Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

Jibril Osman by Jibril Osman
September 7, 2026
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

Nin beeraley oo dhextaagan beertiisa oo biyo la'aan ay hayso/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Beeraleyda deegaannada Mareerey, Jambaluul iyo Shukurow oo dhanka waqooyi bari kaga beegan degmada Afgooye ayaa wajahaya nolol xumo ka dhalatay dalagyo waraab la’aan uga qasaaray.

Farxiya Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegtay in ay ka baaba’een khudaar dhowr nooc ah iyo raashin ay filaysay in ay u soo go’aan billowgii bishaan Agoosto.

Qasaarahaas wuxuu meesha ka saaray ishii kali ahayd ee nolol-maalmeedka ay uga soo saari jirtay carruurteeda oo lagu furay.

Qarash badan ayaa uga baxay abuurka, waraabka iyo falida beerta. Ma awoodo in ay tacab kale galiso, maaddaama welli ay biyo la’aantii jirto ayna gacan maran tahay.

Waxaa baaba’day rajadii ay ka qabtay in ay sii wadato wax soo saarkeeda.

“Biyihiii wabiga waa gureen, ceelalna kuma yaallaan meeshaan. Dalagaas waxaaan beeranay May xilligaan in uu noo bislaado ayay ahayd, laakiin ma suuragalin.”

Faxiya ayaa sheegtay in beertu u ahayd halka meel ee ay ku tiirsanayd nolosha qoyskeeda oo 13 qof ah.

Waxay hadda awoodi la’yihiin in ay joogto u helaan biyo iyo cunno ku filan. dalaga qayb ayay iibsan jirtay qaarna reerkaa isticmaali jireen.

Sida kali ah ee ay hal mar cunno ku helaan waa dayn ay ka soo qaadato dukaamo ay macaamiil la tahay oo mararka qaar looga soo diido, ama in ay u dan sheegato qaraabo ay ugu badnaan ka hesho $1 oo aan wax fiican u goyn qoyskeeda oo badan.

Waxaa ku adkaatay in ay raashin iibsadaan, daymaha in ay bixiso iyo in ay carruurteeda u hesho biyo waxay sheegtay in 20 liitir la iibiyo $0.25, taas oo awoodeeda ka baxsan.

Wax yar oo dariska dhaama ku caawiyaan ayay isku celceliyaan.

“Xaalada jirta darteed waxaan maalinkii wax ka karsanaa hal mar. Wax soo saarka beerta ayaa naga caawin jiray raashinka iyo kharashaadka kale ee carruurta. Dalagii markuu qasaaray waxaan waayay dhaqaalihii aan ku tiirsanayn.”

Faraxiyo ayaa sheegtay in ay ka waxbarasho beeleen 4 carruur ah oo dugsi Qur’aan u dhigan jiray. Waxay 3 bil bixin waysay min $5 oo laga qaadi jiray, taas oo sababtay in la soo eryo horraantii Ogoosto.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in ay waydiimo badan kala kulmayso dad ku leh lacag $500 oo ay ku bixisay dalagyadii ka qasaaray.

Waxaa intaas u wehliya $180 oo raashin, biyo iyo arrad-tir ay carruurta ugu soo qaadanaysay dhowrkii bil ee u danbaysay.

“Rajadii aan lahaa ayaa luntay. Dhibaatooyinka na haysta waxaa ugu daran cunnada, carruurta oo waxbarashadii ka haray iyo lacagtii aan beerta galiyay oo la ii haysto. Waxaan filayay faa’iido aan qoyska ku maareeyo, beerashadana ku sii wado, balse iima suuragalin.”

Farxiya ayaa sheegtay in aysan lahayn xirfad ay ku shaqaysato si ay carruurteeda cunno ugu hesho. Waxay nolosheeda oo dhan ahayd beeraley ahayd. Xaaladaan adag ayay la qabsan la’yihiin.

Biyo yaraanta wabiga ayaa saamayn xoogan ku yeelatay beeralayda ku nool jiinkiisa oo muddo dheer ku tiirsanaa.

Waxay gadan la’yihiin shidaalka qaaliga ah si ay ugu waraabsadaan beeraha, taas oo hoos u dhigtay wax soo saarkoodii.

