(ERGO) – Wuxuu noqday guri-joog aan wax shaqo qaban tan iyo billowgii sanadkan Xasan Xuseen Noor, kaas oo cunno xumo ay wajahayaan qoyskiisa oo barakac ku ah Gaalkacyo.
Wuxuu ku dabari jiray howl samafal oo si madax-bannaan uu ugu qaban jiray hay’ad gargaar.
Waxaa la mid ah ku dhawaad 100 dhallinyaro, kuwaas oo kala shaqayn jiray dhinaca wacyi-galinta iyo faya-dhowrka hay’ado ay ka mid yihiin CARE, DRC iyo Kuwo kale oo gargaarka gaarsiin jiray kaamamka.
Waxay ka howl-gali jireen xeryaha ay ku nool yihiin iyagoo ku shaqayn jiray mushahar ay si bille ah u heli jireen.
Xasan oo ay ka istaagtay $200 oo ahayd isha dhaqaale ee qoyskiisa wuxuu la daalaadhacaya duruuf nolol xumo oo ka dhalatay xaaladdaas.
Toddobaadkii labo maalin oo ka mid ah ayay helaan cunno 2 waqti ay dabka saartan. Waxaa soo dhicisa xaaskiisa oo shaqo xoogsi ah qabata.
Bishii labaad ee sanadkan ayay ku qasbanaatay in ay ku wareegto gudaha iyo daafaha magaalada si ay u soo aruuriso biraha macdanka ah, kuwaas oo asbuucii labo mar oo ka mid ah ay ka iibsadaan raga biraha tuma.
Waxay ka heshaa lacag aan joogto ahayn oo u dhacaysa $3-5.
Dhaqaalahan oo aan ku filnayn ayaa ku riixay in ay dayn ku kaalmaystaan. Xasan wuxuu gocanayaan shaqadii uu ka helayay mushaharka joogtada ahaa.
“Xaga dab-shidka culay baa ka jiro. $200 ciyaalkayga waa ku filnaa jirtay. Saddexda waqti raashinkooda way ku filnayd. Hadda ma haysano wixii dhan. Rajo ayaa nagu jirta. Hay’ada markay soo laabayo daynta iska mag.”
Wuxuu tilmaamay in muddo Afar sano ah uu qoyskiisu ku tiirsanaa dhaqaalaha ay siinaysay hay’adda DRC oo uu u shaqayanayay.
Wuxuu u qaabilsanaa wacyi-galinta, ilaalinta nadaafadda iyo xog aruurinta la xariirta tacadiyada ka dhaca xeradiisa Samawade 1.
Wuxuu sheegay in uu ahaa adeeg bulsho oo marna uu ka faa’iideysanayay shaqada uu yahay, marna uu ugu shaqaynayay dadkiisa nugul, taas oo hadda meesha ka baxday, markii hay’addu ay fasaxday.
Waxaa lagu war-galiyay in shaqo joojintan ay la xariirto dhaqaale xumo.
Ka hor shaqadan wuxuu ahaa farsamo yaqaan qaabilsanaa dhismaha guryaha, balse fursad tababar oo uu ka helay hay’adda uu u shaqaynayay ayaa siisay in uu si madax-bannaan ugu biiro kooxaha ka howl-galayay xertaha.
Xasan ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa dib ugu laabashada xirfaddiisii hore, balse qiimayn uu ku sameeyay uu ogaaday in heliddeedu ay adag tahay xilligan.
“Farsamadii aan ku shaqayn jiray waanba ilaawayba. Macaamiishii aan la shaqaynayey dad kalaa u shaqaynaya. In aan doon doono nambarada aan wacdo mooyee dadkii niman kalaa u shaqeeya. Qof cusub baa magaalada ka noqday.
Hay’ada Ilaahay wax iigu soo dhiibi jiray meelba ma aadin shaqada, shaqadii horana waan iska illaaway oo faryaamo ayaan qandaraas ka qaadanayay. Hadda magaalada iyadaaba iska xiran. Wax laga shaqeeyo malahan.”
Wuxuu rajo xumo ka muujiyay saamaynta sii wiiqmaysa ee hay’adaha samafalka, kuwaas oo sidoo kale xeradiisa ka bixiya raashin, kaas oo hadda aan joogto ahayn. Wuxuu xusay in mararka qaar la helo, inta badana la waayo. Waa culays kale si guud looga cabanayo.
Duruufaha kale ee haysta Xasan waxaa ka mid ah dayn uu qaadanayay tan bishii Janaayo ee sanadkan oo dadka ku leh ay ku qasbanayaan in uu bixiyo.
Wuxuu sheegay in uusan awoodin lacagtaas oo ah $350 oo raashin uu ku qaatay.
Intaas wuxuu ku daray in sidoo kale lagu leeyahay $120 oo ah lacag ay waxbarashada ku dhiganayeen afar ilmood oo uu dhalay.
Wuxuu xusay in uu ku sii faro adaygayo si aysan waxbarashada iskuulkooda uga harin duruufta haysa awgeed.
Afartan iyo shan xero oo ku yaalla Gaalkacyo ayay ka howl-galayeen dhallinyarada shaqo la’aanta noqday.
Xero kasta waxaa ka shaqaynayay 2 qof xirfad u leh iskudubbaridka arrimaha wacy-galinta bulshada, faya-dhowrka iyo qaar kale sida ay inoo sheegeen horjoogayaasha xerayaha.
Xirsi Jaamac Baadi oo ah guddoomiyaha xerada Danwadaag ayaa ka mid ah masuuliyiinta culays soo kordhay ku tilmaamay howlaha samafal ee meesha ka baxaya iyo dhallinyarada shaqo la’aanta noqday.
Wuxuu tilmaamay in kaalin wayn ay uga jireen baraarugga bulshada barakaca ah iyo xitaa dhaqaalaha ka soo galayay hay’adaha oo ku dhex-wareegi jiray xeryaha gaar ahaan ganacsiyada ay wax ka iibsanayeen.
Taakuladii gargaar iyo tii wacyi-galin ayuu xusay in ay waayeen dadka xeradiisa iyo kuwa la mid ka ah, taas oo rajadooda nololeed sii adkaysay.
“Dadkaas hoy ma haystaan, caafimaad ma haystaan iyo waxbarasho ma haystaan. Quutul duruurigii cuni lahaayeen ma haystaan. Wax Allaale oo aasaasi ah oo qofka bani’aadamka u baahan yahay bay u baahan yihiin. Raashin hadii nala siiyo waan qaadan lahayd waa na anfacaysaa. Wax aan diidayno ma jirto.”
Sacdiyo Cabdi Axmed oo ah hooyo kaligeed korisa sagaal carruur ah waxay ka soo kaban la’dahay shaqo la’aan ku dhacday. Waxay ahayd xariiriyaha hay’adaha, bulshada iyo maamulka xerada Danwadaag.
Waxay sheegtay in shaqadaasi ay ahayd isha keliya ee dhaqaale ee qoyskeeda ku tiirsana ilaa 2023, isla markaana ay ka dabooli jirtay baahiyaha cunto ee qoyskeeda iyo tan waxbarasho ee carruurteeda.
Waxay ka dayrisay xaaladda qoyskeeda ay ku jireen lixdii bil ee u danbeeyay. 24 ba mar ayay xustay in ay dabka saartaan cunno aan ku filnay. Waxay ka heshaa shaqo xoogsi ah oo aan joogto ahayn.
“Waxaan ku maareeyaa noloshayda inaan shaax kariyo iyo inaan meelo soo xaaqo. Meeshay noloshayda ku jirto ayaan wax ama bariiskayga aan kala soo baxaa, kaamkayaga wax yaala malahan waa xero cayr ah. Aniga oo mar $50 ama $100 isoo dhici jirtay ayaa ugu wacnaa.”
Sacdiyo Waxay Shaaxa ku karisaa gurigeeda iyadoo ka dibna ku wareejisa suuqyada iyo goobaha ganacsiga, Iyadoo koobka shaxaa ay ku iibiso $0.2.
Haweenaydan Waxay xustay in dhowr hay’adood in ay si madax-bannaan ay u la shaqayn jirtay, kuwaas oo ay ka mid yihiin. Waxay si bille ah ugu heli jirtay lacag cadad ahaan kala duwan.
Waxay ku xirnayd shaqooyinka ay qabato bilaha qaar ayay xustay in ay shaqaysan jirtay $150, taas oo ku filnayd nolol ahaan, balse la’aanteed waxay qoyskeedu galeen xaalado nolol xumo oo isbarkan.
Waxay sheegtay in daymihii ay heli jirtay in hadda ay gabaabi noqdeen sabab la xariirta lacag badan oo lagu yeeshay. $440 ayay ku leeyihiin ganacsato iyo xarumo waxbarasho oo 4 carruur ah u dhigtaan.
“Maalintay iga go’day lacagtaas nolo mugdi ah oo waxaan galay. Dhaqaale daro darteed caruurtayda dugsiga waa ka hareen, Iskuuladiina waa ka hareen.”
Sacdiyo iyo qoyskeeda waxay sanadkii 2018 ka soo barakaceen deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug, markii abaar ay dhaafisay xoolo ay dhaqanayeen oo ahaa ishooda dhaqaale.
Waxay isku martay dhowr xero, balse sadddexdii sano ee u danbeeyay waxay ku nagaatay xerada lagu barakacay ee Danwadaag, halkaas oo ay uga howl-galaysay hay’adaha gargaarka bixiya.
Dadka soo barakacay waa kuwa ugu badan ee saamaynta ay ku yeelatay hoos u dhaca dhaqaale ee ku dhacay hay’ado cunno iyo shaqo abuur siinayay dadka ku jira xeryaha.









