo oo biyaha la iska xijiyo si aysan guryaha u gelin.
Gudoomiyaha deegaanka janaale cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in daadadka ay sababeen qasaare ballaaran. Wuxuu tilmaamay inay diiwaan geliyeen 70 guri oo ku burburay iyo beero kor u dhaafaya 1,500.
Ka maamul ahaan wuxuu sheegay inaysan awood u lahayn inay caawiyaan dadka ay dhibaatadu soo gaartay balse wuxuu tilmaamay inay cabashadooda ay la wadaagayaan hay’adaha sama-falka si ay u helaan samatabixin degdeg ah.
“Dadka waxay u baahanyihiin in la soo gaaro maadaama guyahooda ay biyo soo galeen waa in ay hoy helaan kadibna guryahoodii loo sameeyo si aysan mar kale biyo usoo gaarin”
Gudoomiyaha ayaa Wuxuu ka digay halis caafimaad oo ka dhalan karta maaddaama daadadka sidoo kale ay burburiyeen msuqullo, taas oo keentay in bulaacado ku darsamaan biyihii la cabayay.
Hay’adda socdaalka adduunka ayaa 21 bishii October sheegtay inay daadadka dartood guryahooda uga barakici karaan guud ahaan Soomaaliya ku dhawaad 874,000 oo qof ilaa December 2026.
Qoysaskan oo sanadihii tagay ay saamaysay roob yari ayaa quus ka jooga rajadoodii ahayd inay ka soo kabtaan duruufihii dhaqaale ee haystay balse waxay mar kale wajahayaan xaalad hubanti la’aan ah oo la dhalatay daadadka.










