Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ay ku haysato Galgaduud, markii colaad iyo roob la’aan ay saamaysay

Jibril Osman by Jibril Osman
November 2, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas nolol xumo ay ku haysato Galgaduud, markii colaad iyo roob la’aan ay saamaysay

Qoysas dagay geedaha hoostooda, markii ay waayeen hoy ay gabaadsadaan/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Shariif Cabdille Nuur oo 12 ah, kuwaas oo barakac ku tagay bishii Ogosto magaalada Dhuusomareeb ayaa wajahaya xaalad cuno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan. Waxay ku hungoobeen rajadoodii ahayd in ay ka bixidoonaan xaaladdan.

Wuxuu xusay in ay dageen xerada Oog, halkaas oo aysan ka jirin dhamaan baahiyaha aas-aas-ga ah, sidoo kalana aysan ku helin wax dayn iyo deeq toona, taas oo quus ku beertay. Qoysaskan ayaa ka soo guuray Gaalkacyo halkaas dageen bilowgii sanadkan.

Shariif ayaa sheegay in sida kaliya ee ay reerkiisa dabka ku shitaan ay tahay raashin cayriin ah oo ay iskugu soo dawarsadaan dadka dariska ah, kaas oo aan joogta ahayn, balse ay dantu dhaafin wayday.

“Hal waqti ayaan dabka shidana marka ay wax noo soo aruuriyaan. Hadda aan kula hadlayo quraac ma helin carruurtayda, qadana ma filayno. Illahey ayaan wax ka sugayna xagiisa. Nolol xumadaas ayaa na haysa.”

Shariif ayaa xusay in markii Dhuusomareeb uu imaanayay uu filayay in uu ka heli doonna shaqooyin xoogsi ah oo uu masruufka qoyska ka soo saari karo, hasa ahaate aysan rajadaasi u rumoobin.

Wuxuu xusay in subax walbo uu kallaho, galabkiina uu guriga ku soo laabto isagoo faro maran. Dhanka kale waxaa reerkiisa xerada ku haysta biyo yari.

Wuxuu xusay in ay ku tiirsan yihiin jirgaan ay siiyaan reer ay dul-saar ku noqdeen, markii ay xerada imaadeen, kuwaas oo aan nolol ahaan waxbo ku dhaamin.

Ninkaan ayaa xusay in uusan awoodin $3 oo tuubo xerada ku jirta qoyskiiba laga qaado marka ay bisha dhamaato.

Si la mid waxaa intaasi u dheer gabaad xumo. Buush lagu caawiyay oo calalada saaran ay dhamaad yihiin ayuu xusay in ay dugaal ka dhigtaan.

Wuxuu sheegay in uu ciriiri ku yahay qoyskiisa badan, sidoo kalana uusan ka celin karin dhaxanta habeenkii iyo qoraxda maalinkii.

Shariif oo 60 jir ah ayaa quus ka muujiyay in aysan wali wax isbeddel ku helin safarkood labaad oo ay ku raadinayeen nolol toodi hore dhanta.

“Itoobiya ayaan ka nimid markii hore. Galkacyo ayaan ku soo dagnay, haddana darxumo nagu qabsatay awgeed waa ka soo tagnay, hadda Dhusamareeb ayaan joogna, markii aan imanayay wax dad ah kama aqoon inagoo geed hoostiisa joogno ayuu na soo wayday guddoomiyaha xerada oo halkaan na keenay.”

Wuxuu xusay in xerada aysan lahayn wax adeegyo aas-aasi ah sida waxbarashada iyo caafimaadka usanna u awoodin in carruurtiisa uu ku daro iskuullada lacagta ah.

Qoyskiisa ayaa billawgii bishii sideed socod lug ah oo ku qaatay saddex berri uga yimaadeen xerada Qoraxey ee magaalada Galkacyo oo ay soo gaareen billawgii sanadkaan.

Roob yari ka galafatay dhamaan xoolihi ay dhaqanayeen ay uga soo tageen miyiga degmada Qallafe ee dowlad deegaanka Soomaalida. 

Ninkaan ayaa sheegay in uu waligiis ka mid ahaa reer-guuraa xoolaha ku dhaqda miyiga Qallafe, hasa ahaatee uu barakaca ka fursan waayay billawgii sanadkaan. Roob yari iyo colaad u dhaxaysay qoomiyaaha Oroamada iyo Soomaalida ayaa soo salkicisay.

Waxaa xaaladdan kala siman in ka badan 200 oo qoys oo hubanti la’aan nololeed ku wajahaya xerrooyin kala duwan oo ay ku biireen, kuwaas oo aysan ku helin wax dhaaf siisan amniga.

Qoyska Caasho Cumar Cali oo sagaal qof ah waxay nolol xumo uga daran tii ay ku muteen magaalada Galkacyo oo ay ka yimaadeen horrantii bishii hore ku wajahayaan xerada Shabeelle ee duleedka Dhusamareeb.

Waxay xustay in ay mar maalinkii dabka ku shitaan raashin aan joogta ahayn oo ay ka waydiistaan dadkii xerada uga soo horeeyay.

Waxay xustay in kalmadaasi aysan ahayn mid laisku halayn karo, maaddaama qoysaskaasi ay iyaguba yihiin danyar aan tabar ku dhaamin.

“Qof walbo oo aad u tagto aniga baahan ayuu ku leeyahay. Xaaladda na haysato mid la mid ah horray uma aan soo arag. Wax aan dib ugu noqonaya ma haysano. Dad go’doon ah oo tabaalaysan ayaan nahay.”

Caasho ayaa sheegtay in aysan garab u haysan xaaladdan adag. Ilamaheda abbbaahood ayay tilmaamtay in uu yahay wayeel aan wax kaalin ah ka qaadan karin nolosha reerka, carruuteeduna uu kan ugu wayn yahay 12 Jir aan qaban karin shaqooyinka dhagax jabinta ah.

Haweeynaydan ayaa xustay in maalin walbo ay ku wareegto xaafadaha magaalada, balse aysan ka soo helin qof u dirsada shaqooyinka nadaafada sida dhar dhaqista.

Waxay xustay in intooda badan ay u sheegaan in ay haystaan qasalado ay uga marmeen dhar-dhaqidi ay lacagta ku bixin jireen. Waxay tilmaamtay in xerada ay ay ku haysto hoy la’aan.

Coshad ay ku dhisteen maryo lagu caawiyay iyo ulo ay isku gaysteen ayay xustay in ay ka dumiyeen dabaylo iyo dadaad xoogan oo ka dhashay roobab magaalada ka da’ay 11 bishaan, taas oo banaan-yaal uga dhigtay dhaxanta iyo kuleelka.

“Buushkii noo dhisna roobka ayaa naga dumiyay xita joodariyaal nagula caawiyay daadka ayaa nagala tagay iyo maacuun yar oo aan wax ku karsanaynay. Roobka inagoo magaalad ku cusub oo meel aan aadno aqoonin ayuu na helay.”

Caasho ayaa sheegtay waayaha adag ee hor yaalla ay walaac ku hayaan, maadaama aysan ogeyn goorta ay ka baxayaan, hadana aysan u muuqan rajo wanaagsan.

Waxay sheegtay in aysan wax khibrad hore ah u lahayn xaaladda barakaca. Carruurtooda ayaa la qabsan waayay durufaha ka jira xeryaha lagu barakacay oo intood badan aan lahayn dhammaan adeegyada aasaasiga ah.

Haweeynaydan oo 50 jir ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in noloshooda oo dhan ay ku soo qaateen miyiga, waligeedna ay jeclayd in ay ku nagaato, balse xaaladdu is bedeshay markii ay biyo yari, daaq xumo iyo cudurro isku biirsaday ay uga la’deen 40 ari ah oo uu ay dhaqanayay deegaanka oodaale oo hoostaga degmada Khalaafe.

Waxaa sidoo kale biyo yari uga qalashay dallagyo iskugu jiray raashin iyo khudaar oo ay ku beerteen beer saddex hiktar dhamaadkii sanadkii 2025.

Waxay sheegtay in aysan waxbo uga soo noqon $400 oo ka gashay abuurkii, falidii iyo warabkeedii. Daruufahaasi isku raacay ayaa ugu danbayn ku qasbay in ay soo galaan safar aysan weli ku helin nolol nagaansho leh.

Dhanka kale Xasan Maxamed Dheere oo ah guddoomiyaha xerada Oog ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xeradiisa iyo illaa saddex xero oo ku dhaw ay la ciirciiryaan qoysas ka barakacay colaado iyo saamaynadda isbeddelka cimilada.

 “Daruufo bini’aadinimo oo liidato ayaa haysata dadkaas. Waxaan hay’adaha gargaarka ka codsanayna in si dhaqsi leh loo soo gaaro dadkaas.”

Inkaasta oo ay dalka intiisa badan roobab laga helay haddana qoysaskan wax soo kabasho ah uma soo kordhinayaan roobabka curtay, maaddama aysan haysan xoolo ay miyiga ugu laabtaan.

Previous Post

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye

Related Posts

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye

October 29, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

October 27, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-NOV-2026

IDAACADDA 02-NOV-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-NOV-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-NOV-2026
November 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-NOV-2026
November 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-OCT-2026
October 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-OCT-2026
October 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-OCT-2026
October 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo