(ERGO) – Dhallinyaro badan oo wax bartay ayaa Somaliland ku wajahaya shaqo la’aan. Qaarkood duruufta ayay isku dhiibeen, markii ay shaqo ku waayeen cilmigii ay barteen, halka qaar kale ay door bideen inay qabtaan shaqooyin xoogsi ah.
Waa xaalad ka turjumeysa in heerka shaqo la’aantu ay sareyso iyadoo sanad kasta ay jaamacadaha ka soo baxaan arday lagu qiyaasay in ka badan siddeed kun, sida ay sheegtay sanadkii 2024 waaxda tirakoobka iyo cilmi-baarista ee wasaaradda qorsheynta somaliland.
Dhallinyaro badan ayaa wajahaya niyad jab. Qaar kood oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay inaysan moodeyn inay ku adkaan doonto in shaqo ay helaan, iyagoo haysta shahaado jaamacadeed.
Duruufta ayaa qofba meel dhigtay. Qaar waxay qaateen go’aan ay wadanka uga tahriibeen. Kuwo kale waxay ka badin waayeen inay noqdaan guri joog, juhdi kasta oo ay ku bixiyeen inay shaqo raadiyaan.
Waxaa jira dhallinyaro kale oo meel iska dhigay xishood, saluug iyo inay raadiyaan shaqo u qalanta oo kaliya.
Intii ay shaqo la’aan waji lahaayeen waxay doorteen inay qabtaan shaqooyin hoose oo ay ka mid yihiin nadaafadda guryaha, adeege maqaayad, garab rarato wareejiya alaabaha yaryar, sida dharka, macuunta, waxyaabaha udgoon iyo miisaanka lagu ogaado culeyska iyo dhererka dadka.
Dhalllinyarada Somaliland ee wax baratay ee xaaladan ku shaqeeya lagama hayo tira koob iyo qiyaas midna.
Nimco Xaashi Cabdi oo 28 jir ah, waxay baratay culuumta maamulka shaqaalaha (HR). Shahaadada heerka koowaad ee digriiga ayay ka diyaarisay jaamacadda Hargeysa, balse hadda waxay qabataa shaqada dhar-dhaqista.
Waa howl ay qabaneyso tan iyo bishii Agosto ee sanadkan, waxayna mushaar u qaadataa boqol Doollar. Waa shaqadii ugu horeysay oo ay hesho tan iyo qalin jabinteedii oo aheyd 2023.
“Aniga oo jaamacadda ku jira ayaan shaqada raadinteeda billaabay illaa aan dhammeeyay waan waayay shaqo waxaan ka aheyn inaan guryo masaxo aniga oo shahaado sita. Guriga reerka aan u shaqeeyo xilliga hurdada maahee inta kale waan shaqeeya, reerka ayaana la joogaa oo marmar dhifa ayaan soo baxaa oo aan booqdaa qoyskeyga.”
Nimco ayaa xustay in markii ay ka baxday jaamacadda ay si xoogan u raadisay shaqo la xiriirta aqoonteeda, balse ay wayday.
Waxay sheegtay in markii dambe ay qaadatay go’aan ah inay qabato shaqo kasta oo ay hesho si ay wax u tarto qoyska ay ka soo jeeddo oo ah danyar, kuwaas oo iyada ku tiirsan.
Wax barashada jaamacadda oo saddexdii bilba laga qaadi jiray $200, waxaa ka dhiibi jiray adeerkeed oo iyada iyo qoyskaba caawin jiray.
Waa curadka reerka, waana qofka kaliya ee heer jaamacadeed gaaray. Duruufta dhaqaale ayay xustay in walaalaheed ay ka hor istaagtay in iskuul ay aadaan.
“Caruurtii baan madarasad kaga bixiyaa. Madarasada midkiiba $5 buu ku dhigtaa. Saddexdoodu waa $15, iskuulkiina wuuba ka qaalisan yahay. Intaa madarasada uunban awoodaa waxaanan rajaynayaa inaan qoro iskuulkana.”
Nimco ayaa sheegtay in qoyska waalidkeed uu ahaa xoolo dhaqato miyi ku nool, iyaduna ay la nooleed oo uu wax baray adeerkeed oo Hargeysa deggan.
Markii ay heshay shaqadan xoogsiga ah ayay xustay in miyiga ay ka soo ka xeysay walaalaheed iyo hooyadeed si ay u dabarto noloshooda, maaddama xoolihii ay ku tiirsanaayeen oo ahaa ari 200 ah iyo 30 geel ah ay abaari ka soo reebtay 10 neef oo hadda aabbaheed uu miyiga ku dhaqo.
Nimco ayaa tilmaamtay in hadafkeedu yahay in isbedel nololeed ay u horseedo labadeeda waalid iyo walaalaheed oo 6 ah.
Yoolkaas inay gaarto kama quusan, waloow ay sheegtay in niyad jab ay ku beertay in cilmigii ay baratay aysan shaqo ku helin 4 sano oo ay raadineyso.
“Shaqooyinkii waxaa lagu xiray waji garasho. Qof kasta wuxuu soo dhoweysanayaa qabiilkiisa. Waxaan u baahanahay in nalaga daayo qabyaaladda, maaddama aan wax soo barangay. Ubaxii dalka aanahay waa in shaqo abuur naloo sameeyo.”
Daraasad soo baxday bartamaha sanadkii 2025 oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan jaamacadda camuud ee Boorama iyo jaamacadda Manchester ee dalka ingiriiska ayaa sheegeysa in heerka shaqo la’aanta ee dhallinyarada Somaliland uu gaaray boqolkiiba 96.08%.
Daraasadda ayaa sheegtay in sababaha shaqo la’aantu ay la xiriirto fursadaha shaqo oo ka yar dadka shaqo doonka ah, waxbarashada oo aan inta badan ku saleysneyn xirfado suuqa la jaan qaadi kara iyo maal-gashiga gaarka loo leeyahay xaddidan ama kooban.
Dhallinyaro ayay dhaqaale yaridu ku qasabtaa inaysan gaarin heer jaamacadeed. Waxaa ka mid ah Musfate Cumar Yaasiin oo waxbarashada uga haray dugsiga dhexe.
Yoolkiisa ayaa ahaa in aqoontiisu ay beddesho nolosha qoyska uu ka soo jeedo oo ah xoolo dhaqato ay nugleysa abaarta soo noqnoqotay, balse nasiib xumo, adeerkiis oo ka bixinayay lacagta iskuulka ayaa u sheegay inuusan awoodin inuu ka dhiibo $25 oo ah lacagta dugsiga sare oo uu billaabi lahaa sanadkii 2021.
Musfate oo 26 jir ah oo la nool adeerkiis oo ah xoogsade magaalada Hargeysa deggan ayaa ku shaqeeya miisaan yar oo magaalada uu kula wareego, kaas oo uu ku cabiro dhererka iyo culeyska qofka. Wuxuu bishii ka helaa dhaqaale gaaraya $100 illaa $150.
Wuxuu tilmaamay in hankii uu waxbarashada ka lahaa uu fashilmay, hadana uu xoogga saaro in dhaqaalaha yar ee uu helo uu ku taageero waalidkiis iyo walaalihiis oo ka kooban siddeed qof.
Waa qoys danyar ah oo deegaanka Gubato oo dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa ku dhaqda soddon Ari ah.
“Mushaharka inta yare ee aan ka helo qoyska oo miyi jooga uunbaan u diraa, aniguna waxaan la joogaa reer famliga ah. Xoolihii ay ku noolaayeena hadday wax ka nool yihiin waa wax yar oo ku filnayn nolol maalmeedkooda. Markaa inta yare aan isugu uruuriyo ayaan raashin ugu diraa. Il-dhaqaalena way noo noqotay.”
Mustafe ayaa sheegay inuu caqabado kala kulmo shaqada uu hayo oo ay dadka qaar oo saaxiibadiis ay ku jiraan ay aflagaaddeeyaan inuu miisaanle yahay, halka qaar kalena ay ku tuuraan waxyaabaha ay markaas gacanta ku hayaan, marka uu ugu yeero inay is cabiraan.
Wuxuu tilmaamay in arrimahaasi ay ku keenaan niyad-jab iyo culays, balse uu ku khasban yahay inuu shaqadiisa sii wato si uu uga qayb qaato daboolidda baahiyaha nololeed ee qoyska oo ku kallifay in shaqadan uu qabto.
“Qof waddo taagan oo dadka u yeeranaya ayaan ahay. Dadka qaarbaa candhuuf igu tufa, aniguna waan duruufeysanahay oo baahan waxba kuma iraahdo.”
Dhanka kale, Cabdishakuur Maxamed Muuse, oo ah aabbo 29 jir ah, isla markaana leh gabadh hal sano jir ah, ayaa sheegay inuu shaqo waayay, markii uu ka qalin jabiyay jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa oo uu ka diyaariyay shahaadada heerka kowaad ee kulliyadda sharciga.
Shaqo la’aanta ayuu xusay inay ku qasabtay inuu noqdo shaqaale ka shaqeeya shiilista baradhada, tan iyo bishii May ee sanadkan. Waa shaqo uu ka qabto mehrad uu bishii ka qaato $70.
“Dakhliga waxaan ku bixiyaa, Soddon Doolar waaa qol jiingad ah iyo barandihii, markaa waxa soo hara waa $40 wax nagu filan ma noqon karto, immikana sicir bararka iyo waxaa suuqa ka jira waadigaa arkaya oo wax yar ma goyn karaysid. Markaa noloshaa uunban la daalaa dhacaynaa.”
Cabdishakuur ayaa ah sharci yaqaan hadda ka shaqeeya jiko. Dhaqaalaha soo gala oo aan ku filneyn awgeed, wuxuu sheegay in lagu yeeshay $400 oo ah deyn uu reerka u qaaday.
Wuxuu tilmaamay inay ka joogsatay markii uu bixin waayay tii hore, hadana uu kaalmeysto dariskiisa.
“Horta jaarkayga ayaanan abaalkooda gudi Karin hadday cunto tahay iyo hadday biyo tahayba baahidayada daboolaayay. Ninkaan u shaqeeyo waxaan ka rajaynayaa inuu ii kordhiyo lacagta. dawladana waxaan ka rajaynayaa inay shaqadan tu dhaanta na siiso.”
Sanadkii 2025 ayuu qalin jabiyay, illaa iyo haddana shaqo kuma helin aqoontiisa. Lacagta jaamacadda oo saddexdii bilba $230 aheyd.
Waxaa looga bixin jiray qaaraan ay qaraabadu iska aruuriso, maadaama waalidkiis oo ah danyar aysan awoodin inay ka dhiibaan.










