(ERGO) – Nolosha barakaca oo ay ku xeeran yihiin duruufo adag Feysal Cabdi Isaaq oo 25 jir ah kama hor istaagin inuu ka miro dhalliyo hankiisa waxbarasho iyo inuu qoyskiisa u abuuro nolol wanaagsan.
Wuxuu la yimid dedaal dheeraad ah, kaas oo ku simay inuu walaalihii iyo hooyadii uu ka saaray xero barakac, isaga oo guri uga kireeyay degmada Dayniinle. Daryeel ee dadka soo barakacay ee degmada Dayniile ay uga soo guureen sannadkii 2022
Waxaa isbeddelkan ka caawiyay shaqo lows gadid ah oo uu iskii u abuurtay. Wuxuu ku barbar waday kasbashada aqoonta ilaa heer jaamaceed oo ku helay si bilaash ah markii baraha bulshada lagu baahiyay inuu yahay danyar dhammeystay dugsiga sare.
Nolosha qoyskiisa ayuu sheegay inay weli ku tiirsan tahay ganacsiga lowska balse wuxuu ku haminayaa inuu u sameeyo il kale oo dhaqaale maaddaama uu jaamacaddii uga aflaxay darajo sare.
“Lowska waan isku maareynaa, nolosha ayaan ku celcelinaa asaga ayaan ku dabarnaa, asaga aa bilanaaa. Lacagtii aan lowska ka soo shaqeen jirnay ayaa go’aansanay inaan meel gooni ah ku dagno oo kiro ah, adi kirada hadda waxaan ku daganahay $70.”
Wuxuu tilmaamay inuu yahay curadka reerka, taas oo keentay inuu qaato masuuliyadda masruufka qoyskiisa, maaddaama uu aabbahood dhintay.
Sheekadiisa waxa nuxurka u yeelaya ayaa ah inuu isaga oo barakac ah isbeddel ka sameeyay nolosha shaqada iyo waxbarashada, taas oo awood u siisay inay si iskood ah isaga saaraan nolosha xeryaha oo ay qoysas badan aysan u suuragelin inay taageero la’aan ka baxaan.
Wuxuu xusay in saddexdii sanno ee la soo dhaafay uu qiimaha lowska halka xirmo oo qiyaastii hal sacab ah ay u dhaxayso 0.25 sinti ilaa 0.5 dollar, taas oo u suuragelisay inuu la soo hoydo habeen kasta faa’iido u dhaxeysay 10 illaa 12 dollar.
Faysal ayaa halgankiisa shaqo intii uu watay si guul leh ku dhammeystay 2026 Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan taqasuska Adeegga Bulshada. Wuxuu ka soo muuqday liiska arday kaalmaha hore ka galay kulliyaddiisa.
Hadda maaddaama uu jaamici noqday, wuxuu raadin ugu jiraa maalin kasta shaqo kale oo u noqota il dhaqaale oo uu kor ugu sii qaado nolosha qoyskiisa oo ka kooban hooyadiis iyo sideed walaalihiis ah, welina kama helin jawaab goobihii uu geystay codsiyada.
Shaqada lowska wuxuu ku wareejiyay walaashiis ka yar oo gelin iibisa, laakin inta aysan bilaabin wuxuu ku tababaray shaqada, wuxuuna baray dadkii ku xirnaa.
“Waa soo baxaa duhuradii oo kale magaaalkan soo aadaa si shaqooyin aan ku heli lahaa ayaan ku dadaalaa. Inta badan meelihii aan isleeyahay wax weydii waa weydiiyaa.”
Waxbarashada waxay u laheyd mudnaan gaar ah, sidaa oo ay tahay wuxuu ku bar-bar waday shaqada lows wareejinta. Faysal ayaa tilmaamay in gelinna uu wax baran jiray halka kalena uu waddooyinka caasimadda ku wareejin jiray lowska.
Wuxuu sheegay inuu la kulmi jiray caqabado niyad-xumeyn jiray inta lugaynayo. Wuxuu tilmaamay inay farta ku fiiqi jireen isagana uu dhibsan jiray falcelinnadooda balse wuxuu lahaa tiigsi.
“Markan ardayda qaarkood iskuulka aan isla dhigano mar arkaan i dhihi jireen yarkaas loosoo wareejinooyaa. Ani xiliyadaasi waan yaraa waxaan dareemi jiray yaxyax. Marmar waa ka dhuuman jiray marmar qaarkoodna wax maqal ah masiin jirin. Shaqadeydaa iska watay xiliga aan jaamacada aan soo gaarayna ardaydaas arday wannaagsanay ahaayeen wax caqabadka ah kalama kulmi jirin wey ixitiraami jireen.”
Dhib kasta oo uu soo maray wuxuu Faysal ku iloobayaa heerka aqooneed ee uu maanta gaaray. Wuxuuna rajeynayaa gurashada miraha tacliinta.
Dadaalka uu u soo galay heerkan, wuxuu rumeysan yahay in hooyadiis la’aanteed aysan suuragal ahaan laheyn, dhiiragelintii joogtada aheyd waxay dhaxalsiisay in riyadii ay rumowdo.
“Hooyo waxay dareentay in dadaalkii iyo juhdigii ku soo dadaalaayey waxbarashada in uu miro dhalay. Jaamacada dadaal badanaa galiyey sidii aan heer fiiican aan ugu gaari lahaa waxaan sameyn jiray casharadii jaamacada la isoo siiyo ayaa ku dadaali jiray. Waan aqrin jiray saasaan dadaalka kusoo wadi jiray step by step, Semester by semester. Dadaalkaas ayaan kaalinta sideedaad ku galay.”
Ninkan ayaa isku howlay wacyigelin ku aadan waxbarashada carruurta qoysaska barakaca ah, iyo kuwa waddooyinka ku wareejiya lowska.
Wuxuu tilmaamay inuu ku guubaabiyo inay ka gun-gaari karaan waxbarashada, haddana ay tahay mid lacag la’aan ah marka la eego dugsiyada hoostaga Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
“Dadka xeryaha barakaca ku jiro waxaan ku dhiirigeliyaa inay wax bartaan oo waxbarashada aad ugu dadaalaan. Waxbarshada inay aadaan horumar fiiican ayey ka gaari karaan dhinaca kalena inay shaqooyinkoodii ka wataan. Ilaa hadda waa dhiirigaliyaa dadka markaan u sheego qaarkood waa ay i cajiibaan qaarkoodna waxay leeyihiin anagaaba nolosheena ladaalaa-dhaceyna hadda waxbarasho ma aadi karno ayey qaarkood ku leeyihiin.”
Faysal ayaa sheegay in xerada Daryeel ee dadka soo barakacay ee degmada Dayniile ay uga soo guureen sannadkii 2022, markii uu awood u yeeshay inuu magaalada guri uga kireyn karo qoyskiisa.
Qoyskiisa ayaa abaar uga soo barakacay magaalada Baydhabo sannadkii 2009, halkaas oo ay ku lahaayeen beer saddex hektar ah oo ay ku tacban jireen galeey, masago, digir iyo noocyo kamid ah qudaarta.










