(ERGO) – Danyar soo barakacay oo laga saaray xeryo ku yaalla magaalada Kismaayo ayaa nolol xumo ku wajahaya dhul ka fog magaalada oo loo wareejiyay bishii April ee sannadkan.
Waa saddex boqol oo qoys oo maamulka Jubbaland uu dajiyay dhul bannaan oo laga siiyay deegaanka Halgan.
Waxay xuseen inay waayeen shaqooyin xoogsi ah oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd oo ay ka qaban jireen magaalada Kismaayo oo ay ka soo fogaadeen masaafo 25 km ah.
Qoys kasta ayaa la siiyay dhul uu mulkiyadiisa leeyahay oo cabbirkiisu yahay 600 mitir oo isku wareeg ah, balse caqabadda ay wajahayaan ayaa ah cunno yari, biyo yari iyo hoy xumo.
Faadumo Xassan Xuseen ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in carruurteeda oo siddeed ah ay la’dahay shaqo ay ka maarayso.
Waxay horey noloshooda uga soo-saari jirtay shaqo dhar dhaqis ah oo aysan qaban afar bilood oo halkan ay deggan tahay.
Waxay sheegtay in deegaanka ay joogto uu kulmiyay qoysas danyar ah oo uusan laheyn meel loo shaqo tago.
Haddii ay u baahato Kismaayo, waa lagama maarmaan inay hesho $8 oo ay ku raacdo gaari ay ku tagto, ugana soo noqoto.”
“Waa qarash ka badan dakhliga maalintii ay ka heli laheyd dhar dhaqaalka oo ahaa saddex Doollar.
Xaaladaas ayay xustay inay ku riixday in nolosha qoyska ay ku maareyso shaxaad iyo kaalmo ay weydiisato dariska oo wixii ay awoodaan ku caawiya.
“Meeshaan dayn wax ku siinaya malaha. Kismaayo dadkii aan naqaanay waxaa ku dhahaayaan qof guuray oo fogaaday waxba ma siinkaro oo iskuma halayn karo. Hal waqti haddaan hellno waqti labaad lama hellaayo cunno.”
“Ninkii ama gabartii xamaali aadi lahaa gawaarida ayaa qaali noqotay. Shidaalkii ayaa qaali noqday ayay leeyihiin gawaaridu.”
Faadumo ayaa tilmaamtay in adeegga kaliya ee ay heleen uu yahay waxbarasho bilaash ah. Iskuul hoose iyo dhexe ah ayaa waxaa u dhigta shan carruur ah.
Hoy xumadu, waa caqabad kale oo ay xal u la’dahay. Dhaqaale yarida ayaa sabab u noqotay inay dhisan waydo dhulkii la siiyay.
Waxay sheegtay in dabeysha xagaaga ee xilligan dhaceysa ay ka dumisay bartamihii Agoosto aqal cooshad ah oo markii hore nuglaa, waxay intaas ku dartay in helitaanka musquluhu ay ciriiri yihiin.
Boqollaalka qoys ee halkan la dejiyay ayaa wadaaga 70 musqulood. Halkan ayay sheegtay inaan qasab lagu keenin oo ogolaanshaheeda ay ku timid, waloow ay xustay inaysan ku baraarugsaneyn caqabadaha ay hadda wajaheyso,
Hase ahaatee waxay ku fooggan tahay sidii ay uga bixi laheyd xerada Mareeray ee magaalada Kismaayo oo ay degganeyd 14 sano.
“Dhulka aanu daganayn anigu manaan lahayn. danta ayaa nagu qasbeysay inaan halkan degno, sababtoo ah dhulkan anagaa iska leh, cid nagu dhibaateyneysa iyo cid nagu qash qashaadeysa malahan.”
Qoyska faadumo ayaa sannadkii 2011 ka soo barakacay deegaanka Buulamareer ee gobolka Jubbada dhexe. Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd beer 10 hektar ah oo abaar darteed ay sii tacban waayeen.
Dhanka kale Maxamed Wali Dayib oo qoyskiisu ka kooban yahay 12 qof waxay dantu ku qasabtay inuu ka fogaado reerkiisa si uu ugu soo shaqeeyo.
Lacagta gaari-raaca oo uusan bixin karin maalin kasta ayaa ku riixday in magaalada Kismaayo uu sii joogo, si qoysku ay dabka ugu shitaan $4 oo maalinkii uu ka helo dajinta rarka gaadiidka.
