Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

Jibril Osman by Jibril Osman
June 8, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
blank
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 2,800 oo arday ayaa waxbarasho la’aan ku wajahaya tan iyo bishii April degmada Qallaafe iyo deegaano hoos taga oo ka tirsan gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Xaaladan waxaa u dheer cunn yari, hoy xumo iyo biyo yari, waana mid ka dhalatay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle oo sababtay in dadku ka barakacaan deegaankooda, ayna waayaan ilahoodii dhaqaale.

Waxay la haayeen beero iyo meherado ganacsi. Waxaa hadda xiran 18 iskuul oo waxbarashadoodu bilaash aheyd. Waa dhibaato si guud u gaartay xarumaha caafimaadka, guryaha, beeraha iyo ceelasha biyaha.

Cumar Sheekh Cabdi Khayre ayaa ka mid dadka ay saameysay. Wuxuu maciin biday tuulada Goobyaal oo u dhow deegaanka uu ka barakacay ee Shubo.

Saddex carruur ah oo u dhigan jiray iskuulka hoose iyo dhexe ee deegaanka Shubo ayuu xusay inay hadda waxbarasho la’aan yihiin, halka ay joogaanna aysan iskuul laheyn.

“Ciyaalkii hada waxbarasho la’aan kusoo dhaceen, moral jab ayay dareemayaan, waayo waxbarashadoodi dhan ayaa istaagtay. Waxay noqdeen ciyaalka reer baadiyaha camal ayay u dhaqmayaan hadda.”

Cumar oo leh saddex qoys, ahna aabbaha 18 carruur ah waxa kaliya ee hadda qoyskiisu ku tiirsan yihiin ayaa ah boorash iyo gallay 50 kiilo ah oo ay ka heleen maamulka deegaanka Soomaalida. Waa kaalmo aan la ogeyn inay joogto u noqon doonto.

Fatahaadda ayuu sheegay inay ceyr ka dhigtay oo ay ka baabi’isay beer ka weyn labo hektar oo ay uga baxayeen qudaar, galley iyo digir, kayd raashin ah oo u yiilay, hoygii ay degganaayeen iyo dukaan yar oo bagaash uu ku gadi jiray.

“Labo hiktar iyo bar beer ah ayaan lahaa. Labo hiktar sisin iyo galley ayaa iigu beernaa, mid kalana waxaa ku yaalay digir iyo qudaar. Dhammaan biyihii way qaadeen. Xoolahana 3 neef oo ari ah iyo hal dameer gaadiid inoo ahaa ayaa nooga dhintay. Raashin 21 kiish ah oo isugu jira sisin, galley iyo digir ayay fatahaaduhu iga qaadeen.”

Cumar oo 60 jir ah ayaa sheegay in tuulada uu ku noolaa ay biyuhu galeen xilli habeen ah, markii ay xoog ku jabiyeen carro tuur ay dadku sameynayeen si ay uga hortagaan fatahaadda.

Wuxuu rajo ka qabaa inuu mar kale uu dib u tacbo beertiisa, hasa yeeshee waa mid ku xiran in biyuhu ka baxaan, balse heerka biyaha wabiga Shabeelle oo hadda sareeya waa mid xaaladda sii daba dheereyn karta.

Wuxuu intaas ku daray inuu jiro walaac la xiriira in fatahaaddu ay soo gaarto deegaanka uu ku barakacay oo wabiga aan ka fogeyn, dhukiisuna aheyn mid taag ah.

Dadka fatahaaddu barakicisay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay cabaan biyo wasaqeysan oo ah kuwa soo fatahay, maadaama aysan heli karin ceelal iyo biyo kale oo nadiif ah.

Ibraahim Cali oo ka barakacay deegaanka Shubo,hadana ku nool Goobyaal oo 10 km u jirta halkii uu ku noolaa ayaa xusay in harka geedaha uu hoy u yahay.

Wuxuu intaas ku daray in wixii hu’ iyo hoy u ahaa ay ka soo carareen, markii fatahaaddu ay kedis ku soo gashay oo ay waayeen fursad ay ku soo rartaan.

“Qoyskeyga xaalad adag oo uu ka dhaxlay barakaca ayuu ku sugan yahay. Waxaa noogu daran maro kaneeco iyo baco aan roobka ka galno, hoy iyo hungurigii la cunayay. Xaalad adag ayaan ku jirnaa, cuntada si adag ayaan ku helnaa oo saddex waqti lama kariyo.”

Ibraahim oo ah aabbaha 17 carruur ah ayaa tilmaamay inay ku tiirsan yihiin kaalmo kooban oo ay soo gaarsiisay dowladdu.

Wali xal uma helin toddobo carruur ah oo waxbarasho la’aan ay dhigtay fatahaaddu. Musiibadan ceyrteysay ayuu ka walaacsan yahay siduu uga soo kaban doono.

“Waxay fatajaaduhu iga qaadeen raashiinkii guriga ii yaalay, xoolana way iga dhinteen. Reer dhan oo horay u socday oo hiigsi ku jiray oo barakacay oo hantidii ka burburtay oo waxbarashadii ka burburtay oo barakacay waa niyad-jab wax weyn ayaan dareemayaa.”

Qoysaska ay fatahaaddu saameysay ayaa inta badan ah beeraley ku nool hareeraha wabiga Shabeelle. Guryaha ah ayaa kuwo u nugul biyaha oo ka sameysan, cows, jiingado iyo dhoobo.

Fatahaadan oo bilaabatay 15 April ayaa nolol xumo biday in ka badan 5,000 qoys, halka ay ku barakaceen 1,600 qoys. Sidaas waxaa Raadiyow Ergo u sheegay Maxamed Raadi Nuur oo ah madaxa xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka ee degmada Qallaafe.

Wuxuu intaas ku daray in 33 tuulo oo hoostaga degmada ay fatahaaduhu saameeyeen. Maamulka degmada oo kaa shanaya hay’adaha gargaarka ayuu xusay in gargaar iskugu jira gallay iyo boorash ay gaar siiyeen 500 qoys oo ka mid ah dadka barakacay, halka inta kale ee aan wali la caawin ay wadaan qorshe kaalmo lagu gaar siinayo.

“Dadaalo faro badan ayaan ka degmo ahaan samaynaY, 250 kiintaal oo gallay ah ayaan la gaadhnay dadka, hadba meesha usii diran oo todobo tuulo ah. 1068 kiish oo boorash ah ayuu hadda nasoo gaadhsiiyay maamulka heer deegaan. Dadaalo kale oo badan oo gurmad ah ayaa jira oo aan rajeyneyno inay na soo gaaraan maalmaha na soo aadan.”

Maxamed ayaa xusay in tuulooyinka qaar ay go’doon yihiin oo aysan laheyn waddo loo maro, sidaas darteedna ay isticmaalaan doonyo. Marka ay dadka gaar siinayaan kaalmada gargaarka ah.

Warbixin uu soo saaray xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka ayaa lagu sheegay in fatahaaddu ay burburisay 2,315 hektar oo dalag beerood ah, halka 348 neef oo xoolo ah ay ku dhinteen, sidoo kalana ay wax yeello gaarsiisay laba xarumood oo caafimaad, 18 dugsi iyo shan ceel-biyood.

Previous Post

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

Next Post

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Next Post
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUL-2026

IDAACADDA 23-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUL-2026
July 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUL-2026
July 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUL-2026
July 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUL-2026
July 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo