(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ayay wajahayaan in ka badan saddax boqol qoys oo ku sugan xeryo ku yaalla duleedka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Xaaladdan ayay ku sugan yihiin tan iyo bishii July ee sanadkaan, markii xoolihii ay ku tiirsanaayeen ay ku waayeen roob-yari soo laalabatay.
Dadkan waxay ka kala yimaadeen deggaannada Koora-goys, Jir iyo Shiikhaley oo gobolka Galgaduud ah iyo qaybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida.
Faadumo Cabdullaahi Cali iyo qoyskeeda oo 11 qof ah waxay labadii bilood ee la soo dhaafay hubanti la’aan ku haysataa xerada Mubarak ee degmada Cabudwaaq.
Waxay sheegtay in dulsaar ku noqdeen qoys ay ehel yihiin oo xerada horay u deganaa, kuwaas oo ah danyar ah.
Waxay tilmaamtay inay hal mar maalinkii la cunaan wixii ay karsadaan ama raashin bisil oo aan ku filnayn ay ka soo dawarsadaan xaafadaha dariska ah ee nolol dhaama.
‘’Meel biil noo saaran oo aan Ilaahay deeqiisa ahayn ma jidho, marna islaamka Ilaahay baan wax ka soo qaadannaa.
Ilmo yaryar baan haystaa hal waqti ayaan helna, mararka qaar wixii aan helno ayaan kala reebana subixi oo ilmaha duhurkii lagu samarsiiya.’’
Faadumo oo 53 jir ah iyo qoyskeedu waxa ay ka soo lugeeyeen deegaanka Buullalley oo ku yaal xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo dhanka waqooyi-bari ka xiga Caabudwaaq ku dhawaad 70 km.
Intii ay jidka ku soo jireen, carruurta waxa ay u soo dhiibeen dad gaari watay oo ay is garanayeen, iyadoo dadka waaweyn ay ku qaadatay muddo laba cisho inay ku soo gaaraan xerada ay hadda ku suganyihiin.
Waxay xaaladdan ku qasbanaadeen markii biyo yari, daaq la’ aan iyo cudurro isku raacay ay ku waayeen labo boqol oo ari ah iyo soddon geel ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.
Waxay tilmaamtay in muddo saddex sano ah tartiib-tartiib ugu la’anayeen xoolaha. Intii ugu danbeeyay ayay xustay inay ka dhinteen bishii Juun.
Dhanka kale waxa ay tilmaamtay inay dhibaaato ku qabaan helitaanka biyaha.
‘’Biyo ma haysanno oo caagadda la keeno daqiiqad ayay cabitaan ugu dhamaaneysaa, adoo maradii wasaq kaa tahay haddaad rabto aan salaad ka tukan, oo ilmaha midka daran asagoon soo gaarin ayay dhamaanayaan.”
“Haddana caagadda waxay kaa rabtaa dhowr kilo mitir inaad u doontaa adoo oonkii qaba ood garabkii ku soo qaaddo mar labaad.’’
Faadumo ayaa sheegtay in cunto xumada iyo biyo yarida xerada ku haysato ay u dheertahay hoy’ la’ aan. Waxay reerkeeda badan ku nool yihiin buush ay ku caawiyeen dadka ay ehel yihiin, balse ah mid duug ah oo maryaha saaran ay noqdeen kuwa dhamaaday.
Waxaa barakaca uga waxbarasho beelay 6 carruur ah oo horray dugsi Qur’aan u dhigan jiray. Waxay tilmaamtay in xerada aysan ka jirin dhamaan adeegyada aas-aasiga ah aysan u awoodin inay geyso goobaha lacagta ah ee magaalada.
Waxaa culaysyada xerada ku haysta u dheer waydiin joogta ah oo ay kala kulmayso $330 oo ah dayn ay ku lahaayeen dukaamada raashin iyo dharka ee tuulladii ay ka yimaadeen.
Waxay xustay in ay arrad-tir iyo cunno ay carruurta uga soo qaaday aysana hadda awoodin inay guddo.
Haweeynaydaan ayaa xustay in xaalladan ay garab la’aan ku tahay oo ilmaheeda aabbaahood uu yahay wayeel aan waxbo ku soo kordhin karin nolosha reerka.
Nolol xumada xerada ku haysa waa mid ay ka wada siman yihiin dhamaan qoysaska dhawaan ku soo biiray.
Maxamed Aadan Jaamac oo 62 jir ah waa aabaha sideed carruur ah kaas oo cimrigiisa oo dhan ku soo qaatay xoolo-dhaqashada.
Wuxuu sheegay in qoyskiisu ay xilligaan ku jiraan noloshii ugu adkeed ee ay abid mutaan. Wuxuu tilmaamay in arrintaas ay ku abuurayso rajo xumo, maaddama xoolihiisii dhamaadeen uusanna haysan wax beddel u noqon kara.
Wuxuu xusay in xerada Mubaarak oo ay soo gaareen bartamihii bishii sideedaad aysan ku helin wax gargaar ah, dadkii uga soo horreeyayna aysan wax badan ku dhaamin.
Qoysas ehel la ah oo deggen Caabudwaaq ayuu tilmaamay inuu u tago si ay u siiyaan xoogaa raashin ah oo ay mar dabka saartaan.
Ninkaan ayaa sheegay in ay dhibaaato ku qabaan helitaanka biyaha. Qoysas degan meel qiyaastii 3 km u jirta xerada ayay ka soo baryaan 20 liitar oo ay xaaskiisa dhabarka ku soo qaado, joogto ugama helaan oo maalmaha qaar wuxuu xusay inay ka soo waayaan.
Daruufaha isku biirsaday ayuu rajo xumo ka muujiyay.
‘’Hoy nagu filan ma haysanno, biyo nagu filan ma haysanno, cunto nagu filan ma haysanno, musqul ma haysanno, waxbarasho ma haysanno, caafimaad ma haysanno. Subaxdii sidii dad ugaarsato ah intaan kala yaacno ayaan habiinkii soo dheelmannaa mararka qaarkood.’’
Maxamed ayaa sheegay in magaalada uu subax kasto ka raadiyo shaqooyin xamaal ah oo ay kamid yihiin dhagax jabin iyo ilaalo inkasta oo uusan wali helin.
Ninkaan ayaa sheegay inuusan xirfad kale lahayn si uu ugu shaqeysto magaalada oo uu ku cusub yahay.
Ninkaan ayaa sheegay in sidoo kale ay wabarsho la’aan ka yihiin afar carruur oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deegankoodii, kuwaas oo uu afartii bilba mar neef ari ah siin jiray macalinkooda.
Wuxuu xusay in xerada ay yimaadeen aysan hadda ka jirin waxbarasho isagana uusan u awoodin in uu geeyo iskuullada lacagta ah oo ardayda wax loogu dhigo $10.
Qoyska Maxamed ayaa ka yimid deegaanka Booro-cad oo katirsan gobolka Qorraxey ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Wuxuu tilmamaay inay barakaca ku qasbanaadeen markii roob yarida darteed ay uga le’deen intii ugu badnayd xoolihiisa.
Wuxuu xusay inay u hareen 18 neef oo ari ah kuwaas oo aan nacfi lahayn markii ay ka dhamaadeen xoolihiisa oo ahaa saddex boqol oo ari ah iyo labaatan iyo shan neef oo geel ah, xoolahaas oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.
Gudoomiyaha xerada Mubaarak Maxamuud Aadan Warsame ayaa Raadiyow Ergo u shegay in qoysaska xeradaan soo gaaray ay yihiin 340 qoys tan iyo bishii July, kuwaas oo xaalad aad u liidata ku sugan.
Wuxuu xusay in dhamaan dadkaan aysan heli karin baahiyaha aas-aasiga ah, maamul ahaana aysan waxbo ku tari Karin dhankooda.
Xaalaadda dadkaan ayuu ka dayriyay waxa uuna xusay inay gar gaar dhaqso ah u baahi qabaan, gaar ahaan biyaha iyo cuntada.
“Hooy ma haystaan, waxay huwadaan ma haystaan, Teendhooyin ma haystaan, maacuun ma haystaan, biyo mahayaan. Hadda xilli roob baa lagu jiraa haddii caawa roob yimaadana waxaa laga yaabaa xanuunno kale inay ka dillaacaan meesha oo ay ka dhashaan nadaafad la’aanta si deg deg ah in looga jawaabo baan aad iyo aad u codsanayaa.”
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maalin kasta xerada ay soo gaaraan qoysas cusub oo roob-yarida ka jirtay deegaannadii ku qasabtay inay soo barakacaan.
Wuxuu xusay in xaalada dadkan ay la wadaageen maamulka Galmudug iyo hay’ adaha gargaarka, basle aysan wax jawaab ah ka helin.









