(ERGO) – Cunno xumo, hoy la’aan iyo daruufo kale oo nololeed ayay qoysaskooda ka saareen tan iyo bishii May ee sanadkaan rag barakac ah oo ku nool xeryaha magaalada Diinsoor ee gobolka Bay.
Waxaa u suuraagaliyay lacago ay ka amaahdeen bankiga Salaam oo ay ku furteen ganacsiyo kala duwan.
Midkasta wuxuu qaatay $500 oo sanad uu ku bixinayo, maaddaama ay isku deegaan yihiin waxay wada u diyaarsadeen shuruudihii laga rabay oo damiin iyo waraaqahooda aqoonsigu ugu horeeyaan.
Arintaas ayaa u sahashay in ay hal maalin lacagta wada qaataan. Waxaa damiintay dad hanti leh iyo qaar deegaanka laga yaqaano.
Qaarkood waxay magaalada ka kiraystaan guryo leh biyo iyo koronto oo aysan horay u awoodin, taas oo isbeddel u noqotay.
Axmed Liibaan Cali oo dadkaan ka mid ah wuxuu 7 May furtay dukaan uu ku iibiyo raashin tafaariikh ah iyo bagaash.
Wuxuu u noqday il dhaqaale oo qoyskiisa ku hogaamisay nolol wanaagsan. Waxay joogto u helaan baahiyaha aas-aasiga ah oo cunnada ugu horayso, kuwaas oo horraan ku adkaa.
“Maalgashi ayaan sameeyey oo kala duwaansho oo dhanka nolosha ah ayaan ku jirnaa. Xaaladii aadka u liidatay waa soo wanaagsanaatay. Qof wax awooda ayaa noqday.”
Axmed wuxuu ka mid yahay 89 nin oo qorshaha daynta ka faa’iidaystay. Wuxuu sheegay in celcelis ahaan uu maalinkii ganacsigiisa ka helo $5 illaa $7.
Lacagtaan oo uu u kala qaybiyo biilka reerkiisa oo 11 ah, waxbarashada carruurta, dukaanka iyo in uu ku yar yareeyo amaahda aya ka fududaysay culaysyo dhaqaale oo haystay.
Axmed horay uma lahayn qibrad ganacsi, balse dadaalka iyo ka go’aanaanta shaqadiisa ayaa u miro dhalay.
Ninkaan oo 47 jir ah ayaa sheegay in uu nolosha qoyskiisa ka maarayn jiray shaqooyin xamaal ah oo helitaankoodu adkaa.
Mar ama labo ayuu toddobaadkii heli jiray waxaana ka soo gali jiray $3 illaa $4 oo aan wax badan u goyn jirin. Marka uu soo waayo wuxuu ku qasbanaa in uu dadka wax waydiisto.
“Culaysyada iga fududaaday waxa kamid ah wagii hore maalin waa la qadi jiray ama hal wakhti ayaa dabka la shidan jiray, laakiin hadda waxaa la karsadaa saddex waqti. Dhibkaas waa ka baxay waxkasta waa u awoodaa.”
Axmed iyo 11 kale oo kale waxaa damiintay nin ay isaga qaraabo yihiin, ragga kalena uu ku soo xiray oo bankiga dhigay shatiga ganacsigiisa iyo sabraloogada dhulalkiisa.
Amaahda wuxuu saddexdii bil ee u danbaysay bixiyay min $25. Inta dhiman wuxuu qorshaynayaa in uu iska dhameeyo bilaha harsan.
Ninkaan ayaa sheegay in qoyskiisa uu bishii September ka saaray xero barakac oo ay deganaayeen tan iyo 2024. Wuxuu xaafada Waabari ee Diinsoor uga kireeyay 2 qol iyo musqul oo bishii ah $50.
Waxay ka baxeen hoy xumo haysay ku dhawaad 3 sano oo ay ku noolaayeen buush yar oo aan deeqin.
Ganacsigaan wuxuu u suuragliyay in markii ugu horaysay uu iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan ku daro shan carruurtiisa ah.
wuxuu tilmaamay in ay murugo ku haysay daruus la’aantooda, balse uusan xal u hayn, maaddaama uu faro marnaa si dhib ahna uu ku heli jiray cunnadooda.
“Waxaan awooday in aan ilmahayga ka bixiyo $25 bil kasta. Waxaan dhigtay kaydkii ugu horeeyay oo $50 ah, si aan ugu baxsado, marka ay culaysyo yimaadaan ama aan ganacsigayga ugu sii kabo oo ugu hormariyo.”
Axmed ayaa sheegay in korontada iyo biyaha guriga ugu jira uu isku darkooda bishii iska dhiibo $14.
Alaabta dukaanka u taalla iyo kaydka uu dhigtay wuxuu ku qiyaasay in ay gaarayaan illaa $1,000, taas oo rajo weyn u abuurtay.
Qoyskiisu waxay ka soo barakaceen horraantii 2024 miyiga degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay. Abaaro xilligiis jiray ayay ku waayeen intii u danbaysay 100 ari ah iyo 19 lo’ ah oo noloshoodu ku tiirsanayd.
Wuxuu sheegay in daruuftii barakaca ay ka baxeen. Raggaan oo ah beeraley iyo xoolo dhaqato ay hore abaaruhu u saameeyeen waxay furteen ganacsiyo iskugu jira raashin, bagaash, khudaar iyo dhar.
Guddi ay samaysteen oo caawin ka helaya ganacsato iyo waxgaradka deegaanka ayaa qorshahooda bankiga hor dhigay, iyadoo damiin laga yahay.
Daa’uud Nuur Cali oo ka mid ah dadka ka faa’iidaystay amaahda bankiga Salaam. Wuxuu $15 ku kiraystay dukaan.
Wuxuu billowgii u soo adeegay Khudaar iyo bagaash ay ugu baxday $300. Maalinle ayuu hadda uga helaa ugu yaraan $6 oo u noqotay il dhaqaale oo ay uga soo kabsadeen nolol xumo.
“Ganacsigaan sidaan u dhexgalay waa ka ku faa’iiday. Qof ayaa gacan igu siiyay {I damiintay}. Culaysyadii waa ka soo gudbay carruurtayda si wanaagsan ayaan u maareeyaa.”
Daa’uud ayaa markii hore qoyskiisa oo 8 ah ka maarayn jiray shaqooyin dhisme oo maalinka uu helo ay ka oo gali jirtay $4. Mararka qaar wuxuu sheegay in toddobaadka dhan uu waayi jiray ama uu hal maalin helayay.
Bilihii Luulyo, Agoosto iyo September wuxuu sheegay in uu iska bixiyay sagaashan dollar oo dayntii bankiga ka mid ah. Waxaa ku harsan $410 oo uu sii bixin doono.
Wuxuu tilmaamay in ay wax weyn uga dhigan tahay baahiyaha reerkiisa ee uu xalliyay. Sanado uu barakaca ku noolaa fursadaan oo kale ma soo marin.
Dadkaan qofkasta waxaa la waydiiyay bishii inta uu bixin karo amaahda. Daa’uud wuxuu xusay in uu doortay in bil walba uu iska dhiibo $30, halka bilaha lacago dheeraad ah uu helo uu kordhin karo.
“Shaqadaan ayaa ii suuragalisay dayn $50 ah oo magaalada la iiga lahaa in iska dhiibay. Guri 2 qol oo min $25 ah ayaan kiraystay. Hoy la’aanta, markii hore dhibaato ayay nagu ahayd. Buush aan roobka iyo kulaylka midna celinayn ayaan ku jirnay, Faa’iido ayaan dareemayaa hadda.”
Ninkaan waxay qoyskiisa oo beeraley iyo xoolo dhaqato isku ahaa ay ka yimaadeen sanadkii 2023 deegaanka Oflow oo gobolka Bay ka tirsan.
Roob yari xilligaas jirtay ayay kaga nacfi beeshay beer 3 hektar ah, waxaana uga dhamaaday 70 ari ah oo ay dhaqanayeen, taas oo barakaca ku qasabtay.
Aweys Xasan Mayow oo ka mid ah dadka damiintay raggaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in talaabadaan ay qoysas badan fursad u noqotay.
Wuxuu tilmaamay in iyagoo reerahooda ka biilaya, dayntii yar yaraynaya, haddana uu kobac sameeyay ganacsigoodu.
Ninkaan ayaa tilmaamay in illaa iyo hadda aysan soo gaarin cabasho weyn oo ku saabsan caqabado ay la kulmeen ganacsatadaan billowga ah, taas oo wax weyn uga dhigan.
“Waxay gaareen isbeddel aad u wanaagsan. Qaarkood lacagta wax badan ayaa ku dhiman, balse guusha ay gaareen darteed dhawaan waa iska bixin karaan.”
Aweys waa qofka damiintay Axmed iyo ragga kale ee saaxiibadiis ah. Wuxuu magaalada Diinsoor ku leeyahay bakhaar lagu iibiyo qalabka dhismaha iyo guryaha.
Wuxuu xusay in talaabadaan uu u qaaday si ay nolol u helaan dadka barakacay ee waayay ilihii ay ku tiirsanaayeen.
Ninkaan ayaa sheegay in ay kormeer ku sameeyaan dadkaan si ay ula socdaan qaabka ay shaqadu u tahay. Lacagaha ay billaha u bixiyaan iyo haddii ay caqabado la kulmaan in ay la xalliyaan.
Wuxuu sheegay in ay u soo jeediyeen in ay samaystaan kayd dhigasho ay ku midaysan yihiin. Si haddii ay caqabad ku timaado qof ka mid ah loogu taageero.
Bishii sagaallaad ayay billaabeen in ay akoon ku aruuriyaan min hal dollar oo ka dhexeeya, ayna markale u baxsan karaaan.
Aweys ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in marka ay kuwaan dhameeyaan amaahda ay dadkale damiintaan, si noloshooda ay ugu filaadaan oo barakaca ay uga baxaan qoysas badan.









