Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ah

Jibril Osman by Jibril Osman
July 17, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Caption: Ibraahim (Ninka bidixda) oo quudin la' qoyskiisa markii shaqadiisii god qodidda la mamnuucay/Shukri Xaashi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal rag ah oo shaqadoodu ahayd qodidda godadka gaagaaban ee qashinka lagu uruuriyo oo ay maalinle uga heli jireen $5-10 ayaa la’ waxay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda.

Waxaa saameeyay amar uu maamulka gobolka Banaadir ku joojiyay bishii Febraayo in guri kasta uu hortiisa ka sameysto god qashin. Waxaa arrimaha nadaafadda la wareegay shirkado qashinka ka qaada xaafadaha bishii illaa saddex mar.

Maamulka ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid badbaado u ah dadka, maaddaama godadka ay ku dhici karaan waayeelka iyo carruurta, sidoo kalana ay xumeynayaan bilicda iyo nadaafadda magaalada.

Ibraahim Maxamed Fanaay oo ka mid ah ragga uu saameeyay go’aankan, ayaa qoyskiisa 10 qof ah u la wax uu dabka ugu shido, markii amarkan oo uusan muhiim u arkin uu ka dhigay shaqo la’aan.

Wuxuu sheegay in dhaqaale yarida darteed uu ka fursan waayay inuu u dan-sheegto saaxiibadiis ama uu raadiyo dayn ku adag, si reerkiisa uu ugu helo hal waqti oo cunto ah maalinkii.

“Culaysyada na haysta cunno xummada ugu daran. Bariiskii aan dabka saaran lahayn ayaan la’ nahay. Saaka ugu danbaysay cido Alle bari qabo ayaan wax ka cunay aniga.”

“Ilmahana xaaska ayaan ku dhahay dayn u raadi. Cid na biisho malahan. Magaalada wixii aan ka soo helno ayaan ku noolayn, xirfad kale oo aan ku shaqaystana ma lihi.”

Ninkan oo 43 jir ah ayaa xusay in maalin kasta uu magaalada u kallaho isagoo raadinaya shaqo xamaal ah, hasa ahaatee uu dib guriga ugu soo laabto isagoo waxba soo helin.

Waxaa sidoo kale ka waxbarasho beelay Maarso afar carruur ah oo dhiganayay iskuul hoose iyo dhexe, markii uu awoodi waayay inuu bixiyo lacagta oo bishii ah $20.

“Shaqo la’aan ayaan noqonay. Dadkii aan u shaqayn jirnay waxay noo sheegeen in ay naga maarmeen. Bannaanka ayaan ku soo dhacay. Maanta waxbo uma awoodo qoyskayga.”

“Haddii xaalku sidaan sii ahaado meel aan u cararo ma naqaano, gaajo inaan iskugu dul-dhamaano ayay gaari doonta.”

Ninkan ayaa ah danyar ku nool xerada Sahan ee degmada Dayniile. Wuxuu tilmaamay inuusan gadan karin biyaha oo labaatankii liitar la gadayo $0.15 cent.

Waxbarashada, cuntada iyo biyaha oo hadda maareynteedu ku adag tahay ayuu sheegay inuu ka dabari jiray dhaqaale gaaraya $5 illaa $7 oo maalinkii ka soo gali jiray qodista godadka qashinka.

Wuxuu intaas ku daray in lagu leeyahay deyn $150 oo bilaha uu shaqo la’aanta yahay uu reerka ugu soo qaaday raashiin. Waxaa loo diiday inuu mid kale qaato.

Ibraahim ayaa ahaa beeraley soo maciin biday barakacnimada bishiii November 2025, markii uu colaad iyo roob yari tacab la’aan dhigtay uga soo barakacay deegaanka Daafeed ee gobolka Shabeellaha hoose. Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd beer uu leeyahay oo saddex hektar ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sanooyinkan waday qorshayaal is bar-bar socda oo ah dhismaha waddooyin laami ah iyo kuwo la saarayo dhagaxa loo yaqaan marmarka (interlock), taas oo keentay in la mamnuuco in dadku ka sameystaan hareeraha waddooyinka ku beegan guryahooda godad iyo bullaacado u gaar ah.

Tani waa caado ay dadku la qabsadeen oo magaalada ka jirtay tan iyo burburkii 1991. Mashruuca dib u nadaaminta nadaafadda Muqdisho waa mid ay ku baxeyso malaayiin Doollar, balse ma gaarsiisna xerada Sahan ee uu ku nool yahay Ibraahim Dhugure Cabdisalaan oo qorshahan dartiis shaqo la’aan u noqday.

Waa aabbaha 11 carruur ah oo qoyskiisa ay ku adag tahay in hal waqti maalinkii ay dabka shitaan. Kaligiis ayuu reerku ku tiirsanaa, wuxuuna ka maareyn jiray qodista godadka qashinka oo uu ka heli jiray $8 illaa $10.

Waa shaqo uu sheegay inuu ku tiirsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafay, wax u badalana ma helin. Wuxuu xusay in kedis uu ku noqday go’aanka maamulka, waligiina uusan waxba ka keydsan, maaddaama dhaqaalaha yar ee soo gali jiray uusan ka badneyn nolol maalmeedka.

“Marna waan helnaa marna waan waynaa. Dad reer miyi ah oo ay daruuf magaalada keentay ayaan nahay. Halkii shaqo oo aan nolosha ku maarayn jirnay waa joogsatay oo guri walbo albaabkiisa interlock ayaa la saaray. Dad xoogsado ayaan ahayn xoogeenii hadda wax waa ku waynay.”

Dhanka kale wuxuu xusay in qoyskiisa ay hoy xumo ku hayso xerada ay soo miciin bideen. Baco ay ka samaysteen buushash ay gabbaadsadan markii ay xerada yimaadeen ayuu tilmaamay in ay noqdeen kuwa dhamaad ah uusana hayn dhaqaale uu bac ugu soo iibiyo.

Arrintan darteed wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ay bannaan yaal u yihiin qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii. Waxaa culaysyaddan u dheer waxbarasho la’aan soo wajahday shan ka mid carruurtiisa oo dugsi Qur’aan u dhigan jiray, markii uu awoodi waayay $ 2.5 oo laga rabay.

“Dugsi ayaan geeyay markii aan magaalada imaanay. Haddana waa ka bixiyay markii aan u awoodi waayay lacagtii laga rabay. Saddex gabdhood iyo labo wiil ayaa dugsi Qur’aan ii dhigan jiray.

“Hadda dhamaantood guriga ayay ii joogaan. Waligood iskuul lama gayn haddana waxay waayeen tacliintii diiniga ahayd oo ay haysteen.”

Ibraahim oo 45 Jir ah ayaa sheegay in dhammaan noloshiisa uu ku soo qatay deeganka Tabiid oo hoos taga degmada Afgooye oo uu beeraley ku ahaa.

Sanadkii 2023 ayuu ka soo barakacay, markii beer afar hiktar ah oo uu beeran jiray ay saameeyeen duqaymaha dowllada iyo Shabaab.

Wuxuu deggan yahay xero dhulka ay ku taallo ay leeyihiin dad deegaan ah oo markii ay doonaan ka saari kara, sida horay ugu dhacday qoysas badan oo laga barakiciyay meelihii ay degganaayeen.

Maxamed Abukar Cali oo ah guddoomiyaha iskaashatada muruq-maalkan ayaa sheegay in shaqo la’aanta lagu xallin karo abuurista fursado shaqo, taasina aysan gacantooda ku jirin.

 “Saamayn xooggan ayay wajahayan xoogstada. Baagamuudo guri jog ah ayay noqdeen. Wax ay qabtaan ayay la’yihiin.

Maamullada degmooyinka ayaa amray inaan godad laga qodin waddooyinka, meelaha qaarna waxaa la saaray interlocks iyo laami. Sidaas ayay shaqo la’aan ku noqdeen xoogsatadii ku tiirsanaa qodista godadka qashinka.”

Guddomiyaha ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo rag ah ay arriintan saamaysay. Baaqyo ay u direen maamullada degmooyinka gobolka Banaadir ayuu xusay in aysan ka helin wax jawaab ah.

Previous Post

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

Related Posts

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 17, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-JUL-2026

IDAACADDA 17-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUL-2026
July 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUL2026
July 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUL-2026
July 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUL-2026
July 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUL-2026
July 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo