(ERGO) – Oon daran ayay wajahayaan kummannaan dad ah oo ku nool deegaanka Tasjiic ee gobolka Bari iyo lix tuulo oo hoos yimaada tan iyo billowgii August, markii ay ka qallashy il-biyood dabiici ah oo ay bilaash ku cabbi jireen muddo dheer.
Waxay iibsan la’yihiin biyo ay booyado $150 uga keenaan magaalada Waaciye oo qiyaastii 40 KM u jirta. Waxaa fuustadii la gadaa $6-$8 oo aysan awoodin.
Arintan ayaa culays ku noqotay dadkan oo xoolo dhaqato roob la’aantu saamaysay iyo danyar u badan.
Saytuun Mahad Maxamed ayaa sheegtay in qoyskeeda oo 10 qof ah ay ku tiirsan yihiin 20 liitar oo marmar darisku siiyaan. Waxay xustay in ay u adkaysan la’ yihiin xaaladan.
“Biyuhu si xun ayay noo saameeyeen cabitaanka waa dhib, qubays iyo dhar dhaqidna ma jirto. Carruurta meel hoos ah ayaa lagu aruuriyaa oo qorraxda ayaa looga celiyaa. Dhibaato ayaan la kulanay.”
“Abaar ayaa na haysa. Dadka biyo yar dhaansada ayaan ka barinaa hal caag oo nafta lagu celiyo.”
Saytuun ayaa xustay in biyo yaraanta ay u dheertahay cunno xumo. Odaygeeda oo ka shaqayn jiray xijiga ayaa lixdii bil ee u danbaysay shaqo la’aan ah. Waxaa saameeyay go’aan ay Puntland ku amartay in laga baxo buuraha Calmiskaad oo howlgal Daacish ka dhan ah uu ka socdo.
Ujeedku wuxuu ahaa in shacabku ka badbaadaan waxyeelada duqaymaha, balse waxaa meesha ka baxday fursadii gurashada xijiga oo dad badan ay ku tiirsanaayeen. Tuulada ayay joogto uga raadiyaan shaqooyin xoogsi ah oo aysan ka helin.
Waxay sheegtay inay qatooyo ku joogaan carruurteeda oo kan ugu yar 3 jir yahay. Waxay xustay inay caatoobeen gaajaduna diif ku reebtay.
“Dhaqaale darraa jirta. Heerkii aan saddex waqti ama labo wax karsan jirnay waa ka nimid, sababtoo ah waan gacan marannahay. Waxaan gaarnay in aan dadka ka tuugsanno wax aan hal mar cunno. Nolol aad u liidata ayaaan dareemaynaa xilligaan.”
Saytuun oo 48 sano jir ah ayaa sheegtay inaysan xaaladaan oo kale horay ula kulmin. Waxaa qoyskeeda labadii sano ee u danbaysay isku raacay colaadda Calmiskaad, abaar xoolihii dhaafisay, barakac, cuno xumo, biyo yari iyo shaqo la’aan.
Ari 95 ah oo ay dhaqanayeen waxay intii badnayd u le’deen biyo, daaq la’aan iyo cuduro aysan garayn oo isku raacay. Waxaa u joogta 10 neef oo aan wax nacfi ah lahayn, kuwaas oo aysan u awoodin calaf iyo biyo ay ku sii noolaadaan.
Waxay tilmaamay in dukaamo ay daymo ka qaadan jireen ay ka joojiyeen bartamihii bishii sideedaad. Lacagta lagu yeeshay oo gaartay in ka badan $3,000 ayay waydiimo joogto ah kala kulmaysaa, wax kalena looma ogola.
“Waxaan ku daymoobay biyaha iyo raashinka, kurbo weyn ayayna igu haysaa. Awood uma lihi in aan bixiyo waayo dhaqaale ma haysto. Xoolihii iyo xijjigii aan ku tiirsanayn midna ma hayno.”
Saytuun ayaa sheegtay in labo qol oo sanad ka hor ay ku caawiyeen qoys ehelkeeda ah loo qabtay inay ka guuraan dhamaadka September. ma awoodaan kirada guryaha deegaanka oo labada qol ay $50 tahay.
Saddex carruur ah oo u dhiganayay iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan ayaa ka waxbarasho la’ tan iyo bishii June, markii ay bixin wayday isku darka $45 oo laga qaadi jiray. Qoyskeeda waxay 2025 uga soo guureen buuraha Calmiskaad dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
Dhanka kale Muumino Shire Nuur oo ka mid ah dadka ay dhibaatadaan saamaysay ayaa sheegtay inay ku adkaatay helitaanka biyo joogta ah tan iyo horraantii bishii August, markaas oo ishii dadka deegaanku ka cabbayeen ay engegtay.
Dhowr liitar oo ay ka hesho dariskeeda ayay beeqaamisaa, maaddaama qoyskeedu ballaaran yahay.
“Oon ayaa ka jira, hal labaatan qaad ayaan u qaybinaa cabitaan iyo cunno hal mar ah mana kala gaarayo. Daruuftaa noogu daran ee aanan ku sii noolaan karin waa taas. Ishii aan cabbi jirnay, markii roob la waayay waa gurtay.”
Muumino ayaa sheegtay inay ka burburtay meherad ay ku iibin jirtay shaah, bur duban iyo bagaash oo ay nolol-maalmeedka uga soo saari jirtay sagaal carruur agoon ah oo keligeed ay korinayso. Wuxuu noqday qayb daymo looga qaatay iyo wax ay reerka ku masruuftay.
Waxaa ka maqan in ka badan $800, halka lagu leeyahay $300. Waxay ku gashay biyaha, arrad-tirka, adeeg ay meherada u soo qaaday iyo waxyaabo kale oo reerku u baahnaa. Dukaamo ay daymo ka qaadan jirtay ayaa buugeeda xiray lacagta oo ku badatay darteed.
Waxay sheegtay in ninkeeda uu sanadkii 2024 u geeriyooday dhiig-karka ay dhaqaatiirtu ku xaqiijisay oo ku sababay in maskaxda dhiig uga furmay. Toddobaad uu koomo ku jiray kadib ayuu ku dhintay isbitaal Hargaysa ku yaalla.
Carruurteedu waxay wajaahayaan cunno xumo badday in 24 saac ay hal mar dabka ku shitaan ugu badnaan hal doollar oo ay ka helaan ehelkooda degan Boosaaso iyo Qardho. Waxaa intaas u dheer waxbarasho la’aan iyo adeeg xumo caafimaad.
Muumino ayaa sheegtay in labo carruurteeda ah ay tan iyo billowgii September ku aragtay shuban iyo matag. Waxay u la’dahay qarash ay daawo ugu gado, deegaankuna ma leh mid bilaash ah. Afar iskuul u dhigan jiray ayaa ka waxbarasho la’, markii ay bxiin waysay $40 bil walba laga qaadi jiray.
Qoyskeeda waxay sanadkii 2020 ka soo guureen miyiga deegaanka Tasjiic, markii abaaro xilligaas jiray ay kaga dhamaadeen 180 ari ah oo noloshooda ku tiirsanayd.
Gobolka Bari oo hodan ku ah kalluumeysiga, fooxa, xoolo iyo ilo bilaash ah oo biyo laga helo, sanooyinkii danbe waxaa saamayay isbeddelka cimilada oo roob yaridu ka mid tahay.
Guddoomiyaha deegaanka Tasjiic Faarax Nuur Cali ayaa sheegay in biyo yaridu saamaysay in ka badan 10 kun oo qof oo isugu jira qaar magaalada degan iyo kuwo ku soo barakacy dagaalka Calmiskaad.
Dadka ku nool ku dhawaad 63 km oo u dhexeeysa deegaanka Tasjiic iyo magaalada Ufeyn ayaa ishaan si bilaash ah uga cabbi jiray, kuwaas oo hadda wajahaya daruufo adag.
“Dadkii dhaqaale xumaa la soo daristay, biyo la’aan iyo macluul ayaa iskugu darsantay. Waxay ku tiirsanaayeen xijiga iyo xoolaha waxaana saameeyay abaaraha iyo dagaallada oo nacfigoodii waa la waayay. Waxaa ugu daran caafimaadka, biyaha iyo cunnada. Dhamaan waxyaabihii aas-aasiga ahaa ayaa ka maqan.”
Wuxuu tilmaamay in Maamulka Puntland iyo hay’adaha samafalka ay gaarsiiyeen xaaladda dadkaan, balse aysan weli wax qabad ka helin. Haddii aan si deg deg ah wax looga baqan wuxuu sheegay in xaaladdu ay sidaan ka sii dari karto.











