(ERGO) – Cunno hal mar ah, biyo nadiif ah iyo hoy ay ka galaan dhaxanta iyo dhibicda roobka ayay u la’dahay carruurteeda oo 2 jir ugu yar yahay Maymuun Maxamed Cabdi oo dhamaadkii bishii September ka soo barakacay dagaalka ka socda Baydhaho.
Waxay ku sugan yihiin xerada Iidle ee duleedka degmada Afgooye oo ay soo maciin bideen. Faro marnaan ayay ku yimaadeen, mana aysan helin wax cawimaad ah, taas oo ku qasabtay inay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay wajahaan.
Waxay ku tiirsan yihiin kaalmo aan joogto ahayn oo looga soo aruuriyo dadkii ka soo horeeyay, marka aysan waxba ka helin waxay xustay inay cabbaan biyo iyo caleen ay isku karkarsadaan. Gaajada iyo daruufaha kale ee isku raacay ayay ilmaheedu u adkaysan la’yihiin.
“Dhibaato ayaan la kulmaynaa uu Ilaahay naga saari karo. Wax aan dabka ku shidana ma haysanno rafaad ayaan ku jirnaa, badar aan cunno ma leh, habeen waa qadnaa habeena dariska ayaa waxyar baaquli noogu keena.”
Maymuun ayaa sheegtay in carruurteeda ay habeenkii dhowr mar ku soo toosaan, iyagoo gaajo la oynaya. Waxay ku aamusisaa biyo, maaddaama aysan wax kale u heli karin. Waxay sheegtay inay ku maaweeliso inay waabariga cunto u keeni doonto.
Waxay keli ku tahay daryeelka shan carruur ah iyo saygeeda oo la nool cudurrada sonkorowga iyo dhiig karka oo waqti hore ay dhaqaatiir ku xaqiijisay. Culaysyadaan isku biirsaday ayaa quus galiyay.
Waxay reerkeedu soo maciinsadeen xerada Iidle ee degmada Afgooye, markii ay ku soo lalaabteen dagaallada aan weli xalka laga gaarin ee magaalada Baydhabo. Waxay dhibaato ku qabaan helitaanka biyaha, iyadoo ay u dheer tahay hoy la’aan saamayn ku haysa.
“Biyaha dadka ay duubooyinku ugu jiraan ayaan hal caag ka soo barinaa maalinkii. Ceelka lacag waaye halka jirigaan waxaa la iibiyaa $0.10 mana haysano. Hoy ma haysano, gogol aan ku seexano, joodari la’aan, dhar la’aan dhibaato ayaan ku jirnaa. Bacaadka ayaan iska jiifanaa, markii roob yimaado daadka ayaa nasoo gala dhaxan weeye qabowgaas ayaa feeraha naga galay.”
Meymuun ayaa sheegtay in barakaca ka hor ay nolosha qoysku iyada ku tiirsanayd. Waxay magaalada Baydhabo ka qaban jirtay shaqooyin nadaafad ah, iyadoo mararka qaarna beeraha ka soo shaqayn jirtay. Lacag u dhexaysa $4 illaa $5 oo ay ka heli jirtay ayay isku maarayn jireen. Hadda shaqo ma hayso.
Maymuun waxaa ka waxbarasho la’ 4 carruurteeda ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray Baydhabo. $8 oo aysan hadda awoodin ayay iskudarkooda bishii ka bixin jirtay. Waxay xustay Afgooye halkii cunug shan dollar laga qaado, taas oo aysan hawaysan karin.
Qoyska Maymuun waxay ka mid ahaayeen danyarta magaalada Baydhabo. Waxay sheegtay inay tahay markii ugu horaysay oo ay barakacaan.
Qoysaska ay maciinsadeen dadka cusub waa kuwo aan waxba ku dhaamin. Batuulo Abuuukar Muxudiin waxay u istaagtay in qoysaska cusub ee yimid xerada ay dadkii ka soo horeeyay uga soo aruuriso waxay u awoodaan. Waxay sheegtay in deegaanka ay si fiican u kala taqaan, taas oo u sahashay inay u keento dhar, cunno, biyo iyo agab kale, wallow aysan ku filnaan.
“Waxaa igu dhiiragaliyay in aan caawiyo dadkan waa ka soo horreeyay oo dadka iyo deegaanka ayaan bartay. Qofka aan wax ka helayo iyo meesha aan u marayo ayaan aqaanaa. Waxyaabo ayaan uga soo aruurinay, dabkii damsan waa shidaynaa, ninkii baahan xaaafadaha ayaan u galaynaa, saas ayaan ku caawinaa. Qaarkood iyagoon dhar wadan ayay imaadeen waa kaalmaynay.”
Batuulo ayaa sheegtay in subaxdii illaa gabal dhaca ay xaafadaha, goobaha ganacsiga iyo beeraha dhex wareegaan iyada iyo haween kale oo kala qayb qaadanaya howshan. Waxay sheegtay inay iskala qaybiyaan oo qaarba meel aado. Wixii maalinkaas la soo helo ayaa la siiyaa qoysaska ugu nugul.
Waxay xustay in qaarkood ay gabbaad uga dhiseen maryo duug ah iyo geedo ay duurka ka soo gureen. Waxay tilmaamay in xilligan oo qabow iyo roobab ay jiraan ay u baahan yihiin baco ay saartaan buulasha, balse aysan u awoodin qarash ay ugu iibiyaan.
Batuulo waxay tilmaamtay in dadkan ay u badan yihiin kuwo nugul oo aan u adkaysan karin xaaladaan adag. Waxay ku kala nool yihiin hool uu maamulku dajiyay, buushah yaryar oo loo dhisay iyo qaar dulsaar ku ah qoysas kale.
“Dadkan waayeel iyo carruur weeye, waa cusub yihiin meeshaan beero kuma leh. Waxay rabaan wax la siiyo iyo meel ay ku hoydaan. Dhar ay xirtaan iyo joodari ay ku jiiftaan ma heli karaan. Dad isdul saaran weeye waa in deegaan la siiyo oo wax loo qabto.”
Batuulo ayaa sheegtay in tahay markii ugu horaysay ee ay isku xilqaanto caawinta dadka soo barakacay. Waxay xustay inay u adkaysan wayday daruufaha haysta, taas oo ku dhalisay inay u qabato inta karaankeeda ah.
Haweenaydaan waxay qoyskeeda 12 qof ah ka masruuftaa danbiilo ay samayso oo middiba la gado $2.5 iyo caagado ay aruuriso oo ay sii iibiso kuwaas oo 20 xabbo ay tahay labaatan sinti. Waxay maalinkii ka hesha $3-$4.
Batuulo waxay la nooshahay cudurka macaanka oo dhaqtar jooga Afgooye uu ku sheegay 5 sano ka hor. Waxay xustay in markii aysan xanuun daran dareemayn ay lacagta daawadeeda ku taageerto qoysaskda barakaca ah.
Dhanka kale Fahmo Cali Iidow oo ah guddoomiyaha xerada Iidle ayaa Radio Ergo u sheegtay in horay ay u joogeen 450 qoys ayna gadaal ka yimaadeen 150 kale. Waxay xustay in dhamaantood ay wajahayaan daruufo adag oo isku mid ah ayna ugu daran yihiin kuwa cusub.
Waxay bogaadisay isxilqaanka ay samaynayaan qoysaskii horay u joogay iyo dadka deegaanka, balse waxay xustay inaysan ku filnayn baahida jirta. Ka maamul ahaan waxya sheegtay inay ka qayb qaataan taageerada dadkaan.
“Qof baahan oo badar iyo biyo aan haysan meel uu ka shaqaystana aan aqoon dhibaato badan ayuu qabaa. Deegaankoodii dagaal ayaa ka socda oo kuma laaban karaan, meeshaan ay yimaadeen il ugama furna oo meel ay talo ka bilaabaan ma yaqaanan.”
Fahmo ayaa xustay in xerada aysan lahayn xarumo caafimaad, kuwo waxbarasho, biyo dadka ku filan iyo hoy wada deeqa. Culaysyadii horay uga jiray waxaa sii xoojiyay barakaca cusub. Waxay tilmaamatay in xero kale ay u gudbiyeen 20 qoys oo ay u waayeen meel ay dajiyaan.
Maamulka gobolka iyo hay’adaha samafalka ayay xustay in ay la wadaageen xaalada dadkaan, wallow aan welli wax gargaarka la soo gaarsiin.