Maxamed Xasan Cumar oo ka mid ah beeraleyda qasaaruhu gaaray ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in aysan waxba uga badbaadin dalagyo isugu jiraay galey, masago digir, yaanyo, qare iyo khudaar kale oo beertiisa oo 3 hektar ah uu galiyay bishii shanaad ee sanadkaan.

Ninkaan ayaa xusay in uu ku bixiyay dhaqaale badan, isagoo rajaynayay in uu ka heli doono lacag ka badan kharashkii uu geliyay si uu ugu daboolo baahiyaha qoyskiisa iyo daymihii uu galay, balse taasi aysan u hirgalin.

“Waxyaaabihii aan ku tiirsanayn ayaan waynay,ganacsiyo ma lihin. Waxaa iga galay qiyaastii $900 oo aanan waxba ka hayn. Raashin iyo khudaar ayaan beeray waa qallaleen. Awal waa cuni jirnya suuqana waa gaysan jirnay.”

Maxamed ayaa sheegay in qasaarahaan uu dhinac kasta ka saameeyay nolosha qoyskiisa oo ka kooban 16 qof.

Wuxuu xusay in aysan si joogto ah u heli karin cunno ku filan iyo biyo ay isticmaalaan. Waxay biyaha dayn uga soo qaataan ceel gaar ah oo halkii caag la iibiyo $0.25.

Raashin min 20 kiilo oo bur, bariis, sonkor iyo digir ah oo uu soo amaahday horraantii Ogoosto ayay hal mar karsadaan maalinkii si uu waqti dheer u gaar siiyo.

Toddobaatan dollar oo raashinkaas ah iyo $200 oo horay loogu lahaa ayuu mar kasta waydiiyaa mulkiilaha dukaanku, balse ma bixin karo xilligaan.

Maxamed ayaa sheegay in beero ku yaalla deegaanno ka durugsan uu shaqooyin falid ah ka raadiyay, balse uusan waxba ka soo helin.

Wuxuu xusay in xaaladaan ay ku sababtay in maalmaha qaar aan dabka loo shidin carruurtiisa oo yar yar u badan.

“Waxaan awoodi waayay in aan helo biyaha, cuntada iyo waxbaarashada carruurta. Waxaa nagu dhacay dhaqaale xumo waxkasta oo aan ku noolayn meesha ayay ka baxeen.”

Maxamed ayaa sheegay in tan iyo bishii July ay daruus la’aan guriga u joogaan 8 carruur ah Qur’aanka u baranayay.

Wuxuu bixin waayay isku darka $40 oo ah qarashkii uu bisha ka dhiibi jiray. Waxbarasho la’aanta ilmihiisa waxay ku haysaa murug, balse xal uma helayo.

Dhaqaale xumada ku dhacday waxay sidoo kale saamaysay walaashiis dhimirka ka xanuunsan iyo shan carruur ah oo ay dhashay.

Wuxuu xusay in ay nolol xumo wajahayaan, markii uu u awoodi waayay $50 iyo raashin uu bishii siin jiray. Waxay hadda ku tiirsan yihiin dawarsi.

Qoyskiisu waxay waligood deganaayeen deegaanka Shukurow ee gobolka Shabeelaha hoose. Beerta oo aabbihiis uu ka dhaxlay ayay ku tiirsanaayeen in ka badan 20 sano, balse qasarahaan ayaa jahwareer galiyay hab nololeedkoodii.

Gudoomiyaha iskaashatada beeralayda Dan-wadaag oo dadkaan ay ka tirsan yihiin Cabdi Maxamed Cabdullaahi ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhibaatadaan ay muujinayso baahida loo qabo in si wadajir ah wax looga qabto biyo la’aanta iyo dayaca kanaallada waraabka.

“Arimahaas dartood waxaaa yaraaday faa’iidooyinkii laga heli jiray wax soo saarka.  Iskaashato ahaan waxaan raadinayna xal waraab joogto ah lagu heli karo.”

Cabdi ayaa sheegay in caqabadda waraabku waqti dheer soo jirtay, balse ay hadda gaartay heerkii ugu xumaa.

Biyaha wabiga oo yaraaday, kannaallada oo muddo dheer aan la dayac-tirin iyo dhaqaale yari beeralayda isku raacday ayuu xusay in ay xaalada sii adkaysay.

Previous Post

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo