(ERGO) – Xaalad nolol xumo ah ayaa soo wajahday ku dhawaad 150 habeen ah iyo qoysaskooda oo deggan magaalada Doollow ee gobolka Gedo.
Arrintan ayaa timid markii shaqadoodii oo ahayd dhar-dhaqid iyo nadaafadda guryaha ay meesha ka baxeen 6 bil ee la soo dhaafay.
Waxaa isku raacday dhaqaale la’aan ku dhacday qoysaskii ay ku shaqaynayeen iyo haween Itoobiyaan ah oo lacag yar ku qabta shaqooyinkii ay hayeen oo deegaanka ku soo batay.
Shugri Caraale Cabdi oo waxay cunno ku filan u la’dahay carruurteeda oo toddobo ah. Waxay xaaladdan galeen bishii Abriil ee sanadkan.
Qoysas ay shaqo nadaafad ah maalinle ugu qaban jirtay ayaa u sheegay inay fasax tahay sabab la xiriirta inaysan aqoodin gunadeeda.
Haweeneydan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay hadda haystaan culeysyo is-biirsay oo ay ugu horreysa quud u helidda carruurteeda oo keliyeed ku tiirsan.
Waxay ka fursan wayday inay dewersato si hal waqti dabka ugu shiddo.
“Cambuulo shamuureey ayaan saaka sida uu waaga u baryay dabka u saaray ciyaalkeyga. Wax kale oo la siiyo malaha. Hal waqti oo wax la siiyo hadii loo helo caawa sidaas lee ku seexanayaan.
“Dukaankii aan daynta ka qaadanaayay isagana waa la iga joojiyay oo wax kale laguguma daraayo ayaa la i dhahay. Hadda waan iska fadhiistay dhawaanahan banaan ma’aadin, shaqana malaha, sidaa ayaana xaafadda ku joogaa.”
Shugri oo 42 jir ah ayaa sheegay ka seexan waydo habeennada qaar carruurteeda oo gaajaysan, taas oo ku kordhisa fekerka iyo murugada.
Waxay intaas raacisay inay xaaladdooda sii adkaysay in wax gargaar ah aysan ku helin xerada barakaca Kabaaso ee degmada Doollow oo ay soo miciin biddeen.
Shugri oo shaqooyinka muruq-maalka ku soo jirtay labo sano ayaa sheegtay inay maalinle u heli jirtay lacag u dhaxeeyso saddex ilaa shan doollar, taas oo kaga filnayd cunnada, biyaha iyo waxbarashada carruurteeda.
Waxaa ka istaagay bishii Jannaayo raashin ay ka helaysay hay’adaha samafalka. Waxaa u dheeraa daqligii ka soo gali jiray shaqooyinka xoogsiga balse maanta labadiiba ma hayso.
“Hadda wax dhaq dhaqaaq ah oo qof kuu wacanaayo maleh. Hadda magaaladi aan ka shaqeysaneynay oo dharka ka dhaqeynay Oromo ayaa la wareegtay. Shaqo la’aan ayaan hadda cidda iskala joognaa.”
Marka laga yimaado cunno xumada ay ka dhaxleen iyada carruurteed shaqo la’aanta. Waxaa u wehliya culeys ka haysta dhinaca biyaha markii uu meesha ka baxay dhaqaalihi ka soo gali jiray shaqada oo ay biyaha ka beeqaamin jirtay.
Xerada Kabaaso oo ay ku nooshahay biyuhu waa lacag. Fuustadii waxaa lagu shubtaa 300 birr oo u dhiganta $1.5.
Shugri ayaa sheegtay in markii ay awoodi weyday bixinta lacagta biyaha ay dantu ku qasabtay in carruurteeda ay wabiga jubba oo u jira hal km ay ka doonaan biyo aan nadiif ahayn.
“Hadda gabar tubbo ugu jirto oo walaal ah ayaa u tahay oo aan ku dhahay biyihi lacag ayaa la igu la haaday, lacagtina mahaayo ayaan dhahay ee biyo isii, iyadi ayaan hadda shantoo caag lacag la’aan kaga soo dhaansaday.
“Hadii aan weyno oo tubadiina lacagti nagu badatay wabiga oo wasaq ah ayaan iskaga soo dhaansanaa.”
Haweeneydan iyo carruurteeda ayaa ku sugan xaalad quus ah. Waxay xustay inay u baahan yihiin samata-bixin si ay uga soo kabtaan xaaladda ay ku jiraan oo aysan awoodin inay keligood ka baxaan.
Shugri iyo qoyskeeda ayaa sanadkii 2016 ka soo barakacay abaar ku dhufatay miyiga degmada Diinsoor, halkaas oo ay kaga dhinteen ari 70, xilligaan oo ay ku soo biireen nolosha barakaca.
