(ERGO) – Laba boqol oo carruur ah ayaa ka soo kabanaya xaalado nafaqo-darro ah, markii hay’adda maxalliga ah ee Trevesom ay u bilowday nafaqeyn bilaash ah.
Carruurtan ayaa inta badan ka soo jeeda qoysas danyar ah oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Muqdisho. Barnaamijkan oo magaciisu yahay (NUTHUP) waa mid lagu fulinayo dhaqaale laga soo aruuriyay ganacsato Soomaaliyeed.
Cuntada nafaqada leh oo lagu farsameeyay dalka ayaa ka sameysan lows, sisinta oo laga helo dufanka caafimaadka leh, digir, galley iyo qamadi oo la isku daray, taas oo hay’addu sheegtay in carruurtu ka helayaan tamar badan, borotiin iyo nafaqooyin muhiimka u ah korriimada iyo caafimaadka carruurta.
Tan iyo bishii Feberaayo oo barnaamijkan uu socdo waxaa ilmo kasta loo qoondeeyay bishii 3 illaa 6 kiilo garaam. Qoysaska la diiwaan-galiyay ayaa qoondadooda ay hay’addu ugu keentaa xerada ay deggan yihihiin.
Maryan Xasan Cali oo ka mid ah danyarta ka faa’iidaystay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in saddex carruur ah oo loogu daray barnaamijka nafaqeynta uu miisaankoodu kordhay, ayna uga soo kabteen tabar yari iyo duruufo nololeed ee ay wajahayeen.
Waxay xustay in labo waqti ay maalin kasta siineysay carruurta cuntada nafaqeysan oo loo billaabay 15 bishii Feberaayo.
“Carruurta hadda isbeddel weyn ayaan ka dareemayaa tan iyo markii aan u bilaabay nafaqada la siiyay. Intii ay nafaqo la’aantu haysay dhibaato weyn ayaan isku qabnay, laakiin hadda cuntada way ii cunayaan, muuqaal koodiina wuu soo laabtay.”
Maryan iyo qoyskeeda ayaa bishii Oktoobar 2025 ka soo barakacay baadiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib dagaal qabiil halkaas ka dhacay.
Colaadaas ayay tilmaantay inuu ku dhintay seygeedii. Xaaladaas ayaa keentay in kaligeed ay masuul ka noqoto korinta iyo daryeelka siddeed carruur ah oo ay dhashay. Noloshooda ayaa ku tiirsanayd dukaan yar oo bagaash ah oo uga burburay dagaalka.
Hadda waxay ku nooshahay xerada Barwaaqo ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. Nolosha qoyska ayay ku dabartaa shaqo dhar-dhaqid ah. Ma aha mid joogto ah, waxayna ka heshaa maalinkii lacag ka yar afar Doollar, sida ay xustay.
“Hal waqti ayaan dhib ku helnaa cuntada, laba waqti way ku sii fiicnaan lahayd carruurteyda laakiin ma awoodno. Nafaqada carruurta lama joojin karo, wixii aan maalintaas helo ayaan ku dabarnaa.”
Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay in carruurteeda la baaray inta aan loo billaabin quudinta, lagana helay dhammaan calaamadaha nafaqo darrada oo ah miisaankooda oo yar, daal iyo tabar darro iyo cunto qaadasho la’aan.
Sida bahda caafimaadku sheegeen waa calaamado ka dhasha cunto yari iyo isku dheeli-tir la’aanta cuntada, fuuq bax iyo cuduro soo noqnoqda.
Maryan ayaa xustay in helitaanka cuntadu ay mar kasta ku adkeyd inta ay barakaca tahay. Xaaladaas ayay sheegtay inay sababtay in deymo looga leeyahay farmashiyo ay daawo ka qaadatay xilligii carruurteedu ay la ildarnaayeen nafaqo-darrada.
“Deyn dhan $370 ayaa la igu leeyahay. Maalin kasta waa la ii yimaadaa iyadoo la iga dalbanayo lacagtaas, balse ma aqaano meel aan ka bixiyo.”
Xerada Barwaaqo ee degmada Dayniile waxaa ku nool 400 qoys oo ay ka burbureen ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen, kuwaas oo wajahaya cunno yari iyo duruufo nololeed oo adag.
Asli Maxamuud Yuusuf ayaa ka mid ah hooyooyinka kale ee ka faa’iideystay barnaamijka nafaqo celinta. Xaalad amni xumo ayay uga soo barakacday bishii Juun ee sanadkii 2025 deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Asli oo ah hooyada toddobo carruur ah ayaa hadda nolosheeda ku maareysa shaqada dhar-dhaqidda oo ay ka qabato xaafadaha ku dhow xerada ay deggan tahay ee Barwaaqo.
Dakhli gaaraya illaa saddex Doollar ayay ka heshaa shaqadaas oo aan joogto aheyn oo toddobaadkii ay qabato labo illaa saddex beri.
Qoyskeedu waxay hore ugu tiirsanaayeen beer hal hektar ah oo ku taalla Yaaqbariweyne, halkaas oo ay ka soo saari jireen noocyo kala duwan oo khudaar ah oo ay ku noolaayeen. Colaadda ayaa ku qasabtay inay ka cararaan deegaanka.
Hadda waxay carruurteeda kula nooshahay aqal cooshad ka sameysan. Qaar ka mid ah carruurteeda ayaa tan iyo bishii Feberaayo ee sanadkan ka faa’iideysanaya nafaqada ay bixiso Trevesom Organization, xilli ay la daalaa dhacayeen nafaqo-darro iyo dhibaatooyin caafimaad oo la xiriiray cunno yari.
“Afar carruur ah ayaan siiyay nafaqada, wax badan ayaan ka dareemay isbeddelkooda. Sida ay ii farayeen ayaan u siin jiray, waxaana hadda muuqata in xaaladdoodu ay si weyn isu beddeshay.”
Kaalmadan ayay xustay inay tahay tii ugu horeysay ee qoyskeedu uu bilooyin u helo si joogto ah. War uma hayn in la caawin doono, balse waxay ka mid noqotay qoysas markii la xaal wareystay lagu daray liiska dadka nugul.
Dr. Shaafici Maxamed Khariibka oo ka tirsan maamulka hay’adda ayaa sheegay in barnaamijka NUTHUP uu ka dhashay baahida sii kordheysa ee dhinaca nafaqada, gaar ahaan xilli ay yaraadeen adeegyadii ay hore u bixin jireen hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah.
Wuxuu sheegay in hay’addu ay dooratay in xal waara laga dhex abuuro gudaha dalka, iyadoo la adeegsanayo agab laga heli karo Soomaaliya si loo yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda.
Muddo toddobo bilood ah ayuu sheegay in barnaamijku ku guuleystay inuu nafaqo joogta ah siiyo 200 oo carruur ah, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda qoysas danyar ah oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu tilmaamay in kharashaadka barnaamijka ay ka taageereen ganacsato Soomaaliyeed, hay’aduna ay isku darto nafaqooyinkan, iyadoo kaashaneysa xirfadlayaal aqoon u leh oo ka tirsan.
Wuxuu xusay in mashruucu aanu ku koobnayn oo keliya qaybinta nafaqada, balse sidoo kale si joogto ah loola socdo xaaladda carruurta si loo qiimeeyo isbeddelka caafimaadkooda iyo heerka ay uga soo kabanayaan nafaqo-darrada.
“Waxaan aragnay carruur badan oo markii hore miisaankoodu hooseeyay, tabar-darnaana ay ka muuqatay, balse kadib markii ay heleen nafaqadan ay bilaabeen inay si wanaagsan wax u cunaan, miisaankooduna kordho, firfircoonidooduna soo noqoto. Taasi waxay noo muujinaysaa in xalalka gudaha laga hirgeliyo ay door weyn ka ciyaari karaan wax ka qabashada nafaqo-darrada.”
Dr. Shaafici ayaa sheegay inay qorsheynayaan in bilaha ka haray sanadkan ay quudin u billaabaan carruur kale oo ka badan 200 oo oo wajahaya cunno yari iyo nafaqo darro heerkeedu sareeyo.
Barnaamijka Nafaqo-Celinta Carruurta ee ay hirgelisay Trevesom ayaa tusaale u noqday sida xalalka gudaha lagu abuuro ay uga qayb qaadan karaan wax ka qabashada nafaqo-darrada.
Warbixin ay sanadkan hay’aduhu ka soo saareen Soomaaliya ayaa sheegeysa inay nafaqo darro wajahayaan in ka badan hal milyan iyo siddeed boqol oo kun oo carruur ah.










