(ERGO) – Cunto yari, hoy xumo iyo dhaqaale darro saameysay ayay wajahayaan boqollaal qoys oo toddobadii bishan dhibane u noqday roob dabeylo watay oo ku dhuftay deegaanka Ceel-gaal oo hoos taga degmada Qandala ee gobolka Bari.
Qoysaskan ayaa ah kuwo ay ku adag tahay in maalinkii ay helaan hal waqti oo cunto ah. Waa musiibo aan laga sii baaraan dagin oo ay ku naf waayeen dad iyo duunyo, isla markaana dumisay bollaal guri.
Waxaa lagu waayay ilihii dhaqaale oo ay ku tiirsanaayeen qoysas danyar ah oo ay ku adag tahay inay ka soo kabtaan saameynta taban ee ay ku reebtay. Cabdimudalib Axmed Maxamed, waa 18 jir ay mustaqbal ka sugayaan siddeed walaalo ah oo ka yar.
Qoyska waxaa u shaqeyn jiray isaga iyo hooyadiis oo geeriyootay, markii uu ku dumay gurigii ay degganaayeen. Wuxuu tilmaamay in hadda aysan laheyn ildhaqaale, ayna ku tiirsan yihiin kaalmo yar oo baahidooda aan dabuuli karin oo uga timaada dadka dariskooda ah.
“Garab la’aan ayaa nagu dhacday. Waxaan hadda isku maareynaa waxay noo keenaan dadka na dhaama ee nagu hareereysan, iyaguna wax badan oo la sheego nooma ay keenin.”
Cabdimudalib ayaa sheegay inay ku nool yihiin aqal cooshad ah oo dantu bidday, markii uu ka dumay hoygoodii oo ka koobnaa labo qol. Wuxuu xusay inaysan hadda heli karin dhaqaale dib loogu dhiso.
Qoyska ayaa ku tiirsanaa goob ganacsi oo lagu gado dhuxusha iyo hilibka cayriin, isaga iyo hooyadiis ayaana wadajir uga shaqeyn jiray. Dhaqaalaha maalinkii ka soo gali jiray oo uu sheegay inuu ahaa $7 illaa $10 ayay ku tiirsaneyd noloshoodu.
Waa da’yar la’ meel uu wax ka billaabo, ayna garabkiisa ka baxday hooyadiis, aabbahiina yahay 85 jir aan shaqeyn karin.
“Awood iyo itaal lama hayo wax Ilaahay keeni doono maahee, waxaa carruurta haya caluul xanuun, waana wax u badan carruurta iyo waayeelka oo magaalada ka jira. Meeshu caafimaad malahan, mana la awoodo in meel kale aan u tagno.”
Cabdimudalib ayaa tilmaamay in dhaqaale la’aan uu uga haray waxbarashada dugsiga dhexe, sanadkii 2023, haddana ay xaaladaas oo kale wajahayaan walaalihiis oo dhigan jiray iskuulka hoose iyo dhexe ee Cumar binu-cabdi casiis ee deegaanka Ceel-gaal, kaas oo ku dumay dabeylaha roobka.
Waa iskuulka kaliya ee deegaanku lahaa, waxaana dhiganayay 300 oo arday. Ma jirto cid ku howlan dhisamahiisa, sida uu sheegay maamulka deegaanka.
Cabdimudalib ayaa sheegay in haddii dib loo dhiso ay wali hor taallo caqabad dhanka dhaqaalaha ah, maadaama aysan awoodin bixinta boqol Doollar oo bishii ay wax ku baran jireen afar walaalihiis ah oo iskuulka dhigan jiray.
Saameynta ka dhalatay roobka dabeylaha watay ma ah mid ku kooban magaalada ee waxay taabatay xoolo dhaqatada iyo dadka ku tiirsanaa xabagta geedka xijigga.
Maxamuud Maxamed Cabdikariim oo ka mid ah dadka ay saameeysay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dabeyshu wax yeeleysay ilihii dhaqaale ee qoyskiisu ku tiirsanaa oo ahaa xoolo iyo xabagta xijigga.
Qoyskiisa oo ku nool miyiga ku dhow deegaanka Ceelgaal ayuu xusay in sidoo kale ay dabeyshu ka dumisay hoygii ay ku noolaayeen.
“Tuuladan wax walba waa qaali oo labolaab ah ayay ka sareeyaan qiimaha ay ka joogaan Boosaaso. Waa tuulo ku taal meel fog oo gaariga ka soo baxa Boosaaso wuxuu jidka ku jiraa labo habeen. Galab hadduu ka soo baxo, habeenka dambe ayuu tagaa.”
Maxamuud ayaa tilmaamay in musiibadan ay uga dhinteen 20 ari ah, sidoo kalana ay dabeyshu ka goysay geedaha xijigga oo xabagtooda uu sheegay inuu ka heli jiray sanadkii ku dhowaad kun Doollar.
Ninkan oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa intaas ku daray in dabeyshu ka dumisay guri deegaanka uu ku lahaa oo bishii uu ka qaadan jiray kiro $25 ah.
Maareynta nolosha reerka oo uusan ka warwari jirin ayuu sheegay in hadda ay tahay caqabad uu xalkeedu ku adag yahay. Xaaladan ayuu xusay in qoyskiisa ay dhaxal siisay cunno yari.
“Xoolaha iyo maydiga ayaan ku tiirsaneyn, xoolihiina dee dabeyl iyo abaartaas ayaa ku dhacday. Haddii wax naloo heli karo, miyi iyo magaalada nalooga soo gurman karo waan u baahanahay.”
Maxamuud ayaa tilmaamay in roobka dabeylaha watay da’ayay lix saacadood uu ahaa mid aysan fileyn, xilliga oo jiilaal ah awgeed.
Wuxuu intaas ku daray inaysan soo gaarin digniinaha la xiriira El Nino oo ah roobab dabeyl wata oo saadaashu sheegeyso inay Soomaaliya ka da’ayaan bisha tobnaad ee October illaa dhammaadka sanadkan.
Dhanka kale maamulka deegaanka Ceelgaal ee gobolka Bari ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska dhibaatadu gaartay ay wajahayaan xaalad hubanti la’aan ah oo ay adag tahay inay ka soo kabtaan.
Shire Cabdullaahi Siciid oo ah guddoomiye ku xigeen ayaa xusay in maamul ahaan aysan hayn waxay ku taageeraan qoysaska dhibban.
Shire ayaa tilmaamay in roobka dabeylaha wata ay ku dhinteen saddex qof, xoolo gaaraya saddex boqol, ayna ku ku dumeen 150 guri.
Qiimeyn ay sameeyeen ayuu xusay inay ku ogaadeen in saameyntu ay gaartay saddex boqol iyo konton qoys oo iskugu jira dadka ku nool deegaanka Ceelgaal iyo miyiga ku xeeran, kuwaas oo lumiyay ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen oo ahaa xoolo, beero iyo mehrado ganacsi.
“Dadkii hadda waxay noqdeen isku duruuf oo wax badan isma dhaamaan. Dhulka qaar xataa hadda biyo ayaa laga dhaamiyaa oo ma gaarin roobka noo da’ay. Dhibaatooyinka noocaas ah oo awood aan loo hayn ayaa jira.”
Wuxuu intaas ku daray in musiibadan ay ku soo beegantay xilli adag oo aysan xoolo dhaqatadu ka soo kaban abaaro iyo jiilaal nacfi tiray xoolaha.










