(ERGO) – Cudurro ka laynaya geela, ari-cadka iyo idaha ayay maaro u la’yihiin xoolo dhaqato ku nool deegaannada Xodayga, Ballicad iyo Jaleel oo hoos taga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Xaaladdan oo saamayn nololeed ku yeelatay ayaa haysay tan iyo bishii May. Maxamed Aadan Dhoore oo ku nool deegaanka Xodayga wuxuu sheegay in ay ka dhinteen 50 neef oo geel iyo ari isugu jira.
Waxaa ka xanuunsan oo uusan rajo badan ka qabin soo bogsashadooda 18 neef oo ka mid ah 37 uga haray xoolihiisa.
Wuxuu xusay in ay u wehliyaan daaq la’aan iyo biyo yari xaaladda ku sii adkeeyay. Saddex xilli oo aysan roobabwanaagsan helin ayaa sababay inay nacfi beelaan.
Ishiisii ugu muhiimsanayd ee dhaqaale oo meesha ka baxday ayaa cunno xumo, biyo yari iyo baahiyo kale u horseeday qoyskiisa.
“Xoolihii lagu tiirsanaa waa weynay, gadashadii iyo wax soo saarkii aan ka heli jirnay ma jiro oo nacfigoodii wuu xumaaday, reerkii 3 waqti wax karsan jiray hal mar ayuu ku soo koobmay. Cashada ayaa lagu soo aruuray. Maalinkii qado iyo quraac midna ma leh, daruufuhu aad bay u adag yihiin.”
Maxamed ayaa sheegay in qoyskiisa oo 14 qof ah ay hal mar dabka ku shitaan kaalmo aan joogto ahayn oo ay ku caawiyaan ehehlkooda degan magaalada Caabudwaaq.
Haddii aysan waxba ka helin wuxuu xusay in ay qatooyo ku joogaan, maaddaama aysan doorasho kale haysan.
Ninkaan ayaa tilmaamay in dukaamo uu dayn ka qaadan jiray ay buugiisa xireen dhamaadkii bishii Juun.
Waxaa lagu yeeshay in ka badan $700 oo uusan hayn qaab uu ku bixiyo, balse joogto loo waydiiyo. Horraan wuxuu iska bixin jiray, marka ay xooluhu u doogsadaan.
Roob yarida iyo cudurrada xoolaha ayaa isku raacay mana jirto meel kale oo dhaqaale uu ka soo galo, taas oo quus galisay.
Calaamadaha arigiisa ka muuqda wuxuu ku sheegay jadeeco madow iyo sambab, balse ma jiro dhaqtar u xaqiijiyay, halka cudurka geela ku dhacay uusan aqoon.
“Neefka waa madoobaanayaa. Feeraha ayaa laga ahyaa. Arigu aad buu iskaga baqtiyaa muddo yar, geeluna wuu qandhanayaa wuu iska fariisanayaa, si kasta oo aan ogos ugu durnay wax isbeddel ah wuu yeelan waayay, madaaqayo wuu fariisanyo qaarka hore ayaa laga hayaa.”
Maxamed ayaa sheegay in billowgii uu xoolihiisa ku duray daawooyin uu soo dayntay. Wax isbeddel ah markii uu ka waayay lacagtiina ku badatay ayuu ka joojiyay.
Wuxuu tilmaamay in aysan tuulada joogin dhaqaatiirta, uusanna awoodin in uu meel kale uga keeno.
Hal geeliisa ka irmaanayd oo carruurta uu cadays uga heli jiray ayaa ka dhimatay dhamaadkii May muddo ay xanuunsanayd kadib.
Nirig ka hartay ayuu xusay in ay bil kadib dhimatay. Cudurrada, dhaqaale xumada iyo daruufta qoyska ayaa rajo beel galiyay.
Ninkaan oo in ka badan 30 sano xoolo dhaqato ku ahaa miyiga gobolka Galgaduud ayaa sheegay in aysan waligood la kulmin xaaladaan oo kale. Ma leh xirfad uu magaalo uga shaqaysto xoolihiina way dhaafeen.
“Baahidu siyaado weeye. Barakac in aan noqono ayaan ka baqaynaa. Barakaca waxaa keenaya duruufta na haysata oo dadkii kuma noolaan karo waa nagu adag tahay. Geel iyo ari ayaan dhaqan jirnay labadiina waa na dhaafeen. Noloshu aad bay u xumaatay.”
Maxamed ayaa sheegay in ay dhibaato ku qabaan helitaanka biyaha. Waxay 24 saac isku celceliyaan 20 liitar oo ay ka soo dayntaan ceel gaar loo leeyahay oo u jira qiyaastii 3 km. Kuma filna, balse xal kale ma haystaan. Dusha ayuu ku soo qaadaa, maaddaama uusan gaadiid lahayn.
Qoyskiisa oo muddo dheer ka mid ahaa reer guuraaga gobolka Galgaduud ayuu sheegay in ay culaysyada isku biirsaday la qabsan la’yihiin.
Dhanka kale Cabdirisaaq Shaaciye Aadan oo ku nool deegaanka Jaleel oo qiyaastii 15 km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Caabudwaaq ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in cudurka kaga dhacay xoolaha uu sababay in ay daruufo adag wajahayaan qoyskiisa oo 11 qof ah.
Waxay ku tiirsan yihiin kiilooyin raashin ah oo uu ka soo bixiyo $3 illaa $5 oo toddobaadkii uu ka helo shaqo dhagax jabin ah oo si dhib ah uu ku helo.
Maalmaha uu waayo wuxuu tilmaamay in ay gaajo ku joogaan carruurtiisa oo 3 jir uu ugu yar yahay.
“Saddexda waqti mar ama labo ayaa wax la cunaa. Suuq neef la gaysan karo ma jiro, hilib kama helaysid, caano ma lahan. Neefkii rimanaa wuu baqtiyay ama ilmihii ayuu soo tuuray. Xooluhu naq ay ku irmaanaadaan ma helin. Nacfigoodii iyo iyagii waa israaceen, waxa joogaana rajo ma leh.”
Cabdirisaaq ayaa sheegay in 300 neef oo geel iyo ari isugu jira oo noloshoodu ay ku tiirsanayd ay uga hartay 46 aan cad, caano iyo suuq gayn midna lahayn.
Qaar ayaa jiran, halka ay joogto ugu baahan yihiin quudin iyo waraabin uusan u awoodin qarash uu uga bixiyo.
Wuxuu qoyskiisa u awoodi layahay biyo halkii fuusto la iibiyo $8, taas oo caqabad kale ku ah. Waxay maalinkii dhowr liitar ka soo baryaan dadka dhaama.
Cabdirisaaq ayaa xusay in labadii bil ee ugu danbaysay ay ka xanuunsadeen 3 carruurtiisa ka mid ah. Dhqaale xumada ayaa ka hor taagan in uu baaritaan iyo daawo u helo.
Wuxuu aaminsan yahay in gaajada, haraadka yo daruufaha kale ay ka qaadeen nafaqo xumo.
“Ilmuhu waa shumayaan sacadaan aan kula hadlayo waa jirran yihiin. Carruur noogama dhiman, laakiin aad ayay u dhibaataysan yihiin oo tabar darro ayaa haysa. Waxaa u dheer qandho ku soo noqnoqonaysa kuwa u dhexeeya hal sano illaa 12 jir. Wax aan kula tacaalo uma hayo. Daawo uma raadin karo, wax aan gaari ku saaro waan u waayay.”
Cabdirisaaq ayaa xusay in xaaladahan isku biirsaday ay uga waxbarasho beeleen labo carruur ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray tuulada.
Bishii June ayaa la soo eryay, markii uusan labo bil bixin min $3 oo qofkiiba uu ka dhiibi jiray.
Qur’aanka oo gabo gabo u marayay ayuu ka cabsi qabo in uu ka lumo. Wuxuu sheegay inuusan hayn fursad uu ugu aqriyo, maaddama wax ay cunaan uu raadinayo.
Qoyskiisa oo noloshooda oo dhan miyiga ku qaatay ayuu sheegay in ay la qabsan la’yihiin xaaladaan adag.
Gallad Maxamed Ibraaahim oo bartay xanaanada xoolaha oo aan la wadaagnay calaamadaha ay dadkaan ku arkeen xoolahooda ayaa sheegay in ay noqon karaan sambab, jadeeco, sumow iyo xajiin.
Isbeddelka cimilka, isku guurka reer miyiga iyo daruufo ka dhashay daaq xumada ayuu xusay inay keeni karaan.
“Xoolaha waa in ay biyo nadiif ah siiyaan, quudin ku filan, cunno nafaqo ay ka helayaan, neefkii jirrana laga dhex saaro. Haddii ay ku arkaan qufac, dhareer ama neef-qabatin in ay isticmaalaan daawooyinka antibiyootiga iyo ogsada ayaan kula talinayaa, xoolahooda in ay xilli hore talaalaan iyo in ay dhaqaatiir la xariiraan marka ay calaamadaha ku arkaan.”
Gallad ayaa ku taliyay inay iskaashadaan reer guuraagu si ay wadajir daawayn ugu helaan xoolahooda, sidoo kalena loo baahan yahay kaalinta dowlada iyo cid kasta oo xilligaan adag garab u noqon karta dadkaan oo saamaynta cudurada ka dhashay ay nolol xumo u horseeday.
Cudurrada xoolaha, abaaraha iyo saamaynta isbeddellada cimiladu keento waxay ka mid yihiin caqabado waa weyn oo sanadihii danbe ay wajahayaan xoolo dhaqatadu. Waxaa ku adkaata xal u helida dhibaatooyinkaan, maaddaama aysan hayn aqoon iyo dhaqaale midna.