“Maalintii anaga marka ugu badato waxaa wax la kariyaa hal waqti oo kaliya oo halkaas waqti raashinka loo yara badiyo. Ilmo yar oo nafaqo la’aan ah waaa jiraan.”
“Waxyaabaha ugu horeeya ee aad wajahaysid waxaa weeye in aad shaqo raadisid. Shaqo haddii aad wayso waa in aad dayn raadisid. Waxaa laga yaaba dayntii inuu kuu diido qofkii aad u doonato.”
Maxamed oo ah aabbaha toban carruur ah ayaa dul-saar ku ah qoys ku nool magaalada Kismaayo.
Wuxuu sheegay in dhaqaalaha ka soo gala xamaalka uusan u qeyb samin gaari raac iyo biilka reerka, maalin kastana uusan awoodin inuu lug ku soo gaaro magaalada, ugana noqdo, masaafada oo fog darteed.
Maalmaha qaar oo aysan shaqo jirin ayuu booqdaa qoyska oo uu xusay in cunno yarida ay u dheertahay hoy la’aan ka dhalatay dabeysha xagaaga oo ka dumisay guri uga dhisnaa dhulka la siiyay oo ah 600 oo mitir oo isku wareeg ah.
“Dhibaatada Jirta waxaa ka mida dabaysha. Guriga waa wax aan tabar laheyn. Aniga hal qol oo jiingado kakab ah aan ku dhajiyey ayaa ii dhisan. Habeenkii iyo maalintii marka dabaysha jirto wuu sanqadhayaa lama seexan karo.”
Maxamed ayaa sheegay in xaaladaas ay u dheer tahay biyo yari. Deegaanku malahan ceel biyood. Dadku waxay biyaha ka doontaan webiga Jubba oo u jira masaafo dhan saddex kiloomitir.
Qoysaska aan awoodin inay soo dhaansadaan ayaa ku qasban inay iibsadaan biyo lagu keeno gaari dameero oo fuustadii uu qiimaheedu yahay $0.5 senti.
“Culeys badan ayaa ka jira biyaha. Masaafadu waa dheertahay, qarash uma hayno aan ku shubano, mar haddaan shubano, mar kale ma awoodno inaan gadano.”
“Mar islaanta ayaa dusha soo saarata, mar qolyo aan daris nahay ayaan baryaa oo aan dhahnaa gaari gacan isii aan biyo ku soo qaato.”
Qoyska Maxamed ayaa degganaa xerada Tawakal 2 ee magaalada Kismaayo oo ay ku noolaayeen 12 sanno.
Colaad iyo abaar ayay uga soo barakaceen gobolka Jubbada dhexe oo ay ku dhaqanayeen ari 75 neef ah iyo 60 lo’ ah oo ka la’day.
Adeegyada waxbaarshada iyo cafimaadka ayaa ah waxa kaliya ee danyartan ay ka heli karaan deegaanka lagu asaasay ee Halgan.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in wajiga koowaad ee mashruuca ay fuliyeen, kaas oo dadku ay ku heleen waxbarasho hoose iyo dhexe ah, dhul ay leeyihiin oo wixii ay rabaan ay ka dhisan karaan iyo xarun caafimaad oo ah MCH oo adeegyadeedu bilaash yihiin.
Maxamed Cumar Xassan oo ah madaxa xafiiska dib u dejinta hay’adda dadka soo barakacay ee Jubbaland ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qorshe dhaqan galaya sanadkan oo danyartan looga taageerayo.
Wuxuu xusay in ay heli doonaan xoolo ay dhaqdaan, xirfadda kalluumeysiga, tan beeraha iyo agabkii ay ku shaqaysan lahaayeen.
“Wixii ka shaqaysanaya badda in loo abuuro shaqooyin kalluumaysi oo la siiyo doonyo iyo agabka kale u baahan yihiin. Wasaaradda Beeraha oo kale in ay beero siiso ayaa qorshaysan.”
Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay bilowday 2024 barnaamijka xalka waara oo ah in dadka soo barakacay lagu deegaameeyo.
Wuxuu xusay in dowladdu diyaarisay dhul gaaraya 5km oo loogu talagalay in la dejiyo dadka ku barakacay gudaha deegaanada Jubbaland.









