Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Togdheer: Xoolo-dhaqato ku cayroobay roob daad watay, kaas galiyay xaalad nolol xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
November 26, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Togdheer: Xoolo-dhaqato ku cayroobay roob daad watay, kaas galiyay xaalad nolol xumo

Carfi Axmed Bulaale oo sheegtay in ay noqdeen banaan-yaal aan waxbo gacan ku hayn/Sidiiq Yuusuf/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Carfi Axmed Bulaale waxay carruurteeda oo afar ah muddo 23 beri ah ku haysaa geed aan har iyo dugsi lahayn oo ku yaalla duleedka magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Dhanka kale waxaa ku adag in ay helaan cunto iyo biyo ku filan.

Qoyskeeda wuxuu ka mid yahay in ka badan siddeed boqol oo qoys oo si isku mid ah uga brakacay deegaanka War-Cibraan, kadib qasaare xooggan oo ka soo gaaray daad ka dhashay roobab halkaas ka da’ay 20 kii bishii hore.

Waxay iskaga soo carareen dhamaan deeganaka oo ah dhul biyo mareen ah si ay u badbaadaan.

Carfi waxay sheegtay in biyaha ay ka qaadeen guri buush ah agabkii yaallay iyo 12 ari ah oo ay dhaqanaysay.

Daadka oo badnaa darteed waxay sheegtay inay xoogga saartay inay carruurta oo yaryar ay badbbaadsato maddaama deegaanka ay ku yaalaan biyo mareenno qatartoodu badan tahay.

“Guriyihii iyo kaabayaashii kalaba waa nagala tageen biyaha. Magaalo ma naqaano waligeen miyi ayaan ku noolan jirnay, haddana daruuf ayaa naga soo waday. Wax shaqo ah ma helin. Ilmahayga aabbaahoodna waa dhintay, cid igu garab siisa malahan ilmaha.”

Carfi ayaa sheegtay in biyaha ay ka cabbaan waraha ay biyaha galaan marka roobku da’o, mararka qaarna ay carruurteeda ka soo dawarsadan xafadaha magaalada ee biyaha iibsada, maaddaama aysan awoodin $2 oo fuustadii ay iibiyaan booyadaha biyaha.

Geedka ay gabaadsadaan ayay xustay inay ku wareejisteen jingado ay ka soo aruursadeen meelaha qashin-qubka ah ee magaalada.  Waxay xustay inaysan ka celin karin qabowga iyo qorraxda, hasa ahaate aysan doorasho kale lahayn.

Haweeynaydaan ayaa xustay in ay tahay markii ugu horaysay oo ay barakac noqoto, kaddib in ka badan 30 sano oo ay ka mid ahayd xoola dhaqatada tuullada War-cimraan.  Daruufaha kala duwan ee isku biirsaday ayay quus ka muujisay.

“Hadda culayska noogu daran waa hoyga, cid walbo oo naga caawin karto waan u baahnaan lahayn in dhanka guriga nagala taageera.”

Carfi ayaa sheegtay in si joogto ah ay shaqooyin nadafaad ah uga raadiso magaalada Burco si ay u masruufkooda u soo saarto carruurteeda, hasa ahaatee aysan soo helin. Waxay u sababayday dumarka raadinaayo oo badan iyo fursadaha la heli karo oo kooban.

Haweenaydaan waxay kaligeed korisaa carruurteeda oo ah agoon aabahood cudur aysan aqoon uu u geeriyooday lix sano ka hor, taas oo badday inay dusha saarato masuuliyadooda.

Sidoo kale waxay sheegtay in deegaankeedii ay ku lahayd dad badan oo ay wax daynsan kartay balse Burco aysan qofna ka aqoon taas oo xaaladda ku sii adkaysay.

Carruurteeda oo kan ugu wayn jiro 10 sano ayay xustay inaysan u adkaysan karin nolosha barakaca oo ku cusub.

Sidoo kale waxaa meesha ka baxay waxbarashadooda maddaama ay ka soo guurtay deegaanka oo ay ka dhiganayeen dugsi qur’aan kaas oo qudhiisa ay biyuhu dumiyeen.

Waxay bil kasta ka bixin jirtay bin $8 oo ay ka shaqayn jirtay xaabo guris. Waxay tilmaamtay inaysan awoodin inay ku darto iskuullada magaaladao oo qofkiiba wax lagu baro $10. 

Haweenaydaan waxay sheegtay in daadku qabsaday xilli habeen ah iyaga oo jiifa, maaddaama ay ahayd kaligeed waxay xarig ku wada xirtay ilmaha iyada oo markaasna biyaha la dhex jiirtay si ay banaanka ugu saarto taas oo noqotay farsamo caaawisay.

In ka badan 800 oo qoys ayaa xaaladdan kala siman Carfi, kuwaas oo daadadka roobka oo cayrteeyay uga soo tagay deeganka War-Cibraan sida guddoomiyaha tuullada uu noo xaqiijiyay.  Wuxuu sheegay inay kala aaden Burco iyo tullooyinka hoostaga.

Faarax Bille Nuur oo ah abbaaha 6 carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa ay nolol xumadii ugu darnayd ku wajahayaan magaalada Burco.

Wuxuu xusay inay ku nool yihiin isaga, carruurtiisa iyo xaaskiisa qol $10 ay uga kiraysteen reer ay ehel yihiin oo aan waxbo ku dhaamin nolol ahaan. Wuxuu tilmaamay inay maalintii mar wax la cunnaan qoyska, maaddaama aysan waxbo haysan.

“Faro-marnaan ayuu na dhigay daadkii. Nafaheena un ban ka badbaadsanay. Xaalad adag ayaan nagu haysata meesha aan imaanay. Qof cayr noqday oo barakacay xaaladdiisa qof walbo waa dareemi kara. Nolosha ayaan halgan kula jirna. Wax shaqo ah oo aan lacag kala soo bixi karnana ma jirto.”

Faarax ayaa sheegay in 40 ka mid ah toddobaatan ari ah oo uu ku dhaqanayay deegaankoodii ay daadadku kala tageen uuna waayay awoodii uu ku badbaadsado, maaddaama socodka biyaha uu ahaa mid xooggan.

Wuxuu sheegay in 12 mid ah intii u hartay uu ku iibsaday lacag u dhaxaysa $30 illaa $40, maadddaama ay ahaayeen wayd ay roob-yari deegaanka War-cibraan ka jirtay sanadkii hore nacfi tirtay.

Dhaqalahaas ayuu xusay in uu qayb ku soo raray reerka, gurina ugu kireeyay, qaybna iskaga guday daymo uu qoyska raashin iyo arad-tir ku qaatay intii ay roob yaridu jirtay.

Neefafka u haray ayuu xusay inaysan cad, caano iyo iib toona lahayn haddii uu masruufka reerka ku maarayn lahaa.

Faarax oo 45 Jir ah ayaa sheegay in waligiis uu ahaa reer miyi aanan lahayn wax xirfad ah oo ka baxsan xanaanaynta xoolaha.  Wuxuu sheegay in waayo adag ay hor yaallan, kuwaas oo uu aysan hayn xeelad uu uga dabaasho.

Qoyskiisa ayuu sheegay inay tahay markii ugu horraysay oo ay barakacaan ayna la qabsan la’yihiin xaaladdan. Wuxuu xusay in muteen gacan hoorsiga dadka, kaas oo uu waligii ku fikirin.

Wuxuu sheegay in uu qorshaynaya in ay ku biiraan xeryaha barakaca oo uu ka filayo nolol tooda hadda dhaanta, haddii uusan xalkooda isbeddelin.

Dhanka kale Cabdullaahi Jaamac Caraale oo ah guddoomiyaha ku xigeenka tuullada War-cimraan oo ay dadkaan ka barakaceen ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 11 sano ee u danbeeyay uu deegaanka isku beddelayay marba marka ka danbayso dooxooyin iyo godad.

Wuxuu xusay in dooxooyinka ay markii hore ka soo billawdeen waddooyinka soo gala tuullada oo burburay ayna ku fideen dhamaan deegaanka.

Xilliyada roobka ayuu sheegay inay sababaan daadad iyo fatahaado, hasa ahaate xilli roobeedkaan uu yahay midkii ugu horeeyay ee ay dadkii deegaanka ay barakac noqdeen saamaynta daadadka awgood.

Wuxuu sheegay in maamulka deegaanka uu wado dadaallo kala duwan, lakiin baaxada dhibaatada darteed aysan wax badan qaban karin.

“Cagafyo ayaan u yeernay si ay u moosaan biyaha. Mooskii la sameeyay maahan mid biyaha celin karo oo dooxooyinka darteed dadaalo badan oo hay’addeed ama dowladeed ayay u bahan tahay si looga hortagga fatahadaha ku soo laalabtay deegaanka.”

“Tuulada baaris lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in dhulka caadiga ah ay ka hooseyso illa 16 km. Awood uma hayno in wax nagala qabto ayaan ku baaqaynaa.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii tuullada ka barakacay ay ahaayeen reer miyi xoolaha u jooga ay roob-yaridu nacfi tirtay, kuwaas oo waayay awood ay xilli hore uga guuraan deegaanka si ay saamaynta soo gaartay uga baxsadaan.

Previous Post

Qoysas nolol xumo ku wajahaya deegaan hoostaga Baraawe, markii colaad ay soo salkicisay

Related Posts

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya deegaan hoostaga Baraawe, markii colaad ay soo salkicisay

November 24, 2026
Qoysas reer-miyi ah oo u weecday shaqada kalluumeysiga xoolo la’aan awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas reer-miyi ah oo u weecday shaqada kalluumeysiga xoolo la’aan awgeed

November 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween waxbarasho ku helay geed hoostiis, kaas oo ku yaala duleedka Muqdisho

November 20, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waddo xumo shaqo la’aan dhigtay xoogsatada Baydhabo, kuwaas oo wajahaya cunno yari

November 19, 2026
Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen

November 18, 2026
Dhadhabaab: Haweenay qaxooti ah oo fursad shaqo ka caawisay 120 qof oo haween u badan
Cunto-Yaraanta

Haweenka Hargeysa oo ka cabanaya is-hortaag lagu sameeyay shaqadooda gawraca xoolaha

November 17, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-NOV 2026

IDAACADDA 25-NOV 2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-NOV 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-NOV 2026
November 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-NOV 2026
November 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-NOV-2026
November 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-NOV-2026
November 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-NOV-2026
November 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo