Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

Jibril Osman by Jibril Osman
October 20, 2026
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

Faadumo Geelle oo liseysa ri, si ay u iib geyso caanaheeda oo ay ku badalato raashiin ay ku quudiso/Cabdirisaaq Xersi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xoolo dhaqato ku nool magaalada Guriceel ayaa qarka u saaran inay ceyr noqdaan. Waxaa sabab u ah bac deegaanka ku baahday oo xooluha cunay ay dhintaan.

Waa arin ay maaro u waayeen wax ka qabashadeeda ayaa sidoo kale saamaysay nacfigii ay ka helayeen xoolaha.

Faadumo Geelle Cabdi oo ka mid ah dadka ay xaaladan haysto ayaa sheegtay in miyigii ay ku dhaqan jireen xoolaha uu ka yaraaday daaqii iyo ilihii biyaha.

Bacda iyo qashinka kale ee lagu soo fogeeyo daafaha magaalada ayaa qabsaday dhulkii daaqa lahaa, kaas caqabad ku noqday reer-guuraaga.

Waxay xustay in 29 ari ah ay uga dhinteen bac ay cuneen, tan iyo bishii may ee sanadkan.

Labo bil ka hor dhaqtar deegaanka ah ayay tilmaamtay in qalliin badbaado ah oo uu ku sameeyay 7 neef uu uga saaray bac ay cuneen oo 148 kiilo ah. Waxaa uga baxay qarash gaaraya $55.

Caqabadahan ayay xustay inay yareeyeen taranka, cadkii iyo caanihii ay ka heli jirtay xoolaha. Faadumo ayaa sheegtay in halista bacdu ay ku dhalisay in xoolaha ay ka ilaaliso inay u foofaan bannaanka.

Xero ku taalla gurigeeda ayay ku quudisaa, balse tani waa mid u baahan qarash joogta ah oo helitaankiisu uu ku adag yahay.

“Waxa yar ee hadda aan ka lisayay ee aad arkeyseen waa kuwa xerada aan ku celinayo oo bacda ka dhowreyo. Duur uma ka xeyn karno bacdii ayaa cunno noqotay.”

Masago, qamadi iyo buunsho uu qiimahoodu yahay $400 ayay sheegtay in bil walba ay soo gaddo oo ay ku quudiso, maadama ay ka joojisay in bannaanka ay daaq u doontaan.

Waloow ay maareysay khatartii bacda, waxaa ku adag inay hesho qarashka ku baxaya quudinta oo ay tilmaamtay inuu ka badan yahay dakhliga ka soo gala xoolaha oo maalinkii ah afar liitar oo caano ah, una dhigma $10.

Arintaasi waxay sababtay in lagu yeesho deyn gaareysa $400. Mararka qaar oo lacagtu badato ayay xustay inay gaddo dhowr neef, si ay iskaga yareyso.

“Waxaan hayaa 67 neef oo ido iyo ari cad ah. Xerada ayuu ku xabisan yahay, maadama wax ku filan aanan u heli Karin. Bacda in nalaga qabto oo la xanibo ayaan ka codsanayaa cid kasta oo awoodeeda leh.”

Faadumo, waa 60 jir. Markii hore waxay magaalada ku iibin jirtay caanaha miyiga laga keeno, balse abaaraha oo sababay inay yaraadaan reer miyigii caanaha keeni jiray ayaa ku dhalisay in iyadu isku badasho xoolo dhaqato deggan magaalada.

Waa hooyo kaligeed korisa siddeed carruur ah oo ayeeyo ay u tahay, ayna dhaleen ubadkeeda oo reer guuraa ah.

Afar ayaa iskuul dhigta oo bishii ay ka dhiibtaa konton Doollar. Xooluhu waa isha kaliya dhaqaale ee qoyskeedu uu ku tiirsan yahay. Qarashka uga baxa xoolaha guri joogga ah ayaa ka badan midka reerka.

“Wii iima shaqeeyo, gabadhna ima shaqeyso, oday ima shaqeyo. Hadda waa kaas arigaas waa nool yahay uun. Deyn islaameed ayaan ku daldalaa.”

Saameynta isbedelka cimilada oo sanooyinkii dambe noqotay mid togan oo joogta ah, abaaro soo noqnoqday iyo daaqii iyo biyihii oo yaraaday waxay sababeen in xoolo dhaqatadu ay ka fogaadaan magaalooyinka oo ay u hayaamaan miyi fog si calaf ay ugu helaan xoolaha.

Arintaas waxay ku dhalisay dadka magaalada deggan inay billaabaan dhaqashada xoolaha, si ay u helaan cadkii iyo caanihii uga imaan jiray xoolo dhaqatada ay ragaadiyeen caqabadaha is biirsaday.

Dr Ibraahim Daahir Cismaan oo bartay cilmiga xannaanada xoolaha oo sameeyay xog uruurin shaqsi ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka ku nool Guriceel ay 75% yihiin xoolo dhaqato.

Wuxuu tilmaamay in taasi aysan ka dhigneyn in isku filnaasho ay ka gaareen nacfiga laga helo xoolaha. Wuxuu sheegay inaysan badi u helin xoolaha quudin ku filan roob la’aan iyo dhaqaale xumo darteed.

