(ERGO) – Kaltuumo Faarah Cusmaan, iyada iyo carruurteeda oo shan ah waxay duruufo is-biirsaday ku wajahayaan deegaanka Buufow-bacaad oo ay tageen 15 bishii May, iyagoo faro maran.
Qoyskeeda ayaa ka soo barakacay dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo salka ku haya muranka dhul beereed ku yaalla deegaanka Beder ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Haweenaydan ayaa tilmaamtay inay ka fursan wayday inay albaabada u garaacdo dadka tuulada ay soo miciin bidden oo danyar ah. iyada oo waydiisanaysa inay raashin bisil siiyaan. Marka ay soo wayso ayay xustay inay ku qasbanaadaan inay qatooyo ku joogaan.
“Xaaladeena nololeed aad iyo aad ayay u liidataa. Waa iska rafaadsanahay wax la cunaayo meeshan ma yaalaan waala baahanyahay. 5 caruur agoon ah ayaan meeshaan ku heystaa. Wallaahii raashiin mar waala helaa mar waala waayaa. Hadda saan wax aan siiyo ma haayo inaan sidooda ku seexiyo ma ahane.”
Haweeneydan ayaa keli ku ah maaraynta nolosheeda iyo midda carruurteeda oo ah yaryar aan ku kabi soo dhicinta biilka reerka. Saygeedii ayay xustay inuu cudurka macaanka u dhintay 2024. Wixii intaas ka dambeyay waxay keli ku ahayd.
Kaltuumo ayaa intaas ku dartay inay xanuun ku hayso nolosha qoyska gaar ahaan xilligan oo ay ku jiraan xaalad hubanti la’aan ah. Gasiin xumada waxaa u dheer inaysan haysan gabbaad awood u leh inuu ka celiyo qorraxda iyo roobka xagaaga oo gobolka ka da’aya.
Hoy xumada ayay xustay inay si gaar ah u saamaysay carruurteeda oo la qabsan la’ xaaladdan oo cusub.
“Meel ay ku hoydaan ma heysti. Maryahan ayaa meeshaan ku xirxirtay hadda roob haduu yimaado meel aan dhaxanta uga ilaaliyo ma haayo. Wallaahi xanuun saa’id dareemaa. Habeenkii ma hurdo. Ma harsado. Fekerfaceyga uma eki. Waan dhibbanahay.”
Kaltuumo ayaa sheegtay inay ka soo tageen guri ka kooban saddex qol, suuli iyo jiko oo ay ku lahaayeen tuulada Beder oo kaabiga ku heysa deegaanka Janaale.
Waxay xustay inaysan waxba ka soo qaadan balse ay naftooda kala soo baxsadeen, markii maleeshiyo ay ku amartay inay banneeyaan gurigooda oo saaran beeraha Garshiine ee la isku haysto lahaanshahooda.
Waxay sidoo kale ka soo tagtay 8 neef oo ari ah oo ay dheefsan jireen cadkooda iyo caanahooda. Qoyska kaltuumo ayaa la qabsan la’ nolosha barakaca maaddaama ay tahay markii ugu horreysay ee ay dibad joog ka noqdaan tuuladoodii.
Kaltuumo ayaa xustay inay isku dayday marar badan inay shaqo ka raadiso deegaanka Shalaambood iyo magaalada Marka balse ay weysay cid ay u shaqeyso sabab la xiriirra deegaanka oo aysan aqoon u lahayn iyo fursadaha ka jira oo yar.
Kaltuumo ayaa tilmaamtay inay ka waxbarasho beeleen saddex kamid ah carruurteeda oo dhiganayay dugsi Qur’aan. Waxay tilmaamtay in dugsigii tuuladoodii ay macalinka bishii siin jirtay hadba wixii ay u garato maaddaama uu yaqaannay.
Haweeneydan ayaa sheegtay in soo gaarida deegaanka Buufow-bacaad ay ku qaadatay socod 11 saacadood ah maaddaama ay wayday dhaqaale ay gaadiid ugu kirayso ubadkeeda.
Sida maamulka deegaanka aan ka soo xiganay tan horraantii May in ka badan kontan qoys ayaa barakac ku yimid kuwaas oo wajahaya xuno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan.
Waxaa ka mid ah qoyska Daahir Cabdi shakuur xuseen. Ninkan ayaa reerkiisa oo 7 qof ah u awoodi la’yahay cunno, biyo iyo hoy ay gabaadsadaan. Xaaladan adag ayay wajahayaan tan iyo dhamaadkii bishii May oo uu ka soo barakacay tuulada Beder.
Noloshooda ayaa ku tiirsan dawarsi ay dantu bidday. Wuxuu aroor walba u lugeeyaa magaalada Marka oo deegaanka u jirta qiyaastii 5 km. Wuxuu sheegay inuu kilo bariis uu soo helo, taas oo ay labo maalin tashiishaan.
Wuxuu sheegay inay isku raacday gaajo iyo haraad ku haysta deegaankii ay u soo nolol doonteen. Ninkan ayaa sheegay in qiimaha biyaha deegaanka jirgaankii uu yahay $0.2, aysanna awoodin inay shubtaan dhaqaale xumada haysa awgeed.
“Mararka qaar waaba la qadaa. wax la haayo malahan, dadka iyagaa wax heysanba. Culeysada noogu daran waa hoy la’aan. Baco ma heysano roob haduu yimaado. biyaha horta $.20 waaye anagana ma awoodno nadiif maaha ilmahana way ku xanuusadaan.”
Daahir ayaa xusay in noloshooda Beder ay ku tiirsanayd beeraha aseendooyinka oo uu caws ka fali jiray. Wuxuu tilmaamay in maalinkii uu ka helayay $4. Waxaa dugsi Qur’aan u dhiganayay 5 carruur ah, kuwaas oo uu bishii ka bixin jiray wadartooda $10.
Ninkan ayaa tilmaamay in aysan marna ku tashanaynin inay guryahooda dibad yaal ka noqdaan. Wuxuu intaas raaciyay in xilli habeen ah mid kamid ah dhinacyada is haya ay u sheegeen inay guuraan.
“Dagaal dhul beereed ka bilowday ayaan ka soo guurnay. Waxaa nalagu yiri meeshan ka taga noloshiina haDdii aad nabad u rabtaan. Annaga dad hubeysan manihi dad shacab ayaan iska ahayn meeshaasaa ka xamaalan jirnay guura ayaa nala dhahay sidii ayaana usoo qaxnay.”
Daahir ayaa sanadkan isku diyaarinayay inuu dalagyo kala duwan uu saaro beer 5 hektar ah dhaxal ah balse maanta wuxuu doorbidday barakac inuu noqdo. Ninkan ayaa nolosha ka jooga quus.
Dadka ay soo sal-kicisay colaadda ayaa ka siman hubanti la’aanta. Faadumo Cumar Xaaji oo ah hooyo lixdan jir ah iyada iyo qoyskeeda oo 6 ah waxay dulsaar ku yihiin qoys degan deegaanka Buufoo-bacaad.
Noloshooda ayaa ku tiirsan xaabo ay gabadheeda u doonto dhul kaymeed deegaanka ka baxsan. Waxay sheegtay in maalinkii ay ka soo hesho $0.5 oo aan ku goyn karin quud ku filan.
Saygeedii ayay tilmaamtay inay kala tageen isla markaana uusan ku daryeelin carruurta. Faadumo ayaa sheegtay in labo sanno ay madaxa ka xanuusaneyso. Waxay wayday dhaqaale ay dhakhtar ku tagto.
“Jirro ayaa sidaan iyeeshay. Madaxaaan ayaan ka jiranahay. Madaxeyga wuu lulanayaa. Carafadan carafadeedii ayaan isku arkay. Madaxa waxaana ku dhacay ma dhihi karo. habeen iyo maalin dhegteyda waxaa ka qeylinayo waxa ay yihiin ma ogi.”
Inta aysan barakaca noqon noloshooda ayaa ku tiirsanayd caano ay ganacsato ugu iibin jirtay deegaanka Jannaale oo tuuladeedii u jira qiyaaskii 3 km. Waxaa maalinkii ka soo geli jiray saddex ilaa afar dollar oo ku filnayd.
Waxay sidoo kale ka soo tageen beer labo haktar ah oo ay la tacban wayda colaadda markii laga aasasay kannaaladii u waraabin jiray.
Qoysaskan oo sanadkan isku diyaarinayay inay beerahooda tacbadaan si ay uga soo kabtaan biyo yari sanadihii la soo dhaafay saamaysay wax soo saarkooda ayaa hadda waxay galeen xaalad adag markii colaadda ay ceel ku riday hankoodii nolosha.









