(ERGO) – Jamaal xasan Maxamed wuxuu qoyskiisa oo toban ah u awoodi la’ yahay cunno ku filan tan bishii Luulyo. Wuxuu ka mid ah yahay boqollaal rag ah oo iyaga iyo reerahooda ay wajahayaan dhaqaale xumo markii shaqadoodii laga hor istaagay.
Ninkan ayaa sheegay inay Kooxda Shabaab diideen shaqadiisa oo ahayd gurida ciidda guryaha lagu dhiso, taas oo uu ka dooni jiray bannaanka magaalada una ahayd isha nololeed. Wuxuu tilmaamay inay shaqo la’aan ku dhacday dhan kasta ka saamaysay qoyskiisa.
Shabaab ayaa lacago dheerad ah ku soo rogay mulkiilayaasha gawaarida ciidda qaada, kuwaas oo awoodi waayay bixinteeda. Arrintaas darteed, ayay sheegeen in looga mamnuucay shaqadooii xoogsiga ee ay ka dhacsan jireen biilka carruurtooda.
Jamaal wuxuu ka mid yahay dadka barakac ah ee ka shaqayn jiray qodista ciidda dhismaha, taas oo laga qodi jiray boholo ku yaalla duleedka Baydhabo, kadibna lagu qaadi jiray gawaarida iska-rogaha ah si loogu iib-geeyo magaalada.
Ninkan ayaa sheegay in shaqo la’aantu ay sababtay in qoyskiisu ay wajahaan cunto yari daran. Wuxuu tilmaamay in ay kaalmo yar ka helaan dad ay u dan-sheegtaan, taas oo uu xusay inaysan ku filnayd qoyskiisa oo ballaaran.
“Xaaladeenna nololeed waa mid aad u adag, markii hore shaqo ayaan haysanay. Ciiddii hadda dad duurka ku jira ayaa diiday. Markii hore biilka meel ayuu noo saarnaa hadda marka guri joog ayaan noqonay. Dhibaato weyn ayaa haysa.”
Jamaal wuxuu intaas ku daray in shaqadiisii maalinlaha ahayd uu ka heli jiray $7 ilaa $10 oo joogta ah taas oo ugu filnayd saddex waqti oo cunto ah. Wuxuu ahaa qofka kaliya ee reerka u dhaqdhaqaaqi jiray, waxaana hadda meesha ka baxay dakhligii uu qoysku ku tiirsanaa.
Qoyska jamaal waxaa dhibaatooyinka ay la halgamayaan ka mid ah biyo yari. Waxaa ku adag inay iibsadaan 20-ka litar oo lagu shubto $0.25 xerada Deg-umur oo ay deggan yihiin. Sida uu sheegay, isaga iyo xaaskiisa ayaa ceel-gacmeed gaar loo leeyahay oo loo socdo hal saac ah ka soo barya hal labaatanle oo aan ku filnayn reerkiisa.
Ninkan oo 50 jir ah ayaa sheegay inay ku soo furmeen culeysyo isbiirsaday, kuwaas oo uu maarayn la’ yahay. Wuxuu tilmaamay inaysan xaaladdan oo kale horey u soo maray isla markaana ay ku soo beegantay xilli uusan u sii diyaar garoobin.
Waxaa culeyska ku haya quud u helidda carruurtiisa oo uu xusay inay la qabsan la’ yihiin dabkooda oo dansan iyo inaysan helin raashin deeqa.
“Markii hore seddex jeer ayaan wax karsan jirney laakiin hadda hal mar ayaan wax karsanaa. Halka wakhti ayaaba sida lagu helo dhib ah. Halka wakhti waxan ku helnaa magaalada ayaan aadaa walaal dadka ayaa baryaa.”
Jamaal ayaa sheegay in seddex ka mid ah carruurtiisa laga soo eryey iskuul iyo dugsi Qur’aan bishan, markii uu awoodi waayay $30 oo uu bishii ka dhiibayay, hadda waa guri joog aan wax duruus ah qaadan. Tani waxay ku keentay rajo beel mustaqbalkooda ah.
Qoyska jamaal ayaa 2022 ka soo barakacay Degmada Berdaale ee Gobolka Bay. Waxay ka soo tageen beer 5 hiktar ah, markii ay nacfi tirtay roob yari uu sheegay inay deegaanka ka jirtay dhawr xilli oo isku xigay.
Ragga carrada ka xamaalan jiray ayaa wajahaya saamayn isku mid ah. Nuuradiin Macalin Aadan wuxuu sheegay inuu maarayn la’ yahay nolosha qoyskiisa oo sideed ah. Ninkan ayaa ka fursan waayay inuu dhex wareego xaafadaha magaalada isaga dadka waydiisanaya kaalmo.
Marka uu soo waayo ayuu sheegay inay deriska habeennada qaar ay ka helaan raashin bisil oo ay isugu soo daraan. Waxaa u dheer baahiyaha kale ee qoyska oo ku soo wada furmay.
“Biyaha waxaan ku heli jirney marka aan lacagtay joornaatiga ah soo qaato. $0.25 ayaan ku dhaansan jirney. Hadda marka in deriska loo tago oo albaabada aan garaacno oo jirgaankoo biyo ah ama 10 litar aan weydiisano. Hadda jirgaanka ayaaba noo genbiyay oo aan haysan.”
Nuuradiin ayaa sheegay muddo afar sano ah inay nolosha qoyskiisa ku tiirsanayd dhaqaalaha uu ka heli jiray ciid qodista oo u dhaxeeyay 7 ilaa 10 doollar, balse hadda uu faro maran yahay. Wuxuu tilmaamay inuusan wax kayd ah horey meel u dhigan, taas oo saamaynta ku xoojisay.
Wuxuu intaas ku daray inuusan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqeeyo. Subax walba wuxuu u baxa raadinta shaqo xamaal ah, balse ma helo. Wuxuu sheegay inay isaga iyo qoyskiisa ay hadda ku sugan yihiin xaalad quus ah.
Wuxuu xusay inay sidoo kale culays ku heyso deyn $35 ah, oo looga kala leeyahay dugsi Qur’aanka iyo iskuul isku gaartay labo bilood. Wuxuu sheegay in dukaan uu raashin ka amaahanayay looga diiday markii loo sheegya in buugiisii la xiray.
Ninkan oo barakac ku ah xerada Doygaab oo mudo laba sano ah ayaa weli leh rajo ah inuu shaqadiisii dib ugu laabto balse ma hubo goor ay noqon iyadoo culeyska dhaqaale ee haysta ay uu sii kordhayo marba marka ka danbaysa.
“Hadda welwelka i hayo – xaafada iyo nolosheenna – ayaan aad uga fikirayaa. Middeeda kale Ilaah shaqo ha noo bixiyo. Waxaa hadda dhibaato nagu haysa inta aan shaqada ka harney deyn badan ayaan galney. Carruurta noloshooda ayaa qiiqiil naga-shay.”
Nuuradiin ayaa sheegay inay hayso sidoo kale hoy xumo markii dabayl xooggan ka dumisey buush ay gabbaadsan jireen. Hadda waxay bannaan-yaal u yihiin dhaxanta iyo fallaaraha cadceedda.
Ninkan ayaa xusay in mulkiilayaasha gawaarida ay isku dayeen inay si dhuumalaysi ah ku shaqeeyaan, hasa ahaate ay ku guul-daraysteen, markii ay Shabaab afduubteen saddex gawaari. Arrintaas waxay sababtay in kuwii kale ay u cabsadaan naftooda iyo hantidooda.
Qoyska Nuuradiin waxay sanadkii 2024 ka soo barakaceen deegaanka Goof-gaduud Buurey ee hoostaga Baydhabo, markii jilaal ba’an uu nacfi tirtay beer Afar hektar ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd.
Cabdinaasir Cabdi Cali oo ka mid ah guddi ay gaadiidlaydan ku midaysan yihiin ayaa Raadiyow Ergo u sheegey in arrintan saameyn weyn ku yeelatey qoysaskooda, kuwaas oo ilaa iyo hadda aan helin beddel kale oo ay noloshooda ka maareeyaan.
“Runtii caqabado waa weyn ayaan xilligan na haysata lacago xaqdhaaf ah oo nagula soo rogey taas oo is keeni weydey. Marka hadda xitaa waxaa jira gaadiid oo u xiran Alshabaab oo lacagooyinkaas iyo waxyaabahaas dartood loo haysto.”
Cabdinaasir ayaa xusay in qoysas badan oo noloshooda ka maareyn jirey qodista carrada iyo rarkeeda ay wajahayaan hubanti la’aan. Wuxuu tilmaamay gaari kasta lagu waajibiyay bishii 200 doollaar, taas oo aysan awoodin. Wuxuu codsaday si degdeg ah loo xalliyo cabashadooda.
Qoysaska soo barakacay oo aan lahayn ilo kale oo dhaqaale oo sugan, waxay had iyo jeer u nugul yihiin saamaynta ka dhalata shaqo la’aanta, taas oo u horseeda khalkhal ku yimaada hab-nololeedkooda.