Haweenka shaqo la’aanta ay soo foodsaartay ayaa ah kuwo ka soo jeeda qoysaska barakaca ku ah xeryaha magaalada Doollow.
Waana kuwo aan laheyn xirfaddo kale oo ay ku shaqeystaan sidoo kalana ay ka istaagtay deeqda hay’adaha samafalka oo noloshooda kabi jiray.
Xaaladdan waxaa haweenkan u raacday hakad ku yimid gargaarkii hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gobolka dhaqaale xumo guud darteed iyo sicir barar ka jira magaalada.
Waxaa la diiday shillin Soomaaliga, taas oo keentay in la isticmaalo birta ee Itoobiya iyo kuwa danabaysan ee taleefannada gacanta.
Shiniyey Maxamed Cabdi waxay dabooli la’ dahaya baahiyaha nolosheed ee carruurteeda oo lix ah. Waxaa ka istgaatay shaqo nadaafad ah bishii Febraayo ee sanadkan.
Waxaa u wehelisay inuu ka go’day isla December 2025 raashin igusu jiray Min 25 kg oo bariis, baasto, bur, 5kg sonkor iyo sadexle saliid ah oo ay bille uga heleysay hay’adaha samafalka.
Waxay wajahayaan cunno xumo, daymo lagu yeeshay iyo carruurteeda oo waxbarashada kaga soo eryay.
Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in hadda carruurteeda ay ugu soo dawarsato qoysaska nolol ahaan dhaamo oo xerada iyo xaafadaha magaalada.
Shaqo la’aanta kahor waxa aheyd mid ku filan cuntada iyo maaraynta baahiyaha kale ee qoyskeeda.
“Awal hore saddexda doolar labada doolar waan iska heli jirnay, hadda wax aan haysano ma jirto. Ilmihi maanta hadii dabka loo shiddo bari looma shidaayo. Alle ayaa wax nasiiyo maalin waa la heli maalin waa kheyri. Marmar dabkooda lama shido. Ilmihi daris ayaa jiro in kastoo la is dhaamin.”
Shiniyey oo 36 jir ah, waxa ay shaqada nadaafadda ka heli jirtay lacag dhan afar doolar taas oo aheyd mid ay joogto kaga soo qaban jirtay xafadaha ay ku nool yihiin dadka ku jira dabaqada dhexe.
“Dugsigi waan ka reebay wax la’aanta awgeed. Hungurigooda ayaan u weysanahay oo aan haynin marka bil intee ka keenaa, iska jooga ayaan dhahay.”
Waxay sheegtay inaysan wax garab ah ka helin carruurteeda aabbahood oo ay kala tageen. Waxay xustay in xaaladdan hadda ay ku sugan yihiin ay tahay middii ugu adkayd ee soo marta.
Shiniyey iyo qoyskiisa ayaa sanadkii 2011 ku cayroobay abaar dhaafisay tiro ariga ah iyo 20 sac oo ay ku dhaqanayeen miyiga Doolow.
Waxay galeen xeryo ku yaalla deegaanka Soomaalida. Markii ay ku soo adkaatay waxay soo deggeen xerada Kabaaso 2018.
Haweenka qaar ayaa billaabay inay abuurtaan ganacsiyo, markii ay shaqo la’aanta ku dhacday si ay uga helaan quud maalmeedka reerahooda, balse macmiil la’aan ayaa ku dhacday.
Arrintan waxay keentay in lafihii dib u isticmaalaan. Waxaa kamid ah Nasro Axmed Nuur oo ah hooyada afar carruur.
Nasro ayaa waxaa isku biirsaday shaqo nadaafadeed oo ka joogsatay labadii Febraayo ee sanadkan iyo burbur kaga yimid miis yar.
Waxay ku iibinaysay macmacaanka sida nacnac, shukulaato iyo sisin loos ay dubto, kuwaas oo ay ku maalgashatay $200. Lacagtaas waxaa ku taageeray qof ay ehello yihiin.
“Nolol xumo iyo rafaad ayaan kaga noolnahay, miiskiina waan biilanay, taasina waxay dhashay in aan gacmihi is kor saarto.”
Nasro iyo qoyskeeda oo ka mid ahaa danyarta magaalada waxay xerada soo galeen 2020, markii saygeeda oo beeraha deegaanka shaqaale ka ahaa ay shaqo la’aan ka dhigtay fatahaad dhacday.
Shaqooyinka nadaafadda guryaha iyo dhardhaqista oo ah ilaha dhaqaale ee haweenka barakaca ku ah Doolow ayaa hadda ah kuwo Meesha ka soo baxaya iyadoo aysan helin beddel kale.