Wuxuu sheegay in qiimeyn uu sameeyay uu ku ogaaday in celcelis ay bil walba u dhintaan bac ay cuneen 3000 kun oo neef. Xoolaha magaalada lagu dhaqdo ayuu xusay inay wajahayaan halis uga imaaneysa bacda oo taalla meel walba.

“Waxaan xasuustaa hadda ka hor nin ay 30 neef Ido ah oo maagalada ku xareysan wuu soofin jiray, laakiin soofkii wey gabeen maaddama tabartooda yaraatay. Idahaas hal neef oo bac ka nabad qaba oo la is leeyahay neefkaas haddan bacda laga bixin waa uu soo kabmi karaa wax walba oo la siiyo kuma jiro. Guud ahaan soddonka neefba kansal ayey ahayeen.”  

Dr Ibraahim ayaa intaas ku daray in bil kasta uu qalliin ku sameeyo ari gaaraya 150, illaa 200 oo Guriceel lagu dhaqdo oo bac ay caloosha buuxisay.

Dadka leh ayuu ka qaadaa neefkiiba, lacag u dhexeysa $7 illaa $10, inta aan awoodinna bilaash ayuu ugu shaqeeyaa, sida uu sheegay.

Neefka ayuu tilmaamay inuusan cayileyn inta ay bac ku jirto calooshiisa, ugu dambeyna uu dhimanayo.

Xoolo dhaqatada ayuu tilmaamay in badankood aysan ku baraarugsaneyn halistan, ayna xoolaha xoolaha ka xanuunsan moodayaan inay la il daran yihiin cuduro.

Saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xoolaha u dhimanaya bacda ayuu sheegay inuu ka dareemay sida dadku aysan u awoodin lacagta qalliinka neefka bacda cunay iyo daaweyntiisa, taaso marar badan ku qasabtay inuu u sameeyo qalliin iyo daaweyn bilaash ah.

“Neef aad kasoo bixisay $30 dollar oo waxba kale aadan ka faa’iidin ayaa laga yabaa in uu bacda kaga dhinto. Haddii qalliin lagu sameyana qarash ayaa galaya, daawana waa galleysaa, waqtina waa gallayaa oo neefkii wuxuu rabaa in la baaniyo, lasoo kabo.”

Siciid Cabdi Muxumed wuxuu ari 80 neef ku dhaqdaa gudaha degmada Guriceel. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in 17 ari ah bac ay cuneen ay uga dhinteen isagoo markaas aan fahansaneyn in xoolaha bacda cuna loo sameyn karo qalliin iyo daryeel caafimaad.

“Aniga ma aaminsaneyn neef xoolaha ah inta la qalo oo bu’weyntiisa bananka la keeno oo la jeexo oo wasaq laga soo bixiyo ayaad hadana 100 kala baxeysa ma aaminsaneyn, waana ay dhacday oo waan arkay.”

Siciid oo horay u ahaa dillaal xoolaha iibiya ayaa ari dhaqashadan ku jira muddo toban sanno ah. Wuxuu sheegay in faa’iido badan uu ka sameyn lahaa iibka xoolaha haddii aysan jiri laheyn dhibaatada bacda.

“Galmudug codsiga u dhibanayo wuxuu yahay anigoo wareysiga Raadiyow Ergo ka faa’iideysanaya codsiga u dhiibanayo waxaa ka mid ah in ay bacda la dirirto. Waa cudur dilaa ah, xoolihiina dhameyay. Xoolo haddii la waayana naf la waayay.”

Qoyska Siciid oo ka kooban 11 qof ayaa ku tiirsan xoolaha uu ku dhaqdo magaalada. Bacda latuuro marka la isticmaalo, saameynteedu waa mid sii kordheysa.

Waaa halis aan lagu baraarug saneyn oo ku sii baaheysa deegaanka, xooluhu ay u dhimanayaan, daaqa iyo dhirtana yareysa.

Cabashada ka taagan dhaqaale burburka ay geysaneyso waa mid taagan maalin kasta, hasa yeeshee ma jiraan maamul iyo bulsho u mideysan sidii wax looga qaban lahaa.

Previous Post

Qoysas ku cusub xeryaha Dhadhaab oo wajahaya nolol xumo iyo gargaar la’aan

Next Post

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

Related Posts

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan

November 12, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo cunno xumo iyo dayac hoy la’aan wajahaya xilli roobab ay da’ayaan

November 11, 2026
Carruur danyar iyo barakac iskugu jira oo waxabarsho bilaash ah ku helay Jariiban
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruur danyar iyo barakac iskugu jira oo waxabarsho bilaash ah ku helay Jariiban

November 10, 2026
Hoy la’aanta haysata barakacayaasha Baydhabo xilli roobkii gu’ga la guda galay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas fatahaad ay saamaysay oo Janaale ku haysato xaalad nolol xumo

November 6, 2026
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro dhameeyay jaamacadaha Hargaysa oo xoogsato noqday duruuf jirta awgeed

November 5, 2026
Qoysas nolol xumo ay ku haysato Galgaduud, markii colaad iyo roob la’aan ay saamaysay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ay ku haysato Galgaduud, markii colaad iyo roob la’aan ay saamaysay

November 3, 2026
Next Post
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-NOV-2026

IDAACADDA 12-NOV-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-NOV-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-NOV-2026
November 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-NOV-2026
November 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-NOV-2026
November 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-NOV-2026
November 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-NOV-2026
November 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo