(ERGO) – Haween danyar ah oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shirkad gaar loo leeyahay ay ku hayso handadaad iyo dhibaateyn, si ay uga saarto shaqada gawraca xoolaha oo ah ishooda dhaqaale.
Qiyaastii 300 oo haween ah ayaa dhowaan dhigay bannaanbax nabadeed iyaga oo ka dalbaday Somaliland inay u oggolaato inay sii wataan gawraca xoolaha ee loogu talo galo aroosyada iyo xafladaha kale, ama ay u abuurto fursado shaqo oo kale.
Xaliima Cabdi Aw Daauud ayaa sheegtay inay 10 sano ah qoyskeeda ku masruufaysay gawraca xoolaha.
Hase yeeshee, bishii Oktoobar ayay shirkad gaar loo leeyahay bilowday inay adeeggan ku qabato $1 neefkiiba, halka haweenku ay neefkiiba ka heli jireen inta u dhexeysa $4-$5.
“Anniga weli waan aadaa suuqa. Afar Mindiyood iyo faas ayaan soo qaataa. Haddaan maanta neef helo qadada iyo qureecda waan isku fillaysiin jiray. Laakiin markii la yiri intii ma hayo anniga ishaasaa ii baahnayd.”
“Neefkaas ariga ah iyo mindidaas aan suuqa la dhex istaago ayaa ii ahayd waddo aan maro. Waddaasna inay soo xiraan ayay doonayaan. Sayladdii ayaa qalalaase gashay.”
Maaraynta cunnada oo ku adag waxaa u dheer inay awoodi la’da bixinta kirada guriga labo qol ah oo ay ka deggan yihiin xaafadda Maxamed Mooge oo bishii $80.
Haweeneydan ayaa sheegtay in culeysada haysta ay ku keenaan inay habeenkii la gami i waydo.
“Caqabado aad u bahan ayaa Somaliland dhexdeeda nagu haysta. Xalay ma seexan. Saq dhexe ayay igu soo dhacday in 2 bil lagu leeyahay oo aanan dib u seexan. Madaxdayda waxaan leenahay hoos noo eega oo na ogaada.”
Shaqo la’aanta ku dhacday Xaliimo waxay soo saamaysay nolosha qoyskeeda oo dhan. Waxay sheegtay inay duruus la’aan darteed guriga ugu dhex fadhiyaan siddeed ka mid ah carruurteeda markii ay isku keeni wayday waxbarashadooda iyo quudintooda.
Haweeneydan ayaa sheegtay inay xaaladdan ku soo aaday xilli ninkeeda oo ka kabi jiray nolosha uu isna yahay shaqo la’aan, taas oo keentay in noloshooda ay noqo mid aan meelna ku tiirsanayn.
“Anigaa isdhihi jiray ayaan la isku dulbaqtina reerka ubaxa. Bixitaankiina waataa aniga la igu haysto ee sidii oromadii la Ii jaaka jaakaynaayo. Markaa anuu waxaan leeyahay madaxeey hoos noo eega.”
Xaliimo oo sheegtay inay shaqadan ku soo jirtay muddo 10 sano ah, isla markaanna aysan muddadaas la soo la kulmin caqabadan oo kale. balse maanta ayay sheegtay in shirkadda askar la daba dhigay isla markaana aanay haysan meel kale oo ay shaqo u raadsato.
Waxay xustay inay doonayso inay shaqada keliyeed ay isku koobto, sidaas darteedna ay ugu adeegsanayso ciidan u shaqeeya.
Joogsiga isheedii dhaqaale ayaa sidoo kale qoyskeeda ku hoggaamisay inay shuban waayaan biyo ku filan oo ay cabbaan.
“Saddexdayda carruur ah jirikaan biyo ah ayaan u soo dhaamiyay oo walaahiya oo laba kun oo shilling ah taangigu wuu madhan yahay. Baahidayda hadaan iraahdo soo bandhig intaas way ka badan tahay.”
Sahra ayaa keli ku ah korinta carruurteeda. Masuuliyadda reerka ayaa ku soo furantay, markii uu dhintay saygeedii 9 bil ka hor, kaas oo qayb weyn ka qaadan jiray masruufka.
Waxay tilmaantay in geeridiisa kaddib ay ka fursan wayday inay u xoogsi tagto reerka, isla markaana ay keligeed la halganto duruufaha nololeed ee carruurteeda iyo hooyadeed oo da’ ah lana nool.
Waxay ka walaacsan tahay nolol xumada iyo dad ay sheegtay in ay u maleegayaan xarig.
“Waan ka maroora-dillaacsanahay wax kasta. Xidhxidhka uun baa iigu daran. Shalay oo u danbaysay ayaa guriga loogu yimid oo lagu yidhi xagge hooyadiin qabatay?.”
Faadumo Yuusuf Cilmi oo ka mid ah guddida haweenka ariga qali jiray ayaa sheegtay in haweenkan ay la kulmeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin ganaaxyo iyo xarig.
Waxay xustay inay yihiin dumar intooda badan keligood u shaqaysta oo masuul ka ah masruufka iyo daryeelka carruurtooda.
Waxay tilmaantay in shaqada ay qaban jireen ay ahayd isha keliya ee ay ka heli jireen nolol maalmeedka, isla markaana ay shaqo la’aantu halis gelisay hubanti la’aan gaarsiisay inay dabooli kari waayaan baahiyaha aasaasiga ah.
“Waxaanu ka kooban nahay haween carruur lagu furay. Waxaanu leenay tu laga dhintay oo agoon ah. Waxaan ku tiirsanahay shaqadan oo maalinle aan u raadino, mana ahaan karno la’aanteed.”
Fadumo ayaa sheegtay in haweenku ay cabashooyin u gudbiyeen hay’adaha ay khusayso, balse aysan wax jawaab ah ka helin. Waxay rajo ka qabaan in Somaliland ay soo farageliso, xalna ka gaarto xaaladda ay ku sugan yihiin.
“Rajada kama aynaan quusan, welina waxaan dowladda ka codsanaynaa inay naga soo jawaabto,”
Shirkadda Mandeeq oo haweenku sheegeen inay tahay shirkadda keliya ee magaalada Hargeysa ka bixisa adeegga gawraca xoolaha ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan, inkasta oo ay Raadiyow Ergo ay dhowr jeer isku dayday inay shirkadda ka hesho jawaab.









