Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

Jibril Osman by Jibril Osman
October 6, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Madahir Salaad oo ku fooggan shaqadiisa bir-tumidda, iskasta oo suuq xumo ay hayso/Axmed Cabdullaahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Suuq xumo iyo dhaqaale yari ayay wajahayaan farsamo yaqaanada soo saara agabyo ay ka mid yihiin qalabka beeraha, sida yaambada, faaska iyo kuwa lagu isticmaalo guryaha ee cunnada lagu kariyo.

Xirfadlayaashan oo ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa sheegay in dadkii macmiilka u ahaa ay uga wareegeen dhanka badeecadaha ay warashaduhu sameeyaan ee dibadda laga soo dhoofiyo.

Dadka ayaa u batay iibsashada qalabka warshadaha oo lagu iibiyo suuqyada, halka kuwa ay farsameeyeen xirfadlayaasha uu yahay mid ku kooban goobaha fariisinka u ah.

Dhanka kale waxaa jira xoogsato agabka dibadda laga keenay ku dhex wareejiya xeryaha.

Waxaan meesha ka marneyn in dadku ay xiiso u qabaan, kal soonina ku qabaan qalabka warshadaha oo ay aaminsan yihiin inuu tayo iyo quruxba ka fiican yahay midka kale, qiimahana aysan ku kala duwaneyn.

Arimahaas oo is biirsaday waxay suuqa ka saareen 200 oo qof, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Yoonis Abukar oo ah guddoomiyaha dadka birta tuma ee xeryaha Qaxootiga.

Saameynta ugu weyn ee ka dhalatay ayaa ah dhaqaale yari saameysay nolosha boqollaal qoys oo danyar ah.

Kamaal Maxamed Xuseen oo xirfadan ay u ahayd isha kaliya ee dhaqaale uu ka soo galayay muddo 10 sano ah ayaa xusay in goobtiisu xirantay bishii Maarso ee sanadkan, markii uu waayay cid wax ka gadata.

Shaqo la’aanta ayuu sheegay in qoyskiisa oo markii hore ku jiray nolol warwar la’aan ah ay bidday inay ku adkaato helitaanka hal waqti oo cunto ah.

“Shalay iyo maanta isku mid maaha, sababta oo ah shaqadii fiicneyd haddey istaagtay gaajo waa qasab way imaaneysaa. Waxaa meesha ka baxaya raashiinkii saddexda waqti ahaa ee quraacda, qadada, cashada iyo caanihii ilmuhu helayeen.”

Qoyska Kamaal oo ka kooban toddobo qof ayaa hadda ku tiirsan kaalmada qaxootiga oo ah 70 kiilo oo masago iyo misir ah iyo 17 liiter oo saliid ah, taas oo labadii bilba mar la siiyo.

Kaal-madan ayuu xusay inay tahay mid kooban oo aan dabooli karin baahidooda. Wuxuu intaas ku daray inuu raadiyay ildhaqaale oo beddal u noqota shaqadiisii hore.

Waxa kaliya ee uu helayna ay tahay shaqo aan joogto aheyn oo ah gurista qoryaha dabka lagu shito oo bishii uu ka helo ugu badnaan $60.

Wuxuu sheegay inay tahay howl dhib badan, dhaqaalaheeduna uu yar yahay, balse uu ku qasban yahay, maadaama uusan hayn xal kale.

“Hadda aniga waxaan wataa dameer iyo gaarigiisa. Markaan xaabo ama qoryo doonanayo waxaan ku maqnaadaa labo habeen. Qoryaha aan keeno lacag fiican ma gooyaan, markiiba waxaan ka helaa illaa $20. Mararka qaar shan habeen ayay ooleysaa oo aan leyga gadaneyn. Dhaqaalaha aan helo qoyska kuma filna, dabkuna nagama damo, balse ma ahan shaqadii hore oo kale, taasi way nagu filneyd oo aadbay u fiicneyd.”

Kamaal ayaa tilmaamay inay wajahayaan xaalad hubanti la’aan ah oo uusan maareyn karin, dhaqaale yari awgeed.

Wuxuu sheegay inay ku jiraan xilligii ugu liidatay ee soo mara tan iyo 2008 oo uu ku nool yahay xerada Xagardheer oo ka mid ah qaxootiga Dhadhaab.

Ninkan oo 45 jir ah ayaa xusay inuusan isku dhiibi doonin waayaha adag ee uu wajahayo, waloow uu muujiyay rajo xumo, maaddama ay dhaqaale xumo ay daashatay.

“Qofku isagoo jooga meel hooseysa haddii uu ka sii aado meel kale oo sii hooseysa xaaladdu way ka sii dareysaa. Marka waxaan ka qabsi qabaa in gaajo loo baaba’o. Aniga waa markii iigu horeysay noloshan mid la mid ah horay ulama kulmin.”

Kamaal ayaa sheegay in ku sii noolaanshaha qaxootiga uu ku door bidayo waxbarashada oo bilaash ah, hoy aan kiro aheyn iyo amni.

Wuxuu faah faahin ka bixiyay caqabadihii ku qasbay inuu ka soo qaxo magaalada Muqdisho oo uu ku noolaa iyo sida dib loogu soo nooleyn karo xirfaddii uu ku shaqeysan jiray ee tumista biraha.

“Aniga waxaan imid 2008, Muqdisho ayaana ka imid. Magaalada waxaa ka jirtay nabad galyo la’aan oo aan oga soo cararay. Soomaaliya inaan ku laabto waa laga yabaa, laakiin hadda ciyaalkii ayaa waxbarasho ku jira oo ma noqon karo.”

“Bulshada Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in dhaqaalahooda aysan meel kale geyn oo ay iska daayaan wax yaabaha dibadda laga keenayo. Wax haka gataan farsamo yaqaanada Soomaaliyeed.”

Farsamo yaqaano aan ka badneyn 20 qof ayaa hadda ku sii harsan shaqada tumista biraha ee Xeryaha Dhadhaab, sida aan ka soo xigtay hormuud kooda, balse, kama helaan dhaqaalihii ka soo gali jiray markay suuqa haysteen oo u dhexeeyay bishii $180 illaa $250.

Madaahir Salaad Samow oo wali jooga goobtiisa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in waxa ka soo gala bishii aysan gaareyn $40.

Duruufta dhaqaale iyo shaqo kale oo uusan meel ku ogeyn ayuu xusay inay qasbeyso, balse uusan ku niyad sameyn howsha uu maalin kasta qabto oo dheefteedu ay yartahay.

“Sidaa oo ay tahay shaqada waa nalaku faquuqaa. Marmar waxay iga gaartaa ma iska dhaaftaa, misana shaqo kale ma aqaanee waa iska sabraa.”

Ninkan 58 jir ah ayaa intaas ku daray in reerku ay sidoo kale ku tiirsanaayeen kaalmada qaxootiga oo kabi jirtay, balse gargaarkaas la dhimay boqolkiiba 50, intaasna aysan mararka qaar helin.

Wuxuu sheegay in iyaga oo aan muddo sanad ah qaadan wax kaalmo ah ay bishii Sebteember heleen 100 kiilo oo ah masago, misir iyo 17 liiter oo saliid ah.

Madaahir ayaa xusey in gacmo marnaan uu inta badan kala laabto goobtiisa shaqo oo muddo 38 sano ah laf dhabar u ahayd nolosha qoyskiisa oo 14 qof ka kooban.

“Anigu maanta oo dhan sida aan u joojo aniga oo gamo-maran ayaan iska tagaa oo eber ah aan waxba helin. Maalmaha aanan waxba helin ayaaba ugu badan.”

Caqabadaha nololeed waxaa u dheer in lagu leeyahay deyn $150 ah oo iskugu jirta kirada meesha uu birta ku tumo oo uu iska bixin waayay iyo raashiin uu qoyska u qaaday.

Xaaladda ay wajahayaan ayuu ku sheegay tii ugu liidatay, tan iyo sanadkii 2010 oo uu ku nool yahay xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo uu soo maciin biday.

Abaar soo noqnoqotay ayaa caqabad ku noqday inuu tacbado beer hal hektar ah oo uu ku lahaa degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

“Xoogayga keliya weeye maanta waxaan ku tiirsanahay. Haddii aan xanuusado ama shaqada ka baaqdo, caruurtu waa qadeysaa. Waligay hal Shilling oo meel ka imaaday ma cunin.”

Dadka birta tuma ayaa ah kuwo iyagu is baray xirfadan oo sanooyin badan ay ku tiirsanaayeen, balse hadda u muuqata mid qariib noqotay.

Yoonis Abukar oo guddoomiyaha dadka birta tuma ee xeryaha Qaxootiga ayaa xusay in xifadan ay dad badan ka sii macaashi lahaayeen haddii la xaddidi lahaa agabka la midka ah ee dibadda laga keeno.

Dadka ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa xilligan wajahaya sicir barar, kaalmada gargaarka oo hoos u dhacday iyo fursadaha shaqo helista oo ah kuwo qariib ah.

Previous Post

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo