(ERGO) – Biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ayay 300 oo qoys tan iyo bishii Ogosto ee sanadkaan ku wajahayaan xerada Sooglow ee magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Qoysaskaan oo xoola dhaqato iyo beeralay iskugu jira ayaa roob yari saamaysay dallagyadii ay beerteen iyo xoolahoodi uga soo barakacay deegaannada Basra, Alifow iyo Baqdaad.
Dadkan oo ay ku adag tahay in hal waqti ay dabka shitaan maalinkii ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inaysan haysan shaqooyin ay ku dabaraan noloshooda.
Xerada ay soo maciin bideen malahan adeegyada bulshada sida waxbarashada, biyaha iyo caafimaadka.
Xamdi Muxudiin Cali oo ka mid ah ayaa sheegtay in iyada, haweeynay wayeel ah oo ay ehel yihiin iyo 10 carruur ah oo uu abbbahood ku dayacay aysan gaajo ka bixin tan iyo barakacooda.
Waxay xustay In maalinkii ay mar dabka ku shitaan waxay ay dadka ka soo helaan carruurteeda oo magaalada u dawarsi taga.
“$1 ama $2 wixii ay carruurta ku soo helaan dawarsiga ayaan dabka ku shidanaa. Hal mar ka badan nooma goyso waxaa aan ka helno dadka Islaamka ah ku soo caawiyaan. Halkaas mar ayaan u kariya qoyska, inta kalana gaajo ayaan ku joogna.”
Xamdi ayaa sheegtay in ay wayday shaqooyin dhar-dhaqis ah oo ay magaalada ka raadisay marar kala duwan si ay nolosha qoyskeeeda u maarayso.
Waxay xustay in uusan jirin qof kale oo uu qoyskeeda u shaqeeya. Carruurteeda ayay sheegtay in midka ugu wayn uu 12 jir yahay, uusanna ku jirin mid shaqooyinka dhagax jabinta ah qaban kara.
Waxay xustay in ay rajo xumo ku beertay darxumada ay kala kulmeen xeryaha magaalada Afgooye oo iyada iyo qoyskeedaa ay ku soo gaareen gaari dameer ay ku caawiyeen dad ay u dan sheegteen.
Safarkaas ayay tilmamtay in uu ku qaatay toddobo habeen iyo malmahooda.
Xamdi oo 51 jir ah ayaa xustay in xaaladan ay u dheertahay helitaanka biyaha oo ay ku dhibban yihiin. Ceel riig ah oo gaar loo leeyahay oo biyihiisa bilaash looga dhigay dadka soo barakacay,
kaas oo u jira 5 km ayay tilmaamtay in maalinkii ay jirgaan dhabarka uga soo qaado. Waxay ka faro maran tahay $0.25 oo labatanle qaadkii ay iibiyaan ceelasha riiga ah ee xerada u dhaw.
Qubeys iyo dhar-dhaqis ayay sheegtay inaysan tabar u hayn oo ay maalinkii jirgaankaasi u tashiishaan cabida iyo karinta cunnada.
Qoyskeeda ayaa ah bannaan yaal aan haysan hoy ka xijin karaan qoraxda maalinkii iyo qabowga habeenkii.
“Habeenkii dhaxan ayaan ka seexan Karin, maalinkiina qoraxda. buushashka aan gabadsano habeeenkii waa ullo iyo juwaano dhamaad ah oo laisku geeyay waxbo ma celin karaan.”
“Anaga guriyaheeni iyo wixii aan haysan dhan waa iskaga soo tagnay, maaddama aan haynin meel aan ku qaadno. Sidoo kale musqul ma haysano oo meelaha banana ayaan isticmaalna.”
Xamdi ayaa sheegtay in barakaca ay uga waxbarasho beeleen lix ka mid ah carruurteeda oo horray dugsi Qur’aan ay bishii ka dhiibi jirtay $6 isku darkooda uga dhigan jiray deegaanka Basra oo ay ka yimaadeen.
