Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween waxbarasho ku helay geed hoostiis, kaas oo ku yaala duleedka Muqdisho

Jibril Osman by Jibril Osman
November 22, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
blank

Ramla Cali Xuseen oo 21 jir ah oo geed-hoostiisa maadada xisaabta ugu dhigaysa gabadha digta iskuulka Faadumo Cureeji/Shukri Xaashi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Geed weyn oo ku yaalla bartamaha xaafadda Labaajo-boor ee degmada Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa isku baddalay goob si bilaash ah wax loogu baro dumarka oo keliya.

Wuxuu fasal u yahay haween da’dooda u dhexayso 8 illaa 60 jir, kuwaas oo ka soo jeeda qoysas barakac ah oo ku nool xeryaha Nuurshareeco, Xaawo Cabdi iyo Weedow.

Geedkan dhinacyada ka furan oo lagu magacaabo Faadumo Cureeji waxaa gabdhaha lagu baraa akhriska, qoraalka, xisaabta, luqaddaha iyo xirfado ay mustaqbalkooda ku dhisan karaan.

Qaar kamid ah dumarkaan waa markoodii ugu horreysay oo ay waxbarasho helaan, sida Fartuun Cumar Cabdi oo sheegtay inay u tahay fursad mar la arag ah, maaddama yaraanteedii aysan helin fursad ay wax ku barato.

 “32 sano ayaan jiraa. Fursad isoo martay waaye. Inaan ka faa’iideystaan rabaa. Qarash la’aan waaye.”

Fartuun ayaa sheegtay in muddo ku dhaw bil oo ay waxbarashada waddo ay haatan qori karto xarfaha far-soomaaliga iyo tirada xisaabta illaa 10.

Waxay intaa ku dartay inay barato cillaan saarka oo ay u aragto in uu mustaqbalkeeda wax badan ka badalayo ayna ku shaqeysankarto barashada kadib.

Haweeneydan ayaa kamid ah konton dumar ah oo tan iyo 24 October waxbarasho bilaash ah helaya.

Waxay tilmaamtay inay la kulmaan caqabado maadaama goobtu aysan fasallo ahayn, maalmaha roobku jiro ayay xustay inaysan cashar qaadan.

Dhanka kale waxa ay sheegtay in haweenka qaar ay carruurtooda yaryar la yimaadaan, taas oo ka dhigaysa inay isku mar la tacaalaan waxbarashada iyo daryeelka carruurta.

“Geedka hoostiisa waxbarashaa noo taal inkasta oo aan dhibaato aragno xajjiin iyo dhuurada ayaa nagu soo da’aya, ilmo yaryariis ah ayaa meesha ku haysanaa, waxbarashadii waan rabnaa.’’

Haweeneydaan ayaa mustaqbalka rajayneysa inay macalimad noqoto oo ay si bilaash ah wax ku barto gabdho badan oo ku nool xerayaha barakaca kuwaas oo aan helin fursadaha waxbarasho duruufo dhaqaale owgeed.

Waxa ay xustay in korriimada carruurteeda todobada ah ay keli ku tahay, iyada oo subax kasta aroortii u toosta si ay shaax ugu diyaariso.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in marka la gaaro saddax saac oo subaxnimo ay isku diyaariso goobta waxbarashada si ay xiisadaha u soo qaadato.

Sanadkii 2017 ayay miyiga gobolka Bay uga soo barakacday colaad qabiil oo salka ku haysay lahaanshaha dhul beereed iyada oo tan iyo xilligaas ku sugnayd xero ku taalla Garasbaaley.

Dhan kale, Nasro Cabdinaasir Daahir oo ah aasaasaha goobtaan waa 24 jir wax ka baratay mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Waxay sheegtay inay yaraanteedii jeclayd macalinnimo balse markii ay dugsiga sare dhameysay ay qoyskeeda kula taliyeen inay caafimaadka barato.

Ugu danbayn waxay ku dhiiratay inay fursad waxbarasho u abuurtay gabdhaha ku nool xeryaha barakaca Garasbaaley, taas oo muujinaysa inay riyadeedii fulisay.

Sahro Xuseen Xaashi waxa ay kamid tahay waalidiinta dedaalkeeda ku qaatay qalinka iyo buuga, iyada iyo laba ka mid ah gabdhaheeda ayaa geedka hoostiisa wax ku barta maalin kasta.

Haweeneydaan ayaa sheegtay in duruufaha dhaqaale ee qoyskeeda ay ka hor istaagteen in carruurteeda ay waxbarasho u hesho balse maanta xeradeeda ayay aqoontu ugu timid.

Waxay tilmaamtay in bartamihii bishii hore ay maqashay xerada inay ka socoto is-diiwaan-galin lagu qorayo gabdhaha ku nool xeryaha barakaca si ay u helaan waxbarasho bilaash ah.

Waxay ka diiwaan-galisay labo gabdhood oo dhashay, kuwaas oo lagu kala macagaabo Xaawo Cabdiraxmaan oo toban jir ah iyo Xaliimo Cabdiraxmaan oo siddeed jir ah.

“Haddii aan waxbarasho fiican helno horay waan u sii socon doonnaa, waxbarashadana waynaan iyo yaraan ma gasho, jaaniskaan mid ka fiican way imaan doontaa.’’

Haweeneydaan ayaa sheegtay in isbadal wayn uu ku yimid iyada iyo carruurteeda oo ay haatan ay ku tartamaan aqriska iyo qoraalka.

Waxay sheegtay in gabdhaheeda ay ku xujeyso qoraalada ku qoran goobaha ganacsiga iyo boorarka ku dhegan waddooyinka xilliyada ay magaalada aadaan.

Sahro carruurteeda oo lix ah, afar kamid ah waa wiilal kuwaas oo aanan helin fursad waxbarasho waligood isla markaana aysan habboonayn in wiilasha laga tago.

Geedka hoostiisa ayay tilmaamtay inuusan ku filnayn oo xilliyada duhurkii ah ay qorrax ku dhacdo ardayda. Macalimiinta ayay ka codsatay ballaarinta goobta iyo si wiilasheeda ay fursadda u helaan.

“Goobta way yartahay gabdho kooban ayaa wax lagu baraa. Gabdhaha macalimiinta ah haddii la garab qabto oo iskuul mid wayn laga dhigo oo dabcan fasallo badan loo sameeyo way jecelyihiin ayaga xattaa wiilasha inay waxbaraan.”

Goobtaan waxbarasho  dhamaan macalimiinteeda waa lix dumar ah, kuwaas oo maalinkasta safar u gala sidii ay casharro u siin lahaayeen gabdhahan.

Nasro Cabdinaasir Daahir oo ah maamulaha iskuulkan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in fikradda aasaaska dugsiga ay ka dhalatay dareen ay ka qaaday gabar yar oo uga sheekeeysay waxbarasho la’aan ku haysa deegaankeeda.

Maamule Nasro ayaa sheegtay in gabadha hooyadeed ay ka dalbatay maalin kasta inay u keento si ay gudaha isbitaal ay ka shaqayso wax ugu barto. Waxay intaa ku dartay inay ogaatay in gabdho kale oo badan ay iyaguna u baahan yihiin waxbarasho.

“Waa dareemi kartaa qof wiligiis aan arkin meel wax lagu baranaayo, waligiis aan iskuul ama fasal xaadirin, gabdhahaas waxbarasho iskaba dhaafe xittaa buugga sida loo qabto waxay qaadatay maalmo in la baro oo loo toostoosiyo siday buugga iyo qalinka u qabsan lahaayeen.”

Gabdhaha ayaa maalinkasta shan saac oo barqonimo ilaa siddeed saac oo duhurnimo geedka hoostiisa lagu siiyaa xiisado kala duwan iyo xirfado.

Aasaasaha ayaa sheegtay sababta ay u dooratay in dumar kaliya ay waxbarto ay tahay markii ay tagtay xeryaha lagu barakaco dadka jooga inay u badnaayeen haween.

Dhanka kale waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin inaysan haysan buugaag, qalimaan iyo agab waxbarasho oo ku filnayn ardayda, waxaana ku adag joogtaynta waxbarashada maalmaha qaar, sababo la xiriira macalimiinta oo meelo fogfog ka imaada haddii uu roob jirana aan imaan karin.

Maamulaha goobta waxbarasho ayaa sheegtay haddii ay helaan taageero ku filan in ay suurtagal u tahay gabdho badan oo ku nool xeryaha duleedka Muqdisho waxbarasho nidaami ah iyo xirfado ay ku shaqeysan karaan, ayna rajeynayaan ballaarinta goobtaan.

“Faadumo Cureeji girl’s school waxaan ka filayaa in uu noqdo ilaa dugsi sare. Sidoo kale, waxaan ka filayaa inuu yeesho qayb deegaan ah oo gabdhaha aan guryaha haysan ama gabdhaha jecel inay iskuulkaan dhigtaan ee gobolada jiro meel ay degannaan karaan intay waxbaranayaan.”

Xeryaha barakacca ee ku yaalla duleedka caasimadda waxaa ku adag inay helaan adeegyada iyo fursadaha aas aasiga u ah nolosha dadka, taas oo marar badan ku noqotay caqabad ay ku adkaatay ka tallaabiddeeda.

Previous Post

Waddo xumo shaqo la’aan dhigtay xoogsatada Baydhabo, kuwaas oo wajahaya cunno yari

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Waddo xumo shaqo la’aan dhigtay xoogsatada Baydhabo, kuwaas oo wajahaya cunno yari

November 19, 2026
Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen

November 18, 2026
Dhadhabaab: Haweenay qaxooti ah oo fursad shaqo ka caawisay 120 qof oo haween u badan
Cunto-Yaraanta

Haweenka Hargeysa oo ka cabanaya is-hortaag lagu sameeyay shaqadooda gawraca xoolaha

November 17, 2026
Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga
Wararkii u Danbeeyay

Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga

November 13, 2026
Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan

November 12, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo cunno xumo iyo dayac hoy la’aan wajahaya xilli roobab ay da’ayaan

November 11, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-NOV-2026

IDAACADDA 22-NOV-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-NOV-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-NOV-2026
November 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-NOV-2026
November 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-NOV-2026
November 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-NOV 2026
November 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-NOV 2026
November 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo