(ERGO) – In ka badan labo boqol oo qoys oo ku nool magaalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa ka soo kabtay nolol xumo markii ay ganacsiyo yaryar ka furteen xaafaddooda saddexdii bil ee la soo dhaafay. Arrintaas ayaa u suuragashay markii waddo jay ah la saaray xaafadda Galbeed oo ay ku nool yihiin.
Qoysaskan oo ahaa danyar ayaa markii waddada la dhisay xaafaddooda ka furtay ganacsiyo, taas oo u horseeday isbeddel nololeed. Faadumo Maxamuud Shire waxay qol ka mid ah guri labo qol ah oo ay deganaayeen ka furatay dukaan ay ku iibiso raashinka, dharka dumarka iyo bagaash.
Waxay xustay in fikraddan ay ku dhalatay markii gurigeedu uu noqday kan ugu horreeya ee ku yaalla waddada, ayna aragtay ganacsiyada sida xooggan ugu soo batay hareeraha jidka. Waxay xustay in ganacsigeeda cusub ay maalintii ka hesho ugu yaraan $8 oo faa’iido ah, taas oo nolol wanaagsan u horseedday.
“Nolosheenu waa heerka u sareeyay, weligay meeshan ma filanayn, nolol xumadii waan ka baxnay, waa ii shaqeeya ganacsigii, faa’iido xoog leh ayaan ka helaa maalin kasta. Waddadaan annagoo mugdi ku jirna ayay na iftiimisay.”
Faadumo, oo keligeed korisa lix carruur agoon ah, ayaa sheegtay in ka hor ganacsiga ay ku tiirsanaayeen taageero yar oo ay siin jireen dad ay ehel yihiin, taas oo aan ku filnayn. Waxay xustay in maalmaha qaar ay waayi jirtay wax ay dabka u saarto.
Ganacsigeeda oo ay furtay horraantii May ayay sheegtay inuu yeeshay macaamiil, taas oo keentay inuu koro si xawli ah muddo kooban. Waxay tilmaantay in marba marka ka dambaysa uu sii korayo ganacsiga xaafadda oo ay qayb ka tahay, taas oo sare u qaadda halgankeeda.
Waxay xustay in dukaankeeda ay ku maalgelisay lacag ay bangi dayn uga qaadatay, iyadoo gurigeeda rahan u dhigatay si lacagtaas loogu siiyo, haddii ay celin wayso. Go’aankaas oo ay u qaadatay si geesinimo leh ayaa u horseeday hadafkii ay ku taamaysay.
“Lacagtaa anniga oo aan shilling haysanin ayaa la ii siiyay. $500 ayay ahayd, iyadaan ku bilaabay, dhamaana waan iska celiyay. Lacagtaa markaas aan helay ganacsigu wuu ii ballaartay, waana sii fidiyay oo sii gallay. Wax weyn bay ii tartay xaqiiqdii.”
Faadumo ayaa sheegtay in ganacsigeedu uu hadda ku kacayo qiimo ay ku qiyaastay $2,000, taas oo ah faa’iido aad u xooggan marka loo eego muddada uu shaqaynayay. Waxay xustay inay qorshaynayso inay sii ballaariso.
Dhanka kale, haweenaydan waxay sheegtay in guulaha ay ka gaartay ganacsiga ay u dheertahay inay waxbarasho ku dartay saddex ka mid ah carruurteeda, kuwaas oo horay ay u gayn waysay dhaqaale xumada darteed. Waxay bishii ka dhiibtaa $30, taas oo aan culays ku hayn.
Arrintaas waa mid ay kala siman yihiin dhammaan dadka ganacsiyada samaystay oo si isku mid ah u hantay faa’iido wax ku ool ah. Xaafaddan oo awal ahayd meel isku raran ah oo ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ayaa isku beddeshay suuqa ugu weyn ee magaalada ku yaalla.
Dadkii horay u deganaa ayaa fursaddaas si isku mid ah uga faa’iidaystay, iyada oo qof kasta uu gurigiisa u beddelay goob ganacsi. Kaltuun Cumar Xasan waxay balbalo ay bagaash iyo shaah ku iibiso ka samaysatay guri ay leeyihiin dad ay qaraabo yihiin hortiisa.
Haweenaydan oo kaligeed korsata 10 carruur ah oo lagu furay oo aan lagu daryeelin ayaa sheegtay in muddo labo bil iyo bar ah ay ganacsiga waddo. Waxay ka soo kabteen nolol xumo ay wajahayeen oo ay ugu horraysay cunno xumo.
“Markii aan waddadan jirin iyo maanta ganacsigu waa kala duwan yahay noloshuna waa kala duwan tahay. Waxa ugu yar waxa waaye gawaarida waddada maraysa biyaha iyo cuntada ayay xitaa iga sii gataan oo wax badan ayay nagu soo kordhisay.”
Qoyska Kaltuun ayaa labo sano ka hor ka soo barakacay miyiga magaalada Baran oo ay deganaayeen, markii daaq xumo ka dhalatay roob yari ay ku dhaafeen 140 ari ah oo ay dhaqanayeen. Waxay ilmaheeda ku masruufaysay wax ay ku caawiyaan dadka magaalada oo ay ku dhex wareegaysay, iyada oo dulsaar ku ahayd qoys ay qaraabo yihiin oo siiyay hal qol.
Noloshaas adkayd ayay sheegtay inay hadda ka saartay ilmaheeda, iyada oo u kiraysay labo qol oo ay bishii ka dhiibto $30. Waxay sidoo kale qorshaynaysaa inay hesho guri ay iyadu leedahay, waxayna maalin kasta meel dhigtaa in ka mid ah lacagta ay hesho si ay uga dhabayso hamigeeda.
Kaltuun inay maaraysay nolosha qoyskeeda waxa u dheer inay bishii Juun waxbarasho ku dartay afar ka mid ah carruurteeda, kuwaas oo ay bishii ka bixiso $40. Maaddaama uu hana qaaday ganacsigeeda, waxay sheegtay inay naawilayso inay kuwa kalena gayso bilaha soo aaddan.
“Walaal Carruurta iskuul iyo dugsi ayay ii dhigtaan. Aniga waxaan u ordayaa in aan ilmahayga caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo cuntadooda aan keeno waana helaa Alxamdullilaah wax kasta oo aan u baahdo. Miyiga aniga iyo carruurtaba waan ka raysannay.”
Kaltuun ayaa sheegtay in ganacsigeedu uu haysto macaamiil badan maaddaama ay ka mid tahay ganacsatadii ugu horraysay ee maqaaxi ka furta waddada. Waxay ku beegantay xilli ay magaalada u soo guurayaan dadka ka soo xagaa-baxaya magaalada Boosaaso.
Waxay sheegtay in hadda ay iska celisay $800 oo ay ganacsiga ku billowday, taas oo ay daymiyeen dad qaraabo ah. Waxay xustay in hadda ay doonayso inay sii ballaariso maqaaxida oo ay kiraysato goob weyn oo ku filan, maaddaama macaamiisheedu ay sii kordhayaan.
Haweenaydan oo ah 40 jir nolosheeda oo dhan ku soo qaadatay miyiga ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inuu guul gaaray ganacsigeedii ugu horreeyay. Waxay aaminsan tahay hadda inay maamuli karto dhaqaale intaas ka badan maaddaama ay faham fiican heshay.
Waxay sheegtay in ganacsigeeda cusub uu hadda ka wax-soo-saar badan yahay xoolihii ay dhaqanayeen, oo waayadii dambe ay curyaamiyeen abaaraha soo laalaabtay. Waxay xustay in haddii ay ganacsiga sii waddo ay aaminsan tahay inay gaari karto heer aad uga sarreeya halka ay maanta joogto.
Fursadda ay heleen dadkan danyarta ah, oo aan markii hore ganacsiyo ka hirgelin karin magaalada ayaa timid markii la hirgeliyay waddadan oo ay maalgelisay Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Sanduuqa Somalia Stability Fund iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Waddooyinka Puntland.
Ujeeddada barnaamijkan ayaa ah in la ballaariyo isku socodka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha deegaannada soo koraya, sida uu sheegay Maxamed Muuse Cali oo dawlada hoose ee degmada Baran u xilsaartay barnaamijkan.
Dadka ku nool xaafadaan oo markii hore ahaa danyar aan dabka si joogto ah u shidan karin ayaa muddo kooban ku gaaray heer aad uga wanaagsan noloshii hore taas oo muujisay muhiimadda ay leeyihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay jidadku ka midka yihiin.










