Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

Jibril Osman by Jibril Osman
July 10, 2026
in Wararkii u Danbeeyay
0
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

Axmed Cabdullaahi Bocoreey oo fadhiya deyrka gurigiisa isaga oo gacanta ku haya Raadiye/Maxamad Khadar/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Axmed Cabdullaahi Bocoreey oo ah 47 jir deggan magaalada Muqdisho ayaa nolosha qoyskiisa isbeddel weyn ku sameeyay.

Dhegeysiga barnaamijka deegaanka ee Raadiyow Ergo ayuu ka dhex helay aragti ganacsi oo u horseeday inuu abuurto ilo cusub oo kordhiyay daqligiisa.

Ninkan ayaa ka ganacsada dhir noocyo kala duwan ah, isagoo adeegsanaya hab hal-abuur leh oo uu ku badbaadinayo deegaanka.

Wuxuu tilmaamay in ganacsigan uu kaafiyay nolosha qoyskiisa iyo ehelkiisa.

Ninkan oo ku guulaystay inuu ballaariyo shaqadiisa, ayaa sheegay in aqoonta uu ka qaatay raadiyaha ay u sahashay inuu badiyo dhaqaalaha qoyskiisa.

Wuxuu markii hore la tacaalayay daboolista baahiyaha asaasiga ah.

Isbeddelkan ayaa Axmed ka caawiyay inuu ka baxo hubanti-la’aan dhanka dakhliga ah, taas oo keentay in toddobaadkii uu ku tashto lacag u dhaxeeya 80 illaa 100 dollar.

“Nolosheenna oo keliya ma ahan asxaabo ayaa jirto. Waalid ayaa jira oo si maalin walba ah u qaato masaariif, mar mar abti ayaa soo boodaayo mar mar eedaa soo boodayso mar walbo waxbaa soo boodaayo.”

Guri labo qol ka kooban ayuu ku deggan yahay bishii 100 dollar oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa sidoo kale awooday bixinta waxbarashada labo carruurtiisa kamid ah oo dhigta fasalka 11naad ee dugsiga sare. Wuxuu sheegay in bille uu uga bixiyo min 15 dollar.

“Shaqada waxbadan ayay iga kaafisay inaan qof hoos tagin oo  qof wax aan tuugsan, wax keen maanta inaan qof dhihin oo aaniga aan isku filnaado oo  aan shaqeesto bil caksi aniga aan wax bixiyo.”

Ninkan ayaa dakhli iyo nolol cusub ka dhex abuuray miraha la tuuro; wuxuu tagaa goobaha qashinka si uu uga soo dhex xulo miraha khudaarta iyo dhirta ay bulshadu reebtay, kuwaas oo uu dib u abuuro, daryeel weynna galiyo.

waxay hadda u noqdeen il-dhaqaale oo uu si joogto ah u gurto miraheeda.

In kasta oo dadka qaar ay la yaabaan marka ay ku arkaan goobaha qashinka isagoo baaraya, haddana isaga waxaa bidhaamaysa ujeeddo weyn oo ganacsi.

Ma ahan oo kaliya miraha waxa uu raadsado; haraaga cuntada iyo qolofka khudaarta ee dadku daadiyeen ayuu u beddelaa digada nafaqaysa carrada uu ku dhex beerayo dhirta cusub.

“Caleentaas dad baa iskasoo xaaqay waan soo aruusaday caleenta caraa u beddelaa. geedkaan moxoga laleeyahay waxaa laga sameeyaa buraa canbuulaa lagu karsadaa.”

blank
Axmed Cabdullaahi Bocoreey oo gacmaha ku haya beeshin ama weel uu ku abuuray miraha uu soo uruursado/Maxamed Khadar/Ergo

Horumarka iyo dhaqdhaqaaqa xooggan ee ganacsigiisa, Axmed wuxuu guusheeda gabi ahaanba u tiirinayaa talooyinkii uu ka bartay Raadiyow Ergo.

Wuxuu rumeysan yahay in la’aanta codkaas hagayay, ay adkaan lahayd inuu maanta sawirto halka uu ku dambayn lahaa mustaqbalka masruufka qoyskiisa iyo noloshiisaba.

Axmed ayaa tilmaamay in uu kala socdo idaacadaha Muqdisho ee soo daaya Radio Ergo, taas oo u noqotay mid uu ku tixan yahay galab kasta.

Bishii March, 2025 oo Radio Ergo lagu daabacay halgankiisa nololeed ayaa u horseeday inuu helo macaamiil badan, kuwaas oo ka soo dalbada dhirta. Axmed ayaa sheegay in wax-soo saarka shaqadiisa ay hooseysay.

Noloshiisa ayaa isbedeshay markii uu la saaxiibay idaacadda, taas oo siisay fursad ah inuu ganacsigiisa ku soo daro hal abuur maanta ku simay inuu noqdo mid bullaalay oo wax ka beddelay hab nololeedka qoyskiisa.

Tan iyo markaas waxay u noqotay shaqadiisa mid ka duwan intii aan la baahin, Axmed oo si gaar ah u xiiseeya arrimaha deegaanka ayaa sheegay inuu ku tixan yahay cinwaannada la xariira dhireynta deegaanka.

“Barnaamijka deegaanka oo Ergo ayaan ku xiranahay wax badan ayaan ka faa’iiday marwalba cilmiga inaan sii kordhiyo ayaan jeclahay. Shaqadeyda marka meel sare ayaad gaarsiiseen aad ayaan idinkaga mahadcelinaa.”

Ninkan ayaa shaqadan si rasmi ah u xoojiyay bilowgii sannadkan 2026, isaga oo xogihii uu kala baxay baahinta ergo oo uu joogteeyay kaddibna u beddel ficil, wuxuuna ku guuleystay inuu ka miro dhalliyo kana macaasho.

Axmed ayaa xusay in shaqadu aysan aheyn wax laga xishoodo balse ay tahay sharaf mudnaan gaar ah siineysa cidda ku dhiirrata lana aqoon iyo xirfad.

Wuxuu aaminsan yahay in aragti ka maqan ay aheyd xoojinta iibinta dhirta miraha la dheefsado leh, taas u kabtay xirfaddiisa samaynta agab dhirta lagu rido oo uu ka farsameeyo shamiindo, carro gaduud iyo rinji midabo kala jaad ah ka kooban.

Yoolka ugu weyn ee Axmed hadda ma ahan oo kaliya inuu qoyskiisa kaafiyo, balse wuxuu rabaa in xirfaddiisa farshaxanka iyo beerista dhirta uu u adeegsado la-dagaallanka shaqo-la’aanta haysata dhallinyarada.

Wuxuu bilaabay inuu mid-mid u fuliyo qorsheyaal u deggan oo ah inuu aqoontiisa gaarsiiyo bulshada, si loo helo qoysas badan oo isku filan. Illaa iyo hadda.

Wuxuu xirfaddan si bilaash ah ugu tababaray in ka badan 10 dhallinyaro ah, kuwaas oo maanta ku shaqaysta, kuna maareeya nolosha qoysaskooda.

Axmed nolosha maanta uma muuqato sidii hore; wuxuu noqday tusaale nool oo muujinaya sida macluumaadka Raadiyow Ergo uu qofka iyo bulshada uga caawin karo inay qaataan go’aan u sahla inay dhistaan mustaqbalka wanaagsan iyo wacyi.

Ninkan oo wehel ka dhigtay dhegeysiga barnaamijyada maalinlaha ah ee idaacadda, wuxuu ka dhex helay aqoon iyo dhiirrigelin gabi ahaanba beddeshay jihada noloshiisa iyo midda dadka uu gacan qabtay.

Previous Post

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

Next Post

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
blank

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la'aan biday barakac iyo danyar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-SEP-2026

IDAACADDA 20-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo