Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Shabeellaha dhexe oo iska gudaya dayn ay qaateen, markii ay suuq u yeesheen xoolahooda

Jibril Osman by Jibril Osman
October 15, 2026
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer-guuraaga Shabeellaha dhexe oo iska gudaya dayn ay qaateen, markii ay suuq u yeesheen xoolahooda

Xoolo-dhaqato iibsanaya xoolaha ay soo suuq-geeyeen/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex sanno kaddib, reer-guuraaga dagmooyinka Warsheekh iyo Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa awood u yeeshay in ay iska gudaan daymo lagu yeeshay, markii ay ka soo kabteen roob yari suuq la’aan biday xoolahooda.

Qoysaskan oo ah qiyaastii 150 ayaa sayladda Muqdisho u suuq geeyay xoolo ugu cayilay daaqa roobka afartii bil ee u danbeeyay. Waxay ka heleen dhaqaale ay ku dabbaraan qoysaskooda, sidoo kalena ay iskaga gudeen daynta.

Cabdullaahi Muxyadiin Axmed oo ka mid ah xoolo-dhaqatada ku nool miyiga Cadale waxaa u gadmay 50 ari ah, kuwaas oo uu ka helay $4,200 horraantii bishii Ogosto ee sanadkan. Lacagtan waxay ka dulqaaday culayskii qaan-sheegadka.

Wuxuu iskaga bixiyay $1,200 oo ay ku lahaayeen ganacsatada deegaankiisa. Wuxuu uga qaatay raashin iyo arrad-tirka qoyskiisa oo sagaal ah xilli ay baahi badan u qabeen, maaddama xoolahiisa ay ragaadisay roob la’aan jirtay.

Wuxuu ku naaloonayaa lacagta u hartay oo qoyskiisa ay ku tiirsan yihiin. Qayb ayuu dhigaalsaday isaga oo casharro xanuun badan ka bartay abaarta iyo kayd la’aanta oo waqtiyo adag soo maray noloshiisa.

Waxaan kula kulmay Cabdullaahi suuqa xoolaha Dayax ee dagmada Gubadley, halkaas oo safar labaad uu ku yimid isla bishii Ogosto. Wuxuu rajaynayay in uu helo lacag kooban oo baaqi ku ahayd ganacsatada ka iibsaday xoolaha.

Wuxuu dareen farxadeed ku muujiyay isbeddelka nololeed ee qoyskiisa iyo sida ay uga soo bexeen xilliga adag ee roob la’aantu sababtay.

“Waxay iigu suurto gashay Ilaahey mahaddiis iyo barwaaqadan Ilaahey noo keenay mooyee haddii abaartu sii socon lahayd maanan baxsheen ee mid kale ayaa nasii gali lahayd, Xooluhu waa kala qiimo. Mid waa $100, $120, $130. Qaar $70 ama $60 ah way jiraan.”

“Daynta dadna waa nasiinayeen, dadkana way diidayeen, rafaad badana waa lagu qabay. Ninkii laga xishoonaayo oo wax lagu tabaayo oo la isleeyahay wuu iskaga magayaa waxbuu helayay.”

Wuxuu tilmaamay in qaadashada daynta uu billaabay sannadkii 2023, markii xoolihiisa ay nacfi caano iyo mid suuq ay yeelan waayeen. Waxaa saamayn ku yeeshay roob la’aan soo laalaabtay, waxayna duruuftu ku qasabtay ku tiirsanaanta daynta.

Hase ahaatee, handadaad joogto ah ayuu kala kumayay ganacsatada uu daynta ka qaatay, kuwaas oo ku cadaadiyay in uu bixiyo lacagaha lagu leeyahay, taasi oo gaartay in laga jarto raashin uu ka qaadan jiray.

Xaaladdaas wuxuu wajahay billowgii sanadkan. Eheladiisa oo uu u dan-sheegtay ayaa lacag kooban oo cadad joogto ah aan lahayn ku taageeri jiray, taas oo toddobaadkii 5 maalin oo ka mid ah qoyskiisa ay dabka ku shidan jireen.

Wuxuu sheegay in xilli-roobaadyada Gu’ga iyo xagaaga oo isku raacay ay barwaaqo u horseedeen xoolo-dhaqatada uu ka mid yahay. Waxay heleen roob joogto ah bilihii u danbeeyay, kaas oo daaqa iyo biyaha ka dhigay kuwa si fudud lagu helo.

Wuxuu intaas ku daray in 100 ari ah oo u hartay ay si wanaagsan u tarmayaan, qoyskiisuna ay helaan cunno ku filan, isla markaana ay ka samatabxeen nolol adag oo ay soo mareen.

“Saddexda waqti sifiican baa loo cunaa hadda. Caanihii iyo subagii aduunyadaas way isdulsaaran yihiin, abaarta aad bay dadka u saamaysay. Dad badan baa duruufo badan kala soo darseen. Dad badan baa ka barakacay baadiyo. Laakiin hadda aad baa loo wanaagsan yahay.”

“Reerkii soo barakacay dib bay u laabanayaan, reerkii ku harsanaana dhaqaalihii wuu u toosay aad baan u naagsan nahay hadda.”

Ninkan oo 50 jir ah wuxuu garowsan yahay in isbeddelka cimilada uu caqabad ku yahay sii socoshada roobabka, taas oo ku dhalisay in dhaqaale uu sii kaydsado si uu uga badbaado saamayn la mid ah tii uu ka dhaxlay waayo aragnimada.

Wuxuu ka mid ahaa dadka ugu xoolaha badan deegaankiisa, balse roobabka oo uu ku hungoobay sanadihii 2023, 2024 ilaa 2025 ayaa xoolo yari biday. Waxaa daaq iyo biyo yari uga dhintay 350 ari ah iyo 27 Lo’ ah.

Dhanka kale reer-guuraaga deegaankiisa ayuu xusay in ay wadaan qorshe ay ku taageerayaan dadka deegaankooda ee abaarta ku cayrtoobay, kuwaas oo ku xarooday Cadale, Warsheekh iyo Muqdisho sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Cabdullaahi.

Soddon qoys oo ka mid ah ayaa la siiyay xoolo aan badnayn oo billow u ah caawinta. Qoys kasta wuxuu helay 10 neef ari ah, kuwaas oo billow u ah safarka ay dib ugu dhisayaan noloshooda miyiga, isla markaana ay uga baxayaan xaaladda barakaca.

“Waxbaa loo aruurshay oo tabarucaad baa loo sameeyay. Aad bay iyaguna niyaddoodu u wanaagsan tahay, noloshoodana u kaamilaan.”

Cabdullaahi iyo xoolo-dhaqatada ka faa’iideysanaya daaqa iyo biyaha roobka ayaa ka siman dareenka farxadeed, maaddama ay iska dulqaadeen heeryadii daynta oo culays iyo cagajuglan kaga imaanaysay dadkii  ku lahaa .

Madiina Muxyadiin Axmed oo deggan miyiga dagmada Warsheekh waxay qoyskeeda oo saddex ah ay ka soo kabanayaan hubanti la’aan cunno iyo dhibaato ay ku qabayn dayn lagu lahaa, markii xoolahooda ay ka soo doogteen roob la’aanta.

Afartii bil ee u danbeeyay ayay xustay in ay heleen roobab aan kala joogsi lahayn, kuwaas oo xoolaheeda ay ku cayileen, suuqna ku yeesheen. 20 ka mid ah ayay iibisay, waxayna ka heshay in ka badan $1300.

Lacagtaas qayb ka mid ah ayay iskaga bixisay dayn ay dukaamada uga qaadatay raashin sannadkii 2025 ilaa bartamihii 2026, halka inta u hartay ay ku iibsatay raashin iyo arrad-tirka qoyska.

“Lamana xisaabi karo daynta nalgu yeeshay. $800 ayaa bixinay. 20 neef waxa laga soo baxshay ayaa lagu bixinayaa qarashkooda (daynta) maaddama ay abaar jirtay oo xooluhu xaas (doon) ahaayeen iyo hadda iskuma dhawa. Hadda xoolaha cadiin waaye. Way gadmayaan, waxna waa laga helaa.”

Waxay tilmaamtay in billowgii sannadkan saddex ka mid ah ganacsatada ku lahaa daynta ay u qabteen lix bil si ay daynta u bixiso. Culayskaas haystay waxaa meesha ka saaray roobkii Gu’ga oo u curtay billo kaddib.

Aaamina ayaa sheegtay in xoolaha u jooga oo ari ah ay yihiin 80, kuwaas oo billaabay in ay tarmaan, si wanaagsanna uga soo kabteen roob la’aan haysay. Waxay xustay in ay haystaan daaq iyo biyo ku filan, kuwaas oo ku jira ilo ay ku keydsadeen.

Intaas waxay ku dartay in tan iyo bartamihii sannadkan aysan la kulmin carruurteeda xaalad cunno xumo, taas oo horay ay u la kulmi jireen, maaddama ishooda dhaqaale oo ah ariga ay ku jiraan saman barwaaqeed.

Waxay sheegtay in saddexdii toddobaad ba mar ay suuqa u iib keento labo ama saddex neef oo ari ah, si ay ugu maareyso nolosha qoyskeeda.

Aamina iyo xoolo-dhaqatada la midka ah xaaladda kaliya ee ay ka cabanayaan ayaa ah isticmaal la’aanta shilinka soomaaliga oo qiimo badan ugu fadhiyay, kaas oo adeegsigiisa la joojiyay horantii sannadkan.

Waxay sheegtay in waalidkeed iyo qaraabadeeda oo ay caawin lahayd ay dhibaato ka haysato adeegsi la’aanta lacagaha danabaysan ee lagu dhex isticmaalo taleefoonnada.

“Doolarka micno loo adeegsado ayaa la la’yahay. Waayeelka taleefon ma yaqaanaan. Lacag kama tuuran karaan, kaashkeena ayaa noo roona annaga.”

Reer-guuraaga u soo safrinaya xoolaha suuqyada lagu iibiyo ayaa sii kordhaya sida aan ka ogaannay ganacsatada xoolaha iibsata iyo dalaaliinta. Xoolaha ugu badan ee suuqan ayaa laga keenayaa gobolka sheellaha dhexe, halkaas oo roobabku ay ku badnaayeen.

Kulmiye Maxamuud Xasan oo dalaal ka ah suuqa xoolaha Dayax ee dagmada Gubadley ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in uu hayo diiwaanka xoolo-dhaqatada uu ka caawiyay in xoolahooda la siibsado, kuwaas oo u helay suuq fiican.

Wuxuu xusay in dadka uu xoolahooda u dalaalay ay u sheegeen in dhaqaalaha ay ka heleen xoolaha ay ku dayn baxayaan, sidoo kalana ay uga baxayaan hubanti la’aantii cuno ee haysay.

Wuxuu intaas ku daray in dalaaliinta uu ka mid yahay ay heleen shaqo joogto ah oo kacaawisay in qoysaskooda ay u helaan dhaqaale ay ku maareeyaan, maaddama xoolo badan ay dalaal ka noqdeen.

Roobabka joogtada noqday ee ku hooray gobolada dhaca koonfurta dalka dhowrkii bil ee u danbeeyay ayaa nolol xumo ka saaray qoysaska reer-guuraaga ah iyo xoolahooda, kuwaas dhibaatooyin adag ka la kulmay roob la’aan jirtay.

Previous Post

Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda

Related Posts

Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda

October 14, 2026
Nolol xumo iyo dayac nadaafadeed oo haysta 500 qoys oo la dajiyay duleedka Hargaysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo iyo dayac nadaafadeed oo haysta 500 qoys oo la dajiyay duleedka Hargaysa

October 12, 2026
Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

October 9, 2026
Dadkii fatahaadda Beledweyne ku barakacay oo bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahoodii
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar ku nool Bari

October 8, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen

October 7, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo iyo faquuq ka saaray suuqyada Dhadhaab

October 6, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-OCT-2026

IDAACADDA 15-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2026
October 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-OCT-2026
October 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2026
October 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2026
October 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-OCT-2026
October 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo