Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: In ka badan 100 qoys oo nolol adag uu galiyay bacaadka saamayn ku haya

Jibril Osman by Jibril Osman
October 15, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Dadka is-xilqaamay oo bacaadka ka guraya waddada wayn ee Hobyo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno xumo iyo hoy la’aan ayay wajahayaan 130 qoys oo danyar iyo xoolo dhaqato iskugu jira, kuwaas oo bishii Ogosto ee sanadkaan bacaad ku soo rogmaday uga barakacay deegaanka Hul-caduur ee gobolka Galgaduud.

Dadkaan oo horrayba ugu sugna nolol xumo ka dhalatay roob yari tuullada ka jirtay in ka badan sanad ayaa sheegay in bacaadka oo markii ugu horaysay ku fiday uu xaaladdooda uga sii daray.

Waxay ku waayeen guriyahooda, waddooyinkii, xaruntii caafimaadka iyo goobtii waxbarashada. Abuukar Maxamuud Iidow oo ka mid ah wuxuu qoyskiisa oo 10 ah u awoodi la’yahay cunno iyo gabaad.

Waxa keli ah ee ay noloshoodu ku tiirsan tahay waa 20 kiilo oo bur, baris, sonkor iyo saliid iskugu jira oo ay iskugu soo dardareen dad ay ehel yihiin oo jooga degmada Ceel-dheer.

Wuxuu tilmaamay in kalmadaas oo ay tashilayeen tan iyo bartamihii bishii hore ay hadda gababasi sii tahay aysan jirin meel kale oo ay deeq ama dayn ka heli karaan.

“Xoolihii aan ku tiirsanayna waa nacfi beelen. Waddooyinkii waa burbureen. Gawaarida qiimo sare ayay raashinka ku keenaan deegaanka oo aan awoodin inaan iibsano.”

Abuukar ayaa sheegay in qoyskiisa ay duleedka deeganka ku wajahaya hoy xumo. Carruurtiisa oo kan ugu yar uu jira 1 sano, horrayna aan u mudan dugsi la’aan tan lamid ah ayuu xusay in ay la qabsan la’yihiin.

Wuxuu tilmaamay in bacadka uu hoygiisa ku yimid xilli uu dayac tir ku sameeyay saddex qol oo jingad ah oo ay daganayeen.

Wuxuu xusay in carrada ay duugtay dhamaan qolalkii iyo meelihii ay biyaha ku kaydsan jireen, taasina ay ku qasab tay in ay iskaga soo tagaan.

“Guriga marka uu bacadku duugo halkiisa ayaa looga tagaya iyadoon waxbo laga qaadan. Waxyabaha iga qasaaray waxaa ka mid bac aan dhulka galinay oo ay reerka iyo xoolaha biyaha iga cabi jireen, $300 oo ay dad ehel ah igu caawiyeen ayaana markii hore ku samaystay.”

Abukar ayaa sheegay in 20 neef oo ari oo u jooga ay yihiin wayd aan iib galin, sidoo kalana aysan qoyskiisa ka helin wax cad iyo caano toona.

Daaq xumo haysata iyo inuusan calaf u gadi karin ayuu u sababeeyay. Ninkaan ayaa sheegay in muddadii ay roob yaridu jirtay ay daaq la’aan uga dhinteen 55 neef ari ah.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ay maalinkii cabaan jirgaan ay xaskiisa dhabarka uga qaato ceellal rig bilaash ah oo deeganka ku yaalla.

Wuxuu xusay in ceelasha ay biyaha ka cabaan uusan wali bacaadku gaarin. Xaaskiisa ayuu tilmaamay in ay ku qaadato qiyaastii in ka badan sacad iyo bar si ay biyo ugu soo dhaamiso.

Waxaa xaaladdan darteed waxbarasho la’aan ka noqday 3 carruur ah oo wax uga dhigan jiray iskuulka hoose dhexe ee deeganka oo hadda xirmay, markii bacadka iyo dabaylo is biirsaday awgeed uu burburay.

Carruurtiisa oo marayay fasalka labaad ee dugsiga hoose ayuu xusay in ay guri joog noqdeen. Iskuulka xirmay ayuu sheegay in uu ahaa xarunta kaliya ee waxbarasho ee tuullada ku taallay, taas oo ay bulshada isku tashi ku dhisteen sanado ka hor.

Ninkaan ayaa sheegay in degmada Ceel-dheer oo u jirta qiyaastiii 40 km ay tahay halka ugu soo sokaysa ee uu tacliin uga heli karo carruurtiisa, balse ma hayo kharashkii uu ku gayn laha.

Waxaa culayska ku sii kordhinaya $800 oo uu qayb raashin iyo arad-tir ugu qaaday reerka, qaybna uu ku soo qaatay agabkii uu guriga ku dhisay.

“Culays wayn ayay dayntaas igu haysa. Habeennada qaar hurdada ayaan ka toosa walwalka ay igu haysa awgeed Illahey ayaan ka baryaya in uu I siiyo wax aan iskaga bixiyo.”

Abukar ayaa sheegay inusan hayn wax qorsha ah oo uu xaaladdan uga samata-bixi karo, maaddama uu faro maran yahay.

Qoysaska ku barakacay bacaadka ku habsaday tuulada Hul-cudur iyo hareeraheeda ayaa ka siman saamaynta nololeed ee haysta.

Cabdullaahi Maxamed Kulmiye wuxuu tilmamtay in qoyskiisa oo 13 qof ka kooban ay wajahayaan daruufo liita oo dhanka nolosha ah.

Bacaadka awgiis waxaa ka xirmay sandaqad uu ku iibin jiray bagaash iyo raashin, taas oo uu maalinkii kaga tashan jiray $8 illaa $10 oo faa’ido ah.

“Ganacsi yar ayaan haystay, wax kale iima raacin. Dukankii waa iga burburay. Gurigii uu igu yaallay ayaa burburay. Si walbo oo aan bacaadka ula dagalami karno waa samaynay, markii wixii kharash aan hayay uu iga dhamaaday ayaan quustay oo aan reerka u soo waday duleedka deegaanka.”

Cabdullahi ayaa sheegay in labadii bil ee la soo dhaafay ay qoyskiisa ku tiirsanayeen raashin 35 kiilo ah oo bur bariis, saliid, sonkor iyo Digir iskugu jiray oo dukaanka u yaallay.

Wuxuu xusay in ay tashiilanayeen, balse uu ka idlaaday bartamihii bishii hore. Waxay dabka ku shitaan daymo ay ka soo qaatan dukaamo ku yaalla degmada Ceel-dheer.

Wuxuu sheegay in uu noqday baaga-muudo ku hungoobay raadinta shaqooyinka xamaalka ah oo ay adag tahay in laga helo tuulladii uu ku noola iyo degmad Ceel-dheer.

Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ay nolol xumo dhinacyo kala duwan leh ku wajahayaan duleedka tuullada oo ay soo miciin bideen.

Culaysyada ugu daran ee uusan xalka u hayn waxaa ka mid ah tacliin la’aan soo food saartay labo ka mid ah carruurtiisa oo horray wax u baran jiray. 

“Bacadka waxbarashada waa naga sameeyay. Culays badan ayay igu haysa tacliin la’aanta carruurtayda. Ma hayo kharash aan meel kale ugu diro. Culays wayn ayaa dareemaya.”

Sidoo kale gawaarida yimaada ayuu xusay in ay shidaal badan gubaan si ay deeganka u soo gaaran ama ay ka soo wareegtaan waddooyin fogfog oo qiyaastii illa 25 km ah.

Wuxuu xusay in kirada lagu keeno kiishka raashinka ah ee Gaalkacyo ama Xamar laga soo qaado uu qofka ganacsadaha ahi ku bixiyo $5 halka markii hore u ahaa $2.5.

Bacaadka oo si xowli ah u fidayA ayaa wada gaaray inta badan dadkii dagana konfurka deeganka iyo miyiga hoostaga, taas oo ka dhigaysa meel qarka u saaran in ay noqoto lama deegaan sida uu sheegay Yuusuf Cabdulle Xasan Xoghayaha deegaanka Hul-cudur

“Daruufaha ugu daran ee dadka haysta waa hoy la’aan, waxbarasho la’aan, bubur ku yimid xaruntii MCH ka iyo suuqi lagu ganacsan jiray. Bulshada tabar ay ku dhistaan mahayan.”

“Cid kasto oo nagu caawinta karta xakamaynta bacaadka iyo sidii aan u dhisan lahayn xarumihii naga burburay waa u baahanahay.”

Previous Post

Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda

Next Post

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

Related Posts

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

October 15, 2026
Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas maciin-biday Janaale, markii ay ka barakceen duqayn saamaysay noloshooda

October 14, 2026
Nolol xumo iyo dayac nadaafadeed oo haysta 500 qoys oo la dajiyay duleedka Hargaysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo iyo dayac nadaafadeed oo haysta 500 qoys oo la dajiyay duleedka Hargaysa

October 12, 2026
Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

October 9, 2026
Dadkii fatahaadda Beledweyne ku barakacay oo bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahoodii
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar ku nool Bari

October 8, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen

October 7, 2026
Next Post
Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-OCT-2026

IDAACADDA 16-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2026
October 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2026
October 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-OCT-2026
October 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2026
October 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2026
October 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo