(ERGO) – Ku dhawaad 250 qoys oo qaxooti cusub ah ayaa nolol xumo ku wajahaya xeryaha Dhadhaab, halkaas oo ay ku biireen saddexdii bil ee u danbaysay.
Waxay isugu jiraan qoysas ka soo qaxay colaadda magaalada Baydhabo, iyo kuwo ay saamaysay dhul bannaynta dawladda Soomaaliya ay kawado Muqdisho
Wax qaabilaad ah, dejin iyo gargaar ah kama helin xeryaha ay soo miciin bideen. Ma haystaan cuno, hoy, musqulo iyo adeegyo kale.
Qaarkood ayaa dulsaar ku ah qoysas hore u degganaa oo iyaga laftooda ay noloshu adag tahay.
Waxaa ka mid ah qoyska Nuurto Maxamed Cali oo dayac, gaajo iyo hubanti la’aan ku wajahaya xerada xeryaha Ifo-2 oo ay gaareen 20 Augusto.
Haweeneydan ayaa sheegtay inaysan helin wax kaalmo ah.
“Ilamaha cunto yay u baahan yihiin, gogol ayay u baahan yihiin. Guri ma haysano. hadda ayaan soo degnay dadkii hore u deganaana waa reer tabareed, baahideena cuntada ayaa ugu horreysa.”
Nuurto ayaa tilmaantay in carruurteeda oo toddobo ah ay habeennada qaar ku seexiso calool-marnaan marka ay doorasho kale waydo.
Waxay tilmaamtay inay galeen nolol liidata oo aysan aqoon si ay u maarayso. Carruurteeda ayay sheegtay in uusan ku taageerin aabbahood oo ay kala tageen.
Waxay intaas ku dartay inay ku hungowday filashadeedii xeryaha qaxootiga oo ahayd inay ka helayso nolol wanaagsan.
“Meeshaan waxaan u soo doontay caawimaad iyo nolol, waxaa na loo sheegay in nala siin doonto kaar oo guryo nalo dhisayo oo ilmahu ay waxbasho free ah iskuul iyo dugsigaba ay helayaan. Kolay waa aduun in dhibaato la maro, laakiin marna kuma xisaabsamin laakiin dhibaatada aan dhex fadhino.”
Nuurto ayaa tilmaantay nolol xumada ay u dheer tahay hoy xumo, taas oo culeysyada haysta ku sii kordhisay.
Meel xerada ka baxsan ayay ka dhisatay buul aan awoodin inuu ka celiyo fallaaraha cadceeda oo kulkeeda uu gaaro 37 degree iyo roobabka dayrta.
Qoyska Nuurto ayaa magaalada Baydhabo uga qaxay dagaalada noo noq-noqday oo dhex maray ciidamada dowladda iyo Koofurgalbeed oo isKu dhinac ah iyo ciidamo taageersan maamulkii hore.
Waxay ahayd beeralay ay noloshoodu ku tiirsanayd tacabka beer labo higtar oo ay ka soo carartay.
Dadka ku biiray xeryaha qaxootiga oo ay ku jiraan waayeelo, carruur iyo haween ayaa ka siman duruufaha. Xaawo Maxamed Cali oo ah hooyada 10 caruur ah cunno yari iyo qaalibaad la’aan ku haysataa xerada Ifo-2 oo ay soo gaareen kowdii Ogosto.
Haweenaydan ayaa sheegtay markii ay xerada ka wayday kaarka raashinka gargaarka ah lagu qaato ay ku khasbanaatey in raadiso shaqo dhardhaqis oo aysan joogto u helin. Waxay xustay in dadka wax waydiisato oo kiilooyin raashin ah.
“Xaaladaydu bariga dhexe waaye, ilmahayga aabohod waa cunyaan. Noloshu waa liidataa. Ilamahu waa ilmo yaryar wax nolol ah kuma haystaan meeshan. Meel aanaan aqoonin ayaanu nimid, waxbana ma haysano.”
Xaawo oo ahayd qofka keliya ee qoyskeeda u dhaq-dhaqaaqa inta aysan soo qixin ayaa tilmaantay in xaaladda ay kala kulmeen xeryaha ay tahay mid marna aysan horay u suuraysan. Hadda wax shaqo ah ma hayso.

Waxaa loo sheegay in heli doonaan gargaar iyo garab istaag, balse taa bedelkeeda waxay waysay soo dhawayn.
Waxay sheegtay in xaaladda gaajada ah ee ay qoyskeedu ku sugan yahay ay ku hoggaamisay in ay dadka u dan-sheegato.
“Ma haysano wax cuno ah meelahaa ayaan u gal-galaa oo dabka ugu shidaa. Walaahay muslim ka ayaan is dhex galaa. Caruurtu aniga ayay i sugaan, markii aan imaado ayaa dabka loo shidaa wakhti ka wakhti ayay wax cunaan.”
Qoyska Xaawo ayaa kasoo qaxay degmada Hodon ee gobolka Banaadir markii guri labo qol, jiko iyo suuli ah ay degganaayeen ay dumisey dowladda Soomaaliya, markii loogu sheegay inuu yahay dhul dowladadeed.
Xaawo ayaa xustay in inkasta oo aanay haysan sharci dhuleed haddana ay mudo 34 sano ah ku noolayd gurigaas la’aantiisa ay ku noolaan kari wayday magaalada nolosheeda oo qaali ah darteed.
“Dhulka ayaa la idiin cabirayaa ayaa nala dhahay, guryihii ayaa nala ka dumiyay oo cagaf nala ka geliyay, dhulka waa la idiin soo celinayaa ayaan is lahayn kadib waxaa nala yiri dhulka waa abosiib iska taga.”
Xaawo ayaa sheegtay in burburinta gurigeedii ay badday baro la’aan ku khasabtay in ay soo miciin biddo xeryaha Dhadhaab. Muqdisho waxay ku ahayd muruqmaal nolosheeda ka deberta hilib iyo qare ay ku iibin jirtay suuqyada Muqdisho.
Duruufaha adag ee ay ku nool yihiin dadkii ugu dambeeyay waxaa lala wadaagay hay’adaha samafalka ee howlagala xeryaha, balse ma jirto jawaab ka timid sida uu Radio Ergo u sheegay gudoomiyaha xerada Xagardheer khaliif Dhuubow Jeelle.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay qoysaskan ku sugan yihiin xaalad banii’adanimo oo ka sii daraysa marba marka ka danbaysa.
“Noloshoodu aad bay u liidataa. Kuwii ka sii horeeyay ayaa sii joogay oo wax waxtar ah oo wayn aan haysan. Markaa dadkaasi aad ayay u dhiban yihiin, cunno ma haystaan, biyo ma haystaan.”
Qoysaskan cusub ee ku biiraya xeryaha qaxootiga ayaa kusoo aadan xilii dadkii horay ugu noolaa ay wajahayaan duruufo adag oo ka dhashay hoos u dhaca gargaarkii ay heli jireen oo yaraaday halka qoysaska qaar laga jaray.










