(ERGO) – Nolol xumo ayaa soo wajahday ku dhawaad 100 qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Hargeysa, markii ganacsiyo ay masruufka ka heli jireen ay xirmeen 3 bil ee la soo dhaafay.
Waxaa sababay canshuuro ay ganacsiyada ku soo rogtay Wasaaaradda Maaliyadda ee Somaliland, badeeco xumo iyo macaamiil yari.
Canab Jaamac Furre oo ka mid ah waxay maarayn la’ dahay dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah ee qoyskeeda 7 ah kuna ku tiirsanaa keligeed.
Haweeynaydaan ayaa tilmaamtay inuu ka xirmay dukaan raashin iyo bagaash ay ku iibin jirtay oo ay reerka ku dabaraysay in ka badan 10 sano.
Waxay xustay in meheradeeda ay joogta uga heli jirta $6 illaa $5 oo aan wax canshuur ah laga jarayn.
Dhaqaalahan ayay xustay inuu ugu filnaa cunnada, biyaha iyo baahiyaha kale, kuwaas oo ay hadda awoodi la’yihiin, maaddama uu dhaqaalahaasi meesha ka baxay.
“Mar keliya ayaan hadda dabka shidana. Mar labaad inaan dabka shidano ma awoodno. Halkaas mar wixii aan helno ayaan isku filnaysiina. Markii hore saddexda waqti ee quraacda, qadada iyo cashada waynu shidanaynaa dabka, balse hadda ganacsigii aan ku tiirsanayn waa naga xirmay.”
Canab ayaa sheegtay inay ku tiirsan yihiin dayn aan joogta ahayn iyo kaalmo ay waydiistaan dad ehel ah oo daris la’ ah.
Mudadii ay caqabadahan jireen waxay tilmaamtay in reerkeeda ay dabka saaranayeen raashinkii dukaanka u yaallay, kaas oo hadda ka dhamaaday.
Waxay xustay in culaysyada haysta ay ka mid yihiin biyo yari. Ugu badnaan jirgaan ay soo baryaan dadka nolol dhaama ayay sheegtay inay ku tiirsan yihiin, maaddaama aysan awoodin $3 oo fuustadii ay iibiiyan booyado keena.
Haweeynaydan oo 92 jir ah ayaa sheegtay inaysan awoodin inay shaqooyin xoogsi ah ka raadiso magaalada, maaddaama ay tahay wayeel aan shaqooyinkaasi qaban karin.
Dukaanka oo ay ku lahayd guriga dhexdiisa ayay tilmaamtay inuu ahaa waxa keliya ee dhaqaale uga soo saari kartay qoyskeeda.
Labo wiil oo ay dhashay ayay tilmaamtay i ay hungoobeen raadinta shaqooyin xamaal ah. Waxay xustay inay ka shalaysan tahay inaysan horray wax kayd ah u samaysan. Waxay cabasho ka muujisay canshuuraha dowladda ku soo rogtay oo ahaa kuwa awoodooda ka badan.
“Dawlada cashuur ayay nagu soo rogtay. Boqolkii doolar waxaa la yiri $2 oo canshuur ah ayaa laga jaraya. Waxaan haynay iyo wixii na soo galayay marka loo eego wax iska kaafin karay ma ahayn.
Sidoo kale macaashadii qaali ayay noqotay oo raashinka qiimihiisa cirkuu u kacay. Wax aan alaabo dukaanka ugu soo iibino waa waynay, sidaas ayay nooga xirantay mehradii.”
Canab ayaa sheegtay in xaaladdan darteed ay waxbarasho la’aan ka noqdeen saddex carruur ah oo ay ayeeyo u tahay, kuwaas oo ay iyadu masuul ka tahay. Waxay tilmaamtay in bishii Juun laga soo eryay madarasad ay dhigan jireen, markii lagu yeeshay $100 oo isku gaartay oo ay awoodi wayday.
Waxaa walwal ku sii kordhinaya $200 oo looga yeeshay dukaamada raashinka ee xaafada magaalo Ugaaso oo ay dagan yihiin. Waxay awoodi waayeen in ay badeeco soo iibsadaan taas oo sababtay in macaamiishii wax ka iibsan jiray ay u wareegaan bakharadda waawayn ee magaalada.
Hoodo Axmed Cabdullahi waxay qoyskeeda oo 12 qof ah sheegtay inay wajahayaan xaaladdii ugu liidatay muddo 7 sano ah kaddib.
