Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Burburinta dhulka Muqdisho oo ganacsato danyar ah ku riixay xaalad saboolnimo

Jibril Osman by Jibril Osman
November 5, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Burburinta dhulka Muqdisho oo ganacsato danyar ah ku riixay xaalad saboolnimo

Khadiijo Cabdullaahi Xasan iyo carruurteeda oo fadhiya bannaanka xerada/Maxamed-khadar Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ayaa isku raacay qoys u badanaa ganacsato, kuwaas oo bishii Ogosto ay ka burburisay dowladda Somaliya guryo iyo meherado ganacsi oo ku yaallay xaafadihii isku-raranta ahaa ee Muqdisho.

Waxay xaalado adag oo ay xamili la’yihiin ku wajahayaan xeryaha Barwaaqo, Koris iyo Horyaal ee degmada Dayniile, halkaas oo ay maciin bideen. Waxaa ka mid ah Khadiijo Cabdullaahi Xasan oo burburinta ay saamayn adag ku yeelatay.

Waxay sheegtay in ay ku waysay sadaqad ganacsi oo ay ka maarayn jirtay nolosha qoyskeeda oo 5 ah iyo guri 3 qol ah oo qiimo jaban ay ku daganayd. Arintaas ayaa u horseeday in ay awoodi waayaan cunno hal mar ah iyo baahiya kale ee aa-aasiga ah.

Dadka dhaama ee xarada koris uga soo horeeyay ayaa iskugu soo dardara raashin yar oo cayriin ah ama bisayl marba wixii ay u awoodaan, balse maahan wax baahidooda dabooli kara.

Waxay xustay in aysan jirin meel kale oo dhaqaale ka soo galo iyo cid caawisa, taas oo quus galisay.

“Nolosheenna hadda waa xuntahay. Hoy ma heysanno. Saddex cunug oo agoon ah waan wataa iyo laba cunug oo aabahood aan kala tagnay iyo uurkaan hadda aan leeyahay.”

Muddo 5 sanno ah oo ay ganacsi ku jirtay, Khadiijo waxay ku tiirsanayd dakhliga ganacsigeeda si ay u maareyso nolosha qoyskeeda.

Maalin kasta waxay faa’iido ka heli jirtay $8-$9, qaybna ganacsiga ayay dib ugu maalgelin jirtay, inta kalena waxay ku dabari jirtay baahiyaha qoyska.

Xaaladda adag ee ay wajahayso ayaa timid markii uu ka xirmay miis yar oo ay ku iibin jirtay nannac, lows, buskud, oomo iyo alaabo kale oo yaryar oo ay ka iibsan jireen dadkii daganaa xaafadda tarabuush ee degmada Wadajir.

Khadiijo ayaa xustay in waxbarashada saddex ka mid ah carruurteeda ay meesha kabaxday, kuwaas oo dhigan jiray dugsi qur’aan. Waxay ku bixin jirtay bishii sagaal dollar.

“Sadex cunug ayaa wax iibaran jirtay. Hadda guri-joogtey noqdeen. Nolosha xerada barakaca rafaad waaye. Waa silac wax laga bixi karo maahan.”

Xaliimo Cali Maxamed, oo 60 jir ah, isla markaana naafo ka ah isha bidix ayaa sheegtay in qoyskeeda oo 8 ah ay wajahaan hoy la’aan iyo cunno xumo.

Waxay noloshooda ku maareyn jireen samaynta burjikooyinka dhoobada laga sameeyo iyo iibinta sambuuska, burka iyo bajiyaha.

Haweeneydaan oo daganeyd xaafadda Xoolo-qalka ee degmada Dharkenley ayaa sheegtay inay awoodi waayeen bixinta kirada gurigooda oo bishii ahayd $100, markii ay waysay macaamiisheeda oo ahaa dadkii la barakiciyay.

Dhammaadkii bishii Agoosto 2026, Xaliimo iyo qoyskeeda ayaa gaaray xerada Horyaal ee degmada Dayniile, halkaas oo ay hadda dulsaar ku yihiin qaraabadooda. Waxay sheegtay inay ku nool yihiin xaalad adag, iyagoo mararka qaar aan helin cunto ku filan, isla markaana aan haysan hoy iyo dhaqaale ay dib ugu bilaabaan ganacsigoodii.

“Gurigii aan ijaarka ku jirnay waa nalaga soo bursaday, alaabteena waan soo raranay. Meel aan jiifano ma haysano. Alaabtii iyo dharkii bannaanka ayay iska daadsanyihiin.’’

Burburka ganacsiga Xaliimo Cali Maxamed ayaa saameyn weyn ku yeeshay nolosha qoyskeeda, hoygooda iyo waxbarashada.

Waxay sheegtay in markii ay awoodi waayeen bixinta kirada gurigii ay deggenaayeen ay u barakaceen xerada Horyaal ee degmada Dayniile, halkaas oo ay hadda ku wajahaan nolol adag.

Qoyska Xaliimo ayaa hadda ku tiirsan cunno ay ka dawarsato dadkii xerada uga soo horreeyay, kuwaas oo iyaguna wajahaya duruufo nololeed.

Haweeneydaan ayaa sheegtay nolol xumada inay u dheertahay xanuun ay ka majaheyso garabka bidix oo laga jaray buro uga taallay bishii July ee sannadkan 2026.

Xaaladda dhaqaale ee qoyskeeda ayaa sidoo kale sababtay in hal gabar oo kamid ah carruurteeda ahaydna qofka kaliya ee waxbarasho u aadayay ay ka harto iskuulkii iyo dugsi Qur’aankii.

“Fasalka afaraad ayey aheyd dugsi qur’aan ayey dhiganeysay, dugsiga bishii min $5 ayaan ka bixin jiray.”

Dhanka kale Faadumo Abuukar Cali waxa ay kamid tahay 230 qoys oo bishii Ogosto ay dowadu ka burburisay guriyihii ay degnaayeen iyo ganacsiyadii ay noloshooda ku maarayn jireen.

Waxa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in $200 ay ku hirgalisay ganacsiga khudaarta, balse aysan waxba ka hayn ganacsigeedii, markii macaamiisheeda ay ka barakaceen dhulalkii dowladdu ay dadka ka rartay.

Dhanka kale waxa ay sheegtay in markii uu ganacsiga ka xirmay ay awoodi weysay bixinta kirada gurigeeda oo bishii ahayd $30, taas oo ku khasabtay in bartamihii bishii Agosto ee sanadkaan u guurto xerada Barwaaqo.

“Roobka haduu yimaado ilmihii meelaan galinayo maheysti, Dadk islaam ah oo daris ah ayaan la joognaa, hadana ayagiii ayaa meesha ciriiri ku ah. magaaladana dhar-dhaqow lama helo wax walba qasaaladaa taalo qasaalad qof heysatana kaalay iishaqee maku dhahaayo.”

Shan carruurteeda ka mid ah ayaa waxbarashada Qur’aanka ka haray, oo ay ka dhiibi jirtay 25 doollar bilkasta. Haweeneydaan ayaa sheegtay in korriimada carruurteeda ay kali ku tahay, maaddama ay kala tageen seygeedii saddex sanno ka hor.

Dhanka kale guddiga xeryaha barakaca degmada Dayniile ayaa sheegay inay weli socoto diiwaangelinta qoysaska ka yimid xaafadaha Muqdisho, kuwaas oo haatan wajahaya nolol xumo.

Maryan Muuse Magooye, oo ka tirsan guddiga isxilqaamay, ahna guddoomiyaha xerada Koris ayaa sheegtay in qoysaska cusub loo oggolaanayo inay si ku-meel-gaar ah u degaan xarumaha xerada inta ay ka samaysanayaan hoy ay ku noolaadaan.

“Waxaa na soo gaaray 235 qoys bishan iyo bishii hore. Mgaalada ayaan ka soo barakacnay ayay dhahayaan oo kiradii ayaan awoodi waynay. Alaabtoodii banaanka ayay daadsantahay, anaga dhul ayaan siinnay qaarkood ayaa dhistay.”

Maryan ayaa sheegtay in guddigu isku dayay inuu qoysaska cusub u raadiyo gargaar isugu jira raashin iyo dhar, si loo yareeyo duruufaha adag ee ay wajahayaan.

Waxay xustay in xerada Koris ay hadda ku nool yihiin 1,800 oo qoys, isla markaana ay ka harsan yihiin laba sano oo keliya muddadii heshiiska dhulka loo asteeyay.

Kororka xad-dhaafka ah ee kirada guryaha Muqdisho ayaa culays dhaqaale ku noqday qoysaska danyarta ah, kuwaas oo aan hayn awood dhaqaale oo ay ku dagaan.

Digtoor Shaafici Shariif Maxamed oo ka faallooda arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegay in kirada guryaha caasimaddu laba jibbaartay iyada oo kororku saameeyay xaafadaha kala duwan.

“Garasbaaley, Kaxda, Deyniile dhinacaas iyo Gubadley guryihii $100-$250 ayay ka noqdeen oo raqiis maahan. Markii hore $30 ama $20 ayaa lagu daganaan jiray. Hadda qiimahooda wuu kordhay.”

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in barakicinta danyartii daganaa xaafadaha isku raranka ah iyo dhulalka ay dowladda dadka ka saartay ay sababtay waxbarasho la’aan ku dhacdo carruur badan.

Previous Post

Dhallinyaro dhameeyay jaamacadaha Hargaysa oo xoogsato noqday duruuf jirta awgeed

Related Posts

Dhallinyaro dhameeyay jaamacadaha Hargaysa oo xoogsato noqday duruuf jirta awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro dhameeyay jaamacadaha Hargaysa oo xoogsato noqday duruuf jirta awgeed

November 3, 2026
Qoysas nolol xumo ay ku haysato Galgaduud, markii colaad iyo roob la’aan ay saamaysay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ay ku haysato Galgaduud, markii colaad iyo roob la’aan ay saamaysay

November 2, 2026
Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye

October 29, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

October 27, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-NOV-2026

IDAACADDA 04-NOV-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-NOV-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-NOV-2026
November 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-NOV-2026
November 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-NOV-2026
November 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-NOV-2026
November 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-OCT-2026
October 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo