Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

Jibril Osman by Jibril Osman
July 16, 2026
in Wararkii u Danbeeyay
0
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

Cabdinajiib Cabdinuur iyo gaari-dameerkiisa oo ku wareegaya magaalada si uu u helo qoys biyaha ka shubta/Sabaax Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno xumo iyo waxbarasho la’aan ayaa iskuraacay qoyska Cabdinajiib Xasan Nuur oo ku nool Hargaysa, markii suuq xumo ay ku dhacday biyo uu ku dhaamin jiray gaari-dameer tan iyo bishii Abriil ee sanadkan.

Dadka magaalada ayaa ka maarmay biyihii ay sida joogta ah uga shuban jireen muruq-maalkan. Waxaa u sabab ah biyo galin Soomaaliland ay ka samaysay Intada badan Hargaysa, taas oo galaaftay shaqadiisa.

Xaaladdan waxay saamayn taban ku haysaa boqollaal xoogsato ah oo ka soo shaqo tagi jiray xaafadaha isku-raranta ah. Cabdinajiib ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in uu maarayn la’yahay masruufka qoyskiisa.

Wuxuu maciin biday raashin dayn ah, balse $200 oo ay ku yeesheen labadii bil ee u danbeeyay dukaamo uu macaamiil la ahaa ayaa ka hor istaagay in uu mid hor leh qaato, taas oo xaaladda ku sii xumaysay.

“Markii hore, maaddama aan lahaa macaamiil badan maalintii oo dhan ilaa habeenkii ayaan shaqayn jiray. Laakiin imika laga yaabaa inaan toddobada subaxnimo baxo oo aan iskaga soo noqdo aniga iyo dameerkii oo gaajoonaya, xaafadna aanan u shubin biyo ayaa inta badan dhacda.”

“Cuntadii waxay noqotay in dukaamada laga soo qaado ama laga soo amaahdo. Dukaamadiina waxay yiraahdeen tii hore ayaa la idinku leeyahay wax danbe idin ma siinayno ilaa aad iska bixisaan.”

Wuxuu tilmaamay in uusan ka niyad-jabin shaqo maalmeedkiisa. Wuxuu ka baxaa gurigiisa subaxa hore, isagoo ku dadaalaya helida macaamiil cusub, maaddama kuwii hore ay ku heleen gurayahood biyo galin.

Saddexdii toddobaad ee u danbeeyay ayuu sheegay in uu shaqeeyay $3 oo kaliya. Waa qiimo aad uga yar tii uu markii hore ka heli jiray shaqadiisa, taas oo ahayd lacag u dhaxaysay $30 ilaa $40 maalin walba.

Carruurtiisa oo 6 ah ayuu xusay in dariskiisa ay u soo gurmadaan marka ay wajahaan xaalad nolol xumo oo daran. Waxay ka caawiyaan cunno bisil ama ciiriin ah, taas oo aan joogto ahayn, balse dantu bidday.

Shan ka mid ah carruurtiisa oo waxbarashada gaaray ayaa ka haray iskuulkooda. Saddex ka mid ah billowgii dhaqaale xumada ayaa laga saaray, halka labada kale laga eryay dugsiga horraantii bishan.

Wadarta guud ee lacagta ay ku dhiganayeen waxbarashada ayaa ahayd $32, taas oo uusan awoodin bixinteeda Cabdinajiib sida uu sheegay.

“Horta guriga aan ku jirno waa guri buul ah ama baybay ah. Annaga iska leh wax kiro ah naguma aha. Laakiin dhibaatadu waa waxbarashada carruurta. Labadii dhiganaysay guryaha ayay iska joogaan markii waxba loo waayay.”

“Caqabadka kale ee aan wajahayno waxaa ka mid ah cunto la’aanta, maaddama qofka marka uu soo kaco uusan wax shaqo ah helaynin. Xaaladdaas ayaa ah midda iigu daran ee jirta, carruurna yaryar ayay u badan yihiin oo cunno iyo waxbarasho bay doonayaan. Xaaladdu aad bay u adagtahay.”

Ka hor shaqo la’aanta Cabdinajiib wuxuu tan iyo 2019 ku naaloonayay dhaqaalaha uu ka helayay howsha gaari-dameerkiisa. Dusha sare waxaa ka saaran gaarigan haan 300 liitar oo biyo ah qaadda halkii mar.

Waxaa ku xariirsan tuubo oo biyaha ugu wareejin jiray haamo kale oo qoysaska macaamiil la ah u xirnaa. Shaqadan waxay u ahayd il-dhaqaale. Wuxuu sheegay in aysan qoyskiisu ka maarmi karin adeeggiisa.

Wuxuu ka dayriyay nolosha dameerka jiida gaariga haanta sida, kaas oo u baahan caws ama raashin. Dhaqaale xumada haysa Cabdinajiib ayaa saamayn ku yeelatay xayawaankan.

“Iminka waxaa ugu daran dameerka. Waa noole wuxuu u baahan yahay raashin ama caws uu cuno. Isaga oo aan waxba cunin raritaankiisu waa adkaanaysaa naflay weeyaan. Waxa laga yaabaa cawskiisii in aan la helinba. Marka way adkaanaysaa in la raro.”

Toddobo sano ka hor ayuu barakac ku yimid Hargaysa isaga iyo qoyskiisa, markii abaar ka laysay xoolihiisa ay ka keentay deegaanka Xarshin, waxaana nolol cusub uu ka billabay Hargaysa.

Muquq-maalka ku dhibaatoonaya halganka nolosha waxaa nolol-maalmeed ka sugaya qoysas nugul oo ku nool xaafadaha u gaarka ah dadka soo barakacay iyo danyarta la daalaadhacaya duruufaha haysta.

Waxaa ka mid ah Maxamed Cali Raage oo lagu amray in uu iskaga guuro guri uu kiro ku dagan yahay, markii uu bixin waayay kirada labo bil oo isku xigta, waxaana lagu leeyahay lacag konton doolar ah.

Wuxuu sheegay in cunno xumada ay u dheertahay hubanti la’aanta haysa. Waxay daris la noqdeen guri mugdi ah habeenkii, kaas oo korantada laga jartay labo bil ka hor dhaqaale la’aan darteed.

Wuxuu xusay in uu ka murugaysan yahay maarayn la’aanta carruurtiisa oo 8 ah. Lacag ka badan $20 ayuu joogto ugu soo dhicin jiray 24 saac. Hadda se taas meesha way ka baxday.

“Awal waxaan ka heli jiray dhaqaale fiican oo aan xaafadda ku maareeyo iyo qoyskayagaba. Laakiin hadda xaaladdu way is beddeshay.”

“Kiradii guriga ayaa nalagu leeyahay, imikana sida aan ku heli lahaa waa adag tahay. Dadkiina waxay na leeyihiin nooga baxa guriga, ilaa laydhkiina waa nalaga jaray. Caqabado badan ayaan wajahaynaa.”

Shaqadan waxay il-dhaqaale u ahayd muddo 15 sano ah. Wuxuu sheegay in uusan lahayn xirfad kale oo soo kabasho u noqon karta. Caruurtiisu waxay kaalmo cunno waydiistan dariskooda iyo dad ehelo la ah.

Xaaladdan wuxuu ku jiraa afartii bil ee u danbeeyay. Wuxuu xusay in weli uu sii wadado dadaallada uu ku heli karo macaamiil cusub oo uu biyaha u dhaamiyo, balse rajada uu ka qabo ay sii wiiqmayso.

Toddobaadkiiba mar ayuu xusay in uu helo maqaaxi ama qoys u baahan biyo loo shubo inkasta oo aysan joogto ahayn. Wuxuu gocanayaa noloshiisii ka horraysay xaaladda shaqo la’aan ee soo wajahday.

“Dhibaatada aad iyo aad bay u badan tahay, saddexdeena waqti waan heli jirnay markii hore. Dhaqaale fiicana waan heli jirnay, iminka dhaqaaluhu hoos ayuu u dhacay. Dameerku wuxuu cuno ayuu u baahan yahay iyo helidda biyaha. Dhaqaalihii hoos buu u dhacay.”

Wuxuu tilmaamay in ka hor shaqo yaridan maalintii uu u adeegi jiray celcelis ahaan 15 ilaa 20 qoys oo biyaha uu u shubi jiray, kuwaas oo loo xiray toobooyin ama qasabado ay u xirtay dowladda hoose.

Ninkan qoyskiisa wuxuu ka soo barakacay sanadkii 2013 deegaanka Balli Cabane oo hoostaga Hargaysa, markii ay ka la’deen xoolo qoyskiisu uu lahaa. Kadib abaar soo laalaabatay, taas oo cayrtaysay.

Waxaa jira ceelal iyo qasabado gaar ah oo biyaha ay ka iibsan jireen xoogsatada shaqo xumadu hayso. Waxaa yaraaday dhaqdhaqaaqii biyo doonka ahaa ee ay heli jireen dadka ila biyoodyadaas leh.

Waxaa ka mid ah siciid cabdi jaamac. Waa milkiilaha qasabad biyaha laga iibsado. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in shaqo la’aanta ku dhacday biyoolayaasha ay ka dareemeen ganacsigooda.

Waxaa ku xirnaa goobtiisa ganacsi ku dhawaad boqol gaari-dameer. Hadda se inta u timaada waxay ka yaryihiin 10. Wuxuu sheegay in aysan biyaha iibsan karin, balse ay dayn ku qaataan.

“Dakhligii ay ka heli jireen aad iyo aad buu hoos ugu dhacay. Boqolkiiba sagaashan buu hoos u dhacay. Toban baa u haray. Tobanku reer iyo carruur ma dabari karaan iyo dameerkii afkiisa. Dadkaas hoos ha loo eego.”

Wuxuu intaas ku daray in dadka la midka ah ay weli ku tiirsan yihiin booyada biyaha geeya miyiga iyo tuulooyinka, saamayn darana aysan ka soo gaarin biyo galinta lagu sameeyay Hargaysa.

Xoogsato badan ayaa sanadihii u danbeeyay shaqadooda ku waayay isbeddel ku yimid shaqooyinkooda iyo xirfado muddo badan ay ku tiirsanaayeen, kuwaas oo meesha ka baxay.

Previous Post

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

Next Post

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

Related Posts

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

August 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

August 2, 2026
Next Post
blank

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-AUG-2026

IDAACADDA 09-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-AUG-2026
August 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-AUG-2026
August 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-AUG-2026
August 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-AUG-2026
August 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-AUG-2026
August 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo