(Ergo) – Boqollal qoys oo ganacsato yar yar iyo xoola dhaqato is kugu jira ayaa nolol xumo ku wajahaya deegaanka Ari-cadeeye ee gobolka Sool tan iyo billlawgii bishaan.
Waxay colaad qabiil oo ay ku waayeen kaabayaashoodi dhaqaale uga soo barakaceen deegaanka Madax-lagu xoor oo Ari-cadeeye hoostaga.
Waxay sheegen in ay faro marnaan ku yimaadeen si ay waxyeelada dagaalka uga baxsadaan.
Sahra Faaax Cali oo ka mid ah waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in colaada looga gubay mehrad ay ku iibin jirtay cuntooyin bisil iyo bagaash.
Waxay xustay in ay hadda la’dahay wax ay ku dabarto nolosha 8 carruur oo ay ka masruufi jirtay, kuwaas oo kaligeed ku tiirsan.
Waxay xustay in ay noloshoodu ku soo aruurtay wax ay ka helaan dad ay ehel yihiin oo ay dul-saar ku noqdeen, taas oo aan joogta ahayn.
“Hal mar ayaan dabka shidanaa. Markaas xitaa mararka qaar waa wayna oo qatooyo ayaan ku joogna. baahiyaha aan qabnana aad ayay u badan yihiin, maaddama aan nahay dad faro maran oo aan waxbo awoodin.”
Sahro ayaa sheegtay in $300 oo u dhex yaallay mehrada oo ay markii hore ku billawday $100 oo ay dayn ku soo qaadatay ayay xustay inuusan waxbo uga badbadin oo colaada lagu gubay.
Dhinacyadii dagaalamayay oo wada gubay guriyihi iyo ganacsayadii deegaanka ayay sheegtay in keedina uu ka mid noqday.
Waxay xustay in ay meesha ka baxday $6 Illa $10 oo ay joogta uga heli jirtay ganacsigeeda.
Dhaqaalahan oo ay ku maaraynaysay cuntada, biyaha, waxbarashada iyo baahiyaha kale ee carruurteeda ayay tilmamtay in ay hadda ka faro maran tahay.
Haweeynaydan ayaa xustay in xaaladdan ay u dheertahay helitaanka biyaha oo ay ku dhibban yihiin.
Waxay sheegtay in ay awoodi la’ dahay $1 oo jirgaankii ay iibiyaan ceelal gaar loo leeyahay.
Qubeys iyo dhar-dhaqis ayay sheegtay in aysan tabar u hayn oo ay dirqi ku hesho maalinkii 20 liitar oo ay cabaan ama cuntada ku karsadaan,
Waxaa ka caawiya qoyska ay dul-saarka ku noqdeen oo aan waxbadan ku dhaamin.
Qoyskeeda ayaa ah bannaan yaal aan haysan hoy ka xajin kara qoraxda maalinkii iyo qabowga habeenkii.
“Hoy fiican ma lihin. Baco aan dayn ku soo qaadanay iyo ullo aan isku gaynay ayaan dhisanay. Waxaan dhiganay oo aan ku seexana sijaayado ay nagu caawiyeen dadka aan dul saarka ku nahaya. Naguma filna.”
“Carruurta ayaan seexina anaga banaanka ayaan seexana habeenkii, maalikiina geedaha hoostooda ayaan harsanaa.”
Sahra ayaa sheegtay in sidoo kale colaada looga gubay guri ka koobna labo qol oo jiingad ah, barsad, musqul iyo jiko ay ku noolaayeen reerkeeda.
Waxay arrintan ku sababaysa in aysan dib ugu noqon karin deegaankoodi haddii uu amni noqda, maaddama aysan wax hanti ah ku lahayn.
Waxay sidoo kale colaada darteed iskaga soo tageen lix neef oo ari oo ay dhaqan jireen.
Waxay sheegtay in qarkood ay irmaan ahaayeen oo ay carruurta u maali jirtay, balse ay soo wadan waysay maaddaama ay xabad dhacaysay darteed aysan awood u lahayn.
Haweeynaydaan oo 41 jir ayaa xustay in ay ku hungowday raadinta shaqooyin dhar dhaqis ah oo ay deeganka ka raadisay.
Arrintaan ayay xustay in ay rajo xumo ku beertay, aysanna u muuqan xal ay ku heli karto wax ay masruufka carruurta ka soo saarato.
Waxay sheegtay inaysan haysan cid garab u noqota xilligan adag. Ilmaheeda aabbahood ayay xustay in afar sano ka hor uu u dhintay cudur aysan aqoonsan.
Dhanka kale haweenaydaan ayaa xustay in xaaladda barakaca ay uga waxbarasho beelen saddex carruur ah oo u dhigan jiray dugsi Qur’aan, kuwaas oo ay bishii ka dhiibi jirtay $30.
Waxay tilmaamtay in aysan hadda u awoodin in ay waxbarasho ku darto, maaddama ay faro maran tahay.
Waxaa walwalka ku sii kordhinaya dayn lagu yeeshay tan iyo markii ay xaaladdan soo wajahday.
“$300 oo dayn ayaa la igu leeyahay. Gaarigii aan ku soo guurnay iyo bacaha aan guriga ka dhiganay ayay is kugu jiraan. Dhibaato ayay igu haysa dayntaas si aan ku bixiyana ma aqaan.”
Colaadaha kadiska ku billawda waxay cayrtoy iyo nolol xumo u horseeda sanadka kasto boqollal qoysas ah oo horray u haystay nolol nagaansho leh.
Waxay miciin bideen barakac aysan xal u helin sidii ay uga soo kaban la’haayeen.
Hinda faarax jamac waxay qoyskeeda oo toddobo qof ka kooban u awoodi la’dahay dhamaan baahiyaha aas-aasiga.
Xerada Ari-cadeeye oo ay soo miciin bideen ayay tilmaamtay in aysan wax kaalmo ah ku helin.
Qoyskeeda ayay horray masruufkooda uga soo saari jirtay dukaan bagaas ah oo ay ku lahayd deeganka Madax-lagu xoor, kaas oo hadda colaada looga gubay.
Waxay xustay in halkaas ay ku waayeen dhaqaale ay ku qiyaastay illaa s$3,000 oo ahaa waxa kali ah oo ay ku tiirsanayeen.
Raashin bisil oo aan joogta ahayn oo ay ku caawiyaan dadkii xerada uga soo horeeyay ayay ku tiirsan yihiin. Xaaladda ay muteen ayay quus ka muujisay.
“Dad badan ayaan nahay wax hal mar dabka la saaray naguma filna. Danta ayaase nagu qasbaysa.”
Hinda ayaa sheegtay in sidoo kale ay ku dhib qabaan helida biyaha. Xerada ay yimaadeen kama jiraan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah,
Dantu waxay ku qasabtay in ay jirgaan dhabarka uga soo qaado ceel u jira 1km oo ay u dan sheegteen.
Waxay xustay in biyihiisu dhanaan yihiin, balse aysan beddel kale heli karin, maaddaama aysan awoodin kuwa macaan oo jirgaankii la iibiyo $1.
Waxay sheegtay in qaaliyowga biyaha ay sabab u tahay colaadda jirta oo aysan dadku inta badan tagi karin ceelka.
“Carruurta wxaa waxbarasho la’aan iga noqday 4 ka mid ah. Hadda wxbarasho la’aanta waxaa ka dhigay waan soo barakacnay wax wax u dhiga waan u waynay. Halka aan joogno waa xeryo iskuullo malahan. Carruurta midkii $8 ayaan ku bixin jiray haddana lacagtaas ma awoodno.”
Waxay xustay in muddo dhawr iyo toban berri ah oo ay joogan xerada ay seexdaan meel banaan habeenkii halka maalintiina ay dulsaar ku yihiin qoys deggan buush aan wada qaadin.
Dadka ku soo barakacay xeryaha ee aadka u badan darteed waxaa adkaatay in ay caawiyaan dadkii horay u deganaa meelaha ay tageen sida uu sheegay Cabdisalaan Abshir Cabdiraxmaan oo ah guddoomiye xerada Ari-cadeeye.
Wuxuu tilmaamay in dadka soo barakacay oo ay tan iyo billawgii bishaan diwaangaliyeen ay gaarayaan 370 qoys.
Colaaddda ayuu xusay in ay ku soo beegantay xilli dadku ay ka soo kabanayeen saamayntii ka soo gaartay abaarihii daba dheeraaday ee deegaanka ka jiray muddo saddex sano ah, balse ay wajaheen saamayn tii hore ka culus.
“Waxay u baahan yihiin cunno, hoy, waxbarasho iyo caafimaad. Dhamaan baahiyaha aas-aasiga ayaa ka maqan. Dadku waxay qaar barakac ku noqdeen xerada Ari-cadeeye, qaarna dad ayay dul-saar ku noqdeen.”
Colaadaha soo laalabtay ee dalka ka jira ayaa noqday dhibaatada ugu wayn ee sanad kasta nolol xumo u horseeda kumanaan qoys.
Waxaa adkaata in ay ka soo kabtaan nolol xumada ay mutaan maddaama aysan halayn awood ay ku abuurtaan ilo kale oo dhaqale.










