Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

Jibril Osman by Jibril Osman
October 23, 2026
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Nuur -70 jir - oo ka qeyb qaadanaya guri jiingad ah oo laga dhisayo xaafadda Ogtoobar ee magaalada Burco/Sidiiq Yuusuf Khlaf/ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saamaynta roob-yari soo laalaabata ayaa keenta inay sanad kasta ay cayroobaan qoysas hor leh, kuwaas oo ku soo biira xeryaha magaalooyinka oo aysan ka helin nolol wanaagsan.

Qoysas ku nool Somaliland ayaa go’aansday inay iibiyaan neefaf xoolahooda uga haray inta aysan ka maran, si ay ugu abuurtaan nolol kale.

Arrintan ayaa ka caawisay inay magaalooyinka galaan iyaga oo ugu yaraan wata sahay u sahasha inaysan barakac noqon.

In ka badan labo boqol iyo konton qoys oo ku cayroobay roob-yari saamaysay gobolka Togdheer ayaa ka fursan waayay inay u guuraan magaalo afartii bilood ee la soo dhaafay.

Waxay maciin biddeen caasimadda gobolka markii ay ku adkaysan waayeen nolosha miyiga, maaddaama ay dhaafeen xoolihii ay noloshooda oo idil ku tiirsanayd.

Waxaa ka mid ah Cawil Cali Maxamed oo bishii July qoyskiisa geeyay magaalada Burco. Ninkan ayaa sheegay inay baad xumo iyo biyo yari ay uga le’deen 120 neef oo ari ah oo uu ku dhaqanayay deegaanka Xayira oo 80 bari ka xigta hadda.

Cawil ayaa sheegay inuu $1,370 ku xaraashay 30 neef oo wayd ah oo uga haray xoolihiisii kaddibna uu go’aansaday inuu magaalada soo dejiyo reerka.

“Anigu ari boqol iyo konton neef ka badan ayaan hayay abaartan horteed. Adhigii marba in baxday roob la’aantii markay kici-wayday. Wuu igu anfici waayey halkii aan joogay. 7 carruura iyo hooyadood inaan halkaa ku sii hayo way suuroobi wayday.”

Cawil ayaa sheegay inuu aroor walba u jarmaado magaalada oo uusan cidna ka garanayn isla markaanna uusan lahayn farsamo looga shaqaysto.

Nasiib daro ilaa iyo hadda ma helin shaqo. Wuxuu sameeyay isku dayo kala duwan si uu dabka ugu shido qoyskiisa. Wuxuu miyiga magaalada billaabay inuu tunka uga keeno xaabo si uu lacag uga sameeyo, balse markii uu faa’iido ka waayay iska joojiyay.

Danta ayaa ku qasabtay inuusan fariisan, wuxuu mar kale u kabo qaatay inuu shaqo ka raadiyo dhismaha guryaha balse wuxuu tilmaamay inuu ku hungoobay.

Ninkan ayaa sheegay inuu isku hawlay shaqo kasta helideeda si uusan dadka gacmaha ugu hoorsan balse ilaa iyo hadda ma hayo wax shaqo ah.

“Wax la helo kuuli iyo xamaal ayaa u badan. Marba midkii aan arko ayaa si miidaamo ah oo madax-madax ah u galaa illeen carruurtii baa iga qatane. Waxaan ku dedaalaa inaan helo.”

“Waxaa dhacda inaan xamaaliyada ku dagaalanno sababto ah siddeed qof ayaa wax iga sugaya. Alle waxaan ka rajo qabaa inuu magaalada shaqo iyo waxbarasho iga siiyo.”

Cawil ayaa tilmamyay inay filashadii ay ahayd inuu qoyskiisa u abuuro nolol cusub ay meesha ka baxday. Waxaa culeyska ku kordhinaya carruurtiisa oo u duruus la’aan u ah dhaqaale xumada haysa halka dhigooda ay iskuulo dhiganayaan.

Caruurtiisa oo kan ugu weyn uu jiro 15 uguna yar yahay shan jir ayuu sheegay inay la qabsan la’ yihiin gaajo ay muddo ku joogaan maalinta uusan waxba soo helin.

Waxaa intaas u dheer inay deggan yihiin meel magaalada ka baxsan, taas oo adkaynaysa inay helaan deriska caawiya.

Dhaqaalihii uu ka helay neefafkii ugu danbeeyay arigiisa ayaa ku dhaawiyay duleedka magaalada uga gado dhulka uu reerka dejiyay.

Roob-yarida soo noqnoqatay ee gobolkan Togdheer ayaa reer guura badan ku riixday inay galaan magaalooyinka, markii ay waayeen doorasho. Abaarta cayraysay ayaa gobolka ka jirtay saddexdii sano ee tagtay.

Dadkaas waxaa ka mid ah Nuur Cali Jaamac oo isaga iyo reerka ay u soo guureen magaalada Burco oo aysan hadda ku haysan noloshii u sawirnayd.

Neefaf ayuu sheegay inay uga soo hareen afar tiro iyo kontan ari ah oo uu ku dhaqanayay miyiga. Wuxxuu ku qasbanaaday inuu soo miciin biddo magaalada saddex bil hor.

Hadda waxaa biil ka sugaya sagaal carruur ah iyo xaaskiisa oo uusan wax u hayn. Wuxuu intaas ku daray inuu ka fara maran yahay $1,100 oo uu ka helay neefafkii ugu danbeeyay arigiisii oo uu xaraashay.

“Miyigii wixii lagu deganaa ee lagu joogay waxay ahaayeen xoolaha noolaa. Iyagaa cad, caano, raashin iyo iib lagu qabay. Iyagii way gabeen, waxay noqdeen waxaan dad lagu horjoogin karin.

Sidaas awadeed ayaan ka soo xaroonay. 25 ayaa ii haray, markaan eegay waxaan is iri caanana kuma filna, iibna ma galaan ee meel magaalo ah gee.”

Ninkan ayaa reerka dejiyay bannaanka magaalada dhul haweeney ay qaraabo yihiin oo uu u dan-sheegtay ay u fasaxday inuu dhisto. 

Dadkan kasoo guuray miyiga ee soo gelaya magaalada ayaa marka ay yimaadaan noloshu ku adkaataa bilaha ama sanadaha hore inay la qabsanayaan maaddaama aanay garanayn xirfad iyo waxay kaga shaqaystaan.

Waxay dib u gocdaan noloshoodii caanaha iyo cadka ay isku haysteen isla markaanna aysan cidna u baahan balse hadda waxay mudanayaan dhibaatooyin is-biirsaday.

“Anigu waxaan ahay nin reer miyi ku waynaaday oo aan darawl nimo, nijaarnimo aan xadaarad magaalo meelna ka wadan. Waan jarmaadaa qof walibana gacantiisa waxa uu yaqaan buu ku dhergaa. Silic aanan soo marin ma jiro. Waxaan soo helo dabka mooyee  gaajo ma tiri karo.”

Nuur oo ka mid ah ahaa xoolo dhaqataday tuulada Taalabuur oo Burco u jirta 90 km ayaa hadda la halgamaya maaraynta nolosha qoyskiisa.

Dadka soo galaya magaalada ayaan helin qorshe u diyaarsan oo ka caawiya inay durba la qabsadaan nolosha magaalooyinka oo aysan khibrad hore u lahayn.

Isuduwaha Wasaarada Dib-udajinta iyo barakaca ee Somaliland, Siciid Faarax Maxamed oo aan wax ka waydiinay dadkan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay wadaan qorshe ay shaqo abuur iyo xirfaddo ay ku shaqaystaan ay ugu samaynayaan.

“Waa in fursad ka duwan ama nolol ka duwan loo abuuro, ka wasaarad ahaan diyaarbaanu u nahay. Dadkaya waa garab taaganahay, la duruuf baanu nahay. Hay’adaha barakaca caawin jiray oo 2024 ay ugu danbaysay in caawiyaan ayaa haddana waxaa yimid culays ay dadku si iskooda ay ku soo degayaan magaalada iyo tuulooyinka Burco ku dhaw .”

Abaaraha soo noqnoqda ayaa burburiya nolosha boqollaal qoys oo hor leh kuwaas oo haystay nolol isku dheelli-tiran marka ay waayaan ilahahoodii dhaqaale ee ay xooluhu ka midka yihiin.

La’aanta barnaamijyo loogu samaynayo soo kabasho waxay sii fogaynaysaa inay dib u dhistaan noloshooda.

Previous Post

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

Next Post

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

Related Posts

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan

November 12, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo cunno xumo iyo dayac hoy la’aan wajahaya xilli roobab ay da’ayaan

November 11, 2026
Carruur danyar iyo barakac iskugu jira oo waxabarsho bilaash ah ku helay Jariiban
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruur danyar iyo barakac iskugu jira oo waxabarsho bilaash ah ku helay Jariiban

November 10, 2026
Hoy la’aanta haysata barakacayaasha Baydhabo xilli roobkii gu’ga la guda galay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas fatahaad ay saamaysay oo Janaale ku haysato xaalad nolol xumo

November 6, 2026
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro dhameeyay jaamacadaha Hargaysa oo xoogsato noqday duruuf jirta awgeed

November 5, 2026
Qoysas nolol xumo ay ku haysato Galgaduud, markii colaad iyo roob la’aan ay saamaysay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ay ku haysato Galgaduud, markii colaad iyo roob la’aan ay saamaysay

November 3, 2026
Next Post
blank

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-NOV-2026

IDAACADDA 12-NOV-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-NOV-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-NOV-2026
November 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-NOV-2026
November 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-NOV-2026
November 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-NOV-2026
November 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-NOV-2026
November 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo