Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas u weecday kalluumeysiga, markii ay ku xoolo beeleen abaar soo laalaabtay

Jibril Osman by Jibril Osman
November 24, 2026
in Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas u weecday kalluumeysiga, markii ay ku xoolo beeleen abaar soo laalaabtay

Mid ka mid ah kalluumeystada oo ku jiray shaqo maalmeedkiisa/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xoolo dhaqato badan ayaa isku badalay kalluumeysato, markii ay ku adkaatay nolosha miyiga. Waa xaalad ka dhalatay abaaraha soo noqnoqday oo sababay in xooluhu le’daan, yaraadaan ama ay noqdeen kuwo nacfi badan laheyn, maaddama ay waayeen daaqii iyo biyihii ay ku tiirsanaayeen. 

Waxaa jira xoolo dhaqato ka leexday inay xeryaha barakaca galaan, kuna wajahaan cunno yarida iyo hubanti la’aanta, markii ay waayeen geelii, arigii iyo lo’dii ay dhaqanayeen ayay ku fekereen inay abuuraan il kale oo dhaqaale oo u badasha. 

Waxay noqdeen kalluumeysato. Badda oo qaarkood aysan arag inay maqlaan mooyaane ayay subixii u shaqo tagaan, kana soo hoydaan habeenkii. 

Waxa aan ka hadlayo waa xoolo dhaqato ku noolaa miyiga gobolka Mudug oo hadda ka mid ah kalluumeysatada xeebaha degmooyinka iyo deeganada Faax, Hobyo, Ceelhuur, Gal-hogaag, Labad iyo Xarardheere. 

Cismaan Maxamuud Cali ayaa ka mid ah. Qoyskiisa oo ka kooban toban qof ayaa ku tiirsan $250 illaa $300 oo uu ka helo kalluumeysiga. 

Wuxuu tilmaamay in magaalada Hobyo uu yimid isagoo faro-maran oo ay ka le’deen 60 ari ah oo uu ku dhaqanayay miyiga gobolka Mudug.

Bishii lixaad ee sanadkan ayuu shaqo ka helay shirkadda kalluumeysiga Mubaarig oo ah mid maxalli ah oo fadhigeedu yahay Hobyo. 

Muddo bil ah oo uu baranayay dabaasha iyo xirfadda kalluuumeysiga, wuxuu ka mid yahay xoogsato si joogta ah badda uga shaqeysta agabka ay shirkad leedahay.

Natiijada ka soo baxda howsha maalinlaha ah ayay ku xirantahay lacagta uu helo oo uu xusay in maalinkii ay u dhexeyso $8 illaa $10. 

“Waxaan ku qasbanaaday inaan qof xoogsato noqdo intaan qof asaagay ah baryi lahaa ama ilmahaygu dibjireen noqon lahaayeen, marka inaad gacmaha isa saarato waxaa ka fiican inaad xirfad yeelato oo aad shaqaysato. Waxaa Ila qumanaatay inaan nolal maalmeedkayga badda ka raadsado.” 

Cismaan ayaa xusay in shaqadan ay u suurta-galisay in qoyskiisa oo ceyr ah uu miyiga ka soo raro, soona dajiyo magaalada Hobyo. 

Wuxuu sheegay inay iskuul u dhigtaan lix carruur ah oo bishii uu ka dhiibo $30, qoyskuna deggan yahay hoy labo qol ah oo kiradiisu tahay $40.

Reerka ayuu xusay inuu ka soo kabtay cunno yari ay wajaheen markii ay dhaafeen xoolihii ay ku tiirsanaayeen. 

Cismaan ayaa tilmaamay in hadda uu u shaqeeyo shirkad, balse uu hankiisu yahay inuu noqdo kalluumeyste madax-bannaan oo leh doon iyo agab u gaar ah.

Wuxuu ka dhex arkaa fursad dakhligiisu ku kordhayo, balse hadda waxaa ka hor taagan dhaqaale xumo, maaddama uusan heli karin lacag uu ku gato doon, matoor, shabaag qaar kale oo lagama maar-maanka ah. 

“Qalabka ayaad iigu liita, baddiina waan bartay haddey dabaashii tahay, quusidda tahay, laakiin wax aan gaar u leeyahay oo aan ku shaqeysto ayaanan haysan, gacan islaameed ayaan ku jirnaa oo dad ayaan u shaqeynaa.” 

Cismaan oo ah 32 jir ayaa sheegay in caqabad ay ka soo wajahdo doonyo waaweyn oo kalluumeysi oo uu sheegay in laga leeyahay waddamo shisheeye, kuwaas oo amni darro iyo awood sheegasho ay kala kulmaan. 

Wuxuu sheegay in doomo iyo maraakiib into badan laga leeyahay Iran iyo Yemen ay ka burburiyaan saxiimadooda yaryar ama ay ka qaataan oo ay waayaan.

Xoolo dhaqatada horraantii sanadkan billaabay inay ka kalluumaystaan xeebaha gobolka Mudug ayaa ka siman nolol xumada ay qoysaskooda ka saareen, basle waxay ku kala duwan yihiin qaabka ay u shaqeeyaan.  

Cabdiraxmaan Cali Aadan wuxuu qoyskiisa oo toddobo qof ka kooban u awooday inay helaan cunno ku filan tan iyo bishii siddeedaad, markaas oo badda deeganka Labad ka bilaabay kalluumaysi. 

Ninkan waa xoogsade aan cidna u shaqeyn oo kaligiis badda gala subax kasta, isaga oo adeegsanaya shabaag iyo fiilada lagu dabo kalluunka. Dadka deegaanka ayuu ka iibsada kalluunka oo uu sheegay in kiiladii uu ku gato labo Doollar.   

“Nolashayda wax badan ayaa iska badalay shalay waxaan ahaa nin xoola dhaqato ah, xoolihii oon iyo abaar baa iga dhameeyay wixii ka dambeeyay intaas waxaan kusoo biiray kalluumaysiga. Subaxdii baan shamaagtayda tuurtaa wixii Irsaqo oo Ilaahay iga siiyo ayaan ilmahayga ku maareeyaa. Maalmaha qaar waxaan soo helaa toban kiilo oo kalluun ah.” 

Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in kalluumaysiga ay kula taliyeen rag ay saaxiibo yihiin kuwaas oo muddo bil ah siinayay tababar la xariira sidii uu badda uga kalluumaysan lahaa. Wixii intaas ka dambeeyay wuxuu $30 oo deyn ah uu ku soo iibsaday agabka uu hadda ku shaqeysto. 

Cabdiraxmaan ayaa xusay in howshan ay ku dhalatay markii dhammaadka sanadkii hore ay abaar darteed uga la’deen 80 ari ah iyo toban geel ah oo uu ku dhaqanayay miyiga deegaanka Labad. 

Ninkan oo nolashiisa oo dhan miyi kusoo qaatay ayaa aaminsan in dhaqashada xoolaha uu ka nacfi badan yahay kalluumeysigu. 

“Kalluumaysiga ayaa fiican sababtuna waa inuu yahay mid dabiici ah oo markasta la helayo, xoolaha dhaqashadoodii hoos u dhac wayn ayaa ku yimid boqolkiiba boqol.” 

Marka laga soo tago inuu maareeyay baahiyaha qoyskiisa, Cabdiraxmaan ayaa waxbarashada ku daray bishii sagaalaad laba carruur ah oo uu aabbo u yahay. 

Waxay iskuul ka dhigtaan degmada Hobyo, maaddaama deegaankoodu iskuul lahayn. Bishii ayuu ka dhiibaa $75 oo iskugu jirta waxbarashada iyo cuntada, maadaama ay la joogaan qoys qaraabo ah. 

Sagaal bil oo sanadka ka mid ah ayay kalluumeysatadu shaqeeyaan, iyadoo saddexda bil ee kale loo yaqaano bad xiran. Waa xilli ay kacsan yihiin hirarka badda, taas oo kalluumeysatada ku qasabta inay hakiyaan shaqooyinkooda maalinlaha ah. 

Qofkii aan sameysan keyd dhaqaale iyo il kale oo uu isku sii dabaro waxay qoyskiisu wajahi karaan caqabado ay ka mid tahay cunno yari iyo inuu dabari waayo baahiyaha asaasiga ah.

Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo ah guddoomiyaha kalluumaysatada gobolka Mudug ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tan iyo bishii May ee sanadkan ay ku dhawaad 400 oo ah dhallinyaro rag u badan oo xoolihii abaartu ka dhamaysay ay ka shaqo billaabeen xeebaha gobolka.  

“Qofku hadduu xoog leeyahay wuu shaqeysanayaa, anaguna guddi ahaan waxaan ku caawinaa, meeshii shaqo ka dhowdahay ayaan dhahnaa shaqadan qabso, waxaan ku xirnaa ragga badda yaqaan oo bara qaabka loo kalluumeysto, sida doonyaha loo wado, niman badan ayaa hadda noqday naaquudayaal aad u fiican.” 

Cabdiraxmaan ayaa xusay in kalluumeysatada danyarta ah ay baahin xoogan u qabaan in laga taageero agabka kalluumeysiga iyo mid badbaadada nafta oo aysan inta badan awoodin inay gataan. 

Previous Post

Haween waxbarasho ku helay geed hoostiis, kaas oo ku yaala duleedka Muqdisho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween waxbarasho ku helay geed hoostiis, kaas oo ku yaala duleedka Muqdisho

November 23, 2026
Qoysas nolol xumo ku wajahaya deegaan hoostaga Baraawe, markii colaad ay soo salkicisay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya deegaan hoostaga Baraawe, markii colaad ay soo salkicisay

November 22, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waddo xumo shaqo la’aan dhigtay xoogsatada Baydhabo, kuwaas oo wajahaya cunno yari

November 19, 2026
Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen

November 18, 2026
Dhadhabaab: Haweenay qaxooti ah oo fursad shaqo ka caawisay 120 qof oo haween u badan
Cunto-Yaraanta

Haweenka Hargeysa oo ka cabanaya is-hortaag lagu sameeyay shaqadooda gawraca xoolaha

November 17, 2026
Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga
Wararkii u Danbeeyay

Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga

November 13, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-NOV-2026

IDAACADDA 23-NOV-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-NOV-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-NOV-2026
November 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-NOV-2026
November 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-NOV-2026
November 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-NOV-2026
November 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-NOV 2026
November 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo