Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

Jibril Osman by Jibril Osman
October 26, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

 Iglan Cabdulle oo qalliin ka soo bogsatay oo sano kadib qabaneysa shaqooyin ay ka caaganeyd/ Axmed Cabdullaahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab ee gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa ka faa’ideysanaya barnaamijka SHA oo ah caymis caafimaad oo ay hirgalisay dowladda Kenya.

Waxaa loogu talo galay in dadka Kenya ku nool ee muwaadiniinta ah iyo kuwa qaxootiga ah uu siiyo adeegyo caafimaad oo inta badan bilaash ah.

Waa mid ay ka faa’ideysan karaan qoys iyo qofba haddii ay iska diiwaan galiyaan oo ay buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay oo ay ugu muhiimsan yihiin bixinta qidmad lacageed oo sanadkiiba mar ah ah iyo dokomiinti dhalasho oo la aqoonsan yahay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in SHA, (social Health Auththority) oo billowday sanadkii 2024 ay ugu talo gashay in lagu ballaariyo helitaanka adeegga caafimaadka, laguna yareeyo qarashka dadka uga bixi jiray isbitaalada.

Iglan Cabdulle Maxamed oo ku nool xerada Xagardheer ayaa ka mid ah dadka ka faa’ideystay.

Bishii Feberaayo ayay qalliin la xiriira xamiitida waxay ku gashay isbitaalka guud ee magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.

Waxay sheegtay inay la xanuusaneyd muddo lix sano ah. isbitaalo dhowr ah ayay tagtay, balse waxay awoodi wayday bixinta lacagta qalliinka oo ay sheegtay inay aheyd $1000.

Waxay tilmaamtay in dhaqaale la’aantu ay dib u dhigeysay sanooyinkaas oo ay dareemeysay xanuun joogta ah.

Si xaaladeeda ay xal ugu hesho ayay iska diiwaan galisay bishii Jannaayo adeegga SHA, iyadoo bixisay $55 oo ah lacag laqa qaadayo qofka ama qoyska, si ceymiskan uu u rukunto.  

“Haddii aan awoodo waxaan aadi lahaa Somaliya oo aan isku soo qali lahaa ama isbitaalka Garissa oo kale ayaan lacag baxsan lahaa. kharash ayaanan haysan. waa isla hadlay. Waxaan ka wel-welayay bahaashaan haddii ay kugu qaraxdo ilmahaagii ay rajo kaa noqdaan markii hore ayay agoon ahaayeene idee yeeshaa?.”

Iglan oo 39 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in sidoo kale ay adeeggan ka diiwaan galisay carruurteeda oo toban ah.

Tan iyo horraantii sannadkan ayay sheegtay in 10 mar bilaash loogu daaweeyay.

Waxay intaas ku dartay inay ku jirtay marxalad quus ah, xuunuunka oo ku sii badanayay darteed. Waloow ay ka soo kabatay, hadane maysan ilaawin habeeno badan oo hurdo la’aan iyo warwar ah.

“Maalin ma harsan jirin, habeenna ma hoyan jirin. Waxaan u walfaadi jiray sidii qof naf la caari ah. Mar sidaa ayaan u gedoomi jitray, marna sidaa ayaan u gedoomi jirey, marna waa ashahaadan jiray, waxna ma cuni kari jirin.”

Iglan ayaa xustay inay xal u heshay caqabadihii ka haystay dhanka caafimaadka, muddo 10 sano ah oo ay qaxootiga ku nooshahay. Waxa kaliya oo ay la tacaaleyso ayaa ah qeybaha kale ee nolosha.

Kaligeed ayay korisaa carruurta oo toddobo ay agoon tahay. Noloshooda ayaa ku tiirsan kaalmada qaxootiga oo laga dhimay konton boqolkiiba sanadkii 2025.

Waxay qaataan bishii Misir iyo masago 30 kiilo ah iyo 17 liiter oo saliid ah. Qoyskeeda ayaa sanadkii 2016 ka soo qaxay magaalada Kismaayo. Nolosha oo ku adkaatey darteed ayay sheegtay in ay ku qasabtay in xeryaha ay soo miciin biddo.

“Shaah iyo cunto yaroo fudud ayaan karin jirnay oo carruurta nooligooda ka dabari jiray. Meeshii waxaa nagu qabsaday dagaal iyo burburay, markaas ayaan go’aansaday inaan soo baxo.”

Sanadkan aynu ku jirno ayay inta badan qaxootigu iska diiwaan galiyeen ceymiska caafimaad ee SHA.

Waa arin ku soo beegmeysa iyadoo ay dhaqaale la’aan darteed u sii yaraanayaan adeegyada caafimaadka, cuntada iyo gunnada lacageed ee ay dadkan ka heli jireen hay’adaha gargaarka.

Maxamed Cabdullaahi Jimcaale oo qaxooti ah ayaa bishii Maarso isbitaalka guud ee Xagardheer ugu dhashay wiil ay madaxa uga taallo buro ay dhakhaatiirtu u sheegeen inay halis ku tahay caafimaadkiisa, waxna aysan ka qaban karin.

Wuxuu sheegay in aanu haysan wax dhaqaale ah oo uu dhakhtar ku geeyo wiilkiisa. Wuxuu tilmaamay in barnaamijka SHA, u suurtageliyay in 2 toddoob kadib wiilka yar loo qaado isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Wuxuu galay qalliin lagu guulaystay oo badbaado u noqday Maajid Maxamed Cabdullaahi oo markaa jirey 14-maalin sida uu sheegay Maxamed.

Waxaa ku baxay dhaqaale gaaraya $4,100 oo uu ka bixiyay ceymiska SHA oo uu ka diiwaan galiyay qoyskiisa oo afar qof ah bishii Maarso ee sanadkan.

“Waxaa uu iiga dhignaa fursad wayn oo qaaliya. Waa barmaaij muhiim ah oo qaxootiga aad u anfcaya gaar ahaan dadka tabaalaysan.”

Maxamed waxaa uu sheegay in xanuunka wiilkiisa ka hor aanu wax war ah u haynin barnaamijka SHA, balse ay ku dhalatay inuu ku biiro, markii ay culays ku noqotay daryeel u helidda wiilkiisa yar.

Lacagta dhowrka kun ah ee ku baxday qalliinka ayuu tilmaamay inuusan awoodin, maadaama dhaqaalaha billaha ah ee qoyskiisu ku tiirsan yahay uu yahay $88 oo uu ka qaato hay’adda DRC oo uu kala shaqeeyo caawinta dadka loo adeegayo.

Waa reer danyar ah oo sanadkii hore laga jartay raashiinkii iyo gunnadii lacageed ee ay qaadan jireen. Waa xaalad saameysay dadka sidiisa oo kale ah ee leh ildhaqaale oo aan aheyn kaalmada qaxootiga.

“Anagga qoys ahaan raashiinka ma qaadano, sababta oo ah hay’adda WFP waxay sameysay barnaamij la dhaho qeybinta qoysaska. Dhammaan dadka hay’adaha dhammaantood waxaa laga dhigay group 3 iyo four. Taas oo macnaheeda tahay inaysan qaadaneyn wax caawimaad raashiin ah. marka aniga waxaan qeyb ka ahaa dadka ka shaqeeya hay’adaha, waxaa ley galiyay group 3. Wax raashiin ah ma qaato.”

Maxamed ayaa sanadkii 1993 ku dhashay xeryaha Dhadhaab, waalidkiis oo xoolo dhaqato ahaa ayaa dagaalo saameeyay uga soo qaxay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose. Wuxuu wax ku bartay, ku guursaday, aabbana ku noqday xerada Xagardheer.

Waxaa soo korshaya dadka qaxootiga ah oo iska diiwaangeliyay inkasta oo ay jiraan caqabado dhinaca aqoonsiyada ah iyo ogaal la’aan dhinaca waxtarkiisa ah sida Radiyow Ergo uu u sheegay Xuseen Cabdixaawid oo ah sarkaal barnaamijka u qaabilsan isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Alinjuqur oo ku yaala Xagardheer.

Xuseen ayaa sheegay in tirada dadka qaxootiga ah ee iska diiwaangelisey barnaamijka aan si rasmi ah loo ogaan karin, balse qiyaasta la hayo ay sheegeyso dad ka badan 50,000 oo qof.

“Qofkasta ayay u furan yahay gudaha kenya. Qof kasta oo sharci leh qaxooti waa furan karaa. Annaga dad badan ayaa nagu xiran oo aan ku daaweynaa.”

Barnaamijka Caafimaad ayaa kusoo aadaya uu xilli xeryaha ay ka sii yaranaayaan caafimaadkii ay bixin jireen isbitaalada ay hay’adaha maal geliyaan ee xeryaha Dhadhaab.

Previous Post

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku cusub xeryaha Dhadhaab oo wajahaya nolol xumo iyo gargaar la’aan

October 19, 2026
Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

October 16, 2026
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: In ka badan 100 qoys oo nolol adag uu galiyay bacaadka saamayn ku haya

October 15, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-OCT-2026

IDAACADDA 26-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2026
October 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-OCT-2026
October 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-OCT-2026
October 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-OCT-2026
October 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-OCT-2026
October 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo