Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

Jibril Osman by Jibril Osman
October 2, 2026
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

Dab sababay burbur hanti oo saamaysay qoysas badan/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hoy la’aan ayay wajahayaan labo boqol soddon iyo siddeed qoys oo ku nool magaalada Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland. Waxay ku guryo beeleen dabab u kacay si kedis ah tan iyo bishii 7aad ee sanadkan.

Waxaa ka mid ah qoyska Foosiya Cabdi Aadan oo ka kooban 10 qof, kuwaas hoy la’aan ah. Waxay xaaladdan galeen markii bishii Luulyo uu dab baabi’yay guri labo qol jiingad ah oo ay degganaayeen xaafadda Dhego-sayn ee magaalada Hargeysa.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay waayeen dhaqaale ay dib ugu dhistaan, taas bidday inay marba qoys ku noqdaan dul-saar, maaddaama aysan haysan doorasho kale.

“Wax mahaysataan iska ahay. Makhsin ayuu dabku ka kacay. Carruur yaryar baa huruday waan ka kiciyay. Carruurtii baan ka saaray markaa sidaas ayuu dabkaasi aan ula kulmay. Wax kama hadhin wixii hanti noo dhex-taalay halkaasay ku gubatay.”

Foosiya waxay sheegtay in xilliga uu gurigu gubanayay ay ku maqneyd raadinta shaqo nadaafad ah si ay uga soo dhiciso biilka reerka. Nasiib darro, waxay ku soo beegan tahay gurigeedii oo holcaya.

Foosiya ayaa sheegay inay xaaladdan ugu soo aaday xilli ninkeeda oo macallin dugsi ah uu shaqo la’aan yahay markii laga maarmay, taas oo keentay inay kiro iyo noloshii kale awoodi waayaan.

Dhaqaale xumada iyo duruufaha kale ee awoodooda ka baxsan ayay tilmaamtay inay ku hoggaamiyeen inay ehelka u dan-sheegtaan.

“Waxaan maanta i dhaahdo wax buuran baan meel ka sugaa wallaahi wuxuu ilaahay ii ogyahay mooyee ma jiro. Cuntada hooyaday baan ku tiirsanahay iyaduun baan ku cararaa.”

Foosiya ayaa sheegtay in guriga ka gubtay ay u dhistay soddohdeed, markii ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan kirada guryaha magaalada oo sanadihii danbe uu qiimahooda kordhayay.

Waxay tilmaamtay inay gurigaas kaga baxday dhibaato ahayd in marba guri laga saaro, balse waxay mar kale wajahayaan hubanti la’aan dhanka hoyga ah.

Foosiya gabbaad li’idda ku dhacday waxaa u raacda inaysan arrad-tir u gadan karin carruurteeda maaddaama dharkoodii uu ka mid noqday waxyaabihii gurigoodii uga dhex bas-beelay.

“Jeebkaygii ma awoodo inaan maryo u iibiyo. Wixii aan wax gashaday dabkii buu iga raacay maanta laakiin walaahi halka iigu darani waa qaawanidaa awlaadaa yaryar uun haddana alxamdulilaah intaa hadduu odaygu noo camal helo waanu iska iibsan oo mar walba ilaahay baanu khayr ka rajaynaynaa.”

Foosiya ayaa xustay in saddex ka mid ah carruurteeda oo kala jira 9, 13 iyo 16 oo kala dhiganayay fasallada 3aad, 4aad iyo shanaad ay ku dhacday waxbarasho la’aan. Waxay awoodi 18 doollar oo ay bishii ka dhiibaysay.

Dababka ka kaca Somaliland ayaa sababay in qoysas badan ay waayaan hantidoodii iyo guryihii ay ku noolaayeen, taas oo keentay inay mutaan nolol adag. Dabka ayaa ka dhashay koronto sida Radio Ergo ka soo xigatay Ciidamada Dab damiska Somaliland.

Xamda Xaashi Guuleed iyo qoyskeeda 13 ayaa ka mid ah qoysaskaas ka soo kaban la’ qasaaraha. Haweeneydan ayaa sheegtay inuu dab baabi’iyay bishii sagaalaad ee sanadkan labo qol oo ay ku lahaayeen xaafadda Ugaaso ee magaalada Hargeysa.

