Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Waddo xumo shaqo la’aan dhigtay xoogsatada Baydhabo, kuwaas oo wajahaya cunno yari

Jibril Osman by Jibril Osman
November 19, 2026
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Waddo xumo shaqo la’aan dhigtay xoogsatada Baydhabo, kuwaas oo wajahaya cunno yari

Maadey (dhinaca bidix) iyo Cabdimajiid (qofka saddexaad marka laga tiriyo dhinaca bidix) labaduba waxay la halgamayaan cunno u helidda qoysaskooda /Cabdullaahi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdimajiid Xasan Nuur oo ah aabbaha 7 carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay meesha ka baxday $5 illaa $6 oo uu joogto uga heli jiray daajinta badeecadaha ay keenaan magaalada gawaarida waawayn.

Arrintan ayaa ka dhalatay waddooyinka soo gala magaalada oo roobab ay gooyeen iyo miinooyinka dhulka lagu aaso oo darawallada cabsi galiyay. Isaga iyo ragga la mid ah waxay awoodi la’yihiin maaraynta nolosha qoysaskooda oo barakac iyo danyar is kugu jira tan iyo billawgii bishii hore.

Qoyska Cabdimajiid oo dhaqalahaasi uu ahaa waxaa kaliya ee ay dabka ku shitaan ayuu xusay in hadda ay ku adag tahay helidda cunnada.

Wuxuu tilmaamay in hal mar oo aan ku filnayn ay maalinkii ku helaan shaxaad ama dayn aan joogta ahayn.

“Wixii aan dadka walaalaha ah ka helno ayaan ku nool nahay. Markii hore reerkayga saddexda waqti si walwal la’aan ah ayay dabka u shidan jireen quraac, qaado iyo casho waa heli jireen, nolol wanaagsan ayay ku jireen, balse taas hadda ma jirto. Shaqo la’aan baahsan ayaa na soo wajahday.”

Cabdimajiid ayaa sheegay in subax kasto uu tago suuqa Goday ee magaalada Baydhabo oo gawaarida yimaada uu ka dajin jiray badeecooyinka ay wadaan, balse ma helo. Wuxuu xusay in todobaadyadii u danbayay aysan wax gawaari ah imaan suuqa.

Ninkan ayaa tilmaamay in uu ahaa qofka kaliya ee qoyskiisa u dhaqdaqaaqi jiray. Cunna xumada waxaa reerkiisa u dheer biyo yari. Wuxuu xusay in xerada Buula-ciir oo ay ku nool yihiin aysan ka jirin wax adeegyo aas-aasi ah ayna biyaha iibsan jireen markii uu shaqada haystay.

Illaa intii uu bagamuudada noqday waxay qoyskiisa ku tiirsan yihiin jirgaan ay xaaskiisa dhabarka uga soo qaado war ay galeen biyihii roobka oo u jirta qiyaastii hal saac oo socod ah, maaddaama uusan hayn $0.20 oo ay labaatan litar qaadkii siiyaan ceelasha gaarka loo leeyahay.

Wuxuu tilmaamay inuusan lahayn xirfad dhafsiisan xamaalinimada.

“Intii aan magaalada Baydhabo imaaday xamaali ayaan ahaa, wixii aan ka soo helo ayaana reerka ku masruufan jiray. Waxaan dajin jiray qudaarta iyo bagaashka. Meel kale oo aan shaqo ka heli karo ma aqaano.”

Cabdimajiid ayaa sheegay in lagu wargaliyay in waxbarashada laga joojin doono afar carruur ah oo u dhigta dugsi hoose dhexe, markii bishii hore uu bixin waayay $12 oo ay wax ku baranayeen. Wuxuu xusay inuusan xal u hayn bishaan socoto.

Muddadii uu bagaamuudada ahaa ninkaan ayaa sheegay in dukaamada xerada ku dhaw looga yeeshay $110 oo ah dayn ay raashin iyo iidaan ku qaateen reerkiisa. Wuxuu xusay in lagu wargaliyay inuu bixiyo, balse faro marnaanta haysa awgeed uusan xilligan awoodi karin. Ninkaan ayaa sheegay inuusan wax kayd ah horray u samaysan oo dhaqaalaha soo galo uu ku dabari jiray baahiyaha reerkiisa.

Qoyska Cabdimajiid ayaa 2022 ka soo barakacay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo hoostaga magaalada Baydhabo markii roob-yari ka nacfi tirtay beer shan hiktar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Waxaa Cabdimajiid xalaaddan la wadaaga in ka badan 300 oo rag ah, kuwaas oo maalin kasta taga boosteejooyinka gawaarida, galabkiina ka laabta iyagoon wax xamaali ah helin.

Madey Cismaan Ibraahim wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in reerkiisa oo 10 qof ka kooban uu u heli la’yahay tan iyo bishii la soo dhaafay cunno ku filan, biyo nadiif ah iyo dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah ee kale.

Wuxuu xusay in shaqo la’aanta soo wajahday awgeed uu waayay $5 illla $7 oo uu maalinkii ka heli jiray dajinta rarka gawaarida bagaashka keena magaalada. Arrintaasi darteed wuxuu tilmaamay in reerkiisa ay miciin-bideen dawarsiga dadka si ay dabka u shitaan hal mar ah.

“Bilkii cidda ayaan waysanahay. Meel aan shaqadaas ahayn waxbo kama heli jirin, wixii aan ka helo ayaan raashin, biyo, arad-tir iyo waxbarasho uga dhiibi jiray carruurtayda. Waxbo ma awoodi karo. shaxaad iyo gacan hoorsi ayaan hadda ku nool-nahay.”

Madey ayaa sheegay in badeecooyinkii ay keeni jireen gawaarida ee yaraaday ay sababeen inuu isbeddel ku yimaado qiimaha maciishadda. Wuxuu xusay in kiilada sonkorta oo horray la iibin jiray $0.8, balse hadda  ay marayo $1, taas oo culays dheerad ku ah qoyskiisa iyo kuwa kale ee la mid ah.

Ninkan ayaa dhanka kale tilmaamay in shaqooyin kale oo xamaali ah uu raadiyay oo uu waayay. Wuxuu u sababay dagaalladii magaalada ka dhacay oo dhaqaale xumo iyo barakac keenay.

Arrintaasi ayuu tilmaamay inay dhaqaale xumo dhalisay, meeshana ka saartay shaqooyinkii dhagax jabinta iyo dhismayaasha guriyaha.

Dhanka kale qoyskiisa ayaa hoy la’aan ku wajahayan xerada Mubarak ee duleedka magaalada Baydhabo. Roobab dabaylo watay oo 23 bishii hore da’ay ayuu xusay inay ka dumiyeen buul ay dagnaayeen.

Wuxuu sheegay inay isku soo beegmeen faro-marnantiisa iyo hoy la’aanta reerkiisa. Gabbaad xumada haysa awgeed wuxuu tilmaamay in carruurtiisa ay bannaan-yaal u yihiin qorraxda.

“Hoy xumo daran ayaan na haysata. Anigoo markii horraba haysan joodariyaal iyo sariiro fiican ayaa gurigii aan daganayn dabaylaha roobka naga sii dumiyeen. Hadda lacag aan bac ku soo gadanana ma heli karno. Xaaladda hoygeena wax aan ka qaban karnana malahan.”

Madey ayaa sheegay in carruurtiisa oo kan ugu yar uu labo sano jir yahay ay habeenkii la seexdaan xaafadaha dariska ee gabbaadka haysta, maaddaama aysan u adkaysan karin dhaxanta.

Ninkan ayaa sheegay in walwalka ay ku sii kordhinayso $80 oo ah dayn horray ugu qornayd reerkiisa, taas oo ay raashin ku soo qaateen. Wuxuu tilmaamay inuu waydiin joogta ah kala kulmayo dadkii ku lahaa.

Wuxuu xusay inuusan haynin qorshe uu waqtigaan adag uga saaro qoyskiisa, balse uu rajaynayo in ay dib u soo noqoto shaqadiisi.

Dhanka kale Salaad Cali Ibaraahim oo ah godoomiyaha gudi ay ku mideysan yihiin ragga xaamliga ah ayaa sheegey in dhamaan xoogsatadii rarka ka dajin jiray gawaarida xamuulka ah ay shaqo la’aan noqdeen ayna maarayn la’yihiin nolosha reerahooda.

Ninkan ayaan sheegay inay billaabeen qorshe ay raggan uga hadlayaan baqaarraddii ay rarka u dejin jiree. Ujeedkooda ah ayaa ah inay uga helaan ogolaasho ah inay kiilooyin raashin ka sii qaataan inta ay shaqo la’aanta yihiin si marka ay shaqadooda dib ugu billaabato ay isaga gudaan.

Wuxuu sheegay in dedaalkaas uu u maro meel fiican oo ay rajo ka qabo inuu miro dhalo si ay u taageeraan ragga iyo qoysaskooda.

Previous Post

Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen

Related Posts

Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen

November 18, 2026
Dhadhabaab: Haweenay qaxooti ah oo fursad shaqo ka caawisay 120 qof oo haween u badan
Cunto-Yaraanta

Haweenka Hargeysa oo ka cabanaya is-hortaag lagu sameeyay shaqadooda gawraca xoolaha

November 17, 2026
Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga
Wararkii u Danbeeyay

Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga

November 13, 2026
Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan

November 12, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo cunno xumo iyo dayac hoy la’aan wajahaya xilli roobab ay da’ayaan

November 11, 2026
Carruur danyar iyo barakac iskugu jira oo waxabarsho bilaash ah ku helay Jariiban
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruur danyar iyo barakac iskugu jira oo waxabarsho bilaash ah ku helay Jariiban

November 10, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-NOV 2026

IDAACADDA 19-NOV 2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-NOV 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-NOV 2026
November 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-NOV 2026
November 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-NOV 2026
November 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-NOV 2026
November 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-NOV-2026
November 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo