(ERGO) – Qulqulka dadka biyo doonka ah ee subax walba ka jarmaada dagmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa joogto noqday 3 bil ee u danbeeyay, markii ay qalaleen ceelal-gacmeedyadii ay ku tiirsanaayeen. Waxay u lugeeyaan ceel la dhuro oo u jira magaalada 8 km.
Biyaha ceelkan waxay u galaan safaf dhaadheer, waxaana qof kasta filashadiisu ay tahay helidda dhowr liitar oo biyo ah, balse dadka qaar ayaa dib uga soo laabta mararka qaar iyaga oo faro maran, saxmadda ka jirta ceel oo badan awgeed.
Dadka caqabadda biyo helidda la daalaadhacaya waxaa ka mid ah Nuurta Xasan Ibraahim oo ku nool Buurxakaba. Galinka hore ee malintii ayay ku qaadataa in ay hesho 15 liitar oo biyo ah, waxaana ay beeqaamisaa biyahaas oo si adag ay ku hesho.
Waxay sheegtay in maalmaha qaar ay ku soo hungowdo helidda biyaha. Ceelka oo sii biyo yaraynaya ayaa kuwada filnaan waayay dadka u soo aroora. Xaaladdaas ayay xustay in ay la kulanto ugu yaraan seddex mar oo ka mid ah toddobaad walba.
Maalmaha ay soo hesho ayay tilmaamtay in ay dhibaato badan ka marto soo qaaditaanka biyaha. Waxaana taas u wehlisa in dadka awooda ay ka codsato in ceelka ay biyaha uga soo saaraan.
“Aniga dhabarkeyga ayaa ku raadsadaa, meesha markii aan tagana waa ka tuugsadaa haddana waa la soo baxaa intii awooddayda ah, haddana lug ku imaanaa. Hal saac iyo bar ayaa loo soconaa biyahaas. Qof dameer wata ayaa kaa horeeya, mid mooto wata ayaa kaa horeysa. Jirgaankaaga ayaad ku fadhiisanaysaa inta mootaalayda ay shubanayaan.”
Nuurto waxay xooggeeda iyo waqtigeeda oo dhan iskugu gaysay sidii qoyskeeda oo 10 ah ay u haraad tiri lahayd, taas oo saamayn ku yeelatay shaqooyin dhar-dhaqista, nadiifinta xafiisyada iyo isbitaallada iskugu jira oo ay subax walba u kalihi jirtay.
Shaqooyinkan inta badan waxaa la qabtaa subaxa hore, balse Nuurto waxay door-biday in galinka danbe ay aaddo, markaas oo ay ka soo laabato socdaalka biyo doonka ah. Waxay xustay in dadkii ay u shaqayn jirtay ay ka maarmeen daaheeda darteed.
Waxay sheegtay in dadka qaar ay siinayaan raashin dayn ama sadaqo ah, balse aysan marna ka helin biyaha oo ah baahi si guud uga wadajirta Buurxakaba, taas oo ku qasabtay in ay waqtigeeda ugu badan galiso heliddooda.
Waxay ku maaraysaa qoyskeeda kiilooyin boorash ah oo laga soo siiyay billowgii bishan isbitaal ay shaqo nadafadeed ka qaban jirtay ka hor biyo yarida. Maamulka xarunta caafimaad ayay la wadaagtay howsha ku soo korortay iyo cunno xumada haysa.
Maalmaha qaar dad dariskeeda ayaa soo waca iyaga oo ku wargaliya in ay u hayaan shaqo dhar-dhaqis ah oo lacag yar ay ka hesho sida ay sheegtay.
“Haddii la tiraahdo; guri ii dhaq waan u dhaqaa. Haddii aan wax ka helo sida kiilo bariis ah ama $1, lacagtaas ayaan carruurta ugu soo gadnaa caanaha garoor ah. Haddii aan waxba helinna waan iska seexanaynaa. Hadda toddobadii saac ayaa la joogaa xitaa 25 senti ima soo gelin. Maxaan sameeyaa?.”
Carruurteeda ayay sheegtay in ay ka cabanayaan gaajo, iyaduna aysan waxba u qaban karin. Boorashka oo gabaabsi ka sii ah ayay xustay in uusan ku filnayn carruurta haddii ay dabka u saarto, waxaa intaas u dheer iidaan la’aan.
Waxay sidoo kale dhibaato ku qabaan cabidda biyaha ay ka keento ceelka la dhuro, kuwaas oo aan nadiif ahayn. Waxay sheegtay in ay kululayso si ay jeermiska uga disho, kadibna ay qaboojiso iyada oo dhigta meel hoos leh.
Nuurto carruurteeda saddex ka mid ah waxay waxbarashada ka hareen bishii Julay, markii ay bixin waysay lacag ay iskuulka ku dhiganayeen. Waxay markii hore ku bixin jirtay lacag ay dhigaal-sanaysay, kuwaas oo qayb ka ahaa lacag $6 oo ay maalinle uga heli jirtay shaqada nadaafadda.
Dhibaatada biyo yarida ee ka jirta Buurxakaba ayaa si guud u saamaysay dadka ku nool. Waxaa biyo la’aan noqday saddex ceel oo 20,000 oo qoys ay ku tiirsanaayeen, kuwaas soo ku kala nool Buurxakaba iyo 40 deegaan oo hoostaga sida ay sheegtay SOS Children’s Villages oo samaysay xog aruurin.
Maxamed Axmed Maxamed, oo ah Isuduwaha Mashaariicda Caafimaadka iyo Nafaqada hay’addan ayaa sheegay in biyo yarida ay ka dhasheen cudurrada faafa, maaddama dadka ay dantu biday in ay cabbaan biyaha ceelasha la dhuro, kuwaas oo aan nadiif ahayn.
Wuxuu xusay in ay ku howlan yihiin daawaynta dadka cudurro shubanka uu ka mid yahay ay soo riteen, kuwaas oo ay ku hayaan xarumo ay u diyaariyeen.
“Celcelis ahaan bil walba waxaa la daawayn jiray 35, 36 ilaa 40 qof. Laakiin markii la soo gaaray May iyo Juun ilaa Julay dadka waxay gaareen ilaa 100 ka badan. Bilihii danbe aad bay u bateen kiisaska shubanka la dawaynayo, taasi oo saamaynteeda ay lahayd biyaha wasaqda ah ee la isticmaalaayo.”
Wuxuu sheegayin kumanaan qoys ay ka barakaceen biyo yarida iyaga oo u hayamay Baydhabo tan iyo billowgii sanadkan. Kuwa ku haray magaalada iyo deegaannada ku dhow ayuu tilmaamay in ay la nool yihiin duruuf nolol xumo oo liidata.
Dadka ku haray magaalada, isla markaana biyaha ku soo qaada dhabarkooda waa dumar. Waxay iskugu jiraan kuwa ilmahooda ay agoon yihiin iyo qaar lagu furay. Waxay isku kaashadaan koox koox si ay iskaga weshadaan socodka biyo doonka ah.
Duniya Xasan Cabdi oo 45 jir ah caag 20 liitar qaad ah ayay ku xirtay xarig ka samaysan maryo iyo dun la isku tolay. Waxay jirgaanka ka soo laalaadisaa dhabarkeeda, waxaana xarigga ay ku qabataa gacmaha iyo qaybta hore ee wajigeeda.
Waa qaabka kaliya ee ay ku xambaari karto biyaha ay soo hesho. Nidaamkan waa mid ay ka siman yihiin dadka aan haysan gaadiid ay biyaha ku qaataan. Faadumo saddexdii bil ee u danbaysay mid kasta oo ka mid ah waxay socotay ku dhawaad 500 km.
Waa marka la isku daro masaafada ay lugayso maalin kasta oo ah 8 km oo soo socod iyo sii socod ah. Safarkaas ma wada noqon mid ay biyo ku helaysay. Maalmaha qaar dib ayay u soo laabanaysay iyada oo faro maran, aadna u niyad jabsan.
Duniya oo ah hooyada siddeed carruur ah oo kan uu jiro labo sano waxay halgan ugu jirtaa ka samata-baxooda dhuruufaha cunno xumo iyo biyo yari
“Salaadii ayaa baxaa. Hal jirgaan markaad keento kuma noqon kartid meeshaas. Feel ayaa la gala. Hal jirgaan haddaad hesho oo la timaaddo qof kasta galas ayuu ka cabaa. Ciyaalkii haddii dugsiga ay aadaan oo ka soo laabtaan waa laga ilaaliyaa ilaa la nadiifiyo. Jirkana looga nadiifiyaa. Biyo qaraar ah weeye. Lama isticmaalo qof daruuf haysta mooyee.”
Tan iyo markii ay billowday in ay u aroorto ceel-biyoodka ka durugsan magaalada waxaa caqabad ku noqotay shaqo ay ka haysay maqaaxi cunnada lagu kariyo, maaddama inta badan maalintii waqtigeeda ay ku bixiso soo helidda dhowr liitar oo biyo ah.
Waxay shaqadaas ku waysay duruufta haysa darteed. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in habeenkii ay shaqo tagto iyada oo ku wareegta xaafadaha iyo maqaayadaha si ay u hesho shaqo nadaafadeed. Haddii ay hesho waxay xooggeeda ku beddelataa raashin.
Carruurteeda waxay 24 saacba mar dabka loo saaraa raashin aan iidaan lahayn. Waxay sheegtay baahida ay isku dhaafiyaan, maaddama aysan heli karin cunno ku filan. Xaaladdan waxaa u dheer sida ay ku heli lahayd kirada gurga ay ku nooshahay oo labo qol ah.
“Maanta 12 saac maqrabkii ayaa canbuulo loo saaray. Xaafadaha ayaa laga soo qaraabtaa, Guriga aan ku noolnahay waa kiro. Bishiaan ayaa afar ii ah oo aanan bixin. Iga bax ayaa la ileeyahay. Bishii waa $10. Aad ayaa daruuf inoo heysaa.”
Waxay ka cabanaysaa dhabar xanuun la soo darsay tan iyo markii ay billowday in ay u aroorto ceel biyoodka. Waxay sheegtay in aysan seexan inta badan habeenkii, isla markaana aysan weli booqon xarun caafimaad si ay u ogaato caafimaadkeeda.
Nolosha Duniya waxay waxay sawir guud ka bixinaysaa xaaladda qoysaska danyarta iyo barakaca iskugu jira, kuwaas oo ku nool Buurxakaba. Waxay daris la yihiin biyo yari iyo dhaqaale xumo sababtay cuno xumo iyo duruufo hoy la’aan ay ka mid yihiin.










