(ERGO) – Nolol-xumo aad u liidata ayaa soo foodsaartay boqollaal qoys oo xoolodhaqato ah oo ku nool deegaanka Dajimaale ee gobolka Mudug, markii saddex sano oo roob la’aan ah isku raacday ay sababatay inay nacfi beelaan xoolahooda ayna guraan ceelgacmeedyo ay ku tiirsanaayeen.
Waxaa deegaanka iskaga guuray intii badnayd dadkii deganaa halka ay ku hareen dad lagu qiyaasay in ka badan boqol qoys oo u badan dad nugul oo aan guuri karin. Waxaa ka mid ah Qoyska Busuri Cabdiqaadir Axmed oo toban qof ah ayna ku jiraan dad waayeel ah.
Wuxuu tilmaamay inay ku adag tahay inuu cunno iyo biyo ku filan u helo qoyskiisa. Xaaladdaas ayuu sheegay inay qabsatay markii uu wada dhaafay tiro ari ah oo ay dhaqanayeen oo ahaa waxa keliya ee ay ku tiirsanaayeen.
“Walaalow dhibaataan ku jirnaa abaar baa na saamaysay biyo ma leh, cunto fiican ma leh, caafimaad ma leh. Duunyada wixii haray abaar baa leeftay waa soo dhamaadeen. Dhibaatada jirta waqti wax lagu cuno iyo kalsooni wax lagu cuno midna ma leh.”
Busuri wuuxu sheegay in hadda qoyskiisu ay ku tiirsan yihiin raashin min shan kiilo oo burbariis iyo sonkor ah oo ay horraantii bishii June ku caawiyeen qoysas ay qaraabo yihiin oo ku nool kuwaas oo ka war helay xaaladdooda. Si ay u beeqaamiyaan ayuu xusay inay hal waqti karsadaan.
Waxaa intaas u dheer biyo yari. Wuxuu xusay inay iibsan waayeen biyo laga keeno deegaanno ka durugsan oo halkii fuusto la siiyo $6. In ay biyuhu qaali noqdaan ayuu sheegay inay sabab u tahay waddo xumo deegaanka ka jirta oo dhibaato ku ah booyadaha, taas oo ku qasabtay inay qiimaha kordhiyaan ilaa ay gaartay heer la gadan waayay.
Wuxuu xusay in hadda ay ku qasbanaaden dhamaan dadka deegaanka inay dhurtaan ceelasha ku yaalla deegaanka oo 24 saacba soo saara ugu badnaan shan fuusto oo biyo ah taas oo aan wada deeqin. Wuxuu xusay in subaxdii uu galo fayl si uu u helo hal jirgaan, balse mararka qaar uu soo laabto isaga oo gacan maran.
Dhan ka kale wuxuu sheegay in saddex ka mid ah carruurtiisa ay muddo todobaad ah la jiifaan shuban iyo qandho. Wuxuu u sababaynayaa in cudurka ay sababeen biyaha ay isticmaalaan ee ceelka oo aan nadiif ahayn.
“Hadda waxaa ka dilaacday cuduro ah bakteria. Hadda aniga waa iga xanuunsan yihiin shuban baa ku dhacay daawo la’aan iyo nafaqo la’aantaa baa ku dhacday abaartaa iyo dhibaatadaas baa jirta.”
Busuri ayaa sheegay in muddo dhawr jeer ah uu isku dayay in reerkiisa uu u raro magaalada Gaalkacyo oo u jirta 110 km deegaanka uu joogo ee Dajimaale, balse ay u suurageli waysay markii uu waayay qarashka gaariga qaadaya oo ugu yaraan ku kacaya $100, maaddaama qoyskiisu uu badan yahay.
Sidoo kale carruurta iyo dadka waayeelka ah oo hadda tabartoodu hoosayso ayuu sheegay inaysan masaafadaas dheer lug ku mari karin.
Ninkan wuxuu sidoo kale tilmaamay in deegaanka aysan sii joogi karin maaddaama aysan ku haysan cunto ku filan, halka ceelka kaliya ee ay hadda biyaha ka helaanna uu sii biyo yaraynayo marba marka ka danbaysa oo la qiysaasayo in bishan wixii ka danbeeya uu gurayo.
Dhibaatadan waa mid ay ka siman yihiin dhamaan dadka deegaanka ku haray ee ka guuri waayay. Sacdiyo Cabdi Xuseen waxay sheegtay in cunno iyo biyo ku filan ay u la’adahay 10 carruur ah oo agoon ah. waxay xustay inay ku masruufto wax ay ku caawiyaan dadka tuulada oo ay ku dhex wareegto.
Waxay sheegtay in maalmaha qaar ee ay ka wayso ay qatooyo ku joogaan carruurteeda. Waxaa intaas u dheer biyo yarida. Maalinkii waxay soo heshaa ugu badnaan 10 liitar oo aan ku filnayn.
“Baahida ugu daran ee na haysata waa biyo yari. Waxaasna waxa keenayna waa abaarta. Meeshaan aad ayaa loogu daruuufaysan yahay. Cuntada marna waa la helaa marna waa la waayaa laakiin biyaha iyo caafimaadka aad ayaa loogu dhib qabaa. Haddii dadkan la caawinayo waxyaabahaas aad ayaa loogu baahan yahay.”
Sacdiyo waxay sheegtay in saddexdii sano ee la soo dhaafay oo roob yarida soo laalaabanaysay ay si tartiibtartiib ah kaga marteen labo tiro oo arri ah oo ay dhaqanayeen, kaas oo ahaa waxa kaliya ee ay ku tiirsanayd noloshooda.
Haweenaydan oo 55 jir ah waqtigeeda oo dhanna ku soo qadatay deegaanka ayaa sheegtay in xilligan reerkeeda ay wajahayaan nolol xumaddii ugu darnayd abid.
Dhibaatada ka dhalatay roob yarida ee ay dadka kala siman tahay waxaa u dheer in siddeed bil ka hor uu saygeeda oo reerku ku tiirsanaa uu u geeriyooday cudur aan la aqooonsan. Waxay u sababaysay dhimashadiisa inuusan helin daryeel caafimaad faro marnaantooda dhaqaale darteed.
“Isbitaal ma leh meeshan qofku haddii uu xanuunsado kaniini madax loo liqo ma laga heli karo. Meesha joogno hadda qofkii jirada baabuurna uma kirayn karno baabuurka sadex boqol afar boqol buu ku leeyahay.”
“Farmashi Gaalkacyo noogama sokeeyo magaalooyinka waaweyn haddii aan u guuri lahayn maxaan ku guurnaaba? Xoolodhaqato baan ahayn xoolihiina waa baaba’een.”
Sacdiyo oo hadda kali ku ah maaraynta nolosha carruurteeda ayaa sheegtay inaysan hayn qorshe ay qoyskeeda kaga saari karto xaaladda adag ee ay galeen.
Wxay xustay in cunno xumada ku raagtay darteed ay hadda ilmaheeda ka muuqato dabar darro aad u liidata ayna ka baqayso inay nafaqo darro isku beddesho.
Dhanka kale waxay tilmaamtay in dhawr mar ay isku dayday inay u guurto magaaloyinka waawayn ee gobolka balse ay waysay gaadiid ay ku qaadato ilmaha iyo alaabta. Duruufaha ku gadaaman darteed.
Deegaanka waxaa ka guuray inta badan dadkii deganaa iyaga oo aaday degaano ay biyo ka heli karaan. Balse kuwa ku haray oo ah kuwa danyar ah oo aan guuri karin oo aan tabar ahaan isdhaamin dhanka nolosha.