Waxay xustay in aysan hadda qaadan wax daruus ah, maaddaama aysan u awoodin $18 oo qofkiiba ay wax ku baaran iskuullada magaalada Afgooye. Noloshii ay filaysay in ay ka helaan magaalada ayay xustay in ay ku hungoobeen.
Qoyska Xamdi oo xoola dhaqato ahaa ayaa barakaca ku qasbanaaday, markii biyo yari, daaq la’aan iyo cudurro aysan aqoon oo ay tabar u waayeen ay uga la’deen 50 neef oo ari iyo lo’ iskugu jiray.
Xoola dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed ayaa sanooyin badan oo is xiga dhibane u ah musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhashay isbedelka cimilada.
Arintaasi waxay sababtay in sanad kasta ay xeryaha lagu barakacay ku soo biiraan kummanaan qoys oo faro maran, sidoo kalana aan laheyn aqoon iyo xirfado ay uga shaqeystaan.
Cajaba Maxamed Taakooy oo 39 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in nolosheeda oo dhan ay ku qaadatay miyiga, waligeedna ay jeclayd in ay ku sii nagaato, balse ay barakaca ku qasbanaadeen.
Beer saddex hiktar ah oo ay ku leeyihiin deegaanka Alifow waxaa saameysay biyo la’aan. Waxay xustay inay tahay markii ugu horeysay oo ay barakacdo.
Wax la’aanta haysa darteed waxay tilmamtay in qoyskeeda oo 11 ah ay ku tiirsan yihiin cunto bisil oo ay ka helaan dadkii xerada uga soo horeeyay.
“Caawintaas maahan wax nagu filan oo intii ka go’do reerkiisa ayuu qofka ku soo dhiibaya, laakiin inaan qatooyo ku joogno ayay noo dhanta inta aan dadka ka helno. Qoys dhan oo aan iyaga waxbo heli karin, barakacna ah, waa dareemi karta xaaladda ay ku sugan yihiin.”
Cajabo ayaa sheegtay in sidoo kale raadinta shaqooyinka xogsiga ah uu ku hungoobay ilmaheeda aabbahood oo ay sheegtay in subax walbo uu magaalada u kallaho uuna habeenkii soo laabto isago faro maran.
Waxay sheegtay in aysan wax khibrad hore ah u lahayn xaaladda barakaca, ayna carruurteeda la qabsan la’yihiin durufaha ka jira xerada oo aan lahayn dhammaan adeegyada aasaasiga ah.
“Qofka haddii hoygiisa uu joogo oo ay wax la’aan ku dhacdo waxaa laga yaaba in uu iskaga qanacsanaado sidaas, laakiin magaalo ayaan nimid hadda meel aan wax bilawno ma naqaano. Illahey ayaan qeyr ka sugayna uun.”
Cajaabo ayaa sheegtay in 5 bil ka hor ay ugu danbaysay in ay wax beertaan qoyskeeda, markaas oo ay biyo yari awgeed uga dhinteen dallagyo iskugu jira yaanyo, basbaas, ansalaato, kabsar- caleen, masago iyo Galey. $380 oo ka gashay abuurkii iyo falidii ayay xustay in aysan waxbo uga soo laaban, taas oo quus ku beertay.
Haweeynaydan ayaa tilmamtay in sidoo kale dhamaadkii bishii July ay ka idlaadeen masago iyo galay ay carruurta dabka u saaran jirtay, taasi oo ku riixday in ay barakac miciin bidaan.
Waxay xustay in aysan hayn wax qorshe ah oo ay uga samata-bixi karaan xaaladda soo wajahday.
Guddoomiyaha xerada Sooglow ayaa Raadiywo Ergo u sheegtay in dadka xerada soo gaaray oo 300 oo qoys ay xaaladoodu aad u liidato, ayna u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’a ah.