Xamda ayaa tilmaamtay inaysan keliya waayin guri balse ay maanta ka faro maran tahay wixii gogol, maacuun, sariiro iyo dhar ay haysteen, taas oo keentay inay saamaynta ku badato.

“Hantidii aan ku waayay waxaan ku qiyaasi lahaa hanti badan, sariirtayda oo qudha ayaaba ahayd kun iyo shan boqol oo dollar. Dee carruurtaydii dirayskii baa kaga jirey wax badan baan ku waayay buugaagtoodii hawl badan ayaa iga soo gaadhay reer dab galay ma yara hawshoodu.”

Xamda ayaa xustay in xilligii uu dabka ka kacay gurigeeda ay ilmo yar kula maqnayd madarasad, isla markii ay soo noqotayna ay aragtay iyadoo aysan wax uga cayman. Halka xubna kale ee qoyska ay reer qaraabo ah ku maqnaayeen.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay hadda isku biirsadeen maaraynta nolosha oo ku adag iyo hoy la’aan. Saygeeda oo ka shaqayn jiray dhismaha guryaha magaalada ayay xustay inuusan shaqo hayn.

Waxaa intaas u dheer inay hayso hooyadeed oo waayeel ah, isla markaana aan si buuxda wax u kala garanayn oo daryeel iyo ilaalin uga baahan maaddaama ay sheegtay inay iska baxayso.

Xamda tilmaantay inay ku dedaasho sidii ay u heli lahayd daawooyinka ay u baahan tahay balse aysan dantu u saamixin. Marka ay waxba u wayso waxay caawin waydiisataa ehelkeeda.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay xammili la’ yihiin hoy xumada iyo duruufaha ku xeeran oo aysan xilli maarayn u hayn. Haweeneydan ayaa ku taamaysay in lagu caawiyo sidii ay dib ugu dhisan lahayd hoygeedii.

Cabdiqani Saleebaan Maxamed, oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda Cadaalight kuna takhasusay arrimaha masiibooyinka dabiiciga ah, ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee sababa dababka ay ka mid yihiin dab qaybisooyinka la isticmaalo iyo fiilooyinka aan laga taxadarin dhaawaca soo gaara iyo tayadooda.

“Waxyaabaha sababayaa waxa weeyaan hab nidaamyada, dagsiimada ama cufnaantooda way ka qayb qaadanaysaa. Waxaa kale oo sababaya dhismaha. Waxaa dhacda mararka qaar xadhig dhex roorkiisu aanuu qaadi karayn maayad laydh oo ku habboon ayaa dabeetana qofku soo iibsanayaa isaga oo aan hubin in shaygani u shaqaynaayo iyo inuu badbaado leeyahay.

Cabdiqani ayaa sheegay in dababka noocan ah laga hortagi karo haddii bulshada la wacyigeliyo, isla markaana kor loo qaado fahamka iyo garaadka dadka ee ku aaddan khatarihiisa.

Wuxuu bulshada ku baraarujiyay inay si gaar ah uga digtoonaadaan waxyaabaha sababi kara dabka, ayna qaataan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee looga badbaadi karo.

Cabdiqani ayaa sheegay in waxyeellada dabka keliya aysan ku koobnayn inuu  guryo iyo hanti kale kale burburiyo, balse ay uu saamayn ku yeelan karo mustaqbalka qoysaska.

Wuxuu soo jeediyay in taxaddarka iyo ka hortaggu ay yihiin tallaabooyinka ugu horreeyaa ee lagu yareyn karo khasaaraha. Wuxuu intaas ku daray in bulshada  looga baahan yahay inay si masuuliyad leh u isticmaalaan qalabka korontada.

Waxaa muhiim ah in bulshada la baro aqoonta maaraynta dababka iyo in la helo iskaashi bulshada dhexdeeda ah si sanadkan kasta looga baaqsado qasaaraha dabka oo ku soo noqnoqda deegaannada Soomaalida.

Previous Post

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

Related Posts

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 01-OCT-2026

IDAACADDA 01-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 01-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-SEP-2026
September 27, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo