Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

Jibril Osman by Jibril Osman
October 9, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

Haweenay iyo carruurteeda oo horfadhiya guri cooshad ah/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo ah dad soo barakacay ayaa laga saaray guryo ay sanado ku degganaayeen bilaash oo ku yaalla deegaanka Ceeljaale ee duleedka Baladwayne.

Qoysaskii lahaa guryahan ayaa sheegay in xilligan aysan ka maarmin, maaddama ay jiraan digniino la xiriira fatahaado iyo daadad, kuwaas oo ay sababi karto EL Nino.

Waa guryo ay baaraan deg u dhisteen dadka ku nool xaafadaha Baledweyne ee ku dhow wabiga ee kala ah Kooshin, Buundoweyn, Xaawo Taako, Raadaarka, Kutiimbo iyo laabka.

Waxay sheegay inay dib ugu baahdeen, maaddama ay ka guurayaan xaafadaha godanka ah ee ay ku noolaayeen. 

Danyarta sida kumeel gaarka ah u degganaa guryahan oo ah dad sanado ka hor ka soo barakacay colaado iyo abaar ayaa hadda ah bannaan yaal ah aan haysan hoy.

Salaado Cabdi Cusmaan oo ka mid ah dadka xaaladan ay saameysay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dantu biday geed hoostiis iyo aqal cooshad ah oo aan ka xajin karin roobka.

Labaatankii bishii September laga saaray guri ay bilaash ku degganeyd muddo sannad iyo bar ah.

“Guriga iiga bax biyo baxo ayaa soo socoto ayaa ley dhahay. Waan ka soo baxay meeshan bannaanka ah ayaan soo dagay. Qorax ayaa xitaa na leysay. Roob hilaaciisa markii aan Aragno intee gashaan ayaan is dhahnaa. Hoy la’aan aad ah ayaa na hayso.”

Dadka inta awoodda ayaa xilligan u diga roganaya dhul aan godan aheyn oo ay uga badbaadaan daadadka iyo fatahaadaha laga cabsi qabo, balse qoyska Salaado waxaa u billowday barakac, hoy xumo iyo xaalad ay maareyn teedu ku adag tahay.

Waa hooyo haysata 12 carruur ah, seygeeduna yahay xoogsade u shaqo taga Baledweyne oo u jirta 6km.

Dhismaha guryaha ayuu ka shaqeeya. Waa howl aan joogto aheyn oo ay xustay in maalinka uu qabto uu ka helo ugu badnaan $5.

Cunto yarida ayaa ah walaac kale oo u dheer hoy xumada ay wajahayaan xilli roobaadkan.

“Odaygeyga ayaa meelahan or orda oo dhagaxa ka shaqeeya, inta uu shaqo helo waxaa ka badan inta uu waayo. Markii uu shaqo waayo wax dab la saaro maleh, waan iska seexanaa anagoo gaajeysan. Rafaad weyn ayaa maesha nagu haysta.”

Dagaal u dhexeeyay dadka deegaanka iyo Alshabaab ayaa Salaado oo 62 jir ah ka soo barakaciyay deegaanka Inabaal oo hoos taga degmada Maxaas.

Xaaladaas waxay ku waysay ishii dhaqaale ee qoysku ku tiirsanaa oo ahaa 46 ari ah oo Alshabaab ay ka dhacday.

Tan iyo sanadkii 2025 oo ay ku jirto xaalad hubanti la’aan ah oo barakac ah ayay tilmaamtay in caruurteeda oo dhigan jiray iskuul hoose iyo dhexe aysan waxbarasho aadin, dhaqaale yari awgeed.

“Iskuul haddii canugii la geeyo, buug iyo qalimaan iyo qarash kale ayuu u baahan yahay, anigana dhaqaale la’aan ayaan u geyn waayay oo iskaga dhaafay. Ciyaal waa dhib badan yihiin guri maba lagu hayn karo.”

Ceel-jaalle oo ah dhul ka durugsan Wabiga Shabeelle, sidoo kalana aan jooggiisu hoosayn ayaa noqda deegaan muhiim ah xilliyada laga cabsi qabo inay dhacaan fatahaado iyo daadad.

Sanadihii 2018,2019 iyo 2023 oo ay Baledweyne ku dhufteen fatahaado ay ku barakaceen boqollaal kun oo qof ayaa deegaankan Ceel-jaalle ka dhigtay lamahuraan.

Wixii intaas ka dambeeyay ayay dadku ka gateen dhul ay ka dhisteen guryo ku meel gaar ah oo ay maciin bidaan xilligan oo kale marka ay jirto qatar fatahaad la xiriirta. Waxaa ku yaalla in ka badan 15 kun oo guri.

Cabdiwali Xasan Diir oo musiibadan ka sii baraan dagaya ayaa dayac-tir ku billaabay guri uu ku leeyahay deegaanka Ceel-jaalle, kaas oo uu ka saaray qoys danyar ah oo bilaash ku sii degganaa.

Wuxuu sheegay in baahidii uu u dhistay sanadkii 2022 ay hadda taagantay. Wuxuu u diyaar garoobayaa guuritaan uu ku qasbanaan karo xilli kasta.

Waa xaalad muujineysa sida fatahaadaha soo noqnoqday ay dadku casharro uga baranayaan, waloow ay yar yihiin qoysaska awooda inay helaan guryo ay isku badashaan.

 “Aniga waxaa kamid ahay dadka guryaha ka sameeystay meelaha loo barakaco. Si ay hadhow ugu badbaadaan masiiboooyinka iyo dhibaatada ay wataan fatahaadaha.”

“Waxaan ugu talo galay in mar kasta oo culeys uu jiro aan kaga badbaado. Guriga meeshaas ku yaala daryeel gaar ah ayaan siiyaa, marmar xataa ilmaha waan geeyaa jimcaha oo kale.”

Cabdiwali oo 44 jir ah ayaa ah ayaa bare iskuul. Wuxuu nolosha reerka ku maareeyaa $300 oo uu ku shaqeeyo. Waxaa iskuul u dhigta shan carruur ah.

Walaaca uu qabo ayaa ah in isha dhaqaale iyo waxbarashaduba aysan sii jiri doonin haddii ay ka barakacaan xaafadda Kooshin oo ay ka deggan yihiin Baledweyne.

Wuxuu intaas ku daray in guuritaanka qoysku uu u baahan doono ugu yaraan $100 oo uu sheegay in hadda uusan gacan ku hayn, ayna taasi u sii dheer tahay inuu maciin bidi doono deegaan kulminaya kummannaan qoys.

 “Hadda cid caawineyso ma jirto. Caruurtii waxbarasho la’aan ayay noqonayaan, nolosha sii adkaaneysa. Marka koley dadkaasi ayaan kamid noqon doonaa. Waa dhibaato Ilaahey ha noo gargaaro. Dadka dhammaan barakac ayay noqonayaan.”

Cabdiwali oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa xusay in mar kasta oo fatahaad ay dhacdo ay xirmaan goobaha waxbarashada, ayna yaraadaan dhaq-dhaqaaga ganacsiga iyo fursadaha shaqo helinta.

Uma suurta galin inuu keydsado dhaqaale uu nolosha reerka ku maareeyo xilliga ay fatahaaddu taagan tahay oo sidoo kale mushaarka uu ku shaqeeyo uu istaagi doono.

“Mar kasta oo barakac dhaco waad garan kartaa shaqadii ayaa halaabeyso, qoyska isbeddel badan ayaa ku imaanaaya. Dhibaatada umadda ayaan la qabnaa. Culeyska imaanaaya waxaa ugu weyn xag shaqada, dhaqaalaha iyo hantida.”

Cabdiwali ayaa sheegay in afar mar oo fatahaad uu ka barakacay uu degay guriga ugu yaalla deegaanka Ceel-jaalle oo uu ku dhistay dhaqaale gaaraya shan kun oo Doollar.

Dhanka kale waxaa jira danyar ay ka mid tahay Luul Cabdullaahi Cumar oo xilli roobaadkan laga saaray hoygii ay uga nooleyd deegaanka Ceel-jaalle.

Dadkii lahaa ayaa cabsi fatahaad la xiriirta uga soo guuray Baledweyne, halkaas oo ay dib ugu soo laabteen bishii September.

Qoyska Luul ayaa hadda ku nool xerada Teedaan oo aan ka fogeyn, halka laga barakiciyay. Waxay xustay inay yihiin danyar ku tiirsan kaalmada qaraabada.

Halka qoysas kale ay diyaar garow ugu jiraan maareynta qataraha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadda webiga Shabeelle, iyadu waxay la tacaaleysaa siday hu, hoy iyo cunto ay ugu heli laheyd siddeed carruuur ah.

“Warwar weyn ayay nagu haysa xaaladan cunto yarida iyo guri la’aanta ah. Ciyaal yaryar ah iyo roob meel laga galo aan laheyn waa dhibaato badan yahay.”

Luul ayaa sheegtay in barakan uu yahay kii afaraad oo ay wajahdo tan iyo sanadkii 2022. Waxay aheyd xoolo dhaqato ku nool miyiga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaaladii adkaa ee u dhexeeyay dadka deegaanka iyo Al-shabaab oo socday 2022, illaa 2025 ayay tilmaamtay inay ku waysay 150 ari ah iyo labo geel ah oo shabaab ay ka dhacday.

Xilligan waxaa magaalada Baledweyne ka jirta cabsi xoogan oo laga qabo daadad iyo fatahaad.

Xaddiga biyaha wabiga Shabeelle ayaa sareeya, saadaashuna waxay sheegeysaa in roobab xoogan ay da’ayaan bishan October.

Ma jiro qorshe uu maamulka gobolka Hiiraan ugu diyaar garoobay maareynta xaalad bani’aadamnimo oo ka dhalan karta musiibooyinka dabiiciga ah.

Previous Post

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

Related Posts

Dadkii fatahaadda Beledweyne ku barakacay oo bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahoodii
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 8, 2026
Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen

October 7, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo iyo faquuq ka saaray suuqyada Dhadhaab

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-OCT-2026

IDAACADDA 09-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-OCT-2026
October 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo