(ERGO) – Boqollaal qoys oo ah xoolodhaqato hore oo ku cayroobay abaaro ayaa ka soo kabtay nolol xumo ay muddo wajahayeen, markii raggoodu ay billaabeen in ay ka kalluumaystaan badda deegaanka Gunbax ee gobolka Bari.
Raggan ayaa badda galay ka dib muddo dhawr bil ah oo ay kalluumeysto horay u joogay ka baranayeen qaabka loo kalluumaysto. Siciid Muuse Yuusuf iyo 6 kale waxay subax kasta badda la galaan saxiimad yar oo ay kiraystaan.
Kalluunka ay helaan oo ay kala qaybsadaan ayuu sheegay in ay kaga soo aadddo ugu yaraan $5 maalintii . Ninkaan oo ah 50 jir markii ugu horraysay kalluumaysiga billaaabay bishii Janaayo ee sanadkan ayaa sheegay in hadda uu si wanaagsan u la qabsaday.
Wuxuu ku filnaaday maaraysnta nolosha qoyskiisa oo 10 qof ah.
“Shabaag ayaan iska dhiganaa xooggayga ayaan dadka kula shaqaystaan. Haddda baadiye laguma carari karo oo ninkii saddex tiro lahaa sodon caato ah oo aan nacfi lahayn ayaa u hartay. Hadda habeen iyo maalin baddaas ayaan ku jirnaa oo aan jillaabaynaaa.”
Siciid ayaa sheegay in ka hor inta uusan shaqadan ku dhiiran ay qoyskiisu ku jireen nolol xumo aad u liidata. Waxay hal waqti karsan jireen raashin ay ka dawarsadaan dadka horay u deganaa deegaanka Gunbux oo ay soo gaareen Janaayo.
Tan iyo markii uu ku biiray kalluumaysatada ayuu sheegay in qoyskiisu ay ka baxeen xaaladadihii nololeed oo ay xalka u la’aayeen. Fikradda ayuu xusay in uu ku la taliyay nin ay saaxiibo yihiin oo kalluumeysiga uga horreeyay.
Wuxuu in ka hor inta uusan badda gelin uu qaatay tababar socday 2 bil oo ay siiyeen iskaashatada kalluumaysatada. Waxa ugu wayn ee la barayay ayaa ahaa sida loo xiro shabaagta iyo tababar naf badbaadin ah haddii uu qatar la kulmo.
Arrintaas waa mid uu kala sinnaa boqoollaal la mid ah oo badda ku cusbaa. Iskaashatada ayaa u arkay in ay lagama maarmaan tahay in dadkaan la siiyo tababar kooban si ay badda ugu shaqaystaan, maaddaama ay qabeen baahi xooggan oo cilmigaas ah.
Siciid inkasta oo uu hadda dareemayo soo kabasho dhanka nolosha ah oo ay reerkiisu galeen haddana waxaa culays ku haya daymo isku gaaray saddexdii sano ee la soo dhaafay oo xoolihiisu ay daaq xumada darteed la nacfi beeleen.
Waxaa ku leh ganacsato ku nool deegaanka Murcanyo oo uu raashin uga qaaday dadka iyo xoolaha. Inkasta oo ay hadda waydiinta dayntaas ku cadaadiyaan haddana wuxuu naawilayaa in uu iska gudo, markuu si fiican ula qabsado kalluumaysiga.
“Haddii shaqadaan ii fiicnaato waxaan rajaynayaa in aan iska bixiyo, awalna xoogayga ayaan ku galay haddana waxaan illaahay ka rajaynayaa in aanan dayntaas ku dhiman oo aan Illaahay qaan bini’aadan igu dilin.”
Siciid oo noloshiisa oo dhan ku soo qaatay xoolo dhaqatonimo ayaa sheegay in kalluumaysigu uu kaga nacfi badan yahay xoolihiisii taas oo uu xusay in ay ku dhalisay in uu sii xoojiyo shaqadiisa cusub.
Wuxuu tilmamay in hadda uu la tacaalayo qalab la’aan, balse haddii uu helo uu aaminsan yahay in daqligiisu si wayn u kordhayo. Waxaa aad u dhiiragelinaysa faham buuxa oo uu ka helay badda.
Dhamaan xoola-dhaqatada u weecday kalluumaysiga ayaa kala siman Siciid faa’iidada ay mahdiyeen. Waxay si isku mid ah badda u wada galaan subax walba iyaga oo wata gaadiid kala duwan oo ay kiraystaan. Waxay kula heshiiyaan ganacsatada leh boqolkiiba labaatan hadba waxa ay soo jilaabtaan.
Maxamuud Axmed Naasir wuxuu tan iyo bishii saddexaad ee sanadkaan uu badda la galaa maalin kasta saxiimad yar oo uu leeyahay nin ganacsato ah. Wuxuu siiyaa maalinkii shan doollar oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa oo lix qof ka kooban.
Ninkan ayaa sheegay in shaqadaan, markii uu bilaabay ay reerkiisu ka soo kabteen nolol xumo badday in ay asaaggood dawarsadaan.
Ninkan oo horay miyiga deeegaanka Gunbux ugu dhaqanayay 50 ari ah ayaa sheegay in in reerkiisa uu magaalada u soo raray markii ay dhaafeen xoolahoodii.
“Dadkii waxaan keenay magaalada meel u dhaw oo kaam ah. kalluunka aan soo helno ayaan habeenkii u gaynaa oo aan ku cashaysiinnaa, iyo wixii kale ee illaahay na siiyo. Sidaaan miyga ku ahayn markaan aan xebta nimid ayaan ka roonnahay.”
Dhanka kale Maxamuud wuxuu sheegay in kalluumaysatadooda cusub ay wajahayaan caqabado ay ka mid yihiin maraakiib jariif ah oo badda ka soo saara maalmaha qaar iyo qalab ay ku shaqaystaan oo aysan haysan. Xaaladdaahaas ayaau qasba in ay u shaqeeyaan dadka shamaagaha leh.
“Baahiyaha aan qabno waxaa weeye waxaanan haysan wax aan xebtaas kaga kalluumaysanno Saxiibad ama matoor ah ma haysanno. Marka dhibaatada koobaad ee na haysata kaas weeye.”
Maxamuud sidoo kale wuxuu sheegay in muddada uu shaqaynayo uu iska guday dayn gaaraysa $300 oo uu raashin ugu qaaday reerkiisa intii uusan shaqadaan billaabin. Wuxuu xusay in uu ka nastay culays ay ku saarayeen bixibteeda ganacsato ku nool Gunbux oo ku lahaa.
Xoolo-dhaqatada hore ee billaaabay kalluumaysiga in ay la qabsadaan badda waxaa kaalin wayn ku leh kalluumaysatadii hore badda ugu jiray oo u fidiyay taageero buuxda sida uu sheegay Faarax guuleed oo ah guddiga iskaashatada Gunbux.
Wuxuu sheegay in ay si is xilqaan ah ku siiyaan tababarro kala duwan oo u sahlay in ay muddo kooban iskood u shaqaystaan.
Waxaa la baray xirista shabaagaha, quusidda badda iyo wadista doomaha Inkasta oo ay ka dhigeen xirfadlayaal haddana waxaa jira cillado aysan xalkooda hayn. Waxaa ugu wayn qalab la’aanta.
“Dadkaan waxaa la rabay in hay’ado samafal ah ay caawiyaan oo ay ka caawiyaan waxyaabo badan sida qaboojiyaasha iyo wixii kale oo ay qalab u baahan yihiin laakiin ma aysanhelin. Haddaba sidii ay isku xalin karaan ayay isku caliyaan laakiin in la caawiyo ayy aad ugu baahan yihiin.”
Dhibaatooyinka ay keeneen isbeddelka cimilada ayaa si wayn u saameeya sanad kasta kumanaan qoys oo soomaali ah. Roob yarida soo laalaabata ayaa ka mid ah waxyaabaha saamaynta ugu xooggan ku yeesha xoolo-dhaqatada iyo beeralayda.









