Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

Jibril Osman by Jibril Osman
July 20, 2026
in Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Maryan Maxamed oo u samaynaysaa miis mid ka mid ah macaamiisheeda/Cabdullaahi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haween ku noolaa xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo ayaa ku guuleystay in carruurtooda ay u helaan waxbarasho iyo cunto ku filan.

Sidoo kalana ay ka baxaan xeryaha oo ay ku wajahayeen hoy xumo, biyo yari iyo nadaafad darro.

Arintan ayaa u suurta gashay markii ay barteen xirfado gacanta ah oo ay ka helaan dhaqaale joogta ah.

Waa in ka badan lixdan haween ah oo degganaa sagaal xero oo ay ka mid yihiin Mogey Aarow, mubaarak, qaydar cadde iyo idaale hal.

Rag ay qaraabo yihiin oo xeryaha kula noolaa ayaa si bilaash ah u baray sameynta alaaba guryaha iyo xafiisyada ee ay ka mid yihiin sariiraha, kuraasta, miisaska, fadhiyada iyo armaajooyinka.

Waa shaqo raggu ku badan yahay oo aan dumarka looga baran, balse Maryan Maxamed Cali oo nolosha qoyskeeda ka maareyneysa tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan.

Raadiyow Ergo u sheegtay in dheef mooyee aysan dhib ku qabin. Muddo saddex bilood ah ayay ku baratay xirfadan oo ay xustay in maalinkii ay ka hesho dhaqaale gaaraya $8 illaa $9.

Waxay ka shaqeysaa suuqa sariiraha ee magaalada Baydhabo oo lagu farsameeyo agabyada guryaha iyo xafiisyada.

“Shaqada qaabka aan ku bilaabay waxa weyaan dad barakac ah ayaa ibaray xirfadan, ayagaa itusay hay’ad ima barin. Raashiinkeyga ayaan ka soo dhacsadaa oo waan fahmay, marka culeeska wuu iga degey markii aan howshan helay.”

Maryan ayaa tilmaantay inay tahay markii ugu horeysay oo ay shaqo ku hesho aqoon ay baratay. Waxay intaas ku dartay in qoyskeedu uu ka baxay cunno yari ay wajahayeen.

Ma haysan ildhaqaale oo joogta ah, noloshooduna waxay ku tiirsaneyd shaqo dhar-dhaqis ah oo marka ay qabato ay ka heli jirtay ugu badnaan $3.

“Markii horena maalintii ayaan wax karsan jirney, habeenkii iyo subixii qurac la’aan ayaan ahaan jirney. Hadda inta sariirahan iyo miisakan aan bartay nolosheenna wey is raacday. Si allaale sidii aan doonno ayaan wax u sameysanaa.”

Maryan oo 45 jir ah ayaa xustay in xirfadan ay muddo kooban badashay noloshooda.

Xerada Mogey Aarow oo ay ku nooleyd in ka badan lix sano ayay ka guurtay bishii Feberaayo, markii ay awooday inay kireysto labo qol oo leh biyo iyo koronto oo ay ku deggan yihiin $60.

Kaligeed ayay tilmaantay inay koriso lix carruur ah oo lagu furay. Waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay ka soo toosaan hoy ammaan ah oo ka xajin kara qabowga iyo qoraxda.

Waxay intaas ku dartay in labo carruur ah ay geysay bishii Maarso iskuulka hoose ee Hilaal. Waxay ka dhiibtaa bil kasta $24 oo markii hore aysan awoodin.

Maryan ayaa sanadkii 2019 soo maciin biday xero aysan ka jirin adeegyada asaasiga ah ee nolosha, markii roob yari awgeed ay sii wadi wayday tacabka beer afar hektar ah oo ku taalla Waajid.

Waxay sheegtay in hiigsigeedu yahay inay yeelato hoy iyo ganacsi u gaar ah. Si ay uga dhabeyso waxay sameysatay keyd dhaqaale.

“keyd ayaan dhigtay, waxaan ugu talo galay haddii sariirahan la iga iibsan waayo inaan ku baxsado ayaan ugu talo galey. $150 ayaa meel ii taalo hadda. Rajadeydu waa inaan guri aan leeyahay inaan dhisto, noloshana kor u qaado.”

Qoysaska ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo ayaa inta badan ah kuwo aan haysan ilo dhaqaale oo ku filan maareynta noloshooda.

Waa dad xoolihii iyo beerihii ay ku tiirsanaayeen ku waayay musiibooyin iyo colaado, ayna yartahay aqoontoodu, taas oo badi ka dhigtay kuwo ku nool dabaqadda hoose ee nolosha.

Sacadiyo Bashiir Xasan oo bishii Abriil ka guurtay xerada Iidaale hal, ayaa tilmaantay in saddex sano oo ay degganeyd aysan helin cunto ku filan, biyo iyo hoy wanaagsan.

Xirfad ay ku dhex baratay xerada oo ay ku caawiyeen rag is xilqaamay ayay sheegtay inay u suurta galisay inay degto hoy kiradiisu tahay bishii $90.

Waxay sheegtay inay ku tiirsan tahay dhaqaale ka soo gala sameynta kuraasta, miisaska iyo armaajooyinka oo maalinkii ay ka hesho $10 illaa $12.

“Waxaa jiray deyn la igu lahaa oo aan iska dhiibay. meel $130 ayaa la igaga lahaa waan iska dhiibey, meel $60 oo raashiin aan ku qaatey ayaa la igaga lahaa waan iska bixiyay.”

Sacdiya ayaa xustay inay awooday in waxabarasho ay geyso markii ugu horeysay seddex carruur ah oo bishii ay ka dhiibto $20.

Waxay tilmaantay in markii ay dabartay waxbarashada, cuntada iyo kirada ay ka fakareyso qorsheynta mustaqbalka reerka.

Sida inay helaan guri ay leeyihiin iyo ganacsi ka dhaqaale badan midka ay hadda ka maareyso reerka.

“Laba qol ayaan deganahay qol aniga ah iyo mid carruurta ah. Waxaan rabaa xaafadda inaan ka baxo oo aan dhisto 3 qol illaa afar qol oo aniga aan leeyahay ayaan rajeynayaa.”

Sacdiya ayaa subax kasta u kalahda shaqadeeda oo ay joogto illaa shanta galabnimo.

Inkasta oo ay wehel la tahay daal iyo howl adag oo gacanta ay ka qabato, hadane waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in carruurteeda oo 4 ah ay ka saarto nolol xumada

Qoyska Sacdiya ayaa ka soo barakacay deeganka Awdiinle oo hoos taga magaalada Baydhabo, markii roob yari darteed ay ka rajo dhigtay tacabka beer 3 hiktar ah oo ay leedahay.

Waa arrin naadir in dadka ku nool xeryaha ay dhexdooda la yimaadaan aragtiyo noocaan ah oo isbedel u horseeda.

Maxamed Nuur Aadan oo ah xirfadle farsamada gacanta baray qaar ka mid ah haweenka aan ka soo sheekeynay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in aragtidan ay noqotay mid dhaqso loo arkay natiijadeeda.

Wuxuu sheegay in haddii la heli lahaa maal galin lagu ballaariyo ay ka faa’ideysan karaan haween badan, maadaama ragga is xilqaamay ee uu ka mid yahay aysan hadda haysan qalab iyo waqti ku filan.

Wuxuu intaas ku daray in barashada xirfadan ay muhiim u tahay nolosha danyarta aan dabari karin baahidooda maalin laha ah.

“Sababta aan xirfadan ubarey haweenkan waa inay isku filnaansho ay dareemaan iyo inay noloshooda maareeyaan. waayo waa haween carruurta lagu furey oo dhibaato adag haysatay.

Wuxuu sheegay in markii hore dadka qaar ay la yaabeen haween sameynaya sariiro iyo kuraas, balse hadda ay ogaadeen natiijada wanaagsan ee ka soo baxday.

Labaatan kale oo dumar ah ayuu xusay inay waxbarasho u wadaan si ay ula mid noqdaan kuwa ka horeeyay ee hadda ku shaqeysta xirfaddii la baray.

Previous Post

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

Next Post

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

Related Posts

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

August 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

August 2, 2026
Next Post
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-AUG-2026

IDAACADDA 09-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-AUG-2026
August 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-AUG-2026
August 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-AUG-2026
August 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-AUG-2026
August 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-AUG-2026
August 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo