(ERGO) – Axmed Cabdullaahi Bocoreey waa 45 jir ku kaafiyay xirfaddiisa samaynta agab dhirta lagu rido qoyskiisa oo kooban xaaskiisa iyo labo carruur ah oo uu dhalay. Wuxuu awooday inuu saddexda waqti, kirada iyo waxbarashada carruurtiisa uu ka maareeyo dhiraynta guryaha.
Ninkan ayaa ku faraxsan inuu wax soo saarka farsamadiisa ku helay dhaqaale daboolay baahiyiha qoyskiisa oo uu markii hore u maaro la’aa. Wuxuu ka hadlayaa culeysyada kaga degay xirfaddiisa aqooneed ee uu hadda miraheeda dheefsanaayo.
“Inaan dad ku tiirsanaado. Inaan qof shaxaado. Inaad qof baryo. Waxyaabahaas oo dhan waan kaga kaaftoomay. Nolol wanaagsan iyo biil igu filan alxamdullilaah. Markaan shaqadan billaabay, gacantayda ayaan dhunkaday.”
Ka hor inta uusan billaabin shaqan nolosha qoyskiisa ayaa ku tiirsanayd foorno uu ka dubi jiray rooti oo uusan ka heli jirin dhaqaale ku filan baahiyaha reerkiisa, balse hadda waxaa u suuragashay inuu shaqadaas uga maarmo sancadiisa.
Wuxuu sheegay inuu bille u helo faa’iido u dhaxaysa 200-300 doollar. Lacagtan ayaa isbeddel nololeed u horseeday isaga iyo qoyskiisa. Wuxuu faahfaahinayaa sida uu u maareeyo daqligiisa.
“Waxaan u kala dabbaraa. Kiradaan isaga bixiyaan. Nolosha gurigayga, hooyo, habar yarm abtiyaal, eeddeyaal mar hore isugu kayn danbaysay wana wacaa. Waxaan dhahaa hal kiilo hilib ah ha loo sameeyo.”
Axmed ayaa gaaray heer uu caawiyo qaar ka mid ah xigtadiisa oo la ka-kacaa-kufaya nolosha. Wuxuu dib u milicsanayaa sidii ay ugu adkeyd inuu helo masruufka qoyskiisa inta uusan shaqadan ku dhiiran.
“Marar qaar waxaan waayi jiran hal dollar balse maanta taleefankayga lacag kama waayo alxamdullilaah. Dhan dhaqaale ayay ii kaafisay, dhan nadaafad, dharkayga, annoo lebbisan oo nadiif ah oo boor iyo foorno wixii iga muuqan, rafaad ayaa jiray.”
Ninkan oo muddo ku noolaa Sacuudiga ayaa waardiye ka ahaa garaash, mana heli jirin tixgelin, hayeeshee nin indonesiyan ah oo xirfaddan si wanaagsan u yaqaano ayay carabtu siin jireen qaddarin.
Bocoreey markii uu arkay sida mudnaan looga siinayo ninka xirfadlaha ah ayuu go’aansaday inuu ka barto. Bilowgii way ku adkaatay inuu ka aqbalo baristeeda, inkastoo dadaal iyo sabsabasho dheer u suuragelisay inuu ka meersado.
“Markii aan arkay ninkii oo la qaad-qaadayo waan masayray, juhdi ayaan geliyay inaan barto. Caqabado waa weyn ayaan kala kulmay inuu iga qariyo waxyaabo qaar. Ilaa aan ka soo ritay oo aan isku dhul dhigay mushaar kayga aan wax uga soo gado, oo aan dhaho dharka ayaan kuu dhaqi.”
Xirfaddan ayaa ah midda keliya ee uu reerkiisa ka maareeyo noloshooda, wuxuuna farsameeyaa agab dhirta lagu rito oo uu ka farsameeyo shamiindo, carro gaduud iyo rinji midabo kala ceyn ah ka kooban.
Agabka farshaxanka ah waxaa u raaca dhiraynta guryaha ay deggan yihiin qoysaska ladan, xafiisyada, xarumaha waxbarashada iyo hay’addaha. Xirfaddan keligiis iskuma koobin wuxuu sidoo kale baray dhallinyaro kale oo hadda iyana ku shaqeysta.
“Koox ayaan baray oo hadda ila shaqeeya. Hadda waxa ay marayaan heerkii labaad. Waa kalkaaliyaan sare. Xirfaddi way ku socotaa , shaqadii waan barayaa. Meelay ku tashtaan waaye, qoysaskooda ayay ka maareeyaan. Noloshooda isbeddel buuxa ayaa ka muuqda, markii hore meelaha ayay iska fadhiyeen.”
Ninkan ayaa shaqadan si rasmi ah u billaalay bartamihii sanadkii tagay. Intii uu hawshan wadday wuxuu ku guuleysay inuusan dabin dabka qoyskiisa. Sidoo kale wuxuu wax baray oo shan dhallinyaro ah oo hadda xirfadooda maala.
Axmed ayaa intaas raaciyay inuu farsamadiisa doonayo inuu ku caawiyo dad badan si ay uga baxaan dhibaatada shaqo la’aanta. Wuxuu sheegay inuu ka fekerayo sidii aqoontiisa uu u gaarsiin lahaa dad badan balse wuxuu leeyahay qorsheyaal u degsan si uu u gaaro yoolkaas.
“Marka hore waxaan ka billaabi inaan page You Tube ah aan ka sameeyo annoo dadka aan waxba ka qarinaynin inaan qof walba isagoo gurigiisa jooga ka baro. Markaan muddo aan jooyo oo aan is dhabo maanta waad iskaabtaa aan kireysto xarun weyn oo Bocorray Akadheemiyo wiilal yaqaanna qurxinta soo saarta.”
Marka uu isku daro carrada, shamiindada iyo rinjiga waxa uu ka soo saarayaa agab u eg geedo la qoray, balse la dareemayo markii la taabto.
Bocoreey ayaa ku taamayaa inuu furo xarun lagu barto xirfaddan, si aysan u noqon mid isaga oo kaliya ku kooban, dadaallada uu ku gaarsiinayo bulshada sidii ay u baran lahaayeen xirfadiisa ayuu ka bilaabatay barta Tik Tok oo ay maalin ba dad boqolaal gaaraya ay ku soo biirayaan.