Waxaa ka xirmay ganacsi dukaan bagaash iyo raashin ah oo ay u iibin jirtay hooyadeed oo waayeel ah, taas oo sidoo kale la dhiban cudurrada sonkorowga iyo dhiig-karka oo ay dhaqaatiirtu ku sheeegeen sanado ka hor.
Hal mar ayay sheegtay inay dabka ku shitaan $4 oo uu abbaahooda toddobaadkii mar ka soo helo shaqooyinka dhismaha guriyaha. Waxay tilmaamtay inay tashiishaan hasa yeeshe aysan waxbo ka tarin baahidooda, lakiin ay dantu dhaafi wayday. Cunno xumada waxaa u dheer biyo yari.
“Biyihii waxay noqdeen qaali. ma awoodno hadda. Markii hore waa gadan karna lacag walbo la dhaho sababtoo ah waxaan ahayn dad ganacsi ay leeyihiin dhaqaale ka hela. Hadda waxa kaliya ee aan heli karno waa jirgaamo aan dariska ka soo barino.”
Hoodo ayaa sheegtay in sidoo kale ay awoodi la’yihiin $50 oo ah kirada labo qol oo jiingad oo ay dagan yihiin. Waxay tilmaamtay in lagu yeeshay $150 oo ah dayn ay saddexdii bil ee la soo dhaafay ku daganaayeen, taas oo ay bixin waayeen.
Haweeynaydan ayaa sheegtay in dhanka kale laga jartay korontadii guriga, markii ay bixin waayeen $30 oo laga rabay bishii. Arrintan darteed waxay tilmamtay inay ku qasbanaadeen in habeenkii ay ifsadaan tooshash ay ka soo qateen qoysas ay ehel yihiin oo magaalada kula nool.
Hoodo ayaa xustay in nolol xumada haysa ay u dheertahay caafimaad darro hooyadeed oo aysan wax daryeel ah u awoodin. Waxay xustay inay tahay curadda reerka. Shaqooyin nadaafad ah oo ay raadisay marar kala duwan si daawooyinka ay u baahan tahay ugu iibiso ayay sheegtay inay wayday.
“Hooyaday ayaa na maarayn jirtay. dhiikar iyo sonkor ayay horray u qabtay, hadda waxaa u raacay xumad daran oo ku soo laalaabatay. Ma awoodi karto inay shaqayso. Sido kale daawadeeda ayaa nagu adag. Awal dad qaarabo ah ayaa naga caawin jiray, haddase iyagiina waxbo kama helno. Hooyaday sidaas ayaa daawo la’aan ku tahay. Wax aan ugu soo iibinana ma heli karn.”
Hoodo ayaa sheegtay in dhaqaale xumada haysa ay sidoo kale waxbarasho la’ aan ku sababtay 4 carruur ah oo dugsi hoose dhexe dhiganayay, markii ay bixin waayeen $60 oo kharashkooda waxbarashada ee bisha.
Waxay tilmamtay in ganacsiga meesha ka baxay oo qoyskoodu kaalin muhiim ah ugu jiray in markii hore ay ku billawdeen dhaqaale ay dadka ehel u ah ku caawiyeen. Waxay rajo xumo ka muujisay sidii ay markale dib ugu yagleeli doonnaan.
Dhanka kale Faadumo Xayd Cali oo ah xoghaya guddi ay ganacsatada yaryar ku midaysan yihiin ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in xaladdan ay saamaysay ku dhawaad boqol ganacsato ahaa, kuwaas oo ay goobahoodii ganacsi ee u ahaa ilahooda kaliya ee dhaqaale ay ka xirmeen.
“Shidaalkii, canshuurtii iyo maciishadiiba waa kaceen. Dadkii danyarta ahaa arrintan dhan walbo ayay ka saamaysay. Tangigi biyaha ee $50 la siin jiray $70 ayaa la iibinaya, shidaalka oo qaaliyoobay ayaana keenay, dadkuna ma gadan karaan.”
“Dad badan ayaa laga saaray guriyih ay daganaayeen markii ay kirada awoodi waayeen. Waxaan dowladda ka codsanayna inay xaaladda dadkan wax ka qaabtaan.”
Fadumo ayaa sheegtay in horray dowladda ay codsi arrintan ku aadan u direen, hasa yeeshee aysan wax jawaab ah ka helin.










