(ERGO) – Nolol xumo ayaa soo wajahday qoysaska afar boqol oo bare oo ku nool Garowe iyo tuulooyinka hoos taga, markii iskuullo ay wax ka dhigi jireen ay qaar xirmeen, kuwana ay dhimeen tirada macalimiinta.
Jaamac Maxamuud Axmed oo ka mid ah wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah uu awoodi la’yahay qoyskiisa oo 9 ah, kaligiisna ku tiirsan.
Ninkaan oo ka mid ahaa barayaasha iskuulka hoose dhexe ee Waaberi ee magaalada Garowe ayaa xusay in uu ka mid noqday macalimiin shaqadooda waayay, dhaqaala yari iskuulka soo wajahday darteed.
Waxaa meesha ka baxday $200 oo ahaa mushaarkiisa bisha. Dhaqaalahaas ayuu ku dabari jiray cunnada, biyaha, kirada iyo waxbarashada carruurtiisa. Wuxuu xusay in baagamuudo-nimada soo wajahday awgeed uu hadda cunno ku filan u awoodi la’yahay reerkiisa.
“Hal mar ayaan dabka shidana maalinkii. Wixii Illahey na siiyo ayaan dabka saarana. Ehel, asxaab ama daris aan caawimaad ka dalbano ayaan ku tiirsanahay. Cunno xumada carruurtayd culays aad u wayn ayay igu haysa.”
Jamaac ayaa sheegay in uu ahaa macalin ardayda u dhiga luuqadda Ingriiska. Dhanka kale baahiyaha kale ee reerkiisu wajahayaan waxaa ka mid ah biyo yari.
Waxay ku tiirsan yihiin jirgaan ama ka yar oo ay ka helaan dadka nolol dhaama dhaqaale ahaan. Wuxuu xusay in uu ka faro maran yahay $0.4 oo ay jirgaankii iibiyaan baraago gaar loo leeyahay.
Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa dhamaadkii bishii Ogosto laga soo saaray qol dhagax ah oo ay ku noolaayeen, markii uu awoodi waayay kirada, korontada iyo biyaha oo isku darkooda uu ku bixin jiray $80.
Arrintan waxay ku qasabtay in ka soo guuran xaafada Koowda August oo ay daganayeen uuna reerka geeyo dhul banana oo duleedka magaalad ah. Waxay qoyskiisa halkaasi ka dhisteen cooshad ay ka samaysteen maryo iyo ullo laisku geeyay.
“Kaligay ima saamayn arrintan maclimiin badan oo aan garanaya ayaa shaqo la’aan noqday oo baaga-muudo ah hadda.”
Jaamac oo shaqo la’aan ah muddo 2 bil ah ayaa sheegay in marba marka la danbaysa aya ka sii darayso xaaaladda qoyskiisa. Wuxuu sheegay inmarar badan magaalada ka raadiyay shaqooyin xamaal ah si uu reerka dabka ugu shido hasa ahaate uu ku hungoobay.
Wuxuu ayaa tilmaamay in xaaladdan ay uga waxbarasho beeleen saddex carruur. Wuxuu xusay in uu awoodi waayay $25 oo wax lagu barayay, taasi oo sababtay in laga soo eryo iskuulka.
Ninkaan oo bare ahaa ku dhawaad 10 sano ayaa tilmaamay in uusan waligiisa wax kayd ah samaysan taasi oo uu hadda uu ka shalaynayo.
Iskuullada ay macalimiintooda shaqo la’aanta noqdeen ayaa iskugu jira kuwa gaar loo leeyahay iyo kuwa ay gacanta ku hayeen dowlada Putland iyo hay’ado samafal, kuwaas oo ku yaallay xeryaha lagu barakacay ee Garowe.
Xamdi Cali Axmed oo wax ka dhigaysay muddo 15 sano ah iskuul hoose dhexe oo ku yaallay xerada Shabeelle oo dadkii dagana laga barakiciyay ayaa sheegtay in tan iyo bishii July ay carruurteeda u awoodi la’dahay cunno ku filan.
Haweeynaydan waa barakac xirfada macalinimada ay ahayd waxaa kaliya ee ay masruufkooda ka soo saarta 8 carruur ah oo uu aabbaahood ku dayacay.
“Shaqo la’aanta aad ayay saamayn igu yeelatay. Macalimad ayaan ahaa oo xirafadeeda wixii ay ku hesho ilmaheeda ku maaraysa. Shaqo kale oo aan aqoono ama meel aan shaqo u raadiyo malahan. Cid aan caawimaad ka dalbanayana ma haysto.”
Xamdi waxay sheegtay in tan iyo markii shaqo la’aantu ku dhacaday ay qoyskeedu ku tiirsan yiihiin dayn ay ka qaataan dukaan xaafadooda ku yaalla oo ay horay macaamiil ugu ahaayeen.
Waxay xustay in bishaan uu dhimay raashinkii uu siin jiray isaga oo siiyay min 10 kiilo oo bir bariis iyo sinkor ah.
Wuxuu intaas ku daray in in ay bisha danbe iska bixiyaan $150 oo dayn ah oo lagu leeyahay isaga oo ugu goodiyay in uu ka goosan doono haddii aysan gudin in uu siiyo dayn kale.
Arrintaas ayaa timid markii ay meesha ka baxday lacag $110 oo ahayd oo ay bile mushaar ahaan u qaadan jirtay. Haweeynaydaan ayaa xustay in sidoo kale ay dhibaato ku qabaan helida biyaha.
Waxay tilmaamtay in adeegsadaan biyo aan ku filnayn oo ay ka soo dawarsadan dadka dariska la ah, maddaama aysan awoodin $0.2 oo ay jirgaankii iibiyaan ceellal riig ah oo gaar loo leeyahay.
Waxay tilmamtay in sidoo kale ay hoy xumo hayso. Wuxuu qoyskeeda ka mid ahaa qoysaskii daganaa xerada Shabeelle ee la barakiciyay.
Waxay tilmamtay in ay ku nool yihiin sandaqad uu dhismiiheedu qabyo yahay wax ay ku dhamaystirtana aysan u hayn, maaddaama ay baagamuudo noqotay.
Waxay xustay in aysan wax musqul ah lahayn oo ay dariskooda ka codsadaan in ay la isticmaalan. Nolol xumada soo wajahday qoyskeeda oo aysan xal u hayn ayay sheegtay in ay walwal kala kulanto.
Burburka ku yimid iskuulka oo wasaaradda waxbarashad Puntland ay gacanta ku haysay ayay tilmaamtay in uu sababay waxbarasho la’aan soo wajahday carruur iyo macalimiin badan oo barakac ah
“Dad barakac ah ayaan nahay awood uma lihin inaan iskuul dhisano. Waxaan codsanayna in iskuul naloo dhiso si shaqadeena u soo labato.”
Carruurta waxbarashada u dhiganayay oo 4 ah waxay ku jireen fasallada lixaad iyo toddobaad. Lacagta ay ku dhiganayay iskuulka ayay xustay in iskudarkeedu ahaa $30.
Dhanka kale Cabdinaasir Yuusuf Xalliye oo ah guddoomiyaha ururka barayaasha gobolka Nugaal ayaa sheegay in sababta ugu wayn ee iskuulladu u xirmayn ay tahay dhaqaale yari jirta.
iskuullada qaar ayuu tilmaamay in macalin yari soo wajahday oo hal macalin lagu qoro in uu ardayda u dhigo labo ama saddex maado, maaddaama aysan dhaqaale u hayan macalimiin badan oo buuxin kara baahidaas.
“Waxaan ognahay in kalmooyinkii hay’adaha calamiga ah meesha ka baxeen oo hadda ma helaan iskuullada tageeradoodii. Waxaan ku talinayna in dowlada Putland ay hoos u eegto daruufaha waxbarashada iyo kuwa macalimiinta. Waxaan soo jeedinayna in wixii kab ah ee macalimiinta la siin karo in la siiyo.”
Guddomiyaha ayaa sheegay in in tan iyo bilowgii sanadkaan ay xirmeen 30 iskuul oo iskugu jiray hoose iyo dhexe, kuwaas oo sababsaday dhaqaale xumada bulshada soo foodsaartay oo uu aaminsan yahay in ay ka dhalatay roob la’aanta iyo colaadaha soo laalaabtay.









